Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Govt Officials Taking Action Against Sanaag Terrorists

Recommended Posts

Cowke   

Garoowe:(Allpuntland)Golaha Wasiirada Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa 24-kii Saac ee lasoo dhaafay waxay laaheeyeen kulamo Xasaasi ah oo aanan kala joogsi lahayn,kuwaas oo ay uga hadlayeen xaaladihii ugu danbeeyey ee dalka.

 

Kulankan oo shalay aroor hore bilowdaya ayaa shalay Duhurnimadii xoogaa hakad galay,waxaana uu markale bilowday shalay galab isagoo ilaa xalay la isla gaaray saqdhexe,dabadeedna saaka oo Jimce ah Wasiirada Puntland ayaa markale dib ugu noqday Hoolka Shirarka ee Madaxtooyada Puntland.

 

Kulamada Wasiirada Puntland oo intabadan Todobaadkiiba mardhici jiray ayaa todobaadkan ka xaasisan kuwii hore,waxaana Wararku sheegayaan in Dawlada Puntland ay walaac ka qabto Dhaqdhaqaayo laga soo sheegayo deegaano katirsan gobolka Sanaag oo ay bilaabeen Hogaamiyeyaal Diimeedyo halkaas kajira.

 

Wasiir xigeenka Wasaarada Warfaafinta ee dawlada Puntland ahna kusimaha Wasiirka Warfaafinta Cabiqani Salaad Guray ayaa APL u sheegey in weli aysan kulamadaasi dhamaan islamarkaasna ay Wada xaajoodyadu aad u culus yihiin,wuxuuse Wasiir xigeenka Warfaafintu ka gaabsaday inuu APL u sheegey ujeedada Kuladmaas.

 

“Waxaan kuu sheegi karaa in Kulamadii aanu shalay aroortii u fariisanay weli u fadhino Hada oo aan kula hadlayo..laakiin kuma oran karno Howl hebla ayaa looga hadlayaa,waayo taas hadaad iweydiiso waa Khalad,dhawaan ay noo soo dhamaanayaan Aanuna Warbaahinta uga waramaynaa wixii kasoo baxa”Ayuu yiri Cabdiqani Salaad Gurey oo ay APL weydiisay waxyaabaha looga hadlayo Kulamadooda.

 

Warar ay APL ka heshay Ilo ay ku kalsoontahay ayaa sheegaya in Kulankaas si gaar ah uu madaxweynaha Puntland farta ugu fiiqey Dhaqdhaqaayada kajira Gobolka Sanaag,islamarkaasna uu Xukuumadiisa ka codsaday in loo istaago Howlgal halkaas laga bilaabo.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntalnd

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Boosaaso:G/Sanaag oo isku aruursanayaan taageerayaasha Ururo diimeedyada ka jira K/Soomaaliya.

 

16. juli 2010

 

Boosaaso:(Allpuntland)-Warar hoose oo laga helayo qeybo kamid ah deegaanada Sanaag bari ee Puntland & xiriirka gobolada Sanaag & Bari ee Puntland ayaa sheegaya in halkaas ay ka dilaaceen Hogaamiyeyaal islaamiyiin ah oo kasoo horjeeda dawlada Puntland.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in meelo ay kamid tahay buurta Galgala oo ay horay u degenaayaan taageerayaasha Hogaamiye Maxamed Siciid Atom ay halkaas uga dhawaaqeen inay taageersanyihiin Kooxda Xisbul Islaam ee kajirta koonfurta Soomaaliya.

 

Sidoo kalena warar kale oo ay APL ku kalsoontahay ayaa sheegaya in meelo kale oo kamid ah Gobolka Sanaag sidaas oo kale ay uga bilowdeen taageerada Xisbiyo kale oo ay Alshabaab kamid tahay,islamarkaasna laga taagay Calanka Alshabaab deegaano hoosyimaada degmada Dhahar ee gobolka Haylaan.

 

Dawlada Puntland ayaa bilihii lasoo dhaafay ka walaacsanayd amaanka gobolkaas oo ay horay uga digtay in Hogaamiye diimeedyadu ay halkaas fariisimo kasamaystaan,waxaana dhawaan halkaas booqday Wafdi kasocda dawlada Puntland oo uu hogaaminayey Wasiirka Arimaha gudaha ee Puntland,balse wafdigaas uma suurtobin inay tagaan Buuraha laga shaki qabo.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

I am hearing news the galgala boys have even raised up the flag of shabab in parts of bari and are trying to establish their new form of govt for their degaans.

 

Puntland administration has recieved firm support from sanaag odeys to take action against this group who wants to destablize the region.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Does the pirate state take orders from odayaals, cant the administration decide on their own. Do they need to get a green light from oday fadhia bossaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

The flag doesnt fool anyone Xaji, you are probably from pirate state. Even your fellow NW Somalis know you are a fraud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Why is everyone here accused of beign a pirate.

Its al because of that Monkey. :D

 

Even I know for sure Xaaji is a Cow owner. And we do love to milk those cows, they provide a lot of milk for the whole country.

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Cowke you're one confused kid; Adeer Galgala is in Bari Region (fact check); that same fact bother's all-Puntland as it bother's you.

 

This whole hype is another quick buck project specially considering it's timing that follows the Kampala bombing.

 

I won't comment on Faroole's narrow political agenda untill the project unfolds.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Xudeedi there is no questions that terrorists are located in galgala, it was even in the united nations report.

 

As for galgala being in bari yes it is in bari but we call it sanaag bari. Because they share closer ties to fellow makhiris then the rest of bari.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allpuntland marka ay ka hadlayaan (Galgala, Maraje, Af-urur, Ceeldoofaar, Laag, Bali Khadar, Dameer, Xamur, Jiingada, iyo wixii lamid ah, Xitaa "Baalade" oo ah xaafada Boosaaso ugu weyn waxay ugu yeeraan Sanaag).

 

War Sanaagtu weynaa horta? Allpuntland ma aha dad dalka kala garanaaya. Galmadug News ayaa dhulka uu ka hadlaaya ka badiya.

 

As for galgala being in bari yes it is in bari but we call it sanaag bari. Because they share closer ties to fellow makhiris then the rest of bari.

Cawke....

 

Very cheap and desperate indeed. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

The more PL officials use the terror card the more it leads to political and social isolation of its neighbors. Let's learn from what is happening in the south, Iraq or Afghanistan.

Our noble ideal to securing Peace in Somalia is our biggest dividend, something we have been denied for more than two decades.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

MAXKAMADA CUSUB EE DANBIYADA ARGA-GIXISADA OO MAANTA LA HORGEEYEY MUDANAYAASHA BAARLAMAANKA PUNTLAND.?

 

7943.jpg

 

Xukuumadda Puntland ayaa maanta mudanayaasha Baarlamaanka Dawladda Puntland waxay horgaysay heer loogu talagalay arga-gixisada iyo ansixinta maxkamadda u gaar ah dadka gala danbiyada arga-gixisonimo ee ka dhaca Deegaanada Puntland.

 

Xeerka ku aadan samaynta maxkamad u gaar ah danbiyada arga-gixisonimo ayaa waxaa maalintii shalay qalinka ku duugay Golaha Xukumadda Puntland iyadoo maantana la horgeeyey Baanlamaanka Puntland si ay ansixiyaan, xeerkan oo ah mid kasoo baxay fadhi ay yeesheen Golaha xukuumaddu muddo gaaraysa 32 saac oo xiriir ah.

 

Xeerkan oo qoraalk ah ayaa waxaa mid mid loogu qaybiyey xildhibaanada waxaana lagu wadaa in ay madanayaashu ka doodaan maalinimada berri ah sidoo kale waxaa la shaaciyey in ay maalinta berri baalamaanka hor imaan doonaan qaar katirsan Golaha Wasiiadda kuwaasi oo sharraxaad dheeraad ah ka bixin doona hab dhanqanka xeerkan cusub oo ahaa mid ku yimi si deg deg ah.

 

Inta badan mudanayaasha Baarlamaanka Puntlamnd ayaa waxa ay wararku sheegaayaan in ay ku qanacsan yihiin xeerkan oo ah mid la sheegay in uu wax ka bedeli karo meesha ay hadda marayso xaaladda ammaan xumo ee Puntland gaar ahaana xarunta ganaciga Puntland ee Bossaso.

 

Maalintii shalay ayey markii ay Golaha Wasiiraddu iyo Madaxweynahu si wada jir ah ugu dhawaaqeen in la samayn doono maxkamad u gaar ah dadka gala falalka arga-gixisonimo waxaana xusid mudan in inta badan falalka ammaan darro ee ka dhaca Deegaanada Puntland ay Golaha Xukuumaddu ku tilmaameen kuwo arga-gixiso sidaasi darteedna ay ku dhawaaqeen samaynta maxkamaddan iyo xeer kale oo lagu wada sheegay kuwa arga-gixisada.

 

Jaamac Joofane

Bossaso Puntland Somalia Laasqoray.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Ilka Jiir oo Ethiopia ku sii Jeeda

IMG_0255-2.jpg

 

Warar hoose oo aanu hada ka helay Garoowe ayaa sheegaya inuu Gen Ilka Jiir Wasiirka Arimaha Gudaha PL uu dhawaan Safar deg deg ah ugu duulayo Adis-Ababa Xarunta Ethiopia,
warka ayaa sheegaya in shirkii albaabadu u xidhnaayeen ee Wasiirada Maamulkaasi Yeesheen laysku Af Gartay in la Weeraro Galgala  isla markaana waxa weerarkaasi u olalaynaya Wasiirka Arimaha Gudaha oo Noqday Nin Gurigiisii Weeraray.

 

Qof qariyay Magaciisa oo Garoowe ku sugan ayaa noo sheegay inuu Ilka Jiir  Adis-Ababa ku soo Saxeexayo in Weerar Xoogan lagu qaado Galgala iyo Maatada degan si dhulka Loola simo,waxana Taakulanaya Sirdoonka Ethiopia oo qalabka Isgaarsiineed  iyo Cudud ciidan ka Taakulayndoona.

 

Warar kale ayaa sheegaya in Faroole Aad uga soo Horjeedo in la weeraro Galgala  isaga oo doonaya in Wada hadal wax lagu dhameeyo, Halka Gen-ka Looga Taag La’yahay Galgala oo uu Afka ku hayo in la Garaaco.

 

Sidoo kale Maanta  ayaa la Meel mariyay SHarciga Dhigaya Maxkamada Xukunta Argagixisda dadka lagu eedayo, walow aan wali Baarlamaanka la Horgayn sidii ay u Ansixin lahaayeen.

 

Dadka Siyaasada Falan qeeya ayaa Masiirxun u Arka hadii Galgala weerar lagu qaado taasi oo Keeni Karta Dagaal Ahli ah hadii Deegaanka reer kale lagu duulo iyada oo SHaati Maamul la xidhanyahay.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this