Sign in to follow this  
AYOUB

MADAXWEYNE RAYAALE OO XILKII KA QAADAY MAXAMED XAASHI CILMI

Recommended Posts

AYOUB   

335-p02.jpg

 

 

Hargeysa (Jam)- Wasiirkii Ganacsiga iyo Wershadaha Xukuumadda Somaliland, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa shalay laga qaaday xilkii Wasiirnimo ee uu ka hayay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale. War-saxaafadeed Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Mr. Cabdi Idiris Ducaale uu soo saaray shalay ayaa waxa lagu sheegay in Eng. Maxamed Xaashi uu Madaxweyne Rayaale xilka kaga xayuubiyay Xeer Madaxweyne NO 019/2004 oo uu shalay soo saaray. War-saxaafadeedku waxa uu xusay sababta Xilka qaadista wasiirku in ay sababtay isaga oo kala afkaar iyo aragti noqon wayaay Golaha Wasiirada intooda kale.

 

“Markii in badan ay kaa muuqatay in aad ka talo duwan tahay Golaha intiisa kale waxa aan gartay in aan kaala noqdo xilkii aad Qaranka u haysay laga bilaabo maanta (shalay)” sidaa waxa yidhi Madaxweyne Rayaale, oo qoraalka xil ka qaadista wasiirka ganacsiga ugu faah-faahiyay sababta uu xilka kaga qaaday.

 

Madaxweynuhu uma magacaabin wasiir cusub jagada uu baneeyay wasiirka uu xilka ka qaaday ee Eng. Maxamed Xaashi Cilmi. Waxes uu amray in uu xilka ku wareejiyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda.

 

“Waxaana xilka wasiirnio intaan cid hanan karta u soo magacaabayo ku wareejin doontaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga, Md. Cabdiraxmaan Yuusuf Ismaaciil” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Madaxweyne Rayaale.

 

Faah-faahin dheeraad ah Xukuumaddu kamay bixin sababta xil ka qaadista Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha oo ka mid ahaa Wasiiradda ugu miisaanka culus Xukuumadda Madaxweyne Rayaale.

 

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa isaguna dhiniica ka gaabsaday in uu wax tafaasiil ah ka bixiyo sababaha xil ka qaadista, “Arrintaa ma doonayo in aan ka hadlo inta ka horraysa maalinta aan xilka wareejinayo, markaas ayaan ka hadli doonaa inta ka horraysa ma jecli in aan ka hadlo” ayuu yidhi, Eng. Maxamuud Xaashi oo isaga oo jooga gurigiisa Jamhuuriya xalay telefoon ugu sheegay, in aanu tibaax ka bixinayn xilka qaadistiisa haseyeeshee sida ay xaqiijiyeen xogo ka soo baxay Ilo ku dhow-dhow golaha wasiiradda ayaa tibaaxay in khilaaf iyo ismaan-dhaaf muddo soo jiitamayay oo la xidhiidha Siyaasadda qorshe-hawleedka Xukuumadda uu u dhaxeeyay Madaxweyne Rayaale iyo Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, waxase ay xoguhu xaqiijiyeen in xilka Qaadistan Eng. Maxamed Xaashi ay soo dedejisay Is-maan-dhaaf markii Wasiirka iyo Madaxweynuhu isku aragti ka noqon waayeen Miisaaniyad sannadeedka cusub ee dawladda ee 2004 oo shalay lagu ansixiyay shirkii Golaha Wasiiradda, taas oo la hordhigay khamiistii toddobaadkii hore. Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa la sheegay in uu ka horyimid meelmarinta Miisaaniyadda cusub isaga oo tilmaamay in aanay ahayn Miisaaniyad ka tarjumaysa xaqiiqda dhaqaale ee dalka, iyada oo la sheegay in uu Miisaaniyadan ku tilmaamay mid laga soo min guuriyay Miisaaniaydd sannadeedkii kal hore ee 2003, si xad dhaaf ahna loo kordhiyay. Sida la sheegay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, waxa uu Golaha u soo jeediyay in Miisaaniyadan aan la ansixin ee ay u baahan tahay ka baaraan deg, isaga oo isla markaana sheegay in xisaab-xidhkii 2002/2003 aan la horkeenin Golaha, balse golaha la horkeenay oo keliya Qorshaha Miisaaniyadda ku tallogalka ah.

 

Arrimaha kale ee Eng. Xaashi iyo Golaha Xukuumaddu ay isku maandhaafeen waxa la sheegay in ay ka mid ahaayeen dakhliga Kastamka iyo Cashuuraha Barriga, ee ku jira Miisaaniaydda ku tallogalka ah ee Cusub. Waxa kale oo la sheegay in isfaham la’aanta Madaxweynaha iyo Wasiirka sii kordhiyay arrinta shirkadda TOTAL oo qandaraas ku haysata Maamulka Haamaha Kaydka Dhexe ee Shidaalka dalka ee Berbera, oo uu Eng. Maxamed Xaashi uu diidanaa qaabka ay ku shaqayso TOTAL iyo weliba qaabkii heshiiskii Qandaraaska lagu siiyay, arrimahaas oo sababay shidaal yaridii bishii hore dalka ka dhacday, ayaa Eng. Maxamed Xaashi waxa uu Madaxweyne Rayaale u gudbiyay tallooyin uu ka soo jeediyey Xaalka Shidaalka iyo Shirkadda TOTAL. Inkasta oo badheedhaha Maxamed Xaashi ka dhiibtay arrinta TOTAL aanu Madaxweyne Rayaale ku qancin haddana Madaxweynuhu dhaliilo kulul ayuu u jeediyay TOTAL, markii shidaal yaraantu ku habsatay Somaliland bishii la soo dhaafay.

--------------------------------

 

He was one of the few who impressed me. Can't wait to hear his side of the story.

Share this post


Link to post
Share on other sites

He gave an interview to the bbc somali section on Wednesday 5th May which he said the disagreement with the president and the minsters was money Embezzlement.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^^^Looks who's talking? Human Smugglers and Traffickers Inc or was it Toxic Waste Management? Naa.. you are from Smith-n-Rantisi Money Forgers.

 

 

Sooyaal

Mujaahid's Xashi's comments is another black spot on this administration and all Somalilanders should be very concerned. Here's the ex-ministers report on his short term in office;

 

 

Wasiirkii Xilka Laga Qaaday ee Ganacsiga iyo Wershadaha Somaliland oo gole dadweyne ku soo bandhigay waxqabadkii 11 bilood oo uu Wasiir ahaa

 

Hargeysa (Jam)- Wasiirkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaynta Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo uu xilka ka qaaday Madaxweyne Rayaale Isniintii toddobaadkan, ayaa shalay si rasmi ah xilkii Wasaaradda ugu Wasiir ku-xigeenkii sii Cabdiraxmaan Yuusuf Ismaaciil, oo uu Mudane Rayaale u igmaday in uu xilka la wareego inta uu u wasiir cusub u soo magacaabayo Xilka wasiirnimo.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu xil-wareejintiisa oo munaasibaddii xil-wareejintiisa ugu talogalay Huteelka Xaraf ayaa taasi u suurtogeliwayday kadib markii Madaxweyne Rayaale ku amray Wasiir ku-xigeenka in aanu xilka kula wareegin meel ka baxsan Xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha, wasiir ku-xigeenka Cabdiraxmaan Yuusuf Ismaaciil oo raacaya amarka ka yimid dhinaca Madaxtooyadda uu diiday in uu ka qayb-galo Xafladda Huteelka Xaraf ayaa Inj. Maxamed Xaashi waxa uu xil-wareejintii ku sameeyay xarunta Wasaaradda Dhexdeeda.

 

Haseyeeshee, markii uu Maxamed Xaashi wareejiyay xilkii wasaaradda ayaa waxa uu ka qayb galay xafladdii uu hore ugu qorsheeyay xil-wareejintiisa oo uu ku marti-qaaday dad kor u dhaafay 100 qof oo ka kala socday labada Gole ee Baarlamaanka, Xisbiyadda Siyaasadda, Siyaasiyiin Madax bannaan, Aqoonyahano iyo dad kale oo ka socda Qaybaha Ururada Bulshadda.

 

Xafladaas ayaa waxa uu Md. Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu ku soo bandhigay waxqabadkii wasaaraddiisa muddadii 11 bilood ahayd ee uu wasiirka ka ahaa Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha ee Somaliland. Waxqabadkaas oo u badnaa barnaamij siyaasadeed oo uu u dejiyay qorshe-hawleedka wasaaradiisa ee Mustaqbalka dhow uu ugu talogalay hirgelintiisa, waxa ay taabanaysay dhinacyadda Ganacsiga, Wershadaynta, Xoolaha, Hargaha, Kalluumaysiga, Beeraha iyo Macdanta.

 

Barnaamijkaas waxqabad oo uu warbixintiisa si dulmar ah uu ugaga waramay Inj. Maxamed Xaashi, waxa uu ugu ugu horreyn kaga hadlay dhinaca Ganacsiga. Isaga oo yidhi: “Ganacsiga: Wasaaradda Ganacsiga iyo wershadayntu labada qaybood ee ay kala tahay Ganacsigu waa baayacmushtariga inoo socday kolka horeba oo dadku ganacsiga gaarka ah ee Madaxa bannaan (Private sector) si wanaagsan bay u wateen, waxoogaa dhibaatooyin ah oo haystayna in kollay imika laga khafiifiyaana way ku jirtaa. Shiidaalkaa ka mid ah oo qaali ku ahaa dadai oo ay tahay in laga khafiifiyo oo sicirka saaran ay TOTAL ka baxdo oo shidaalkeenu la qiimo ahaado ka dekeddaha dalalka aynu jaarka nahay. Diyaaradaheenu shidaalka waxa ay ka qaataan meel la yidhaahdo Riyaan oo dalka Yemen ku taala, way ka jaban tahay, dadku muddo ayay diyaaradda ku dhex jiraan oo ku gubtaan oo dhibaataa ka haysata runtii, waa dhibaato aan loo baahnayn oo laga fiirsan karo.

 

Wax waliba gaadiidka ayuu ku xidhan yahay, gaadiidkeena dhibaatada inaga haysataa waxa aweeyaan marka shidaalku kordho qiimayaashii kalena waa kordhayaan, Ganacsiga arrintaasi dhibaato weyn bay ku haysaa. Arrinta kale ee Ganacsiga dhibaatadda ku haysaa waxa weeye kharashka dekedda Berbera oo dadka laga qaado oo kalifa Ganacsatadu in ay u wareegto Boosaaso, dabadeedna Badeecaduhu xaggaa ay Tog-wajaale ka soo galaan tii oo kootorobaan ahaan u socota, taa qudheedu in laga khafiifyo oo ganacsigu noqdo mid aynu ugu talogalno 70ka Malyuun ee qof ee Itoobiya ku dhaqan, Ganacsigeenuna sida runta ah sidaas ayuu ku hano qaadi karaa.

 

Muddadii aan Wasaaradda Ganacsiga joogay oo noqonaysa kow iyo toban bilood, waxyaalaha aanu qabanay waxa ka mid ah waxa aanu samaynay xisaab cel-celin aanu qaadanay oo ku dedaalnay in aanu aburno oo wax walba muftaax u ah, wax allaal wixii soo degayay oo badeecad ahaana xisaab cel-celis (Statitics) baanu u marinay, bil malal, Gaadiidka oo kale ilaa 1991kii wixii Gaadhi soo degay ee ina soo galay ayaanu diwaangelinay waxay soo baxday 98% in ay jabaan inooma oga in aynu baayacmushtari leenahay sidaas ah, kolka waliba laga tago, Electronics-ka oo aanu hadda diwaangelintooda ku jirnay waxa aynu ka soo iibsanaa carabta, iyaga ay ugu qoran tahayin ay Erebiya baayac-mushtari la leeyihiin laakiin inaga (Somaliland) inoogama qorna, xidhiidhka lala sameeyo ee ay wefti u soo dirtaan waxa uu toosi karaa waxa aynu ka iibsano. Xidhiidhka abuurmi kara, Workshops ayey keeni karaan lagaga shaqeeyo, Spareparts-ka dhib yaraan kara.

 

Xoolaha:

 

Yemen oo xoolaha cidhiidhi inaga galisa oo tidhaahda Jabuuti ha sii maraan waxa aanu sameynay wixii Yemen aynu la lahayn baayac-mushtari baanu iyana bilownay ururtooda ama ha ahaado kalluun, buskut, baco, biyo, in aynu iyagana (Yemen) tusno in aanay inaga uun wax inaga qaadana in aynu wax badan ka qaadano oo lagala xisaabtami karo inta wefti loo diro.

 

Baayac-mushtarigeenu waxa kale oo uu u baahan yahay ee uu ku soconayaa in inaga (Somaliland) iyo Itoobiya xuduudkeeda inoo dhaxeeya in lagala hadlo cashuurta in la dhimo, si ay dadkeena ugu dhib yaraato oo aynu yeelano Itoobiya xidhiidh, kootarabaanka halka uu kaga geliyo in uu wixii saani u geli karo, fursad kale oo aynu leenahay waxa weeye xaga kale (killilka shanaad) inaga ayaa degan xaggana (Somaliland) inaga ayaa degan, kolkaa ninka xaggaa degeni uu liisan furto isagu meel wlaba wuu gaadhsiin karaa badeecadihii, kolka inaga (Somaliland) faa’iido weyn ayaa inoogu jirto la deriska Itoobiya , xaga ganacsiga in aynu had iyo jeer ku fikirno.

 

Xidhiidhaanu Itoobiya la samayany laakiin ma aanu dhammaystirin weli, Wasaaradda Maaliyaddu wefti bay u dirtay wixii ka soo baxay ma hayo, laakiin wuu jiraa wada shaqayntaasi, waxa kale oo kolaba fiican in aynu Itoobiya la yeelano siyaasad aynu kaga wada shaqayno tacliinta, caafimaadka, biyaha iyo xannaanada Xoolaha, wax badan baa inaga dhaxayn kara, waxaasina waxa ay sahlayaan had iyo jeer isutaggii, ganacsigii iyo isu-socodkiiba.

 

Dadkeenu waa dad ku fiican Ganacsiga, kolkaa in aynu Itoobiya dhaafnaaana way suuro geli kartaa, waxa aynu iibinaynaa in uu noqdo wax lagu dhiiran karo.

 

Wershadaynta:

 

Waxa jiri jirtay in kolba nin shandad sitaa yimaado, yidhaahdo wershad kalluun ah baan samaynayaa ama wershadda sibidhka ayaan kicinayaa, dabadeedna marka bil la joogo la waayo, dabadeedna mid kale yimaado, sidaas ayay ku socotay 12-kii sannadood ee la soo dhaafay. Taa waxa aanu isla garanay haddii aynu suuqii hayno aynuka iibin lahayn sibidhka iyo alaabtii laga samaynayey sibidhka su’aashu waxa ay noqotay lacagta lagu kicinayo wershadda miyaynaan inagu samayn karayn, kolkaa waxa aanu isla garanay in aynu samayn karno oo iibsan karno oo aynu ka bixi karno ajenabi wixii khayraadka dalkeena keliya inuu inaga qaato aynu taa iska ilaalino oo inagu samaysan karo, waxa aanu wadnay qiime raadistii wershad sibidhka oo samayn karta 800 (siddeed boqol oo ton) maalinti, iibkeeda rakibaadeeda iyo cid kasta oo shuruud lala galo muddada laba sano iyo saddex sano kolba intii la yidhaahdo dabadeedna aynu saamiyo yaryar oo $10 (Toban Doollar ah) iibino, kolkaa ninkii shan kunoo saami iibsanaya iyo ninkii laba iibsanaya, nin waliba wixii uu doono uu iibsado, kolkaa waxa aanu ku rajo weynahay in dadkeenu in ka badan inta wershadda qiimaheedu yahay soo saari karo.

 

Dhinaca Sharciyaddana:

 

Iyagana waanu samaynay, waxanu iska kaashaday shan wasaaradood oo kala ah, Kalluumaysiga, Macdanta iyo Biyaha, Xannaanada Xoolaha, Beeraha iyo Ganacsiga, waxana aanu ku talo jirnay bishan ilaa bisha dambe aakhirkeeda in aanu ascaarihii helno, dabadeedna aanu qaybintii saamiyadda lagu dhaqaaqo, sannadka aakhirkiisana ay bilaabmaan hawlahaasi.

 

Hargaha:

 

Waxa aynu dirnaa 3 Malyuun ilaa 4 Malyuun oo harag oo sidii awoowayaasha ku diri jireen ah, wershad baa jirta Burco ku shaqaysa wershadaasi xadkii bay gaadhay aanay dhaafi karayn iyadu kolkaa waxa aanu isla garanay qolada wershadda iyo wasaaradda in aanu saami iibino, dabadeedna saamiga la iibinayaa uu keeno in wixii loo baahan yahay iibsan karto wershaddu, waanu isla garanay, waxa aan ku idhi, soo qiimeeya wixii aad idinku samaysanaan ee ahaa dhisme, qalab, shaqaalaha idiin shaqeeya mushaharka aad siisaan iyo sharciyadda idiin yaala kolkaa aanu intaa helno ee annaguna (Waasaaradda Ganacsiga) aanu dib u qiimeyno hadday intaas noqoto dabadeed aan dadkii nidhaahno kolka aynu helno mashiinaddii wershadaha uu habkoodii dhamaystiri karo hargaha qiimahoodana helno, dabadeed aynu saamiyo iibino kolka hargaheenu ha noqdeen hargo dhammaystirna oo waxkasta oo loo baahdo laga samayn karo, wixii innaga baahideena ka helana aan dibadda u iibgeyn karno, markaa arrintaa xisaabteeda ayaanu ku jirnay oo aanu iyadana rajaynay in ay si dhakhso ah u dhamaato kadibna mashiinaddii (Machinary) aanu soo iibino, dabadeedna sheerarkii ama saamiyaddii la bixiyo.

 

Kallluumaysiga:

 

Markii aanu isu nimi shantayaddii wasaaradood waxa aanu nidhi kalluunkeenii maxaa xanibay waxa la yidhi qaboojiyayaal baan la haynin dabadeed niman injineero ah ayaanu u dirnay qaboojiyayaashii uu Danishku sameeyay in ay soo eegaan bal in ay inaga anfacayaan iyo in kale, kuwaas oo qaarkood uu muggoodu dhan yahay (400 ton), waxaanu dabadeed istusnay kuwaa malaha waxa ka fiican innaga oo mid cusub samaysana, kuwaas oo mug ahaan qaadi kara ilaa (600, oo ton), bilowga hore, kadibna aanu Magaalooyinka xarumo ka samayno, qaboojiyayaashiina la geeyo dabadeedna so iibino gaadiidkii qaadi jiray, kolkaa ascaartii baanu ku jirnay gawaadhidii waanu soo helnay, qaboojiyayaasha Magaalooyinka la dhigi lahaa waanu soo helany, kii weynaa ee 600 ton qaadayay baa noo hadhsanaa, kolka aanu intaa isla helno dabadeed iyadana sheerer iibino, dad kalluumaysato ahi markaa halkaa ka bilaabmo oo loo shaqo tago, badda oo aynu maanta ku nahay qariib.

 

Macdanta:

 

Dhagaxa aynu haysano ee qaaliga ah Mashiinadda yaryar ee lagu qoro ee Kuusha iyo Kaatumada laga sameeyo waynu diran karnaa, markaa iyagana in aanu raadino qalabkii lagaga shaqayn lahaa dabadeedna, shirkaddo yaryar iyo kuwo dhexeba samayno.

 

Wershaddaha Roodhida:

 

Laba iyo toban Wershadaha Moofooyinka oo roodhiida sameeya ayaa la soo qoray, waxa aan u malaynayaaa wakhtigan shan keli ah ayaa ka shaqeeya, waxa sababay waxa weeyaan xad baan loo kala samayn, kolkaa iyagana waxa aanu u wadnay si aan qiimaha roodhidu u kicin in cashuurta laga dhaafo daqiiqda ay soo iibsadaan oo magacadooda ku qoran yahay oo aanay iibin karin, si aanay u kicin ascaarta doollarkan sabaynaya iyo shidaalku aanay saameyn ugu yeelan roodhidda.

 

Waxa kale oo aan wadnay wax la yidhaahdo Free Zone, injineero ayaanu u dirnay waxa lagu jiray qaybtii hore Nashqaddeeda laba meelood in loo qaybiyo oo ah wershaddaha iyo ganacsiga, dabadeedna loo sameeyo dariiqyaddii iyo guryihii meeshay noqonayaan, meelaha bannaanka alaabta la dhigi karo, dabadeedna uu halkaa Free Zonekii ka bilowno, oo badeecadda aynu Dubay u doonayno halkan ka helno.

 

Beeraha:

 

Cuntada aynu dibadda ka keenayno waxaynu kaga maarmi lahayn inteeda badan wax aynu beerano, tiina waxay u baahan tahay biyihi in la qtoo, qolada Beeraha iyo biyahana waanu weydiinay kharashka kubaxaya waxana uu noqday $11 Milayn oo Doollar, in lagu samayn karo shan sannadood qorhe ah kadib biyaheenan ina dhaafa ee badda ku dhaca aynu qabsan karno oo wax soo saarka beeruhu halkaa uu ku kobco, dad badan oo camal la’ina ay shaqooyin ka helaan.”

 

Ugu dambeyn, Inj. Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu tilmaamay in uu rajo weyn ka qabo in barnaamijkaa hawl-qabad ee uu u dejiyay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha in Masuuliyiinta Wasaaraddu ka sii amba-qaadi doonaan halka uu kaga tegay hawl-qabadkiisii. “Waxana aan ku rajo weynahay in wasaaraddu halkaa ka sii wadi doonto hawlahaas oo dhan,” ayuu yidhi Inj. Maxamed Xaashi Cilmi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

$16MM is large sum of money to disappear in thin air with no accountability for any country, let alone a resource-starved one. It is tempting to write it off on the basis of funds misappropriation, but the issue brings a bigger concern to the fore, thusly demands cautious handling along the lines of recourse with view of preventing it from happening in the future.

 

The good minister - "the whistleblower" highlighted matters of concern.

 

Teaming and lading – collusion if you will is evident amongst Executive and ministerial branches (it is presumed the good minister has no ulterior motives to implicate the highest branch),

 

Absent General Audit - In the art of accountancy, strong internal control system, auditing, and segregation of duty all of which are missing from the scene duly contribute to such occurrences, hence perhaps the office of the General Audit, which functions NOT as designed at this juncture ought to be involved with independent, technocratic personnel proficient in treasury checks and balances in place.

 

Clear definition of functions amongst 50+ ministers and authority amongst the three main branches (Exec., Legislature and Judiciary) which appear blurred demand delineation to grant recourse. More importantly, the critical imbalance ‘ween the issues at hand and the human capital (personnel) expected to man the said issues demands higher practical assessment – here lies the calamitous predicament. Familiarity with GAAP (not the clothes shop) might be of service here! Is Awil (minister of finance) acquainted with GAAP standards and principles? Only if he could be availed an afternoon tea round with Sir David Tweedy or his counterparts in that part of the world, if there is such a thing.

 

Could there be creative accounting at work here? Or is Awil simply caught with his hand in the till, as it were? Could he have not been more careful in concealing those charges, or does the rest of his comrades there just for the picking, as suggested by the good minister?

 

More grippingly, observed in his recommendations is the issue of Presidential Expenditure – the root cause of all the problems in lie with third world administrations. The question is, if the President and his VP were handsomely remunerated, would that add another layer of funds dispensation to an already congested line of ravenous purses, or will it indeed assuage the malady? The famous saying by Riyaale ….”there is nothing to misappropriate here” when challenged of ridding corruption of his administration springs to mind.

 

The good minister made a rather decent start in his counsel which indicates lack of expertise in the matters dealt on his part, and unfortunately fails to follow through in providing process and clarity as to how his proposals could be effected, and how to avoid own shortcomings, as perfection in mode exists not.

 

What does this say about Riyaale as an effective, perhaps egalitarian (not democratic – I wish to suspend the application of the term for the present moment) leader for castrating the “whistleblower”?

 

Further, was not the issues concerning TOTAL one of the issues that saw Boqor Buurmadow behind bars for months?

 

Why was he sacked? For challenging the 2004 budgetary recommendations, demanding the 2003 Unqualified Audit Review, raising issues surrounding unaccounted funds (16mm usd ‘ween 2002 - 2004), and most importantly for questioning the budgetary rationale of the Ministry of Finance.

 

A lesson for other ministers – speak up for the good of the general public and stand for what is in the public interest, even if there is a chance one might be sent to the gallows – principles and convictions matter more than purse fillings and camaraderie.

 

Shall leave there for the moment,

Cheers.

 

further reading on the matter and why the good minister was sacked -

 

Miisaaniyadda 2004 ee aynu maanta arrineeda ka hadlayno waa:-

 

1. Mid dib-u-dhac badani ku yimi.

2. Mid aan xisaab xidhkeedii la soo hordhigin Golaha wasiiradda.

3. Mid dakhligii Wasaaraduhu soo xereeyeen aan loo qorin sidii ay ahayd (inta aan anigu caddaymahooda hayo):-

• US$ 557,100

4. Mid ay ka maqan yihiin dakhli ay ahayd in Miisaaniyadda lagu darro sida: waxaynu halkan ku qeexaynaa Dakhliga ka maqan Miisaaniyadda 2002 iyo 2003 (muddaddii talada uu hayey Madaxweynahani).

 

• Lacagta adag ee Cashuurta Xoolaha la dhoofiyo – US$ 3,605,300

• Dakhliga Dekedda Berbera – US$ 3,400,00

• Dakhliga Haamaha Shidaalka – US$ 986,965

• Lacagta adag ee ay bixiyaan Shisheeyaha doonaya dalkeena in ay maal geliyaan Petrolka – US$ 500,000.

• Xadiidka Dalka ku baahsan (Scrab) oo sharciyan mamnuuc ah in dalka laga saaro (Waa la ogaan).

 

1. Dheeraadkii Miisaaniyaddii 2002 – US$ 2,590,000

2. Dheeraadkii Miisaaniyaddii 2003 – US$ 4,834,900

Approximate TOTAL. US$ 16,474,300

1. Lacagta xadigaa lihi ma tahay mid ka go’da ummaddan baahan?

2. Golaha Wasiiraddu inay indhaha ka laliyaan lacagta intaa le’eg oo ay ka hadli wayaan, miyaanay ahayn xilkoodii oo ay ka gaabiyeen?

3. Golaha Wakiiladda iyana maxaa laga filayaa?

4. Dadweynaha reer Somaliland dibedda iyo dalka jooga miyey tahay inay ka aamusaan masiirkooda iyo ka ubadkooda?

5. Axsaabta Dalka xil gaar ah ayaa ka saaran arrimaha aynu soo xusnay, gaar ahaan Xisbiga UDUB, oo ay tahay inuu siyaasadiisa ku hoggaamiyo Xukuumadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

There are also allegations that the good Minister himself was a part to a widespread culture of State funds misappropriation that found its way to the highest branches of the administration. How? An un-collateralised loan of just under $1MM secured through illicit, backhander modes in business dealings by the good minister was never paid off. In fact, the allegations go as high as he defaulted on his loans, and was later ordered to repay, or face foreclosure, thus his blowing the whistle. One such establishment that benefited from the loan is Hotel Mansoor, one of the finest in Hargeisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

I'm sure there is a lot we can learn from Puntland, right? :rolleyes:

 

The minister was in charge for less than a year so blease and blease lets not exaggerate.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ayoub – it is not a chit-chat per se old boy, rather the issue demands a comprehension of sort of what is being deliberated. Do you have something of value to share with respect to the issue at hand? I know it might be a bit too much to ask, but could you think inwardly for a moment ‘fore yawning please? And if tempted to think outwardly, make an attempt to provoke, will you please?

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^^^What part of "lets not exaggerate" are you having trouble understanding? :D

 

Mad Mullah

I found out that in similar cases on funds missappropriation, the money loss on state budgets cannot be more than 5% of the total budget.

looool

 

That was a joke, right? I knew there were things we could learn from you :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

I'll stay out of your way only if you comment on this breaking news...

 

 

Col. C/llaahi Yuusuf oo ku Xayirmay Airopoorka Dubai Kadib markii........

By Samater Posted to the web 10-05-2004, 19:09:03

 

Dubai:-Wararka ka imaanaya Magaalada Dubai ee Wadanka Emaaraatka Carabta ayaa sheegaya in Col. C/llaahi Yuusuf uu Maalintii Sadexaad ku xayiran yahay Airopoorka Dubai International Airport,halkaas oo uu soo galay isagoo aan wadan wax fiiso ah.

 

 

cabdullahiyusufahmed123.jpg

 

 

Safaarada Soomaalidu ay ku leedahay Dubai iyo rag Ganacsato ah ayaa ka codsaday Dowlada inay soo daayaan Col.ka oo iyagu ay damiin ka noqdaan sidii ay sameeyeen marar badan laakiin dowladu waa ku gacansayrtay sida lagu soo waramaayo.

 

C/llaahi Yusuf ayaa asagu safaro uga soo noqday Wadamo Yurub ah iyo dalka Maleeshiya oo uu kula soo kulmay shirkadaha sameeya lacagaha Soomaliga sida uu noo xaqiijiyey mid kamid ah xubnaha ku dhow dhow korneylka oo sheegay in C/laahi Yusuf ay safarkiisa ku weheliyeen gabadh uu dhalay, nin Illaalo u ah iyo labada nin ee lakala yiraaho C/laahi Cumar Bootaan iyo Yusuf Cumar Al Azhari oo ah la taliyaha C/laahi Yusuf.

 

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in Col.ku uu doonaayay inuu Transit ugu gudbo Wadanka Liibiya kadibna uu la kulmay Mamnuucidii Baasaboorka Soomaaliga Maalintii Shalay.

 

Saciid Samatar

Puntlandpost, Galkacyo,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

^^^ AYOUB, Abdullahi Yusuf is hold up in Dubai because UAE banned Somali passport couple of days ago just like Kenya did recently na'mean.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Deeq A.   

Mad Mullah, we deleted some of your posts and this is your last warning. Next time we catch you breaking our civility rule, we will ban you from this site and all your posts will be mass deleted.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

So there is corruption in somaliland, and in puntland and in the rest of somalia, so consequently the postings on this topic was for what reason again.....

 

Waryaa jamac bootan watch it with the exuberance maybe we dont get mudug dialect but admin does.

 

Intellectually slaughterd kulaaha.....

 

__________________________________________________

admin said it 1 minute before i did.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

Mad Mullah is not a puntlander. I suspect he is shirtless nasir with a different handle na'mean.

 

He is a mole pretending to be a puntlander. lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this