Sign in to follow this  
sahal

Faroole: Wasiirradii puntland waxaa bililiqeystay Sheekh Shariif

Recommended Posts

sahal   

Madaxwaynaha dawlada Puntland waxa uu eed dusha uga tuurey Madaxwaynaha KMG ah Shariif Shiikh Axmed oo uu sheegay in wasiirada Puntland la siiyey ee saddexda ah in labo ka mid ah uu isagu keensadey ayna xafiisyadiisa uga shaqeyn jireen.

 

 

Anaga Puntland ahaan 3 wasiir ayaa nagu magacaaban xukuumada labo ka mid ah Ninka Madaxwaynaha ah ayaa bililiqaystey oo keensadey wax lala yaabo weeye wasiiro laka bililiqaysanayo anagu arintaas yeeli mayno nama matalaan” ayuu yiri Madaxwayne Faroole.

 

Madaxwaynaha Puntland waxa kale oo uu sheegay in labada wasiir ee Madaxwayne Shariif ku darsadey liiska ee Puntland kasoo jeeda inay yihiin kuwo nabada iyo danaha Puntland kasoo jeeda kana shaqeynaya fawdo iyo la shaqeyn kooxda SSC la baxdey ee hada ku sugan magaalada Muqdisho. :D :rolleyes:

 

Fuul article http://www.raxanreeb.com/?p=71564

Share this post


Link to post
Share on other sites

Anaga Puntland ahaan 3 wasiir ayaa nagu magacaaban xukuumada labo ka mid ah Ninka Madaxwaynaha ah ayaa bililiqaystey oo keensadey wax lala yaabo weeye wasiiro laka bililiqaysanayo anagu arintaas yeeli mayno nama matalaan” ayuu yiri Madaxwayne Faroole.

 

waxan maqli jiray kuraasi iyo hubka casriga la biliqeystey laakin wasiir dhan oo la biliqeystey :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

quote:Anaga Puntland ahaan 3 wasiir ayaa nagu magacaaban xukuumada labo ka mid ah Ninka Madaxwaynaha ah ayaa bililiqaystey oo keensadey wax lala yaabo weeye wasiiro laka bililiqaysanayo anagu arintaas yeeli mayno nama matalaan” ayuu yiri Madaxwayne Faroole.

 

waxan maqli jiray kuraasi iyo hubka casriga la biliqeystey laakin wasiir dhan oo la biliqeystey
:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

quote:Anaga Puntland ahaan 3 wasiir ayaa nagu magacaaban xukuumada labo ka mid ah Ninka Madaxwaynaha ah ayaa bililiqaystey oo keensadey wax lala yaabo weeye wasiiro laka bililiqaysanayo anagu arintaas yeeli mayno nama matalaan” ayuu yiri Madaxwayne Faroole.

 

waxan maqli jiray kuraasi iyo hubka casriga la biliqeystey laakin wasiir dhan oo la biliqeystey
:Dkkkkkk :D funny walahi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

loool...Sheekadaani wasiirro ka weyn ee waftiga SSC muxuu Madaxweynuhu ula kulmay baa laga wadaa...Yaa lagu ciyaarayaa?!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Fool Faroole waxaa uu ka dhimayaa kana xunyahay, Madaxweynaha Somalia qaabilo Wafdiga SSC heerka Qaran ee booqasho ku jooga caasimada Somalia Mogadishu

 

 

Ta kale ee layaab leh, waxa weeye Fool Faroole waxa uu aaminsanyahay in wasiiro laga bililiqeystay Beesha Bariga/Puntland

 

 

Waa kuwan Nimanka bililiqeystay Wasiiradii Beesha Faroole ee Maamulka Puntland iska leh

 

1. PM Farmaajo oo jagada Ra'isul Wasaaraha bililiqeystay

 

 

2. Wasiir C/kariin Xasan Jaamac( SSC) oo jagada Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta bililiqeystay

 

 

3. Wasiir C/rashiid Khaliif Xaashi oo jagada Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska bililiqeystay

 

 

Fool Faroole waxa uu sheegay in halka nin ee kasoo jeeda beesha Bariga (ama Puntland) C/weli Maxamed Cali oo ah Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga oo matalo Puntland

 

 

Lakiin Wasiirada kale ee kasoo jeeda Gedo,Goldogob, SSC, iyo Gobolada kale Cidna Ma Matalaan

 

 

Faroole qabyaalad, xaasidno iyo munaafaqnimo ayuu isku darsaday

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

DHAGEYSO: C/raxmaan Faroole "Sadexda Wasiir Midka Beesha SSDF Waana Matela laakiin Kuwa SSC & Galdogob Waa Billiliqo, SSC waxaa Ku Qayliyey Malakul Jibriil, Argagaxisadu Galgala Waxay galeen Laascaanood iyo Ceerigaabo, Maamulka Siilaanyo ee Somaliland Waxaanu Leenahay Naga Raali Noqda, Nabadana Nagala Shaqeeya

 

 

C/raxmaan faroole oo ka hadlay salaada ciid ka dib ayaa halkaas ka cadeeyey in Laascaanood Iyo Ceerigaabo joogaan Argagaxiso, Maamulka Siilaanyo ee Hargaysa xaruntiisu tahay raali gelin ka siiyey haddalo hore uu saxaafadda ka sheegay kana codsaday in ay nabada kala shaqeeyaan.

 

 

 

 

 

C/raxmaan faroole ayaa waxuu sheegay in maamulka Puntland uu matalo Wasiirka Dr. C/Wali Maxamed , laakiin C/kariin Xasan Jaamac iyo C/rashiid Khaliif Xaashi aysan matalin ayna yihiina rag colaad u haya puntland kuna sheegay wasiiro laga billiliqaystay maamulkiisa. faroole ayaa ku tilmaamay Dr. C/kariim xasan Jaamac nin burburinaya puntland.

 

 

 

Faroole ayaa ku nuuxnuuxsaday in maamulka SSC yahay cadow in lala dagaalamo ay waajib tahay uuna la kaashanayo maamulka somaliland maadaama uu ka dalbaday in nabada laga shaqeeyo taas oo macnaheedu tahay kalmad siyaasiyiintu isticmaasho oo ah kalmad colaadeed, Faroole ayaa hadalkiisa ku cel celiyey " SSc ka soo degi maayaan garoomadayyada iyo degaankayaga Hadday wax xoraynayaan dee xamar baa u baahan xorayne xamar ha iska joogaan"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Maxay Tahay Qaylada iyo Cabaadka Faroole

 

 

Maanta oo ciid ahayd waxaa isna madashii ciida ee Garoowe afkiisa Furtay Mr Faroole oo sheegay in xidhiidhkii ka dhexeeyay Dowlada Somaaliya uu go’ayo maadaama wasiirada loo magacaabay Puntland aysan iyagu soo xulan ee jeebka Farmaajo ka yimaadeen. waxaa wax lala yaabo noqotay intii la abuuray DKM weligeed lagalama tashan Puntland magacaabista wasiirada DKM waayo waa federal system Cabdilaahi Yuusufna siduu doonoo ka yeeli jiray maxaa keenay qayladan is daba joogta.

 

Hadaba mar aan u kuur galay sababta dhabta ah waxay noqotay in maamulka ex Puntland uu aad uga xun yahay in jagadiii raisulwasaaranimo gacanta u gashay reer aan ahayn beesha Beesha Bariga ay noqon doonto taariikh iyo mid soo noqoqonta.

 

waxaa kaloo ay expuntland qaadan la’adahay joogitaanka hogaanka SSC ee Muqdisho jooga oo weliba qaabilay Madaxweynihii wadanka taas oo hurdo la’aan ku riday Mr Faroole oo aan qarsan nacaybka uu u qabo jiritaanka SSC iyo inay ka hoos baxdo expuntland iyo Somaliland oo ka dhigtay kubad ay ku cayaaraan dadka ku dhaqan mandiqada Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

 

Hadaba waxaanu sidii caadaha ahayd la dhex maray mikirifooonka magaalooyinka Yagoori, Widhwidh, Buuhoodle iyo Xudun waydiinayna waxa ay u arkaan dareenkooda hadalada ka soo burqanaya expuntland iyo weliba siyaasiinta S/Land ugu jira maamulka Muqdisho aayaa wxay si aqlebiyad ah ku sheegeen in expunland aysan marnaba qaadan karin in maamulka SSC hana qaado ayna rabti in SSC loo kala qaybiyo exPuntland iyo Somaliland waayo SSC la’aan Beesha Bariga heshiin maayo waxay ay dagaalka u diraana heli maayaan marka SSC la’aan waa ExPuntland la’aan sida laga soo xigtay wasiir jooga Garoowe oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso.

 

Dadkii maanta oo ciid ahayd wax la su’aalay ayaa sheegay inay taageero hiil iyo hooba la garab taagan yihiin maamulka SSC ayna ka rajaynayaan inay hagaajiyaan maamulkooda oo ay ka muuqato habacsanaan beryahan danbe loona baahan yahay in meel walba oo ay degto beeshu u soo gaadho maamulka. waxay kaloo xuseen in Qurbo joog la soo xidhiidhaan doonaya inay furfuraan SSC una shaqeeya cadowga arintaas oo ay aad ula yaabeen dadkii noo sheegay markii aanu waydiinaynay su’aalaha maanta.

 

Ali Maxamuud, weriye madax banaan,Widhwidh Online Laascaanood, Sooomalia Republic

 

 

- - - - -

 

 

Cutiya OO Ka Jeedisay Hadalo oo u Badnaa Cabasho iyo Calaacal Salaadii Ciida ee Garowe

 

“ Waxaa la Yiri sadax Wasiir ayad ku leedihin taasi Waa been,Hal wasiir ayaa nala siiyay” ayuu si jilicsan u Yiri faroole.

 

“Anaga Kuwaas Nama matalaan hadaad wax u dhiibateen iyo hadii kale” ayuu markale asaga oo Cabanaya Yiri faroole.

 

“Aanagu Waan ka Baxnay Dowlada federaalka hadan la helayn waxaan hore u heli jiray”

 

Mudane C/raxmaan faroole ayaa manta Salaadii Ciida, waxa uu kaga hadlay arimo badan oo ku aadan siyaasada soomaaliya iyo tan Danta Beeshiisa .

 

Faroole oo la hadlayay dadkii iskugu soo baxay Saalada Ciida ayaa halkaas kaga hadlay hadalo Cabasho u badan oo ku aadan Dowlada KMG ee uu Hogaamiyo Madaxweyne shariif, asaga oo dhaliilay qaabka uu Wasiirada Cusub u soo dhisay farmaajo.

 

C/raxmaan faroole ayaa waxuu sheegay in maamulka Puntland uu matalo Wasiirka Dr. C/Wali Maxamed , laakiin Dr. C/kariin Xasan Jaamac iyo C/rashiid Khaliif Xaashi aysan matalin ayna yihiina rag colaad u haya puntland kuna sheegay wasiiro laga billiliqaystay maamulkiisa. faroole ayaa ku tilmaamay Dr. C/kariim xasan Jaamac nin burburinaya puntland.

 

Waxaa dhanka kale Mudane Faroole Qaylo dhaan u dirsaday Maamulka SNM taas uu kaga dalbanayay in la soo cadaadiyo Maamulka SSC iyo Shacabkeeedaba , Siilaanyo oo adeegsanaya raaskiisa ayaa markiba weerar ku qaaday gobolka Cayn Halkaasoo ilaa hada ay colaadu ka aloosan tahay iyada oo laguna doonayo in lagu mashquuliyo hanaan socodka Maamulka Sool Sanaag Cayn.

 

Mustafe nuur allssc.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Galdogob:Nabadoon Cambaareeyay Hadalkii Faroole EE Ahaa Wasiirada Galdogob & SSC Nama Matalan, Lakiin C/weli Maxamed Cali Waa uu Namatalaa Waayo Waxuu Kasoo Jeeda Beesha Bariga/Puntland

 

Goldogob

 

Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Galdogob ayaa sheegaya in Nabadoon la yiraahdo Cali Salaad Cilmi oo kasoo jeeda Goldogob ayaa cambaareeyay hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland Wasiirada cusub nama matalaan ee waxaa magacawday Sh.Shariif (Laba wasiir oo ka soo kala jeeda Goldogob iyo Buuhoodle SSC nama matalaan),arritaas oo uu nabadoonku waraysi uu VOA siiyay ku sheegay in Wasiirada uu magacaabay Raysal Wasaaraha ay shaqada Raysal Wasaaraha tahay,Faroolana ay shaqadiisa tahay Puntland.

 

 

Wuxuuna sheegay hadalka Faroole inaysan taageersanayn,waana wax laga xumaado.

 

Waxaana loo arkaya Madaxweynaha Puntland inuusan doonayn in qabiiladaa loo magacaabo Wasiir.

 

 

Waxaa kale oo uu Nabadoonku xusay haddii aan Wasiirada oo lagu bixiyay qaabkii 4.5,aysan matalin Puntland,Waxaa su’aal ka imanaysaa cidda uu faroole matalaayo.

 

Labadan Wasiir ayaa Maamulka Puntland ay si ba’an uga soo hor jeestay,una ku dhawaaqay diidmadaa Mr. Faroole.

 

Labadan Wasiir ee la diidan yahay ayaa waxay kasoo kala jeedaan Goldogob iyo SSC.

 

Arrintan haddaan Maamulka Faroole uusan ka noqon waxay keenaysaa kala fogaansho tolnimadii ay awalba duntu isku haysay!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

NN, you should have called for his "impeachment" when he was displacing and killing the Maakhiris in western BARI.

Btw, the wisdom is that you only impeach the leader of a legititimate admin.

Your strong reaction and appeal for an action is too little too late.

Share this post


Link to post
Share on other sites

two things, maybe I have a short memory but I remember supporting sanaag's environmental militia and two Nassir, how the heck am I supposed to know whats happening in a remote bari mountains?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Shilling   

Originally posted by Naxar Nugaaleed:

xayawaan foqal xaywaan, Puntland's parliament should do itself and the state a favor and impeach this guy.

Faroole's concerns are legit; both the president and the parliament of Puntland are united against Sheikh Shariif's ill intention toward the state. I'm sure none of you anti-Faroole folk even bothered to check Sheikh Shariif's track record on anything regarding Puntland, perhaps if you all had you all might have had understood the man's concerns. But I don't see that happening anytime soon since you'll are busy making Sheikh Shariif and his advisers ill intention a reality. It's ridiculous how you all manage to turn every legit dispute that state has with the TFG, SSC and Mr. Atom into clan issue.

 

[ November 17, 2010, 06:51 PM: Message edited by: Libaax-Sankataabte ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this