Sign in to follow this  
General Duke

Puntland delegate travel further into SANAAG

Recommended Posts

Waftigii Puntland ee ku sugnaa Dhahar iyo Xiingalool oo u gudbay deegaanka Badhan kadib markay maanta booqdeen deegaanka ceel buh.

 

Wafti balaaran oo ka socda Xukuumada Puntland uuna hogaaminayo Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Md. Axmed cali xaashi oo maalmahan ku sugnaa deegaanka dhahar iyo Xiingalool oo labada ay ka hirgaliyeen golayaasha deegaanka ayaa maanta u dhaqaaqay dhinaca Badhan iyadoo lagu wado inay halkaasi ka hirgaliyaan golayaasha deegaanka sidoo kalana ay safarkooda uga sii gudbi doonaan dhinaca Degmada Laasqoray oo iyadu ah halka ugu dambaysa ee ay rabaan inay ka hirgaliyaal golaha deegaanka.

 

 

Waftigan oo ay galibinayaan ciidamo lixaadle kuna hubaysan gawaarida dagaalka oo kor udhaafaysa 60 ayaa waxay ku soo guulaysteen inay ka hirgaliyaan golaha deegaanka Degmooyinka Dhahar iyo Xiingalool iyadoo dagaal ay la galeen Ciidamada Somaliland ay kaga saareen degmada dhahar.

 

Waftiga oo kulamo is daba jooga la qaadanayay dadwaynaha ku nool deegaanada ay booqanayaan ayaa maanta harsaday tuulada Ceelbuh halkaasoo siwayn loogu soo dhaweeyay looguna sameeyay qado sharaf kulamana ay kula qaateen odayaasha deegaanka.

 

Dhanka kale war ka soo baxay somaliland ayaa lagu sheegay inay isaga carareen ciidamada puntland degmada dhahar hadana ay ku dhaw yihiin ciidamada somaliland walow dadka deegaanka dhahar ay siwayn arintaasi gaashaanka ugu daruureen iyagoo qaar kamida waxgaradka dhahar ay saxaafada u sheegeen in wax ciidamo ah ama xubno somaliland ah aysan ku sugnayn dhahar iyadoo hada uu hawlihiisii shaqo guda galay maamulkii puntland ay ka hirgalisay halkaasi 2 bari ka hor kadib dagaal dhiig ku daatay oo ay kagala wareegeen dhahar ciidamo ka socday Somaliland.

 

Xiisada colaadeed ee udhaxaysa Puntland iyo Somaliland ayaa cirka isku shareertay maalmihii la soo dhaafay kadib markii labada mamul wufuud u kala direen gobolka sanaag halkaasoo kulamo isbarbar socda ay la qaateen dadka deegaanada arintaas oo markii dambe keentay isku dhac labada maamul ah oo dagaal toosa ay isaga horyimaadaan degmada dhahar oo markii dambe gacanta u gashay Puntland.

Heesta shabakadu idiin soo xushay(Dhagayso)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiingalool oo noqotay Degmadii 20aad ee Puntland oo Doorata Maamul degamo

Last Updated::2007-04-12 13:10:41

 

Xiingalool:- Golle.Deegaan iyo Duq Degmo aya maalintii shalay loo yagleelay Degmada Xiingalool ee Gobolka Sanaag.

 

 

Waxaa soo doortey Duqa Golaha Deegaanka iyo Duqa Degmada ee Degamadaas Shacabka ku dhaqan Degmadaas, waana markii ugu horeysey oo laga hirgeliyo Degmada Xiingalool Gole Deegaan.

 

Madasha loogu dhawaaqey in Golle Deegaan iyo Duq Degmo ay yeelatey Degmada Xiingalool ayaa waxaa Goob jog ka ahaa Gduoomiyaha Golaha wakiilada Puntland Axmed Cali Xaashi, Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer miyaga Cali Cabdi Awaare, wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka iyo Duulista Hawada Eng C/laahi Cali Xirsi,.

 

Golaha Deegaanka ay yeelatey Degmada Xiingallool waxaa ay ka koobanyihiin 30 Xubnood, waxaana markii lagu dhawaaqey Xubnahaas ka dib la gudo galey Doorashada Gudoomiye nimada Golaha Shacabka isla markaana noqonaya Duqa Degmada, waxaana isu soo taagey Jagada Hogaanka Labo Musarax oo lagu kala magacaabo, Maxamuud Cali Shire iyo Yuusuf Faarax Siciid.

 

Doorashada oo far tag ahayd ayaa 28 mudane oo Goobjoog ahayd waxaa ay Cod Aqlabiyad ah ay ku siiyeen uguna Doorteen Gudoomiye in uu u noqdo Shanta sano ee soo socoto Yuusuf Faarax Siciid.

 

Waxaana ku dhawaqey Natiijada Doorashadaas Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Hormatinta reer Miyaga Cali Cabdi Awaare.

 

Degmada Xiingalool ayaa waxaa ay noqotey Degmadii 20’aad oo loo dhiso Gole Deegaan oo dhameystiran, waxaana ay ka mid noqotey Degmooyinka uu ka hir galey Maamulada ay Dadka Gacantooda ay ku soo doortaan.

 

Horey waxaa loo soo dhisey Gole Deegaanka Gudoomiye Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, waxaana ay ahayd Degmadii 19’aad oo katirsan maamulka Puntland oo loo dhiso Gole Deegaan.

 

Mohamed Ali (Dalmar)

mohamedali11@gmail.com

Horseednet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gole deegaan & duq loo doortay degmada Xingalool ee gobolka Sanaag

 

Gole deegaan oo ay shacabku soo doorteen ayaa markii ugu horreysey laga dhisay degmada Xinglool ee Gobolka Sanaag, iyadoo ay degmada Xingalool ay ku soo biirtay magaalooyinka Puntland ee leh golayaasha deegaanka, ayna noqotay degmada 20-aad leh gole deegaan ee ay dadku soo doorteen katana tirsan dawlad goboleedka Puntland.

 

Tartanka duqa degmada Xingalool ayaa waxaa isu soo taagey Yuusuf Faarax Siciid iyo Maxamuud Cali Shire oo ku kala baxay doorasho gacan taag ah.

 

Xubnaha golaha deegaanka degmada Xingalool oo gaaraya 30 ayaa waxaa goob joog ka ahaa 28 xubnood, waxana duqa degamada Xingalool ku guuleystey Yuusuf Faarax Siciid iyadoo uu musharraxii la tartamayey uu ugu hambalyeeyey guusha isla markaasna uu aqbalay natiijada.

 

Natiijada doorashada ayaa waxaa ku dhawaaqay wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ahna guddoomiyaha dhismayaasha golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland, Cali Cabdi Awaare.

 

Sidoo kale, munaasabaddaasi ayaa waxaa khudbad ka jeediyey guddoomiyaha golaha wakiillada dawlad goboleedka Puntland, Axmed Cali Xaashi, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen wasiirro ay kamid ahaayeen wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka iyo duuliska hawada, Eng Cabdullaahi Cail Xirsi.

 

Wafdiga sare ee ka socda dawlad goboleedka Puntland ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey magaalada Xingalool, waxanay maamulka ka codsadeen in wax laga qabto arrimaha horumarinta bulshada.

 

Axmed Shaam

 

SBC Xingalool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiingalool oo noqotay Degmadii 20aad ee Puntland oo Doorata Maamul degamo

Posted to the MOL April 12, 2007, 3:56 pm

 

Golle.Deegaan iyo Duq Degmo aya maalintii shalay loo yagleelay Degmada Xiingalool ee Gobolka Sanaag.

Waxaa soo doortey Duqa Golaha Deegaanka iyo Duqa Degmada ee Degamadaas Shacabka ku dhaqan Degmadaas, waana markii ugu horeysey oo laga hirgeliyo Degmada Xiingalool Gole Deegaan.

 

Madasha loogu dhawaaqey in Golle Deegaan iyo Duq Degmo ay yeelatey Degmada Xiingalool ayaa waxaa Goob jog ka ahaa Gduoomiyaha Golaha wakiilada Puntland Axmed Cali Xaashi, Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer miyaga Cali Cabdi Awaare, wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka iyo Duulista Hawada Eng C/laahi Cali Xirsi,.

 

Golaha Deegaanka ay yeelatey Degmada Xiingallool waxaa ay ka koobanyihiin 30 Xubnood, waxaana markii lagu dhawaaqey Xubnahaas ka dib la gudo galey Doorashada Gudoomiye nimada Golaha Shacabka isla markaana noqonaya Duqa Degmada, waxaana isu soo taagey Jagada Hogaanka Labo Musarax oo lagu kala magacaabo, Maxamuud Cali Shire iyo Yuusuf Faarax Siciid.

 

Doorashada oo far tag ahayd ayaa 28 mudane oo Goobjoog ahayd waxaa ay Cod Aqlabiyad ah ay ku siiyeen uguna Doorteen Gudoomiye in uu u noqdo Shanta sano ee soo socoto Yuusuf Faarax Siciid.

 

Waxaana ku dhawaqey Natiijada Doorashadaas Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Hormatinta reer Miyaga Cali Cabdi Awaare.

 

Degmada Xiingalool ayaa waxaa ay noqotey Degmadii 20’aad oo loo dhiso Gole Deegaan oo dhameystiran, waxaana ay ka mid noqotey Degmooyinka uu ka hir galey Maamulada ay Dadka Gacantooda ay ku soo doortaan.

 

Horey waxaa loo soo dhisey Gole Deegaanka Gudoomiye Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, waxaana ay ahayd Degmadii 19’aad oo katirsan maamulka Puntland oo loo dhiso Gole Deegaan.

 

 

Rabiile Gabanow

 

 

Mudugonline Bosaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^As they come in saxib, but these men are claiming something thats not there. As the delegation move on to other areas they claimed victory. However Dhahar is 19th & Xingalool is the 20th dsitrict with a local admin in Puntland.

 

If some belive that Puntland troops are over streched they will soon get a suprise.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

@Che, my sources tell me, waxaa so ghaday meesha oday 80 jir ah oo wata wafdi ka kooban 1500 Geel, 500 adhi iyo 400 oo lo'o ah. Aad bana loo soo dhaweyey. Bal ta ka warama?

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   
Originally posted by Che-Guevara:

LooL@over stretched...Goormaad Bush noqotay.

QUOTE]

 

 

Puntland is now the equivalant of the United States in the Horn. Its troops are taking care of bussiness in Xamar, and some are taking care of bussiness in Sanaag, what an army? :D

 

Kaalay, where is the appriciation for Melez here, man that guy hasn't gotten any respect from Duke and his fellow Planders at all. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this