Sign in to follow this  
Gabbal

Governor Taano: The Jubbas have never been this peaceful.

Recommended Posts

Gabbal   

Dr.C/Rizaaq Taano Oo Ka Warbixiyey Amaanka Gobollada Jubbooyinka Iyo Weliba Arrimo Kale

 

Aug 13,2007

by Kismaayo-GEDO-NN

 

Dr.Cabdirizaq Faarax Cali (Taano) oo ah Ku simaha maamulka gobalka jubbada hoose oo fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay xaaladda ammaanka ee magaalada Kismaayo ay iminka meeshii ugu fiicnaynd ay marayso, kadib markii si weyn loo sugay ammaanka magaalada oo ciidamo rasmi ah nabadgelyada qaabilsan ay si rasmi ah ula wareegeen howlgalada lagu sugayo amaanka magaalada.

 

Dr.Taano oo hadalkiisa sii wato inay dib u habeyn weyn ay ku sameeyeen ciidamada dowladda federaalka Soomaliya ee ku sugan gobollada jubbooyinka, iyaga oo raacaya awaamiirtii ka soo fushay wasaaradda gaashaandhigga oo fareysay inay ciidamada goobahoodii lagu xareeyo, tababarro kale duwan dhowaan loo furi doono.

 

Masuulka oo ka waramayay amaanka wadada isku xirta magaalada Kismaayo iyo Muqdisho ayaa sheegay in amaanka wadadaasi uu iminka ka wanaagsan yahay muddooyinka la soo dhaafay oo uu yiri intii ay ciidamadoodu ay howlgalkan bilaabeen ay xaaladdu amaanka wadadu ay aad u wanaagsan tahay. Dr.Taano waxaa kale uu sheegay inay dib u soo celiyeen qeybo oo ah adeegga guud ee bulshada, gaar ahaan dayactirro lagu sameeyay isbitaalka magaalada Kismaayo iyo weliba dib u habeyn lagu sameeyey qeybo kale duwan oo xarumaha dowladda ee magaalada Kismaayo.

 

Dhinaca kale, Dr.Taano oo ka waramayey oo ka waramayey xiriirka ka dhaxeeya iyaga iyo dowladda federaalka Soomaliya ayaa sheegay inuu aad u wanaagsan yahay, xiriirkooduna uu joogto yahay, wafdi ka socdo dhankoodana ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho oo ay wadotashiyo kula leeyihiin madaxda dowladda federaalka.

 

GEDO-NN-Kismaayo News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Hoornow, war ninyahoow ma waxaad rabtaa inaad Duke iyo ragiisa aad dhiiga ku sii kicisid :D .

 

Good developement sxb, wax nabad ka fiican majirto......ilaahay ha u siyaadiyo baanu leenahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Dr.Cabdirizaq Faarax Cali (Taano) oo ah
Ku simaha maamulka
gobalka jubbada hoose

Ku simaha with big K could not mean governor. You didn't get that from the article. Did Gedonet fail you and left out that special title? The literal meaning of that word as you know is no more than place holder, temporarily.

 

Taloow yuu ku simayaa. Is it Turki or some TFG stooge.

 

Good news. Someone is noticing the nomadic militia roaming around the streets belong to rehab or better yet behind fenced post.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Horn is lost. Even his media oulet is not calling the man Governor, since he is not.

Anyhow the Juba's are not gonna be like Gedo adeer sooner or later you will be chased out.

Then you will blame who?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Dhubad:

Hoornow
, war ninyahoow ma waxaad rabtaa inaad
Duke
iyo ragiisa aad dhiiga ku sii kicisid
:D
.

 

Good developement sxb, wax nabad ka fiican majirto......ilaahay ha u siyaadiyo baanu leenahay.

Dhiiga ma horumarka Jubooyinka daraadeed ayuu ugu kici mise governor Taano? :D Anigu midna uma arko dhib, ciday dhib ku tahay bay u taal. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this