Sign in to follow this  
Jabhad

Ciidamo kabaxsaday Mbagathi group.

Recommended Posts

Jabhad   

Ciidamo ka baxsaday DF

25 Mar 25, 2007 - 12:15:57 PM

 

Ciidamo ka baxsadey Dowlada KMG Somalia ayaa la soo sheegayaa inay gaareen magaalooyinka Baladweyne iyo Buulo Burde ee gobalka Hiiraan.

 

 

 

Ciidamadaan ayaa lagu qiyaasay inay gaarayaan 123 Askari oo iskugu jira Military iyo Boolis ayaa la sheegay inay baxsadkooda ugu weyn tahay kadib markii ay diiden linay galaan dagaalka dowlada ay Muqdisho kula jirto kooxo kasoo horjeeda.

 

 

Ciidamadaan oo intooda badan kasoo jeeda gobalka Hiiraan ayaa la sheegay inay dhowr iyo tobban gaari la baxsadeen iyo h ub aad u fara badan oo dowlada ay siisay.

 

Ciidamadaan ayaa la sheegay inay fowdo ka bilaabeen magaalada Buule Burde isla markaana ay bilalaqeysteen goobo ganacsi oo halkaasi ku yaala iyagoo rasaas xoogan kor iyo hoos dadka ugu riday waloow aysan jirin cid rasaastaasi waxyeelo u geysatay.

 

Muuse Muxumed Cali "Sangaab" oo ah taliyaha watay ciidamada Dowlada ka baxsaday qeybtooda Baladweyne gaaray ayaa sheegay inay aad ugu soo horjeedaan dagaal inay ka galaan magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in dowlada ay wadato qorshooyin hoose isla markaana uu ku eedeeyay inay isku baabi'ineyso dad walaala ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Sangaab ayaa sheegay in ay kasoo jeedaan gobalka Hiiraanciidamada soo baxsaday isla markaana gobolkooda ay ammaankiisa sugayaan ayna wali ka tirsan yihiin ciidamada Dowlada balse dagaal aysan galeyn.

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Ciidamo_ka_baxsaday_DF.shtml

Cabdi Fatax Axmad,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites
ansaar17   

Maxaa ka jira in Ciidamo ka soo goostay Dowladda Federaalka ay soo gaareen Qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan?

 

Isniin, March 26, 2007(HOL): Wararka ka soo baxaya degmooyinka Buula-burte iyo Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in sacadihii ugu danbeeyay ay soo gaareen ciidamo ka soo goostay dhinaca magaalada Muqdisho kana tirsanaa dowlada federaalka Soomaaliya.

 

 

 

Sida uu u xaqiijiyay HOL mid ka mid ah mas'uuliyiinta Degmada Buula-burte markii ay ciidamadu gudaha u soo galeen degmada waxaa ay cirka u rideen Rasaas inta badan qal-qal ku abuurtay dadka degmada oo mar u qaatay in halkaasi dagaal ka qarxay lakiin markii danbe ciidamadu ku macneeyeen in Rasaastu aheyd mid dabaal deg ah.

 

 

 

Tirada ciidamada oo ilaa hada aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa waxaa qiyaastii lagu sheegay in gaarayaan ilaa 100 Askari inkastoo laga yaabo in tiradu intaa ka yar tahay, mas'uulka arintan u xaqiijiyaya HOL ayaa in taa ku daray in ciidamadu ka soo gadoodeen dhaqaale xumo soo food saartay iyo waliba dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada muqdisho oo sida ay ciidamadu sheegeen aysan suurta gal-aheyn in la sii wado iyada oo aan la helin dhaqaale ku filan ciidamada dagaalamaya.

 

 

 

Intii ay jidka ku soo jireen ciidamadan soo goostay ayeey wararku tilaamayaan in uu jiray iska hor- imaad ku dhax maray daafaha gobalka Shabeelada dhaxe ciidamo bar-koontarool joogay walow uusan wax qasaare ah geysan iska hor imaadka dhacay.

 

 

 

Inkastoo warka ku saabsan ciidamadan soo gaaray gobalka Hiiraan uu sheegayo in ay yihiin kuwo soo goostay ayaa dhanka kalana waxaa jira warar kale oo tilmamaya in ciidamada soo gaaray Degmooyinka Buula-burte iyo waliba Jalalaqsi yihiin kuwo halkaa u yimid howlo shaqo lakiin dib ugu laaban doona dhinaca Garoonka Bali-doogle oo fariisin u ah.

 

 

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu soo baxo war sheegaya in jiraan ciidamo ka soo jeeda gobalka Hiiraan oo ka soo gostay waxaana xusid mudan in waqtigii midowga Maxkamaduhu ka talinayeen K/soomaaliya ay ka soo goosteen magaalada B/dhabo ciidamo ka soo jeeday gobalka Hiiraan kuna soo biiray Midowgii Maxkamadaha ee waqtigaa jiray.

 

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

 

diini@hiiraan.com

 

Beledweyn, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this