Sign in to follow this  
AYOUB

Djibouti President's Eid Message

Recommended Posts

AYOUB   

Hargeysa(Oodweynenews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa markii u horaysay bogaadiyay nabadgelyada iyo kala dambaynta ka hirgashay Somaliland 17-kii sannadood ee u dambeeyay, halka dalkii Somaliya ee ay xoriyadeeda kala soo noqotay uu weli lugaha kula jiro dhiiqo colaadeed.

 

Md. Ismaaciil Cumar Geelle, oo shalay khudbad dheer oo ku waajahan munaasibadda ciidal fidriga ka jeediyay Madaxtooyada Djibouti, waxa uu si guud uga hadlay xaaladda wadankiisa isaga oo soo hadal  qaaday dagaalkii dhawr bilood ka hor dhex maray wadankiisa iyo wadanka Ereteriya, sicir bararka dunida ka taagan oo wadankiisana saamayn ku yeeshay, xaaladda Gobolka Geeska Afrika, oo uu si gaar ah uga hadlay dalka Somaliya oo ay colaado daashadeen iyo arrimo kale.

 

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo ugu horayn ka hadlaya dagaalkii ay wadankiisa dhawaan ku soo qaaday dawladda Ereteriya, waxa uu yidhi, “Nimcad weeye inay dadkeenu dalkooda midnimo ku difaacaan, xaqa marka aad ku joogto wax kastaa waxba kuma yeelaan. Adduunku wuu noo marag furay dhammaantii, ururada caalamiga ahina Carab iyo Islaam, Afrikaan iyo Faranji iyo Qaramada Midoobay waxa ay na siiyeen inay raggaasi [Ereteriya] gardarada lahaayeen, gartana ay Djibouti leedahay.” ayuu yidhi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxaanu isaga oo ka hadlaya dafiraadii ay Ereteriya dafirtay inay Djibouti weerartay, uu yidhi, “Falaadhi gilgilasho kaagama go’do ayaa la yidhi, ninka dafiraya ee waxba ma dhicin lihina isagaa yaqaana.”

 

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo ka hadlayay dhibaatada ka taagan dalka Somaliya, waxa uu siyaasiyiinta Somaliya ugu baaqay inay u hawlgalaan sidii ay u soo afjari lahaayeen dhibaatada wadankaas ku habsatay, “Somali in la gargaaro waa la iska diiday gaal iyo islaamba, umadda carbeed ee walaalaheen ahi markasta oo ay u soo hanqal kacaan, waxa la odhanayaa rasaas ayay laba walaal ahi isku dhufatay, markaas ma waxa la odhanayaa ma dadkan islaynaya ayaan wax u qabanaa.” Ayuu yidhi Madaxweyne, Geelle, waxaanu intaas raaciyay, “Sidaas ayay niyad jab ugu dhacday dadweynaha Carbeed dhammaantood, markaas ragga madaxda ah ragga la talinaya waxaan leenahay si daacad ah ula taliya oo danta umadiina dhimanaysa ula taliya.”

 

Mar uu la hadlayay isbahaysiga dib u xoraynta Somaliya, waxa uu yidhi, “Isbahaysgiga waxa laga doonayaa wixii dad ka maqan inuu soo urursado, kuwii ka cadhooday inuu keensado, kuwa rasaasta ridaya inuu kala soo baxo, ka shaydaanka ah waa lala wada dagaalami doonaa markaas. Waxa loo baahanyahay kaas Asmara lagu ootayna inaad ka soo saartaan, wax khayr ah oo xaggaas jiraa inaanu jirin iyaguba way iska garanayaan, arrinta Somaliduna 2007 may bilaabin ee horteed ayay bilaabmatay, haddii ay reer Asmara Somalida jecelyihiin inay wax u qabtaan Somalida, laakiin yeeli mayno waanu fashilnay raggaasna laga aqbali maayo, ajaanibka lagu marmarsiyoonayaa way iska baxayaan haddii ay iyagu rabshadda joojiyaan.” Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxa uu si adag u naqdiyay dadka ka tirsan shacabka Somaliya ee la toogto iyagoo masaajid ka soo baxay.

 

Madaxweyne Geelle waxa uu siyasiyiinta iyo shacabka Somaliya ugu baaqay inay ku daydaan dadka iyo dawladda Somaliland oo dalkooda ka hirgeliyay nidaam iyo kala dambayn, waxaanu yidhi, “Dadkaas agtooda ah ee Somaliland hambalyo iyo bogaadin ayay muteen, 17-kaas sanno marka ay ka badbaadiyeen haliga dadkooda, laba shir oo qudhaata intay qabsadeen ayay dhammaysteen oo ay nabad iyo degenaansho ku noolaysiyeen dadkoodii. Ixtiraam ayay mudanyihiin inay eegtaan oo ay yidhaahdaan waar ragani [somaliland] maxay yeeleen, iyaguba qabiilo way leeyihiin ee sidee ayay u kareen inay midoobaan oo ay mucaarad iyo muxaafid, oday iyo guurti iyo mid kastaba ay wada hadlayaan, haddii khalad yimaadana halkaas lagu dhammaynayo iyadoon rasaas la isku ridin.”

 

Dad tiro badan oo reer Djibouti ah oo khudbadda Madaxweynaha dhagaysanayay kuna sugnaa xarunta Madaxtooyada, ayaa markii uu ku dhawaaqay weedhaha Somaliland ku saabsan, waxa ay bilaabeen sacab iyo mashxarad kala go’I weyday oo sababtay inuu Madaxweyne Geelle qadar aamusnaado, dabadeedna khudbadiisa ku soo gebagebeeyo ciid wanaagsan isaga oo dhoola cadaynaya.

 

 

Source:  Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol@Ayyuub,

 

Riyaale markaan SL buu ku sheegay khudbaddiisa ciidda, and Ayyoub doing what he does best, hunting cues for SL recognition, thought Geelle's speech is a newsworthy :D .

 

Dadkii qoloba meel bay ku xaraysantahay walle!

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Dadkaas agtooda ah ee Somaliland hambalyo iyo bogaadin ayay muteen, 17-kaas sanno marka ay ka badbaadiyeen haliga dadkooda, laba shir oo qudhaata intay qabsadeen ayay dhammaysteen oo ay nabad iyo degenaansho ku noolaysiyeen dadkoodii. Ixtiraam ayay mudanyihiin inay eegtaan oo ay yidhaahdaan waar ragani [somaliland] maxay yeeleen, iyaguba qabiilo way leeyihiin ee sidee ayay u kareen inay midoobaan oo ay mucaarad iyo muxaafid, oday iyo guurti iyo mid kastaba ay wada hadlayaan, haddii khalad yimaadana halkaas lagu dhammaynayo iyadoon rasaas la isku ridin.”

 

Geelle is just an opportunist ,,,, he is trying to go with the waves to look like the big boss.

 

Not a big deal ,,,,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Xiinow, rabbit punch from "garabka Djibouti" is totally harmless so don't bother swinging my way. smile.gif

 

There was something for for everyone in that messages but you just don't get it. I'll give you 120 to decipher... ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ayyoub,

'Rabbit punch' or not, there is a reason why you bothered to quote Geelle’s message this time. I hazarded a guess that the reason good Ayyoub did this is he spotted a dedication of one paragraph for SL in the presidential speech! And that did it for him!

 

Typical SL supporter’s fishing in the political shallow pools.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^One paragraph is all one needs. This was speech for Djabuuti not for somaliland. Therefore by praising somaliland in a passage within his speech to his citizens just about does it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Apparently it didn’t do it for you!

Yet your premise is so SNM like adeer. Jabbuuti always praises SL people and the stability they achieved. We all do. Its objection to the notion of a northern secession however has not changed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Surely Mr Geelle realises how his words are going to be used by the Somaliland media! Meyo eska hadlaya mese ogaan bu cid qandhiifinaya, Xiino? ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

I did my best to help my fellow Burcawi out but I think now we'll have to await his reply. :D

 

Back in ten hours. Salaam.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

lol@ saa dooneyso u qaado, indeed, good job Ayoub, anigu si kale ayaan u qaatey oo ka duwan saad idinka u qaadateen.

 

As far as I can tell, there is good relationship between Djibouti & Somaliland at the moment, few years back xiriirkoodu wuu xumaa, that was when Djibouti tried to invite Somaliland to shirarkii Jabuuti lagu qaban jirey ee Soomaaliya.

 

Another word, Geele is saying to Somaliland, no more inviation to the Djbouti conference since the outcome will be always the same, NOTHING,

 

Madaxweyne Geelle mar allaala markuu damco inuu casuumo Somaliland, waa barigii hore, waxay ugu jawaabi jireen oo adba Somaliweyn ayaad ka tirsanaan jirtee wana kaa dowlad baad tahayee qeelada naga la tag oo ammaan aan kaa helno waxaban hana ictiraafin hadaad doontee.

 

Markiibaa ugu danbeesay Gheele inuu shirar danbe kala hadlo Somaliland ama ku casuumo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Ciid Mubaarak xaaji Nunka!

 

We agree on Geelle’s professional massage therapy! I agree with his approach. waxay saas ku dhaanto malaha! Zenawi miyyuu ka liittaa. Waa inuu xiriir lasammeeyya dhinacyada oo dhan si uu influence ugu yeesho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this