Sign in to follow this  
AYOUB

Qaran: The New SL Political Party

Recommended Posts

AYOUB   

GABOOSE IYO INA XAASH OO XISBI CUSUB KU DHAWAAQAY

 

Labada Siyaasi ee Caanka ah Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa Xisib Siyaasadded Cusub oo  ay kamid yihiin maanta kaga Dhawaaqay magaaladda Hargeysa  Xisbigan oo lagu Magaacaabo QARAN ahna ((Ururka Nabada iyo Horumarinta Somaliland)

 

u_2d_2007-4-5-5-1-57f_S8001921.JPG

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Dr Gaboose iyo Xubin kale

 

full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Dr.Gaboose iyo Eng. Maxamed Xaashi labaduba waa laba nin oo qulma kursi in loodhiibo. Good luck to them.

 

ururka cadalada, walaltinimo iyo horumar..with the Quran as a symbol...I love it. smile.gif

 

loool@ reer Borama, maxaa meesha madax yar kamuuqda.

 

Reer Borama are the most educated Somalis you'll ever meet.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This new Party is a threat to UCID Party. Dr. Gaboose's old Party Sahan lost only by 0.35% to UCID to claim the third place in the last local elections.

 

Already Kulmiye is citing the three political party limitation in the constitution, something I am sure UCID will try to echo in an attempt to stop this new Qaran Party from contesting in the upcoming elections.

 

Speaking of the three political party limitation, I think that applies to the Presidential and the Parliamentary elections which are National in scope. Hence, the need to challenge the existing political parties is a corner stone to our democracy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think it is possible for a party like this new one to oust UCID. UCID have some good ground roots support but i think they will always struggle to get any meaningfull support nationwide. A fresh political party with a respectful man like Maxamed Xaashi in the leadership hierarchy might just get that levelled support nationwide to oust UCID. Would be intersting if it did happen

Share this post


Link to post
Share on other sites

As expected from UCID.

 

--------

Xisbiga UCID Oo Ku Tilmaamay Urur Siyaasadeedka Cusub Ee Qarran Mid Aan Dastuurku Fasaxayn Oo Baal Marsan Sharciga

 

Hargeysa (Harowo.com) April 7 -07- Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa ku tilmaamay urur siyaasadeed cusub oo shallay lagaga dhawaaqay Caasimadda Hargeysa laguna magacaabo Qarran mid aanu dastuurka dalku saamaxayn isla markaana ah mid baal marsan xeerka furashada xisbiyada dalka.

 

 

Guddoomiyaha gobolka Hargeysa ee Xisbiga UCID Md. Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye oo maanta ka qayb gallaayey dood ay laanta afka soomaalida ee Idaacadda B.B.C-du ka qabatay arrinta muranka xisbi furashada ayaa wuxuu yihdi "horta waxaa quman in dib loo darso tacabkii dalkani gallay, haddii intaasi la xasuusan waayo waa ayaan darro in maanta la soo hadal qaado urur, waxaan qabaa Ururkii SAHAN ee Dr. Gaboose waa uu ku calaf qaaday doorashadii berigii hore dhacday, haddana ma qabno in xeer ama qodob dastuuri ah oo jidaynayaa uu jiro in urur cusub laga dul keeno xisbiyadii hore u jiray, midbaan u sheegaya walaalayayaga sheegtay inay xisbi ama urur furteen, waxaa idiin furan inaad ku biirtaan xisbiyada maanta jira ka idiin cuntama weliba UCID ayaanu idinku soo dhawaynaynaa" ayuu yidhi Xasan Suldaan Cabdilaahi.

 

Xasan Suldaan wuxuu ku tilmaamay furashada ururkani cusub mid lagu jaha wareerinaayo shacabka somaliland iyo tacabkoodii "shacabku maanta waxay ku abtirsadaan waa seddex xisbi oo ay taageeradooda siiyaan, markaa kuwa kale marka laga kor keenaayo waa ayaan darro, annagu xisbi ahaan maxaa tacabka intaa le'eg na geliya maalin walba ee aanu gobol iyo degmo kasta u tagnaa haddii aanu haddana burburayno oo la leeyahay jidkii siraad ee aanu ka soo gudubnay dib usoo galla" ayuu yidhi Xasan Suldaan Guddoomiyaha gobolka Hargeysa Ee Xisbiga UCID.

Share this post


Link to post
Share on other sites

cha! syl was not sland party! it was formed in xamar!! do u know that! whats going on with the somali brains these days!! its shrinking like the icebergs in the poles. must be the global warming effect thats shrinking somali brains...!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Sharci Darro Ku Tilmaantay Ururka Cusub Ee Lagu Dhawaaqay Iyo Xukuumadda Oo Ku Hanjabtey...

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 7 April, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Hargeysa (Somaliland.org) – Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa daboolka ka qaaday in aanu sharciga waafaqsanayn ururka cusub ee Khamiistii lagaga dhawaaqay Hargeysa.

 

Xeer Illaaliyaha Guud, warsaxaafadeed uu maanta soo saaray waxa uu ku sheegay in qodobka 9aad ee Dastuurku uu tilmaamayo in axsaabta siyaasadeed ee dalku ay yihiin 3 xisbi, sida xisbi ama urur loo furan karona uu qeexayo xeer.

 

Isla markaana waxa uu sheegay in xeerkaas oo ahaa xeer No.14/2000, xeerka Diiwaangelinta iyo ansixinta Axsaabta uu jiro, kaas oo uu sheegay inuu tilmaamayo in guddida Diiwaangelinta wakhtigeedu ku egyahay Lix bilood ka dib doorashada Deegaanka, marka uu ansixiyo Saddexda xisbi ee ku soo baxa tartanka doorashada, loona aqoonsado xisbiyo qaran.

 

Warka uu soo saaray Xeer Ilaaliyaha Guud, waxa uu u soo jeediyey masuuliyiinta ururka cusub ee ay hormuudka ka yihiin Inj. Maxamed Xaashi iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose in aanay dalka ku khalkhalgelin wax aan sharci ahayn, isla markaana haddii damac siyaasadeed ku jiro ay biiraan saddexda xisbi ee jira, dhexdoodana ka tartamaan.

 

Sidoo kale, xukuumadda ayaa si cad u sheegtay in aanay ogolaanayn ururka cusub ee ay ku dhawaaqeen Dr. Gaboose iyo Maxamed Xaashi, kaas oo ay sheegtay inuu ka soo horjeedo Dastuurka iyo Shuruucda dalka, looguna talagalay in lagu khalkhalgeliyo nabadgelyada iyo siyaasadda dalka.

 

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha, mudane Jaamac Cabdillaahi Nuur (Haybe) ayaa war uu xalay soo saaray waxa uu ku sheegay in xukuumaddu aanay u dulqaadanayn urur sharci darro ah, tallaabo sharci ahna ay ka qaadayso.

 

"Wasaaraddu waxay caddaynaysaa in Gaboose iyo qayrkii toonna aanay u fasixi karayn xisbi, dastuurkana aanay u jebin karayn, " ayuu yidhi, mudane Haybe.

 

Urur cusub oo ay hoggaaminayaan Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Maxamed Xaashi Cilmi ayaa Khamiistii lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa. Waxayna Madaxweyne Riyaale ka dalbadeen inuu abuuro guddidii diiwaangelinta ururrada, si uu u diiwaangeliyo ururkooda oo ay sheegeen in Dastuurka iyo Xeerkuba fasaxayaan.

 

 

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think the UCID's time is so limited by now ,,,, I'm not sure about this new party if they will be better or not but for the moment they not even sure what next step they'll take.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this