Sign in to follow this  
General Duke

TFG troops take over Mogadishu streets+ thousands heading towards capital

Recommended Posts

Ciidamo xirey Isgoysyada Muqdisho

5 Jan 5, 2007, 20:38

 

 

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa caawa xiray isgoysyada magaalada Muqdisho qaarkood, waxana lagu arkayey iyagoo wata gaadiidka dagaalka oo isku dhafsan.

 

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay yihiin kuwiii loogu talagalay in maalinta Sabti-da ay hub aruurin ka bilaabi doonaan guryaha iyo xarumaha kale, iyadoo ciidamadu ay adeegsan doonaan awood milateri.

 

Wasiir ku-xigeenka Gashandhiga Salad Cali Jeelle ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay guri walba geli doonan iyadoo meel walba oo casimada Muqdisho ay ka dhaceyso hub arurintan.

 

Waxaa jira cabsi laga qabo isku dhacyo laga yaabo in ciidamada dowladda iyo shacab-ka iyo kooxo siyaasdeed oo ka soo horjeeda in ay hubkooda si fudud looga qaado, waxaana dadka Muqdisho badankkoda qabaan in ay jirto khaladaad qaabka ay dowladdu hub arurinta u sameyneyso.

 

Cali Muxayadiin Cali,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^No kidding...the tank belongs to the Ethiopian filthy army :confused: yet this dude of so called Duke aka xabashi dabo dhilif misleads himself to believing otherwise.Sad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo ay leedahay Dawlada KMG Somaliya oo la keenay magalada Jowhar si ay uga qaybqaataan Hubkadhigista lagu samaynayo Guud ahaan Dalka Somaliya

Posted to the MOL January 5, 2007, 10:33 am

 

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo tiradoodu gaareyso 800 ilaa 1000 askari ay soo gaareen magaalada Jowhar, iyadoo lagu xareeyay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

 

Ciidamadan oo oo sida la sheegay ka tagay Gobalada Puntland ayaa ujeedada halkaasi loo geeyay ay tahay sidii ay uga qeybgali lahaayeen hubka dhigista dowladda KMG ah ee Somalia oo berri ay ka bilaabeyso caasimadda Muqdisho, ka dib markii lagu guul dareystay in hubka yaalla caasimadda muddo 3 cesho ah lagu soo xareeyo oo RW Geedi uu u qabtey.

 

Sidoo kale warar kale ayaa sheegay in Dhamaan Ciidamada KMG ah ee Somaliya oo kusugan Muqdisho lagu wargaliyay inay hawlgali doonaan barito si dadka hubka haysta loga dhigo hubka sida la sheegayo waxaa laga dareemayaa magalada Muqdisho dhaqdhaqaaqa ay samaynayaan Ciimadamada Dawlada KMG ah ee somaliya iyadoo uu maantay RW Geedi sheegay in dadku ay ka faa,iidaystaan maantay oo jimce ah kuna eg mudadii loo qabtay hub dhigista.

 

 

Maxamed C/qaadir Khalaf

Galkacyo, Puntland, Somaliya

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo ka badan Sedex Kun oo ciidamada xooga dalka

 

 

25.JPG

 

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo ku sugan Baydhaba ayaa waxaa saakay halkaasi soo gaaray Ciidamo aad u fara badan oo ka badan Sedex kun oo Militari Somalia.ah

 

Ciidamadan ayaa waxaa ay degeen Xerooyinka Deynuunaay iyo Manaas, waxaana la sheegay in ay ku soo wajahan yihiin Magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin ciidamada xooga dalka Somalia ah.

 

Ciidamadan dheeraadka ah ayaa la sheegay in ay ku biirayaan ciidamada Muqdisho joogo, waxaana la sheegay in ay kala qeyb qaadan doonaan howlaha hub ka dhigista oo haatan iyo wixii ka dambeeyo Dowladda Federaalka ah ay ku dhawaaqday in ay so awood ah hubka u qaadeyso.

 

Waxaa la sheegay ciidamadan in la dejin doono Xarumo dheeraad ah sida isgoysyada, Saldhigyada, iyaga oo la shaqeyn doono Ciidamadii hore iyo kuwa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo Tiradoodu kor u dhaafeyso dhowr kun oo Dowladda federaalaka oo jowhar soo gaaray

 

Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in ay halkaasi soo gaareen ciidamo fara badan oo taabacsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ujeedadoodu tahay sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen howlgal ay shaacisay dowladda Federaalka iney kula dagaalameyso hubka sharci darada ee gudaha magaalada Muqdisho yaala.

 

Ciidamadan faraha badan ayaa la sheegayaa in iney ka yimaadeen gobolada Puntland, waana kuwo si weyn u tababaran oo isugu jira noocyada ciidamada , waxayna wataan dhamaan qalabkii ciidamada ay ku howlgeli lahaayeen.

 

Wararku waxay sheegayaan in ciidamadaas ay aroornimada soo geli doonaan magaalada Muqdisho iyagoo haatan bilaabay iney u soo dhaqaaqaan dhinaca magaalada Muqdisho, laguna wado in caawanimada soo istaagaan irida hore ee magaalada Muqdisho.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iyadu in berito oo sabti ah ay dooneyso in howlgal hub ka dhigis ah ka bilowdo magaalada Muqdisho iyadoo adegsaneysa awoodeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

If you can not tell the difference between an Ethiopian and Somali.

If truth be told there isn’t much difference, there is barely any difference.

 

Remember Duke we are all *brothers* ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

I guess all guns can never be removed from the hands of the civilians, The other day i was talking to this Yemeni, and he told me most people in Yemen own guns, and there is no problems.

 

Another of collecting the guns could be by offering some incentives, like buying the guns.

 

Gen Duke, Dont over do it man...Relax.You cant force every1 see in the way you want.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this