Sign in to follow this  
oba hiloowlow

War deg deg ah, Golaha Wasiirada Xukuumadda kmg ee Soomaaliya oo lagu dhawaaqay (Akhr

Recommended Posts

Raaisal Wasaaraha xukuumadda kmg ee Soomaali Maxamed C/Laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa caawa ku dhawaaqay Golaha Wasiiradiisa ee xukuumadda kmg ee Soomaaliya.

 

Xaflad balaaran oo ka dhacday xaruunta madaxtooyadda ee Villa Somalia ayaa wuxuu Raaisal wasaaraha ku sheegay in Golaha Wasiiradiisu ay yihiin wasiirada hoos ku qoran.

 

1-Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibada, Max’ed Cabdullaahi Oomaar

 

2-Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Max’ed Xaaji Fiqi .

 

3-Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga Prof Cabdi Wali Max’ed.

 

4- Wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/shakuur Sheekh Xasan Faarax e

 

5-.Wasiirka Maaliyadda iyo Lacagta Xuseen Cabdi Xalane

 

6-Wasiirka Haweenka iyo Arimaha qoyska Maryan Khaasim Axmed .

 

7- Wasiirka beeraha iyo Xanaanada Xoolaha Yuusuf Macalin Amiin Baadiyoow

 

8- Wasiirka Caafimaadka iyo xariirka Bulshada Dr. Aadan Xaaji Ibraahim Daa’uud

 

9-Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo isgaarsiinta C/kariim Xasan Jaamac.

 

10 Wasiirka arimaha bulshada, hormarinta Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Sportiga Cabdi Nuur Macalin Max’uud

 

11- Wasiirka Kaluumeysiga iyo qeyraadka badda Dr. Max’ed Macalin Xasan Max’ed

 

12 Wasiirka dekadaha gaadiidka badda cirka iyo dhulka Axmed Cabdi Raxmaan

 

13 Wasiirka Dastuurka Federaalka iyo dib u heshiisiinta Max’uud Max’ed

 

14 Wasiirka howlaha guud iyo iyo dib u dhiska C/rashiid Khaliif Xaashi.

 

15- Wasiirka Macdanta biyaha tamarta iyo Shidaalka C/risaaq Sheekh Muxudiin

 

16- wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare C/nuur Sheekh Max’ed.

 

17- Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Dr Max’uud Cabdi Ibraahim

 

18-Wasiirka Garsoorka iyo arimaha diinta Awqaafta C/laahi Abyan Nuur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Waxaan filayaa waa tallaabo geesinnimo leh oo Mudane Farmaajo ku dhaqaaqay in shakhsiyaad aan ahayn kuwii hore looga bartay inay bulshada wareeriyaan uu keeno inkastoo ay ku jiraan shakhsiyaad si aad ah loo hadal-hayey inay isaga meesha keensadeen.

 

Su'aasha isweydiinta mudani waxay tahay, maxay soo kordhin karaan mas'uuliyiintan cusubi iyo weliba tan ugu daran sidee baarlamaanka loo marsiinayaa? Mala is dhihi karaa waxay tani billow u tahay ka taqalusidda Madaxweyne Sharif Sh. Axmed?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Oba I really hope so too laakiin waxaad ogaataa nimankii mooshinka ku qaraaban jirey baa dowladdaan la horgeyn. Waxaad kaloo ogaataa in dowladdaani tahay midda keliya ee ay ka dhexmuuqdaan aqoonyahanno aysan da'doodu weyneyn kana daacadsan kuwii hore, dowlado shisheeye oo Itoobiya hormuud u tahayna aysan taasi u cuntamayn kuna dedaalayaan inay fashiliyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Xasha, Haatu ma isku billownay? Illeen wax walba waa la iskaga hadlaa? How about haddii kulligood qaraabo nahay? Weli meel maku xanuutay? :D Cayaarta intaan iska deyno ciddoodu waxba ku tari mayso ee gacmo-furan ku soo dhawee.

Wax wada fiican lama helo balse khayr baan shakhsiyan ka filayaa, waayo intaan ka aqaan aqoonna waa huwan yihiin, dhibaato ay ka shaqeeyeenna ma maqlin, balse wakhtiga, kartidooda, caddaaladdooda iyo sidii Soomaalidu u soo dhaweyso ayaa waxqabadkoodu ku xirnaan doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

18 is still little too many. Somalia is a tiny country with not so many population, I say it needs no more than 10 minister s.

 

Nevertheless, allow dalka nabadee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

^18 is an improvement from 30 something nooh. I hope the xildhibaanada iney ansixiyaan ASAP so that the fresh faces can get to work.

 

Kudos to Nur Cadde, err I meant Farmaajo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good list, Maryan Carif is a nice selection also the son of the Ahlu Sunna chief made it instead of Ahmed Abdi Salaan. As long as Ibbi and othe clowns are out its a good thing all round....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Originally posted by Mayaani:

Dawladani inay shaqanaysa ayaan u malaynayaa maxaa yelay Nina iyo Duke baa is raacay. Viva Somalia

:D how dare you say that? Duke waxaan isku nahay liin iyo caano.

:D:D

Viva Somalia!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this