Sign in to follow this  
Gabbal

COL. C/YUSUF OO AMAR KU BIXIYEY IN LA XIRO JEN. CADE MUUSE

Recommended Posts

Gabbal   

Is this true and if it is, does Abdulahi Yusuf have to right to order an arrest of the man who is virtually defending Sool and for so trivial a reason?

 

code:

  

COL. C/YUSUF OO AMAR KU BIXIYEY IN LA XIRO JEN. CADE MUUSE HADII UU KU SOO LAABTO PUNTLAND….

 

 

 

Gaalkacyo Arbaco. 24 November 2004

 

 

 

Warar lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxaya in Col. C/Yusuf amar ku bixiyey in la xiro Jen. Cade Muuse hadii uu goboladda Puntland dib ugu soo noqdo. Col. C/Yusuf ayaa amarkan soo saaray kadib markii uu Jen. Cade Muuse ka horyimid xil-korarsiga ay Col. C/Yusuf iyo Maxamed Cabdi Xaashi samaysteen, ee ay ku darsadeen halso oo kale inay sii haystaan hogaanka maamulka Puntland.

 

 

 

Jen. Cade Muuse oo hada ku sugan dalka Canada ayaa arintaas si kulul uga horyimid wuxuuna sheegay inuu dagaal ka xigo xili korarsi kale. Jen Cade Muuse ayaa isu soo sharaxay jagada Maxadwenanimada oo la filayey inay dhacdo bilowga sanadka cusub ee fooda nagu soo haya.

 

 

 

Warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxaya inuu Jen Cade Muuse la soo xiriiray Col. Cabdi Yasiin Xirsi oo laga qaaday duqii magaalada Boosaaso ayna kawada hadleen sidii loo abaaabuli lahaa ciidan cusub oo ka hor taga Col. Yusuf. Labada nin ee Jen. Cade Muuse iyo Cabdi Yaasiin Xirsi ayaa ka mid ahaa saraakiishii hor kacayey ciidankii Ceel-Afweyn u cararay kadib markii looga awood roonaaday dagaalkii ka dhacay Dhuudo laba sano ka hor. Halkaas oo ay dadka reer Somaliland ka heleen gar-gaar aad u balaaran.

 

 

 

Dhinaca kale warar la isla dhexmaryo suuqayada magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya inuu Jen. Cade Muuse la soo xiriiray saraakiil, iyo wax-kagarad ka tirsan beesha Maxamed Cumar oo uu ka mid yahay Bashiir Faarax Bile iyo Takarooni Faarax Bayle ayna kawada hadleen sidii ay isku kaashan lahaayeen.

 

 

 

Isku soo xooriyoo waxaa hada cad inay ka bilaabatay Puntland xiisad colaadeed ooh or leh oo ku salaysan xil-korarsiga ay samaysteen Col. C/Yusuf iyo Maxamed Cabdi Xaashi.

 

 

 

Wixii soo kordha waa idila soo socsiinaynaa (hadii alle idmo).

 

 

 

Cabdi-daahir Yusuf Cilmi

 

Gaalkacyo

 

cabdidaahiryusuf@yahoo.co.uk

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

why did you get rid of Hobyonet sxb

:D

 

Is this true...

Highly unlikely, the entire article seems a joke.

 

does Abdulahi Yusuf have to right to order an arrest

No.

 

of the man who is virtually defending Sool

I think you are forgetting who you are talking about... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

HornAfrique, why my brother why?

 

Look at the poor writer's name.

 

Cabdi-daahir Yusuf Cilmi

and look at this incident and how it reflects on your phony article.

 

An article showing how an innocent person's name was used to spread lies by the Sland website Qarannews

 

The same name used for another article to spread lies. Here's his own letter trying to sue these persons

 

 

where did you get this story. They'll probably be sued by this man.

Share this post


Link to post
Share on other sites

SBC Exclusive - 25.November.2004 Waxaa noo suura gashay in aan waraysi la yeelanno Gen. Cadde Muuse Xirsi oo isagu xilligan ku sugan magaalada Ottawa ee xarunta waddanka Canada, waraysigan oo uu Cadde Muuse kaga hadlayey arrimo badan oo Soomaaliya iyo Puntland-ba khuseeya gaar ahaan xaaladaha xilligan taagan waxaa uu u dhacay sidan:

 

SBC Online: Gen. Cadde Muuse, waxaa nagu maqaalo ah in aad u sharraxantahay jagadda madaxtinimada Puntland ee maxaa ka jira?

 

Gen. Cadde: Arrintaasi waa dhab, tartankana waan gelayaa, aniga oo u arka in aan wixii awooddayda ah waddanka ka qabto, dad badanna markii ay pressure igu sameeyeen ama ila hadleen ayaan sidaas yeelay, tartankana waan ka qayb gelayaa.

 

SBC Online: Haddii aad tartanka ka qayb geleysid waa maxay barnaamijkaagu, mase soo bandhigtay barnaamijkaaga siyaasadeed?

 

Gen. Cadde: Weli ma ma sheegin, laakiin anigu waddanka laba sano ayaan joogey, dhibaatooyinka iyo wixii wanaag iyo xumaan ahba si fiican baan ula socdaa, hadde qof keliya waddanka wadi maayee dadka Puntland oo dhan buu ka dhexeeyaa, wax badan baan rabaa in aan waddanka ka qabto, dadka oo dhanna si fiican loo mideeyo.

 

SBC Online: Waxaa haatan magaalada Garoowe ka socda shirweyne ay isimada Puntland isugu yimaaddeen oo lagaga arrinsanayo aayaha Puntland, side baad u aragtaa shirkaas?

 

Gen. Cadde: Kulankaasi waa waxa ugu fiican, maxaa yeelay isimadu waa hay’adda ugu sarraysa dalka ee loo noqdo, iyagaa ah odayaasha dalka xog ogaalna u ah dhibaatada dhulka, anigu waxa ay gooyaan baan ku go’aa, weligayna waxan qabey in talada lagu celiyo odayaasha iyo Isimada, waxaan hubaa in ay taladoodu noqon doonto danta dalka dadka.

 

SBC Online: Waxaa jirta hadal hayn bulshada dhexdeeda ah oo sheegeysa in laga yaabo in ay isimadu xilka golayaasha dawladda u kordhiyaan, arrintaa sidee u aragtaa?

 

Gen. Cadde: Dhibaatada dhulka ka dhacday waxay ahayd waagii hore, laba jeer baa wax lagu darsaday, haddana lix bilood baa la siiyey, lixdii bilood Janaayo ayey kaga egtahay, haddii ay isimadu kordhin kale dan u arkaan waxba kama qabo.

 

SBC Online: Haddii ay isimadu u kordhiyaan dawladda xilliga, side u aragtaa?

 

Gen. Cadde: Waxba kama qabo waase in ay macquul noqotaa haddii wax la kordhinayo, isimaduna ay responsibility-ga arrintaas qaadaan?

 

SBC Online: Dad baa u arka in wakhtigu ciriiri yahay oo aanay doorasho suura gal ahayn, adiga arrintaas sidee u aragtaa?

 

Gen. Cadde: Maya arrintaas wax dhab ah uma arko maxaa jira, waa la samayn karaa qaban qaabadii doorashada, wax weyna ma aha.

 

SBC Online: Waa maxay mawqifkaaga ku aaddan Dawladda cusub ee Federaalka Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaqyadeeda, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaarihiisa?

 

Gen. Cadde: Taasi wixii aan ka shaqayey weeye, Cabdullaahi Yuusuf in badan baan wada shaqayneyney, si fiican baan ula socdaa ulana shaqaynayaa, dantaydu waa dawlad Soomaaliyeed oo dhisanta Ilaahay idankiisna waa lagu guuleysanayaa.

 

SBC Online: Waa maxay aragtidaada ee xaaladda gobolka Sool, muxuuse yahay mawqifkaaga ku aaddan gobolkaas?

 

Gen. Cadde: Arrintaas anigaa ku jirey laba jeer baan u tegey, ilaa iyo hadda oo aan Canada joogana arrinta Sool baan ka shaqeeyaa, dadka u dhashay gobolkaas ee North America ilaa Dubai, intaas xiriir baan la sameeyaa, sidii aan nabad iyo wanaag uga shaqayn lahayn, dadka iyo dalkana waa difaacaynaa, nabadna waa raadineyanaa.

 

SBC Online: Haddii aad nabad raadineysaan, dhinaca kale, ee Somaliland xiriir mala samaysay?

 

Gen. Cadde: Odayaashii baan la xiriirnay, qoladii militarigaan la xiriirnay, ragga dhibaatada wadaa waa niman yar, waxaanu isku diidney inta ay dhulka dhexdiisa ku jiraan, marka hore waa in ay xudduudoodii ku noqdaan.

 

SBC Online: Ugu dambayntii Gen. Cadde Muuse Maxaad dadka reer Puntland u soo jeedineysaa?

 

Gen. Cadde: Talo ahaan waxaan u soo jeedinayaa, marar badan ayaa doorashada dib loo dhigay, sharciguna wuxuu ahaa in baarlamanka la kala diro, kadibna ay dawlad cusub bilaabanto, lana bilaabanto dawladda cusub ee Soomaaliya.

 

SBC Online.net

 

 

 

...

maybe this will answer you questions

Share this post


Link to post
Share on other sites

I saw Cade when he was in London two weeks ago and he was on good terms with both Mohamed Abdi Hashi and Abdullahi Yusuf.

 

 

JANAN CAAN KA AH SOOMAALIYA OO ISU SOO TAAGAY XILKA MADAXWEYNENIMADA PUNTLAND

(C/Laahi Yuusuf Oo Garab Ku Siinaya In Uu Ku Guuleysto…)

SYDNEY, Khamiis 25/11/04

Janan caan ka ah Soomaaliya ayaa isu soo taagay xilka Madaxweyne Maamul Goboleedka Puntland.

Jen. Cadde Muuse oo si weyn looga yaqaano Soomaaliya ayaa sheegay inuu u sharaxan yahay xilka Madaxweynenimada maamulka Puntland.

Jen. Cadde Muuse ayaa ka hadlay xil loo kordhiyo maamul Goboleedka Puntland isagoo sheegay in xilligaan wax dan ah aysan ku jirin in xukuumadda Puntland xilka loo kordhiyo.

“Waa in la ilaaliyaa sharciga oo maalin walba aan layska sheegin wixii la doono amaba layska kororsan xukunka†ayuu yiri Jen. Cadde Muuse oo intaasi ku daray “Horey ayaan uga wada hadalnay Max’ed Cabdi Xaashi iyo Mr. Gaab-gaab inaan xukuumadda loo kordhin waqtiga, weyna ii ballan qaadeen arrintaasâ€.

Wuxuu sidoo kale sheegay Jen. Cadde Muuse in arrinta Sool lagu dhameyn karo wada hadal isla markaana ay socdaan wada hadallo ay wadaan issimada labada maamul.

Jen. Cadde Muuse ayaa hadda ku sugan dalka Canada, wuxuuna sheegay in uu dalka ku soo laabanayo bisha Disember ee soo socota, sida ay qortay shabakadda Somalitalk. (QARAN PRESS)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by rokko:

^^ i just reckon the Source is very important sxb.. thats all

It is Rokko, but I assure you I did not get it from "Hobyonet", as you so famously ran to.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by Nationalist:

Till now only AllGedo and Hobyonet have posted this garbage as far as I know.

What a hypocrite...and according to you widh-widhonline is top class....

as much as this

garbage to you so is widh,puntlandpost, etc. garbage to others....so grow up and accept views of different opinion.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Intel   

Originally posted by HornAfrique:

It is Rokko, but I assure you I did not get it from "Hobyonet", as you so famously ran to..

hehehehe :D:D

Mate.. i checked quite lot of somali Websites after i saw the news and Hobyonet was the only site that i could find the exact copy of the article...

 

I rokko have nothing against Hobyonet.....just to clear my name :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Juma come on brother, this news is baseless. It seems that the opposition are going crazy. General Cade Musa Boqor's good name should not be slandered in this way.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this