Sign in to follow this  
RedSea

Somaliland: Oo laga hirgaliyey adeega Zaad serv.

Recommended Posts

RedSea   

Hargeysa(HWN):;-Shir kada Isgaadhsiinta ee Telefoonada ee Telesom ayaa maanta markii ugu horeysay suurtagelisay adeeg cusub oo casri ah,oo la yidhaahdo
ZAAD SERVICE oo kuu sahlaya in aad lacag ku shuban kartid,ku xawili-kartid,waxna ku iibsatid,adiga oo isticmaalaya Mobile-ka TELESOM.

 

Munaasibadii loo sameeyey furitaanka Technolajiyadan Casriga ah oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxa ka soo qeybgalay Madaxweyne Kuixgeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasin, labada Guddoomiye xigeen ee Xisbiyada Mucaaridka ah ee [KULMIYE iyo UCID]. Muuse Biixi Cabdi iyo Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasin Faarax, aqoonyahano, Culimaa’udiin, masuuliyiinta shirkada Telesom, iyo marti sharaf kale.

 

Masuulka u hadlayey Shirkada Isgaadhsiinta ee Telesom waxa uu yidhi“Markii ugu horeysay ee la maqlo magaca Mobile Money wuxuu ahaa ATM machine yar oo la qaadi karo oo la geyn karo meesha ay dadku ku badan yihiin oo ay dadku si fudud lacagtooda ugala bixi karaan.Farsamada Technolajiyadan waxa markii ugu horeysay bilowday 1996-kii Shirkad Mareykan ah,laakin in telefoonka Mobile-ka loo adeegsado adeega noocan oo kale ah waxa markii ugu horeysay bilowday sanadkii 2000 shirkad magaceeda la yidhaahdo Smart oo laga leeyahay dalka Filibiin,oo ay wadashaqeyni ka dhaxeyso Shirkadaha waaweyn ee Master Card-ka ah,Shirkadii 2aad ee hawshan bilowdaana waxay ahayd Shirkad magaceeda la yidhaahdo Veda phone oo ka bilowday Shirkad ay ku leedahay dalka Kenya oo magaceeda la yidhaahdo Safari Phone waxaanay hawshoodi bilaabeen sanadkii 2007-kii.”

 

Isaga oo sharaxaad ka bixinayey heerkii ay soo martay adeegan casriga ah ee cusub waxa uu yidhi “Nasiib wanaag sanadkii 2009-kii waxa adeegyadan bilaabay laba Shirkadood oo kale oo aanu annagu [Telesom] sadex ku nahay oo magacooda la yidhaahdo NTN oo Koonfur Africa ah iyo S.Kuwait Sidaa daraadeed waxaynu noqonay dalkii afraad ee laga hirgaliyo farsamada Tiknoolajiyadan casriga ah ee noocan oo kale ah,waxa kale oo aanu ku guulaysanay in aanu noqono shirkadii shanaad ee is-gaadhsiineed ee caalamka ka jirta ee suurtagelisa Technolajiyadan,runt ii waxa wax si weyn loogu farxo ah in cida suurtagelisay ay tahay Shaqaalihii Somaliland-derka ahaa ee Shirkada Telesom”.

 

“Waxa kale oo Xusid mudan marka laga yimaado tiknoolajiyada Computer-ada mooyaane in inta kale oo dhami ay tahay mid dalka gudahiisa lagu sameeyey (Local Made), waxaanan amaan u soo jeedinayaa Engineeradii suurageliyey”.Ayuu yidhi.

 

Masuulka u hadlayey Shirkada Telesom mar uu sharaxaad ka bixinayey Sida loo isticmaalayo Habkan casriga ah ee Zaad Service, waxa uu yidhi “Habkan cusub ee zaad Servica waxa uu qabanayaa inaad ku xawlitid lacagtaada,waxna ku iibsato bilashaadana ku bixiso Air Time-kaagana aad ku iibsan karto,marka aad rabto inaad lacag dirto waxaanad ku xawilan kartaa kuna diri kartaa lacagta wakhtiga aad doonto meelkasta oo aad joogto. Marka u horeysa ee aad doonaysid inaad lacag dirto waxa Mobile-kaaga ka soo baxaya Option ku kala dooransiinaya oo kuna tusaya Zaad Service ah,kadibna gudihiisa ayaad sii galaysaa waxaanad markaasba dalbanaysa Option-ka lacag dirista ah ee Money Transfer, kadibna waxaad gelinaysaa qofka aad lacagta u dirayso, kadibna lacagta ayaad gelinaysaa,kadibna waxa uu ku weydiinayaa si xafidaada ama amaanka lacagta loo ilaaliyo wuxuu ku weydiinayaa Password-kaga marka aad sheegtana waxa uu ku odhanayaa waan aqbalay [Confirm,sidaa awgeed daqiiqad gudaheed ayuu qofkii aad lacagta u direysay uu ku helayaa],taasina waxay kaa baajinaysa inaad Kuyuu dheer gashid ama aad Banki aad gashid, Sidoo kale waxaad adeegan ku bixin kartaa biilasha Telefoonada, I.W.M, Waxa kale oo aad wax kaga iibsan kartaa Dukaamada, Hudheelada, iyo Sumper market-yada ”.

 

Masuulku waxa uu sheegay in Faa’iidooyinka adeegan ugu jira dadka macaamiisha ah, dawlada, hay’adaha caalamiga ah iyo Shirkadaha “Faa’iidooyinka adeega Zaad waxa ka mid ah:

-Inaad u isticmaashid lacagta kuugu kaydsan Mobile-kaaga inaad u diri karto qofkasta,

-Inaad ka kaaftoonto lacag aad jeebkaaga ku qaadatid: Ku dukaameyso lacagta kuugu kaydsan Mobile-kaaga.

- Uma baahnid inaad timaadid Telesom, Biilkaaga Telefoonkaaga ku taagan u tebi Telesom meelkasta oo aad joogtid.”

 

“Adeega Zaad Waa lacag jeebkaaga kugu jirta oo marka aad doonto aad sarifan kartid, wax ku iibsan kartid una kala diri kartid ehelkaaga iyo Asaxaabtaada”.

 

Waxa halkaasi ka hadlay Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasin, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Xisbiga UCID Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan iyo Xoghaya Guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasin Faarax, waxaanay dhamaantood ku amaaneen Shirkada Telefoonada ee Telesom fursadan Taariikhiga ah ay u soo kordhisay dalka iyo dadka reer Somaliland, waxaanat ku tilmaameen inay tahay Guulo wax ku ool ah, maadaama aynu noqonay dalkii afraad ee dunida laga hirgeliyo adeeg noocan oo kale ah.

 

Si kastaba ha ahaate, waxa maanta aad looga hadal-hayey adeegan casriga ah ee cusub goobaha ay dadku isugu yimaadaan ee laga shaaheeyo, waxaanay dhamaantood carabka ku adkeynayeen inaysuurtagal tahay in laga maarmi karo Xawaaladaha lacagta la soo dhigto, maadaama ay Shirkada Telesom keentay wakhtigan Hab ka hawl yar oo u fududeynaya dadka inay ka nastaan qaabkii hore ee ay lacagta u Xawili jireen.

 

Mustafe-Janaale

Hadhwanaagnews.com/O ffice

Hargeysa/Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

I don't comprehend exactly what this technology does. Are they saying you can buy stuff via ur cell phone? How would that be paid off later on when you have prepaid phone? I didn't know Somalia had post-paid wireless companies.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A new system of making payments by mobile phones has been launched in Somaliland.

 

Telesom's Zad service means that people can send money to friends and relatives or pay bills just using their phones.

 

The self-declared republic of Somaliland is much more peaceful than the rest of Somalia.

 

But the telecommunications and money transfer sectors have thrived across the country, despite the conflict which has raged for the past 18 years.

 

Telesom deputy director Mohamud Aden Ahmed-Hadeed told BBC Somali that the service would improve the lives of people and help develop the country.

 

"They can have access to their accounts with a Pin number and they can send money to anywhere, anytime. People can pay their bills or buy things from shops," he said.

 

A similar system was launched in neighbouring Kenya in 2007, with a network of more than 7,000 agents - mostly shopkeepers.

 

Somalia's conflict has forced hundreds of thousands of people to flee the country.

 

They use an informal, trust-based money transfer system known as "hawala" to send money back home.

 

And the lack of a government since 1991 has not prevented several mobile phone companies from setting up their businesses.

 

Aid agencies estimate that some four million people - a third of the population - need food aid.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Mr. Baro this is just the English version of the previous post. I wanted to know what kind of cell accounts this company is offering?

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is like a bank account ... you open an account, put your money there and instead of making a withdrawal or as a replacement of the Visa Cards ,, you simply use your phone to buy things.

 

 

I still don't know very well sxb ,,,,,,,,,, It is new and I haven't used it yet.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Cool thanks bro, that makes sense now. I think Japan has something similar to that where they use premium sms to purchase stuff.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Najmudin:

I don't comprehend exactly what this technology does. Are they saying you can buy stuff via ur cell phone? How would that be paid off later on when you have prepaid phone? I didn't know Somalia had post-paid wireless companies.

I think Safaricom of Kenya was one of the first countries in Afrika to introduce something like this, called M-pesa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think they use a similar service in Kenya. It was on the radio couple of months ago that it was a popular service among the small business people.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

I don't actually understand how this works....

 

I know Safaricom Kenya does money transfer and work as a cell phone company... Is this the same? So they do Dahabshiil's work and Telecom's at the same time?

Share this post


Link to post
Share on other sites

They want to compete with Dahabshiil in the local markets ... instead of opening bank accounts at Dahabshiil, you open at Telesom and use your phone to buy, transfer and use your money without holding a cash.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this