Sign in to follow this  
Emperor

Puntland to initiate and host an inclusive Somali peace conference

Recommended Posts

Liqaye   

War ninyahow ma suuxdhinyow aad qabta? He was just getting into the spirit of things and i dont feel he ment to offend! Just when we were getting off usual service oo odweyne inuu neeflow yahay la gartay uun baad pre programed response service of betters iyo elder uun baad kuso noqoteey! Wala kaftameyey ee rer miyi nimadha ba ka muuqata.

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOOOOOOOOOOOOOOOOL@THE TOPIC ,,, :D

 

 

Horaan idiinku sheegay ,, odaygii kaabe qabiil buu ku dambeeyay ,,, intaa in ka badan ma qarsan karo dee ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Maamul goboleedka Puntland oo qabanaya Shirki dibuheshiisiin ugu horeeyay ee kadhaca gudaha Somaliya.

 

Madaxwaynaha Puntland Cadde Muuse ayaa shaaca kaqaaday inay marti galin doonaan shirwayne ay kasoo qayb galaan dhamaan shacabka Somaaliyeed kasoo sida uu sheegay ay ujeedadiisu tahay inay isku soo horfariisiyaan xubnaha isaga soo horjeeda Siyaasada, ururada bulshada iyo shacabka laguna qabto gudaha Somaliya. Cadde Muuse ayaa sheegay in Puntland ay howshaas fulinayso bilaha fooda nagu soo haya kadib doorashooyinka Madaxtinimo ee Puntland, isagoo sheegay shaqsi kasta ee kuguulaysta xukunkana uu hormuud kanoqon doono gogoldhiga iyo martigalinta mudanayaasha kasoo qaybgalaya Shiraan cusub. Shirkaan ayaa lasaadaalinayaa inuu furmi doono bisha February ee Sanadka cusub oo qabanqaabadiisuba hada horay usiibilaabatay.

 

Madaxwaynaha ayaa sheegay inay madaxda dowlada federaalka ay taageersanyihiin uuna ogaysiiyay Madaxwayne Abdulahi Yusuf iyo Ra’iisal wasaare Nuur Cade oo ayagu mudooyinkaan danbe ay udhaxaysay xorgaftan Siyaasadeed. Dhaqaalaha kubixi doona shirkan ayaa lasheegay inay bixin doonaan dowladaha Kuwait iyo Qadar. Waxaa lafilayaa dabayaaqada bishaan in wafdi kasocda dowlad goboleedka Puntland ay gaaraan Jabuuti, Sudaan, Saudi Arabia iyo dowlado kale oo carbeed.

 

 

Khaalid yariissow

Yariissow01@hotmail.com

Bosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Xukuumada Puntland ayaa soo saartay qoraal ay uga hadleyso Shirkii ugu dambeeyey ee lugu gaaray Magaalada Jabuuti

 

Heshiiska ay Saxiixeen Axmed C/Salaan Aaden iyo Wakiilka Isbaheysiga Dibu xoreynta Soomaaliya 26-kii November,2008, luguna saxiixay dalka Jamhuuriyada Jabuuti, wuxuu abuuray su’aalo hor leh oo xiisad kiciyey intii laga filayay jawaab waafi ah.

 

Bayaankan ama Warsaxaafadeedkan ayaa uqornaa Sidan.

 

DAWLAD GOBALEEDKA SOOMAALIYEED EE PUNTLAND,

WARSAXAAFADEED.

 

Heshiiska ay Saxiixeen Axmed C/Salaan Aaden iyo Wakiilka Isbaheysiga Dibu xoreynta Soomaaliya 26-kii November,2008, luguna saxiixay dalka Jamhuuriyada Jabuuti, wuxuu abuuray su’aalo hor leh oo xiisad kiciyey intii laga filayay jawaab waafi ah.

 

Heshiiskaas oo uu dhexdhaxaadinayay gacana ka geystay Xaafiiska Qaramada Midowbay uqaabilsan Siyaasada Soomaaliya ee (UNPOS), meesha kamay saarin kaalintii aqlabiyada Soomaalidu ku lahayd balse, wuxuu shakigalinayaa dowrka QM kaga jiraan xaalada dalka Soomaaliya.

 

Heshiiskii Jabuuti waxaa qabanqaabiyey Koox yar iyo taageerayaashooda.

 

Dawlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyo Shacabkeeduba waxa ay layaabeen waxa ku khasbay QM, xaafiiskeeda Siyaasada Soomaaliya, in uu dabamaryeeyo dibu-uheshiisiinta Soomaaliya, si ay koox yari uga faa’iidaysato, luguna dulmiyo Umada inteeda kale.

 

Taageerada uu xaafiiska Qaramada Midowbay uqaabilsan Soomaaliya heshiiskaasi ma aha oo kaliya mid xoojineysa ujeedada kooxdaasi ku curyaamineyso Xukuumada Federaaliga ah KMG ee Soomaaliyeed, balse waxa ay Mustaqbalka sii xoojineysaa Xasilooni darada dalka Soomaaliya.

 

Kooxdan yari waxay ka mideysan tahay diidmada Axdiga dawladda Faderaalka KMG ah ee Soomaaliya (TFG), kaasoo ah isku xiraha Dawladda Faderaaliga ah Iyo Xukuumad gobaleedyada ay ka kooban tahay dawlad gobaleedka Puntland ee Madax banaan.

 

 

Heshiiskan Djabuti mahan oo kaliya mid ku qaldan sida loo abaabulay oo kaliya, balse Hadii aan laga hortagin qodobadii shirkaasi Xaqiiqo ahaan waa mid dalka uhorseedaya bur-bur hor leh, isla markaasna circa ku shareeri doona Siyaasada dalka oo horeyba ucakirneyd.

 

Saxiixayaasha Heshiiskaasi waa kuwa aan cidna kalsooni ka heysan una lahayn awood ay ku qabtaan talaabo noocas ah, iyagoo aan horey ugala tashan dawladii Puntland oo ka talisa Dhul baaxadiisu dhan tahay Sadex meelood meel ka mid ah dalka Soomaaliya (1/3), ayna ku nool yihiin dad dhan 3 Milyan oo qof.

 

Dawladda Puntland ayadoo ka duuleysa waxyaabaha ay kor ku xusan waxa ay go’aansatay.

 

1.Heshiiska dhexmaray 26,11,2008 labada qeybood oola yiri waxa ay ka kala socdeen Xukuumada Faderaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dibu-xoreynta ma aha mid ku fadhiya Sharciyad, Masuliyad & Xaq soor.

 

2.Xaafiiska Qaramada Midowbay uqaabilsan Siyaasada dalka Soomaaliya ma ahan mid ku dhexdhaxaadiyey niyad sami qaybaha kala gedisan ee isku haye Siyaasada dalka Soomaaliya, balse waa mid si bareer gacan usiiyey koox masuul ka ah qalalaasaha dalka Soomaaliya ka socda.

 

Sidaas Awgeed Puntland ayaa gaartay qodobadan.

 

1.Dawladda Puntland waxa ay si buuxda uga soo horjeedaa heshiis ku sheegii Jabuuti ee gaarka ahaa luguna saxiixay dalka Jabuti 26,Nov,2008.

 

2.DGPL waxa ay ku baaqeysaa in lays kugu yimaado shir cusub ee dibu heshiisiineed kaas oo ay ka soo qeybgalayaan wakiilo rasmi ah oo ka imaanaya Shacabka Soomaaliyeed.

 

 

3.DGPL waxa ay ka fiirsaneysaa talaabada kaga haboon oo ay ka qaadi lahayd go’aamadii shirkii dalka Jabuuti iyo shirqool kasta oo lugu mijo xaabinayo Nidaamka Faderaaliga ah.

 

NABADGALYO

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Now the Prime Minister Nur Ade is accusing parliament speaker, Aden Madowe....

 

Ra'isulwasaare Nuur Cade Oo Ku Eedeeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe In uu Ka Soo Horjeedo Hanaanka Dib U Heshiisiinta Soomaaliya.

 

Ka dib Ra'isulwasaare Soomaliya Nuur Xassan Xussen Nuur Cade uu booqoshooyin gaaban ku tagay magaalada Muqdisho iyo Baydhaba ayaa wuxuu dib ugu soo laabtay magaalada Neyroobi ee dalka Kenya oo maalmahan xaruun kmg u aheyd Ra'isulwasaraaha.

 

Ra'isulwasaare Nuur Cade ayaa shir ay ilbaabada u xiran yihiin wuxuu magaalada Baydhaba kula soo yeeshay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe sida ay warar xog ogaal ahi ay sheegayaan in shirkaasi uu Ra'isulwassaare Nuur Cade ku codsaday in Gudoomiyaha uu ugu hiiliyo ansixinta wasiirada cusub iyo heshiiska Jabuuti, waxeeyna wararku sheegayaan in Gudoomiyaha Baarlkamaanka Soomaaliya uu usheegay Ra'isulwasaaraha in uu isaga yahay gudoomiye barlamaan ayna u sii dheertahay shaqsi xildhibaan ah isla markaana uu ku qowracan yahay codka baarlamaanka meeshuu u aqlibilayadiisu u bato.

 

Warar aanu ka helnay xafiiska Ra'isulwasaaraha Soomaaliya ayaa waxeey sheegayaan in waraqad loo qoray Internatoinal Cummunitayada ku sugan magaalada Neyroobi kana turjumeysa socdaalka maanta uu Ra'isulwasaraaha ku gaaray magaalada Baydhaba ay ku diyaarsan tahay xafiiska Ra'isulwasaaraha Soomaalia qoraalkaasi oo lagu sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya uu ka biyo diiday hanaanka nabada Dib u Heshiisiinta iyo ansixinta wasiirada uu magacaabay Ra'isulwasaaraha Nuur Cade.

 

Ra'isulwasaaraha Soomaaliya Nuur Cade ayaa kal hore sidan oo kale ku tilaabsadey ka dib markii Madaxweynaha Soomaaliya Md C/llaahi Yusuf Axmed uu kaga daba tagay isbitaalkii uu ku sugnaa Madaxweynaha kuna marayey check upka ee magaalada London isaga oo watay yool siyaasadeed oo ahaa in madaxweynaha uu ka saxiixdo wasiiro Ra'isulwasaare Nuur Cade la fikir ahaa.

 

Madaxweyne Yusuf ayaa waqtigaasi wuxuu ka codsadey Ra'isulwasaaraha in aysan munaasib aheyn waqtigaan in uu ka hadlo ama uu saxiixo golaha wasiirada soomaaliya oo sida wararku sheegayaan ay horey ugu balameen in golaha wasiirada ay noqdaan kuwo waxtar leh isla markaana wata kalsoonida beelaha ay ka soo kala jeedaan balantuna ay aheyd in magaalada Muqdisho ay ku kulmi doonaan marka Madaxweynaha uu soo dhameysto checkh upka caafimaad.

 

Ra'isul wasaare Nuur Cade ayaa markuu Magaalada Neyroobi dib ugu soo noqday warqado qoraal ah u gudbiyey Iternational Cummunitayada ku sugan Magaalada Neyroobi shir jaraa'idna ku sheegay in madaxweynihii uu diiday golahiisa wasiirada uu magacaabay, wuxuu kaloo qoraaladaasi uu Ra'isulwasaare Nuur Cade ku sheegay in Madaxweynaha Soomaliya uu ka soo horjeedo hanaanka nabada iyo dib u heshiisiinta.

 

Hadaba Ra'isulwasaare Nuur Cade oo isticmaalaya xeeladii uu u isticmaalay Madaxweyne Yusuf ayaa markale wuxuu damacsan yahay in uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe uu u isticmaalo , waxeeyna wararku sheegayaan in Ra'isulwasaare Nuur Cade uu Shir Jaraa'id uu qabandoono isaga oo ku sheegi doona in Gudoomiyaha Baarlamaanka Sooomaaliya Sheekh Aadan Madoobe uu ka biyo diidsan yahay Hanaanka Nabada iyo Dib u Heshiisiinta faragalin shisheeyana ay meesha ka marneyn oo uu ula jeedo dowlada Etiopia.

 

Shube C/kariim Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Oodwayne Adeer you are as gullible and politically naive as you ever been, PL is part and parcel of Somali and its leaders are playing the ball and taking a stance about the latest development. It's not like the confused headless static-robot, the predictable Riyaale, the crying 'waa go'nay bofoon'....

 

Unlike your small, weak and isolated traingle, Puntland is strong and that's why it takes risks, forms outside connection to counter the Ethio-Djibouti link. Yey is stil the Somali President and has the support of the majority of the Somali parliamentarians and his former ministers, his guards and forces are still holding ground in Mogadishu and even repelled an attack from the newly named Admin by Nuur Cadde ( with the help of the Ethiopians) only today.

 

Wait and see how things unfold in the next few weeks or months, wait and see, don't rush in or else you will rush out as you always do :D ...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Nuur Ade failed to convince the Somali parliament and got back with embrassment.

 

 

------------------------------------

Faafaahin:- Ku Saabsan Shirkii Dhaxmaray Raiisul-wasaare Nur Cadde iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe.

 

Waxaa maanta ka degay Baydhabo,xarunta barlamaanka somalia Ra/isulwasaare Nuur cadde oo ay wehliyeen 5 xildhibaan oo Nairobi ka soo raacay.waxay markii hore ku degeen Airport Muqdisho oo ay saacad kadibna uga sii gudbeen airport Baydhabo.

 

Nus saac kadib wuxuu la shiray guddoomiyaha barlamaanka oo ay wehliyeen xubno ka tirsan guddi-hoosaadyada barlamaanka,waxaana uu soo bandhigay ujeedadii socdaalkiisa oo uu ku sheegay inuu Barlamaanka u soo gudbinayo xubnaha cusub ee liiska golaha wasiirada ee uu Madaxweyne Yusuf hore ugu diiday.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aden Madoobe iyo xubnaha kale ee la shiray Ra/iisulwasaare Nuur cadde,waxaa la hor dhigay xeerka barlamaanka ah sida gole xukuumaded uu R/wasaare barlamaanka u hor keeni karo oo ah mid leh qaab isku shaandhayn ah oo madaxweynuhu soo raaciyo warqad sharci ah iyo gole xukuumadeed oo dhan(buuxa)oo loo rabo kalsooni-siin oo iyada uu warqad sharci ku soo lifaaqo madaxweynaha.

 

Nuur cadde markii meel uu ka maro uu waayey labada sharci-barlamaan ayna suuragal noqon wayday in Gudoomaiyaha Baarlamaanka Aden madoobe soo dabco,isaga iyo xubnihii la socday waxay dib uga dhoofeen baydhabo iyagoo u amba-baxay Nairobi,sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal .

 

Sida muuqatana wareegii hore ee taageeradii buuxda aheyd ee barlamaanka uu ka helo Nuur cadde halkaa ayey ku dhamamtay.

 

Illo lagu kalsoon yahay oo ku sugnaa shirka ayaa waxeey sheegeen in xubnihii barlamaanka ee la shiray Nuur cadde oo uu horkacayey guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Aden madoobe waxaa markii la soo qaaday shirkii nabadda Jibouti tallooyinkii ka soo baxay loo sheegay in cidii dawladda u soo saxiixday heshiiska ay qoraal faahfaahsan iyo heshiiskii oo buuxda soo hor dhigto barlamaanka ayna tahay in markaas kadib barlamaanku uu ka doodo,go'aana ka gaaro,tas oo soo gunaanaday jab siyaasadeed iyo Nuur cadde oo ku soo hungoobay Baydhabo.

 

 

Shube C/kariim Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Carmooyin@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
money   

bunch of qabiilist loosers- that is what Yeey and Adde Muse are!

 

All Somali factions are devoid of reasoning walaahi. some of them are hardened by years of bloodshed and barbarism and some are just sick with primitive disease of regionalism and clan allegiance. the so-called Puntland leaders are just prime example of what is wrong with Somalis.

 

Puntland and Somaliland enjoyed peace for quite sometime. Puntland supported the TFG and were happy with the Ethiopian occupation of the country as long as their warlord was in power and being protected by Ethiopian tanks. Now he is isolated and ailing,and beaten in the political game by other traitors and warlords from the other regions, they are threatening to succeed from Somalia. That will not work as it didn’t work for Somaliland. Disagreeing with Djibouti process is understandable but being so clannish is beyond me. Who cares if the entire parliament is from Puntland or Hiiraanland or Jubbaland or Banaadirland? well breaking up the country into fiefdoms is what Ethiopia always wanted and thanks to the blind loyalty to the sub-clan, Somalis are doing this for them.

 

We want peace. It is that simple. Peace is what the ordinary people of Somalia want. not seats or power or offices of government. They want life and what is the key to life: having peace, shelter and food in reverse order. But that comes at a price, some people need to see the bigger picture, have common sense, reason and compromise. None of the buffoons who call themselves see that now. They see sub-clan and are sick. They use clan card to control ignorant and starving people. when you have violent groups and wars everywhere, it’s difficult to think and to reason. I would suggest and ask the players, actors and bosses of Somalia to give all seats to Puntland. Let us award the seats to Puntland and even to Somaliland. Let us appoint all offices of power to people from Puntland. Puntlanders You want seats. Have them all. You want Somalia, unity and peace, then simply change your perspective and know that Somalia is not a sub-clan. Other clans too. Somalia is not a sub-clan. we are in the 21st century. The world is progressing while we are regressing to Stone Age mentality. I support no faction. Not Shabaab, not Shariif, not warlords, no one actually. My whole belief and trust system in the Somali groups is damaged and beyond repair. I want alternatives. I want modernity. I want peace and life. Who could think out of the clannish and factional box and guarentee me that peace will come in my lifetime and that the next generation will have better life in Somalia and kids will go to schools and enjoy playing soccer in Somali beaches? who could guarentee that? Not Yeey, or Adde, or Aweys or Shariif. None of them is capable of that. I know some Somali kids in Berbera have that or some in Djibouti have that cos I saw it. Why that can't be replicated all over Somalia in place like Mogadishu, Merka, Kismayo and Boosaaso or Hobyo?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

Originally posted by Deputy:

An all inclusive shiir done in puntland to be enforced by somaliland peacekeepers.

 

Keep it coming boys.

:D:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thierry.   

Say what Emperor naga daa the current one hasn’t even finished yet. Don’t try to steal our limelight this is the dawn of the Sharifies, Yusifites are yesterdays news. :D

 

These constant calls for conferences and change reminds me of the UKSSA (NinBrown) :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

There is no need for another peace process.

Just strengthen the TFG institutions, bring in international troops to train and equip the Somali forces and keep chasing the clowns around.

 

Puntland needs to keep supporting as long as there is equal clan representation within the Parliment and the Federal charter is not touched.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this