Sign in to follow this  
A_Khadar

Tifaftiraha W/Cusub Dahir Alosow oo ka sheekeyey Kulan uu la yeeshay Garadka guud SSC

Recommended Posts

A_Khadar   

Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac oo ah Garaadka guud ee beesha *********** ayaan telefoonka kula hadlay 23 November 2010 mar ay saacadu ku beegneed 9:30 fiidnimo ee saacada Africa ka dib markii aan ka war helay in Garaadka ila joogo Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya oo aan socdaal hoowleed ku joogay.

 

 

 

Garaadka oo ay ahayd markii ugu horeeysay taariikhda ee aan telefoon kula hadlo,waxaan u sheegay inaan salaan ugu tegi doono,anigoo ku gaabsaday waxaa i wehliya rag badan oo masuuliyiin ah.

 

24 Bisha oo ku beegneed habeenkii aan wada hadleeynay maalintii xigtay ,3:30 galabnimo ayaan u dhaqaaqnay Hotelka ay deganaayeen Garaad Jaamac,Madaxweynaha SSC Mr Xaglatoosiye iyo Wasiirkiisa arrimaha dibadda.waxaana gaarnay 10 daqiiqo kadib,oo ku toosneed xilligii aan balanta kulanka dhiganay.

Intii aan ku soconay Hotelka iyo mudadii aan saarneeyn wiishka ama leftiga na geeynayay qolkiisa waxaaan niyada iska waydiinayay muuqaalka Garaadka iyo da’diisa maadama aanan waligeey arag sawir ahaan iyo Live.

Niyadeyda waxay sawiraneysay ugu yaraan Garaad Lixdan jir ah,waxaa sawirka nuucaasa i siinayay xilkiisa culus ee Garaadka guud,marna kuma fikireeyn sida xaalku noqday.

Waxaa i wehliyay Masuuliyiin uu ka mid yahay Safiirka Somalia u fadhiya Kenya Amb Mohamed Ali Amerika,waxaana xusid mudan dhamaan masuuliyiinta ila socday waxaan ka wada sineeyn qiyaasta iyo fikrada Garaad Jaamac.

Markii aan ka degnay leftigii na siday,ilinkiisa waxaa nagu sugayay wiil dhalinyaro ah,oo markiiba aqoonsaday Amb Amerika laakiin aniga sedex jeer markii uu fiiri ii celiyay si filan waaya iigu yiri ” Waa wareey,waar ma Dahir Calasowbaa”? haa ayaan si degan u iri,maxaa yeelay waxaan wejigiisa ka akhrisan karay inuusan iga fileeyn Nairobi.

Wiilka aanan magaciisa waydiin wuxuu noo sheegay balanteena Garaadka kadibna wuxuu noola dhaqaaqay Apartmentiga uu Garaad Jaamac deganaa.

Wax ka yar daqiiqad ayaan tilaaba qaad sameeynay,waxay indhaheeygu qabteen nin dhalinyar oo taagan qol hortiis,indhahiisuna ay na soo eegayeen,waxaan u gartay inuu ka mid yahay wafdiga la socda Garaad Jaamac ama inuu yahay wiilkiisa.

Wiilkii nala socday ayaa nagu yiri”Waa kaas Garaad Jaamac idinku sugaya ilinka gurigiisa,taasi waxay igu noqotay lama filaan guud ahaan bedelay sawirkii aan hore u heystay,.

 

Read More

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxyar kadib markii Maamulka Hotelka nagu wargeliyay in gaarigii i qaadi lahaa diyaar yahay ayuu Garaad Jaamac i soo raacay,isagoo iga diiday inuu iga haro ilaa aan ka galo gaariga ii taagan hasse yeeshee markii aan qolkiisa dibadda uga soo baxnay ayaan u sheegay inay hoos igu sugayaan,ilaalo ka tirsan Madaxtooyadda Kenya :D:D:D oo amaankeeyga qaabilsan mudada aan joogo Kenya.

 

Garaad Jaamac ma aqbalin inuu iga haro,ilaa aan hoos u degno,uuna indhahiisa ku arko :D ilaalada dibadda ii joogtay.

 

Hadhow baa lagu oran Xasan waa fiyowyahay

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Xiin, adigu Ilaah baan kugu dhaarshee Alasow ma inuu fayowyahay bey kula tahay :D

 

 

isla maqaalkan markuu qorayey wuxuu qorey maqaal akle isla maalinkaa asagoo leh waxaan la socdaa wafdigii Madaxweyne Darmaan oo Europe ka kicitamey dhankaa Mareykankana u socda, waliba uu soo dhajiyey sawir isaga iyo Darmaan oo airportka sii galaya :D

 

 

PS: Alasow mar dhaw buu yurub tahriib ku yimid, 2 sano wax dhan ayuu Holland hada joogaa, dee naga daa, ninka taariikhdiisa oo buuxda anagaa heyno yaanan soo qufinee

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ :D:D:D

 

Fiiri, waxay ugu darnayd markii Ibrahim Hawd oo nin aan suugaanta ku tixgeliyyo ah uu Calasow mooday nin fayow oo uu maqaalka dheer ka qoray :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ :D:D Qoraalkaas ma wuxuu Ibraahim Hawd qorey markii sheekadiisi caanka aheyd ee saddex nafood uu Alasow soo daabacdey yirina W/Q Alasow :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Nuune ninka adigaa yaqaane, ma bribe (laaluush) kuu qaataa? Waxaan xasuustaa isgaoo somaliland u ololeeya, and now wuxuu taagan yahay somaliland iyo puntland waa baaba'e.

 

Any reason behind this peice, at least many things are true about the ssc and its leadership and supporters...way dhaqaaqeen...

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Nevermind Culusow,.....

 

Xaglatoosiye,dhamaan sheekadiisa kama muuqan Isir naceyb,wuxuu ku taamayay in maamulka SSC ay ka mid noqdaan dhamaan beelaha dega Sool,Sanaag iyo Ceyn sida **********ga,******iniga,*********ka,Samaroonka iyo Isaaqa qaarkiis sida Garxajiska iyo Habarjeclo.

I get it, the man wants to be the president of SL. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

LOL. So now Xaklotoosiye realises a mamuul just for his group won't work. I don't get why he included those of awdal though they don't even live in SSC regions. The rest la gartay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this