Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Development News

Recommended Posts

Cowke   

Maamulka G/Bari iyo degmada Bosaaso oo Soo Saaray go’aamo Wax Looga Qabanaayo Bilicda Bosaaso(Sawiro)

 

May 22, 2010

 

Maamulka degmada Bosaaso iyo gobolka Bari ayaa waxaa ay maanta soo saareen amaro lagu hagaajinaayo Bilicda guud ee magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Duqa magaalada Bosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje iyo Gudoomiyaha gobolka Bari Sheikh C/xaafid Cali Yuusuf ayaa maanta xarunta Dowladda Hoose ee Bosaaso si wadajir ah Shir jiraa’id ay ku wada qabteen ku shaaciyeen.

 

Duqa Bosaaso ayaa sheegay in ay soo saareen go’aamo kala duwan oo dib lagu hagaajinaayo bilicda magaalada Bosaaso oo ay ka mid yihin;

 

- Jid banayntu waxay saamaynaysa dhamaan alaabta ganacsiga,tiirarka,sandaqadaha,telefoonada,dhismayaasha dhagxaanta,bulaacadaha jidadka laga sameeyo iyo waxkasta oo yaala wadada.

 

-Gaadiidka waa weyn ee xamuulka qaada waxaa loo samaynayaa goob(parking) ay ku sugaan xamuulka kana rartaan si loo yareeyo saxmadda wadooyinka magaalada.

 

-Waxaa reeban gawaarida waaweyn inay istaagaan,karartaan ama wax kun rogaan waqtiyada shaqadu socoto laga bilaabo 6:00-AM(subaxnimo) ilaa 12:00(duhurnimo) waxayna shaqadooda qabsan karaan laga bilaabo 12:00 duhurnimo ilaa 3:00 galabnimo,sidoo kale waxaa ka reeban gaadiidleyda waaweyn inay wax ka rartaan ama ku rogaan laga bilaabo 3:00 galabnimo ilaa 6:00 maqribnimo,waxayna dib ugu fasaxyihiin laga bilaabo 6:00 maqribnimo ilaa 6:00 subaxnimo.

 

-Ciddii fullinweyda amarkaas waxay la kulmi doontaa Ganaax adag iyo Ciqaab.

 

Ka dib markii la arkay dhibaatooyinka ay magaalada ku hayaan Biyaha dareeraha ah ee wasakhaysan ee ay sameyaan ama ka dhasha makhaayadaha iyo Biibitooyinka ee lagu daadiyo dariiqyada magaalada.

 

Hadaba waxaa ganacsatada Makhaayadaha iyo Biibitooyinka lagu wargelinaayo in ay mudo bil ah oo ka bilaabanta 22/05/2010 kuna eg 22/06/2010 ay ku samaysataan bulaacado ay shubaan biyaha dareeraha ah ee wasakhaysan,ciddi u hogaasami weyda waxay muteysaneysaa ciqaab ganaax iyo meheradaha oo laga xiro.

 

Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdi xaafid Cali Yuusuf ayaa sheegay in cidii ku dhaqmi wayday go’aamadaas in maamulka ay ka qaadi doonaan talaabo dhanka sharciga waafaqsan.

 

Wuxuuna hadalkiisa ku daray in fulinta amaradan ay kala qayb qaadan doonaan qaybaha Bulshada sida Nabadoonada,ganacsatada,dhalinyarada,Haweenka iyo Isimada kuwaas oo u sheegay in dhowaan ay wada qaadan doonaan kulamo looga hadlaayo arimahaan.

 

Cabdiqani Cabdulaahi Cabdi

 

Horseed Media

 

Bosaaso

 

DSC02420.jpg

 

DSC02412.jpg

 

DSC02416.jpg

 

DSC02423.jpg

 

DSC02414.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Xaflad Loo Qabtay Arday Xifdisay Qura’aanka Kariimka ee degmada Baran(Sawiro)

May 22, 2010

 

 

16 arday oo isugu jiray 9 wiil iyo 7 gabdhood kana mid ahaa da’ayarta xadaanada Umul -Quraa ayaa xaflad loogu qabtay magaalada Badhan ka dib markii ay quraanka kariimka ah xifdiyeen .

 

Hore ayaa waxa sidan oo kale xaflado loogu qabtay 8 arday oo xilliyo kala duwan xifdiyey quraanka kariimka ah , tiradan ayaa waxay ka dhigaysaa ardayda quraanka ku xifdiday xadaanada Umul – Quraa 24 arday tan iyo markii la furay sanadkii 2005-tii.

 

Xafladahan ayaa da’yarta iyo waalidiintoodaba qiime ugu fadhiyey , ka dib markii culimadu si weyn ugu boorrisey fadliga iyo qiimaha uu leeyahay xifdiga quraanka , taasoo sidoo kale xiise u yeeshay in da’yar badan iyo weliba dad waaweyn ay niyadda ku qabtaan sidii ay quraanka u xifdiyi lahaayeen.

 

Xafladdan loo qabtay 16-ka arday ayaa waxa hadallo qiime leh ka jeediyey waalidiin , xubno ka mid ah gudida xadaanada iyo culimo kala duwan oo dhamaan ku boorriyey waalidiinta iney ku dadaalaan sidii ay u xoojin lahaayeen gacan ku haynta da’yartaas si aan quraanku uga lumin , sidoo kalena ugu duceeyeen iney noqdaan kuwo ku dhaqma quraanka ay xifdiyeen .

 

Ardaydaas ayaa kala ahaa :

 

1. Siciid Xasan Ayaxle.

 

2. C/xamiid Daahir Axmed Siciid

 

3. Maxamed Ibraahim Axmed

 

4. Axmed Maxamed Ismaaciil

 

5. C/fataax Siciid Faarax Xirsi

 

6. Ciise Maxamuud Ciise Aar.

 

7. Maxamed C/qaadir Siciid Xaaji

 

8. Maxamed C/kariim Ismaaciil

 

9. Axmed Maxamuud Faarax Cismaan

 

10. Faadumo Yuusuf Maxamed Xasan.

 

11. Saynab Yuusuf Maxamed Xasan.

 

12. Maryama Maxamuud Ciyoon.

 

13. Caasho Axmed Shiikh Saalax

 

14. Ruweyda C/risaaq Warsame.

 

15. Muno Caydaruus Axmed Faarax

 

16. Faadumo Maxamuud Xasan Nuur.

 

 

Maxamuud Ciyoon

 

Badhan

 

610.jpg

 

86.jpg

 

152.jpg

 

118.jpg

 

414.jpg

 

121.jpg

 

171.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Isbitaalka Garoowe oo Dayactir Lagu Bilaabayo (Sawiro)

May 11, 2010

 

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdullahi oo ku dhawaaqey in Cusbitaalka Garowe uu mudo bil ah xirnaanayo oo la dayactirayo.

 

 

Xarunta Wasaarada Caafimaadka ee dawlada Puntland ayaa galabta waxaa ka dhacay shir weyn oo ay wasaaradu qabatey, kaasi oo looga hadlayay xaalada Cusbitaalka guud ee Garowe.

 

Shirkan waxaa uu **** socdey shirar hore oo isla Xaalada Cusbitaalka looga hadlayay, waxaana shirkan qabatey Wasaarada caafimaadka iyadoo ay kasoo qaybgaleen gudiga dhaqaalo aruurinta Cusbitaalka Garowe, Dhakhaatiir, aqoonyahano, Culima awdiin iyo Nabadoono.

 

Wasiirka Caafimaadka dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa shirkan ka hadley, waxaana uu sheegay in Cusbitaalka Garowe la xirayo si kumeel gaar ah si dayactir loogu sameeyo.

 

Wasiirka Caafimaadku waxaa uu mahadcelin usoo jeediyey gudigii kasoo shaqeeyey dhaqaalo aruurinta Cusbitaalka guud ee Garowe, waxaana uu sidoo kale mahadcelin taas la mid ah u jeediyey dadkii ka qaybqaatey dhaqaalaha lagu dayactirayo Cusbitaalka Garowe oo intiisa badan uu ka yimid bulshada reer Garowe kadib markii ay Wasaarada Caafimaadku usoo badhigtey dayaca Cusbitaalka Garowe ka muuqdey iyo dhaqaalaha wax looga qaban karo.

 

Wasiirku waxaa uu galabta shirkan uga dhawaaqey qodobadan:

Laga bilaabo 12/05/2010 ilaa 19/05/2010 in Isbitaalka la baneeyo dhamaan qaybaha Isbitaalka.

Laga bilaabo 19/05/2010-19/06/2010 inuu Isbitaalku xiran yahay, waxaana kaliya laga reebay qaybta gargaarka deg deg ah (Emergency) ayna si joogto ah uga hawlgali doonaan shaqaale loo cayimey laguna kormeeri doono shaqadaas.

In dhamaan shaqaalaha hadda ka shaqeeya Isbitaalka ay Wasaaradda usoo gudbiyaan taariikh nololeedka iyo wixii shahaadooyin iyo Documents ah, laga bilaabo 19/05/2010 ilaa 25/05/2010.

 

Wasaaraddu waxay soo gudbin doontaa waqtiga laga qaadayo Imtixaamada shaqaalaha iyo goobta lagu qaadayo.

 

Kulankan ayaa sidoo kale ka hadley Shiikh C/qaadir Nuur Faarax oo ka mid ah Culimada ugu waaweyn Soomaaliya, waxaana Shiikhu uu ka mid yahay gudiga dhaqaale ururinta Cusbitaalka Garowe, iyadoo uu sheegay in bulshadu ay wax walba qabsan karaan hadii ay isku tashadaan ilaahayna ay talo saartaan, waxaana uu sheegay in hawsha siwayn looga wada qaybqaatey.

 

Shiikh C/qaadir waxaa uu sheegay inay fiican tahay in meesha kheyrku ku jiro in laga wada qaybqaato si bulshadu wax isku tarto, isagoo tilmaamay in ajar uu ku helayo arimaha sidan oo kale ah.

 

Kulankan ayaa kusoo dhamaadey jawi aad u qurux badan, waxaana cadaatey in bulshadu ay wax qabsan karto, iyadoo Wasaarada Caafimaadku ay sheegtey in mudo yar lagu soo aruurshey dhaqaalihii loogu talagalay dayactirka Cusbitaalka guud ee Garowe.

 

Madooneysaa in aad ka qaybqaadatid dayactirka Isbitaalka Fadlan halkan Guji

 

 

Listen to minister of health and clerics speech Here

 

Picture-026.jpg

 

Picture-008.jpg

 

Picture-003.jpg

 

Picture-022.jpg

 

Picture-018.jpg

 

Picture-028.jpg

 

Picture-013.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Dowladda Hoose ee Bosaaso oo Dayactiraysa Wado Burburtay(Sawiro)

 

May 20, 2010

 

Dowladda Hoose ee degmada Bosaaso ayaa howlo dayactir ah ku wada wado laami ah oo dhowaan burburtay,waxaana ay wadadaas ku taalla duleedka magaalada gaar ahaan agagaarka Kontroolka looga baxo magaalada.

 

Duqa degmada Bosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje ayaa socdaal gaaban ku taagay goobta ay dayactirka ku wado Dowladda Hoose,wuxuuna kormeer ku sameeyey qaabka ay u socoto howlaha dayactirka ah.

 

Wuxuu halkaas kulan gaaban la qaatay shaqaalihi ku mashquulsanaa howlaha dayactirka ah,waxaana ay sharaxaad uga bixiyeen halka ay marayaan howlaha ay wadaan iyo waxaa u qabsoomay.

 

Gawaarida isticmaasha wadada laamiga ayaa markii ay halkaas soo gaaran ay ka wecdaan ayadoo ay maraan dhanka rafka iyagoo markii dambe kusoo dhaca wadada laamiga isla markaana sii wata safarkooda.

 

Duqa magaalada ayaa Horseed Media u sheegay in dhowaan lasoo dhamaystiri doono dayactirka lagu wado wadadaas oo halbowle u ah gaadiidka safarka ee mara wadada dheer ee laamiga ayna dib u bilaabi doonaa isticmaalkeeda.

 

Dowladda Hoose ee Bosaaso ayaa halkaa geysay qalab kala duwan oo lagu dayactiraayo wadadaas.

 

Horseed Media

 

P1020139.jpg

 

P1020146.jpg

 

P1020157.jpg

 

P1020159.jpg

 

P1020140.jpg

 

P1020142.jpg

 

P1020138.jpg

 

P1020134.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Cowke, what has the Puntland Government said about what is happening in Sool? It is as if they are sweeping it under the rug! Atleast a statement (at the very least), is needed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Thankful the puntland security minister has talked about it same with the deputy information minister and also mp of puntland and even the federal government mp casha abdalla. Check bugland responds section by jacaylbaro, I posted in there to refute his claims.

 

The mp of puntland was bit of loser and saying that people shouldn't fight and so forth. But puntland security minister said that ethiopia was wrong for what it did and send out tacsi to the people killed and will get in touch with ethiopia regarding this violation.

 

Casha Abdalla said that riyale is just trying to create excuses so as to not hold an election by creating war scenarios.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

I saw these articles, but I am expecting something a lot more official, not statements on websites and what not. This is a very serious matter! A press conference like this one!!

 

Picture-008.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Cowke:

Thankful the puntland security minister has talked about it same with the deputy information minister and also mp of puntland and even the federal government mp casha abdalla. Check bugland responds section by jacaylbaro, I posted in there to refute his claims.

 

The mp of puntland was bit of loser and saying that people shouldn't fight and so forth. But puntland security minister said that ethiopia was wrong for what it did and send out tacsi to the people killed and will get in touch with ethiopia regarding this violation.

 

Casha Abdalla said that riyale is just trying to create excuses so as to not hold an election by creating war scenarios.

^

 

The Faroole administration are utter fools: Especially those two ministers who recently commented on the Buhoodle skirmishes. But alas, it's not their fault, but their master's--our very own state president-- who, as we speak, is still kissing the a$$ of the so-called "international community's" in Istanbul, in the hopes of furthering his personal political career, in that wretched TFG government, holed up in Villa Somalia and the adjoining two blocks in Mogadishu.

 

This jerk must sort out his priorities and must understand that his number one priority is Puntland. But unfortunately for us all, like all the men who formerly served under Siyaad Barre, his first concern is his selfish ambitions. But we will not let him. If he thinks he will simply use Puntland as a stepping stone to a post in the hopeless TFG, then he is in for a rude awakening.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Mr.Somalia unfortunately puntland politicians care more about what happens in hamar then what happens in our own backyard, I totally disagree but at same time I can see why they do it!!!

 

Can you imagine if the usc elements form a government, its almost guaranteed to be recognized because they will take control of mogadishu. Can you imagine the funding they will recieve plus all the international support a recognized government gets?

 

I mean literally anytime they can convince the international community that puntland is rebel state and fly to our home-towns in jet fighters!!!

 

Therefore it's kind of important that we play a role in hamar, however playing a role in hamar doesn't mean neglecting your own home!!!

 

The puntland politicians need to forget about hamar because we already have people there to monitor the situation, it's just that every puntland president minus cade muse all seem to have this incurable passion to run villa somalia.

 

Maybe it's for personal ego's or maybe it's for wider program that is unseen to the naked eye such as getting things sorted out for puntland by taking the presidency in hamar. I mean abdullahi yusuf did that.

 

1998-2004 legally speaking puntland was an illegimate state and the international community didn't even used to talk to them much like somaliland.

 

However when abdullahi yusuf went to hamar and made the government a federal system, puntland actually became legitimate state and started having access to the international and domestic politics.

 

Take for example the senate commitee meeting at washington or even this turkey meeting which puntland is taking part in. This was kind of unheard of before abdullahi yusuf installed the federal system.

 

So maybe now some politicians in puntland want to go to hamar so they can further the state ambition in areas which are of great conflict today just like federalism was of great conflict between YEY and Ina Salad boy!!!

 

Today mainly the problems facing puntland is being able to sign foreign deals such as oil exploration. Who knows maybe puntland politicians want to go to hamar and make sure that puntland can sign oil deals with foreign companies by making it legal inside the tfg system!!!

 

Their many different ways to look at why puntland politicians have this incurable passion for hamar and personal greed is just 1 way of looking at it which mr.somalia said.

Share this post


Link to post
Share on other sites
UZTAAD   

Faroole does not care about puntland and its people nor does he has ambition of somaliwyn he is just busy filling his bank accounts in Australia and else where, he see puntland as business opportunity where he can entich him self and family.

he failed to defend puntland terotory and to take firm stand against ethiopian aaggression

he failed to address to socio econimic chanllengs of the state for instance the last 2 years galkacyo main hospital is closed due to lack of funds, where is puntland budged is spent

how many % did they allote the health and

education the answer is zero .

so please farool go now !you collected enough money for your retirement.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

uztaad yes your right there. farole is just there for $$$$. And he has collected enough $$$ and its time for him to go!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
UZTAAD   

cowke, he is the worst presedent puntland has so far, as you say in other post he is more represent somaliland interest than that of puntland , maybe haweeneeada ayaa u talisa lool.

in other words do you have any idea where the budget is spent ? raggii asaga ka horreyey dee somalia bay ku mashquul sanayeen lacago badan baa ku bixi jirey koonturta somalia. kan hadda asaga iyo sxbadiis ayaa aroorsado wax lagu qabto malahan arrin ammaan ama arr

in bulsho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^

Uztaad:

 

I agree. And I , don't think we should allow this guy to finish his term of 4 years, either. It is time Puntlanders everywhere in the world convinced their elders to force a recall of this fool from the presidency. Puntland has many competent, honest and educated people who can run the government way better than him. We must persuade our elders and Isims to ask this man to step down immediately. No ifs, no buts!

 

If we don't do this, we can all kiss Puntland bye bye by the end of his tenure in 3 years.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this