Sign in to follow this  
MoonLight1

Puntland oo magangalyo u fidisay Fanaaniinta ku nool MUQDISHO.

Recommended Posts

31 ka mida Fanaaniinta ugu caansan Magaaladda Mogadishu isuguna jira Abwaano,Mulaxaamiist ayaal iyo fanaaniinta heesaha qaado ayaa lagu wadaa inay u ambabaxaan caasimadda Maamul goboleedka Puntland ee Garowe sida ay Waagacusub u sheegeen.

 

Listen Radio1 Radio2 Radio3 Radio4 Radio5 Radio6 Radio7 Radio8 Radio9

 

Fanaaniintaan oo ay ka mid yihiin Mulaxamiiste Cabdi Kariim Jiir,Baroow,Xeeboow, Surqa yareey,Cabdi Tahliil Warsame,Maxamed Aadan Shamuuri,Abwaan Fareey waxay Puntland balanqaaday inay siineeyso mushaar iyo degaano ay ku noolaadaan maadama Caasimadda Mogadishu ay colaada ku dhex nool yihiin.

" Jibouti ayaan ka helnay Martigelinta Fanaaniinta oo waxay noo balanqaadeen inay daryeel noo sameeynayaan hasse yeeshee Maamul goboleedka Puntland ayaa ka soo hormaray waxayna sheegeen in mar hadii aan nahay Fanaaniintii Qaranka Somalia,caasimadiina colaado ka jiraan ay haboon tahay inaan u wareegno Garowe si ku meel gaara"ayuu yiri Fanaan Baroow oo la hadlay Waagacusub.

31-ka Fanaan ee Mogadishu uga baxaya amaan xumida ayaa hore ugu baaqay in laga dhex qaado Colaada ay kula dhex nool yihiin labo garab oo colaadeed,waxaa kale oo ay isku dhaceen Wasiirka Warfaafinta ee dowladda Federalka Mr Farxaan Ali Gaban oo ay dacwada ka dhana u gudbiyeen Ra'isulwasaaraha.

 

waagacusub.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this