Sign in to follow this  
me

Wadaado ku xidhan maxkamadaha Xamar oo dhaq dhaqaaqyo ka wada agagaarka Burco

Recommended Posts

me   

Wadaado ku xidhan maxkamadaha Xamar oo dhaq dhaqaaqyo ka wada agagaarka magaalada Burco

Warkii 20-Oct-2006 iyo Qormadii: Xaamid

 

Wadaado ku xidhan maxkamadaha Xamar oo dhaq dhaqaaqyo ka wada agagaarka magaalada Burco Burco

 

Waxa dhawrkii ayaamood ee u dambeeyey laga dareemay magaalada Burco iyo agagaarkeeda dhaq-dhaqaaqyo xooggan oo ay ka wadaan kooxo ku xidhan maxkamadaha Xamar, iyada oo ciidamada amaanka ee gobolka Togdheer ay shalay tageen meel jeex-jeexyo ah oo u dhaxaysa Yirowe iyo Beer oo dhinaca Koonfur bari ee wadada laamida ah oo Burco u jirto 22km.

, waxa halkaasi laga helay ilaa shan boqol oo qasharka rasaasta qoriga BKM-ka loo yaqaano ah iyo calaamado ah kuwa lagu toog barto, iyada oo la sheegay in beryahanba lala socday hawlaha ay kooxahaasi halkaasi ka wadaan, balse aanay waxba iskaga tirinayn ciidamada amaanka gobolka.

 

Warkan tababarka ay kooxdani halkaasi ku samaynaysay waxa soo sheegay dadka reer miyiga ah ee ka ag-dhaw dhaw deegaamadaasi, waxaanay sheegeen inay dhawrkii todobaad ee ina dhaafay kooxdani halkaasi ka waday gooli baadh iyo tababaro kala duwan.

Waxa kale oo ay wararku intaasi ku darayaan in muddadii ay kooxdan halkaasi tababarka ka wadeen ay u shaqaynayeen ilaa saddex gaadhi oo ah nooca loo yaqaano Landcruiser-ka, kuwaasi oo dhawr jeer u tagay intii ay kooxdaasi oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 70 xubnood ay tababarada ku samaynayeen halkaasi, iyada oo ay gaadiidkaasi saarnaayeen niman dablay ahi.

 

Inkasta oo ay gaadiidkan iyo kooxahan ku xidhan maxkamadaha Xamar-ba ay soo galeen magaalada Burco markii ay soo dhamaysteen hawlahoodii, lana garanayo, haddana ma jiraan ilaa hadda wax laga xidhay, balse masuuliyiinta maamulka gobolka iyo magaalada Burco ayaa ilaa xalay shirar la xidhiidha xaalada cusub ee soo korodhay ku lahaa magaaladaasi, waxaana la filayaa inay maanta iskugu yeedhaan hogaamiyayaasha dhaqanka iyo diinta ee gobolkaasi si ay ugala hadlaan xaalada nabadgelyada gobolka iyo sidii looga hortagi lahaa khatarta ka iman karta kooxahaniba.

 

Kooxdan ayaa la sheegay in aanu tababarkan ay samaynayaan ku koobnayn oo keliya halkaasi ay shalay booqdeen ciidamada amaanku, balse ay afarta jiho ee magaaladaba ay tababaro kala duwan ku samaynayeen, iyada oo la sheegay in ujeedada ay tababarada ka leeyihiin tahay sidii ay ula wareegi lahaayeen maamulka gobolka Togdheer iyo magaalada Burco-ba.

Waxa kale oo la ogyahay inay beryahanba jireen gaadiid kala duwan oo Xamar qabta, haddana ku soo noqda magaalada Burco, kuwaasi oo qayb ka ah xidhiidho ay kooxahan maxkamadaha taageersani ku doonayaan inay iyaguna gacanta ku dhigaan maamulka gobolada bari ee Somaliland, iyaga oo tun jileecsanaya maamulka dawliga ah ee ka jira deegaamadaasi.

 

Magaalada Burco ayaa la rumaysan yahay inay xarun u tahay kooxo wadaado ah oo taageersan maxkamadaha Muqdisho, oo doonaya inay goor ay noqotaba mar uun isku miidaamiyaan sidii ay ula wareegi lahaayeen awooda maamulka gobolkaasi qiimahay doontaba ha ugu kacdee.

 

Inkasta oo la filayo inay maamulka gobolka iyo magaalada Burco maanta iskugu yeedhaan hogaamiyayaasha dhaqanka iyo diinta ee gobolka Togdheer, si looga wada tashado arrintani

 

xaamid c/laahi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by Red Sea:

^the title of the thread doesn't make any sense at all.

Whats so cryptic about the title?

 

It says Wadaads linked to the ICU are active in the Burco area.

 

They have come roaddawg pick a side! Either ride with the rightious or die with the secessionist mafia, you can't be with both.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^kaagan yar dhiigkar ayaad qabtaa runtii.Bal horta isdaji, sidii qof inyaroo caqliyi ku jiro u hadal, ha iska kar karine.

 

U fiirso, title ka waxaad qortay, intaanad bac bac layn sida tanag xashiishka.Miskiin.

 

It's says'wadaado ku xidhan xabsiga XAMAR,oo dhaqdhaqaaq ka wada Burco",what does that mean to you.Are they in jail and active at the same time? don't get it.

 

All I said was that the title of the thread is confusing.So maybe go with something like this 'wadaado la xidhiidha Xamar, oo dhaqdhaqaaq kawada Burco',then I can understand. But all the emotional outburst, is just not necessarily buddy.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by Red Sea:

^kaagan yar dhiigkar ayaad qabtaa runtii.Bal horta isdaji, sidii qof inyaroo caqliyi ku jiro u hadal, ha iska kar karine.

 

U fiirso, title ka waxaad qortay, intaanad bac bac layn sida tanag xashiishka.Miskiin.

 

It's says'wadaado ku xidhan xabsiga XAMAR,oo dhaqdhaqaaq ka wada Burco",what does that mean to you.Are they in jail and active at the same time? don't get it.

 

All I said was that the title of the thread is confusing.So maybe go with something like this 'wadaado la xidhiidha Xamar, oo dhaqdhaqaaq kawada Burco',then I can understand. But all the emotional outburst, is just not necessarily buddy.

War ma indhoolaad tahay?

 

Topic: Wadaado ku xidhan maxkamadaha Xamar oo dhaq dhaqaaqyo ka wada agagaarka Burco!

 

Where does it say XABSI? Da'dii ayaa ku heshay baan u malaynayaa.

 

 

Incase you don't speak proper Somali: Xidhan also means Linked to.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^lol,oops, listen bro, I meant to write, 'wadaado ku xidhan maxkamada Xamar',anyways, this topic isn't of correct somali grammer.it's should be 'wadaado la xidhiidha maxkamadaha Xamar,oo dhaqdhaqaaq kawada Burco---there u have it.

 

Da' ahaana dee waad iga wayn tay,ee just because I might sound mature doesn't mean I am older you are,perhaps.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The title is fine, grammatically speaking.

 

Wadaado ku xidhan maxkamadaha Xamar oo dhaq dhaqaaqyo ka wada agagaarka Burco

Maxaa ka qaldan? Nothing. It didn't say "wadaado u xiran Maxkamadaha Xamar...," which would've implied a jail term or imprisonment. However, it says to "ku xiran," translated as "associated [literally 'closed'] to."

 

Waana sax.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^not in my book,if that is exceptable in your handy dandy Baidhabo grammer,then it's not in mind.I count details,so I expect the same from Hargeysawi like he.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^waar bal ukaadi inadeer,amar qaadan ogidaa.ukaadiyoo,cagaha udhigoo,bal waxaan kawaday, oo ilaa haboonayd in sidaa loo qoro cinwaanka.

 

p.s.Mr.Me's vote doesnt count,waa falaago bilaa fadhiisin ah.Marba lahjad ayuu saaraa,markaa waxaan ka hadlaynaa pure qaldaan vs. pure wanlawayn, not wanabes.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Red Sea:

^not in my book,if that is exceptable in your handy dandy Baidhabo grammer,then it's not in mind.I count details,so I expect the same from Hargeysawi like he.

Miskiin is quite correct.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^Ina adeerow wallahi qosol maahe wax kale igamaad keentid. What is it with you and October 21st? This reminded me of last year's Ma Bishii HornAfrique baa. :D

 

Ninyaho ma si kala ee aad October u dabaal-dagtid baa weyde? It seems like you remember the date much better then I can ever remember. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Horn, don't know why... but you keep reminding me of it too :D

 

 

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

The title is fine, grammatically speaking.

Are you saying the "phrase" dhaq dhaqaaqyo is correct?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ :D

 

War Ayuub, sidii odeygii kismaayo looga saarayba ee mashruucii Jubbaland dabaysha u raacday, our good ole Horn geelisa xidigaha ayaa lagu maalayey ee ma isagaa 21kii oktober iyo shuqulkaas wakhti u haya these days. smile.gif

 

 

Toddobaatan Geeliyo ninkii tira laxaad dhiibey

oo midab Tiriigleey arkoo tahan ku faallooday

Oo Guga aroos loo turqiyo tanafas eegaayey

oo xaajadiisii tognayd wiil ka kala tuuray

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this