Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Afhayeenka Al Shabaab: Kama tirsanin Al-Qaacida

Recommended Posts

uruurka al shaabab oo meel fiican uuga soo baxay dadka dhibta ku habsatay. kana qaaday jid gooyin badan ee loo dhigan jiray.

 

Afhayeenka ururka Al-shabaab Sh. Mukhtar Roobow [Abu-Mansor] oo wareysi siiyay Al-jazeera qaybta af-Carabiga ayaa sheegay in Al-shabaab aysan ka mid ahayn Al-Qaacida, balse ay leeyihiin xiriiro dhanka talooyinka ah.

 

"Ururka Al-Qaacida xiriir ayaan leenahay, taas macnaheeduna ma ahan inaan ka tirsanahay, inagu waxaan nahay koox Islaami ah oo ka dhisan Somalia, waxaana doonaynaa inaan Shareecada Islaamka ka hirgelino dalkeena" ayuu yiri Abu-Mansor.

 

Afhayeenka Al-shabaab, wuxuu ****olka ka qaaday in ururka ay aasaaseen dad Soomaali ah, oo aysan aasaaskiisa qayb ku lahayn dad shisheeye ah, balse ay haatan la joogaan si ay uga qaybqaataan jihaadka socda si Shareecada loogu xukumo Somalia.

 

"Hadafkeena koowaad waa inaan dalka ku xukuno diinta Islaamka, cid walba oo taas ka hortimaadana waan iska leexinaynaa, balse waa wax aan jirin inaan doonayno inaan dagaalada wadno inta aan ka gaarayno Gobolka Alaska [Mareykanka], hadalkaasna waxaa sheegay nin qiiraysan" ayuu yiri Roobow.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay inaysan doonayn inay cid gaar ah dulmiyaan, balse ay doonayaan inay dhulkooda hagaajistaan, hadafkooduna uu yahay mid lagu doonayo in dalka lagu xukumo Islaamka iyadoo aan dadka la cadaadin.

 

Mar la weydiiyay in ururkooda ay burburiyeen qubuuro, ayuu kaga jawaabay: "Meelaha dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ay joogaan waxaa ku yaala Qubuuro, lamana dumin; ha rumeysanina hadii la idin yiraahdo Al-shabaab waxay burburiyaan qubuuraha" ayuu yiri Abu-Mansor.

 

Afhayeenka Al-shabaab ayaa ku sheegay wareysiga lala yeeshay in ururkooda uu ka fiirsado wax uu sameynayo inay dhib keenayaan iyo inay faa'iido leeyihiin, wixii dhib keenayana ay ka tagaan.

 

"Waa wax aan suurogal gal ahayn in la dilo qofkii fikirka kugu khilaafa... arrintaas waa mid aan jirin oo been ah... waxaana faafinaya cadowgeena" ayuu yiri Abu-Mansor oo ka jawaabayay su'aal ahayd inay sabab la'aan u dilaan dadka iyagoo ku tilmaamaya gaal ruuxii fikirkooda ka horjeesta.

 

Mar la weydiiysay sababta keentay inay ka horyimaadaan dowlada uu hogaaminayo Sh. Shariif Sh. Axmed oo horay u ahaa hogaamiyihii Maxkamadaha Islaamka, ayuu ku jawaabay:

 

"Xukuumada Sheekh Shariif waxay wadataa dastuurkii aan ku diidnay C/llaahi Yuusuf, mana ahayn sababtii aan C/llaahi ula dagaalanay inuu ka yimid Puntland, ee waxay ahayd inuu dastuurka aamisan yahay oo uu diidan yahay Islaamka, ma taageersanin, waxaana ula dhaqmaynaa sidii aan ula dhaqanay TFG-da".

 

Afhayeenka Al-shabaab Abu-Mansor ayaa si caro leh uga jawaabay su'aal ahayd in lagu eedeeyo inay xiriir la leeyihiin burcadbadeeda, isagoo eedeyntaas ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin, wuxuuna barbardhigay eedeynta ah inay dadka dilaan sabab la'aan.

 

RADIO GAROWE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mogadishu Thursday , 05 March 2009 SMC

 

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur Afhayeenka Ururka Alshabaab ayaa wareysi uu siiyay TV-ga Al-Jazeera qeybteeda ku hadasha Afka Carabiga ayaa beeniyay wararka sheegaya in aas aaska Ururka Alshabaab ay ku lug leeyihiin dad shisheeye ama ajaaniib, isagoona sheegay in Ururka Al-Qaacida ay aysan ka mid aheyn, balse ay wadaagaan dhanka talooyinka

 

Abuu Mansuur ayaa ****olka ka qaaday in magaca Ururka Alshabaab ay aas aaseen Dad Soomaali, waxaana uu sheegay in Ururka si buuxda ugu howl galo Gudaha Soomaaliya, isla markaana ay ku mideysan yihiin dhalinyaro Soomaali ah oo ka go'an in dalka lagu dhaqo shareecada Islaamka.

 

"Ururka Al-Qaacida xiriir ayaan leenahay, taas macnaheeduna ma ahan inaan ka tirsan nahay, anagu waxaan nahay koox Islaami ah oo ka dhisan Soomaaliya, waxaana doonaynaa inaan Shareecada Islaamka ka hirgelino dalkeena"ayuu yiri Abuu Mansuur.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay inaysan doonayn inay cid gaar ah dulmiyaan, balse ay doonayaan inay dhulkooda hagaajistaan, hadafkooduna uu yahay mid lagu doonayo in dalka lagu xukumo Islaamka iyadoo aan dadka la cadaadin.

 

"Hadafkeena waxaa uu yahay inaan Dagaalka sii wadno, si loo helo dhab ahaanshaha ku dhaqanka shareecada Islaamka cid walba oo taas ka hortimaadana waan iska leexinaynaa"ayuu mar kale ku celiyay Abuu Mansuur oo intaa ku daray in aanay jirin wararka sheegay in ay doonayaan in ay gaaraan Ilaa Gobolka Alaska ee Mareykanka, sida uu horay uga dhawaajiyay Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo sheegay in ay dagaalada sii wadayaan ilaa ay ka gaaraan Alaska, Jasiiradaha Solomon ilaa Japan.

 

Mar la weydiiyay sababta keentay inay ka horyimaadaan Dowlada uu hogaaminayo Sheekh Shariif oo horay u ahaa hogaamiyihii Maxkamadaha Islaamka, ayuu ku jawaabay "Xukuumada Sheekh Shariif waxay wadataa dastuurkii aan ku diidnay C/llaahi Yuusuf, mana ahayn sababtii aan C/llaahi ula dagaalanay inuu ka yimid Puntland, ee waxay ahayd inuu dastuurka aamisan yahay oo uu diidan yahay Islaamka, ma taageersanin, waxaana ula dhaqmaynaa sidii aan ula dhaqanay TFG-da".

 

Somaliweyn Media Center “SMC

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^LOL. He is decent somali, so are rest of alshabab. Every other word you hear is reference to Allah and his messenger, that is all how they talk. I don't think a faking mind can have allah present in its words every minute. A hypocrital soul can be seen, but these guys are consistant with what they say and what they do. Masha allah I'm greatful that firm Somali Muslim like him are still alive and not the ones with the rocky convictions who go with whichever the wind of change is blowing, we call them daad xoor.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

^^ he talks well, but he's word are contradicted by the actions of his own group. He says they are not at war with sufis, but his own group bans mawlid and they are pictured on tv smashing up graves. He says they don't kill aid workers, but his former leader calls for their killing as they are " gaalo spies". This is the same issue with alqaeda and the other stuff( others have said and acted differently). Seems like there are some disagreements within the top brass of that group.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Abu_Diaby- Al Zeylaci:

He says they don't kill aid workers, but his former leader calls for their killing as they are " gaalo spies".

He does not kill Aid workers who have entered protection contract with his firm.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheeq abuu mansuur xafida hulaah spoke very well in his interview. For those who who attack al shabaab daily need to step back and give this upcaming young boys a chance to show how good they are.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this