Sign in to follow this  
Maaddeey

Guddoomiyaha UWSLF Sh. Ibrahim Dheere oo ka hadlay heshiiskii Ethiopia

Recommended Posts

Maaddeey   

Guddoomiyaha ururuka UWSLF Sh. ibraahim oo aan ka waraeysannay waxa ka jira in ay itoobiya xabbadjoojin la saxiixdeen?

By SomaliMirror on 6 Apr, 2010 10:33 PM in Main, Wararka, Wareysiyada

 

Shabakadda somalimirror iyada oo ku dadaaleysa inay akhristayaasheeda u soo bandhigto xaqiiqada heshiiska xabbad joojineed ee la sheegay inuu dhex maray ururka UWSLF iyo dowladda itoobiya waxay wareysi toos ah la yeelatay guddoomiyaha ururkaas Sh.ibraahim maxamad xuseen, waxaana guddoomiyaha weydiinnay su,aalo maalmahan la isweydiinayay oo la xiriira xabbad joojinta dhex martay ururka UWSLF iyo itoobiya, wareysigii oo faahfaasanna wuxuu u dhacay sidan:

 

 

Somalimirror : sheekh ibraahim assalaamu caleykum

 

Sh.ibraahim: *****ykumussalaam waraxmatullaahu wa barakaatuthu

 

Somalimirror: sheekh ibraahim waxaa jira su,aalo la iska weydiinayo haeshiis xabbad joojin ah oo aad itoobiya la gasheen waxaana jecelnahay inaad kulankan arrintaas faahfaahin naga siiso.

 

Sh.ibraahim: marka hore bahda somalimirror aad baad ugu mahadsantihiin sida hufnaanta leh e aad u matasheen saxaafadda islkaamiga ah aad baana ugu faraxsanahay kulankiinna iyo inaan su,aalihiinna ka jawaabo.

 

Somalimirror:guddoomiyaha golaha shuurada ee ururukiinnu wuxuu sheegay inaad itoobiya xabbad joojin la saxiixateen arrintaas maxaa ka jira mase ku wada socotaan?

 

Sh. Ibraahim: Haa Heshiiskaas wuu jiraa waana kuwada soconaa waana heshiis aan aniga Gudoomiyaha ururka ahi amray Guddoomiyaha golaha Shuuradana anigaa u xilsaaray inuu hogaamiyo guddiga wada hadalka.

 

Somalimirror: heshiiskan idin dhexmaray itoobiya waa mid noocee ah?

 

Sh.ibraahim: Heshiiska na dhaxmaray annaga iyo Ethiopia waa mid ku meel gaar ah oo xabad joojin 3bilood ah . Sadaxdaa bilood gudohoodana waxaa kulmi doona Golaha Dhexe ee ururka UWSLF oo go,aamin doona in horay loo sii socdo oo heshiis dhmmeystiran lala gaadho itoobiya iyo in kale iyada oo laga duulayo warbixinta uu golaha fulintu ka soo gudbin doono natiijada ka dhalata xabbadjoojinta iyo khiyaaraadka ururuka horyaalla xilligan.

 

somalimirror: maxaa sababay inaad heshiis noocan ah xilligan gashaan?

 

Sh. Ibraahim : Waxyaabaha sababay heshiiskan inaan galno way badanyihiin, waxaana ka mid ah:

 

1- Horta asal waxaa ah wixii wada hadal lagu dhamayn karo inaan dagaal lagu raadinin maxaa yeelay sidaas ayaa kharash iyo dhibba yar.

 

2- Waa Asal Islaami ah in Cadawga lala hadli karo siduu nabiguba sameeyayصلى الله عليه وسلم sida heshiiskii Xudaybiya oo qodobadiisa ay ka mid ahayd in ninkii soo Islaama gaalada loo celiyo ka muslimiinta kasoo gaaloobana aan loo celinin hadana Ilaahay uu ku magacaabay Fatxi.

 

3- Waaqica jirana maanta wuu keenayaa:

 

(a) Shacabkayaga oo runtii maraya xaalada adag oo dhan walba ah (Xaga nolosha, Wax barashada diineed iyo maaddiba, Caafimaadka, IWM) oo u baahan inuu helo wakhti iyo waayo munaasib ah oo uu ku maareeyo mashaqada haysata si uu wax uga baddalo xaaladdiisa nololeedM, waxaa intaas sii dheer shacabku wuxuu soo maray wakhti ku dhow 20 sano oo usan ka nasanin dil, dhac, kufsi, qixin iyo xabsi IWM inaan shacabkayaga nasinno intii suura gal ahna garbay nagu tahay.

 

(b) Ururka oo u baahan inuu helo jaanis uu ku fakaro oo uu isku arko kuna tashado kuna qiimeeyo marxaladda uu marayo.

 

© Dawlada Ethiopia oo muujisay inay diyaar u tahay wada hadal horaanna ka dhaga adeygi jirtay.

 

Intaas oo sababood iyo kuwa kale oo aana sheegin ayaa sababay inaan qaadanno heshiiskan ku meel gaarka ah.

 

Somalimirror : halkee ayuu ka dhacay heshiiskani side ayuuse ku yimid?

 

Sh. Ibraahim : Waxaana dhax maray laba kulan oo mid uu ka dhacay wadan yurub ah, kan kalana wuxuu ka dhacay waddan African ah oo aan itoobiya iyo soomaaliya midna aheyn. Wakhtiguna wuxuu ahaa bishii 2aad iyo bishii 3aad 2010. Wuxuuna ku yimid dad ayaa noo kala dabqaaday labadayada dhinacba aan ku kalsooneyn.

 

somalimirror: ma u maleyneysaa in ay itoobiya ka dhabeyneyso hashiiskan ay idinla gashay?

 

Sh. Ibraahim : Horta wadahadalkani ma aha kii 1aad ee na dhaxmara Ethiopia. Kani waa wada hadalkii 8aad ee na dhax mara. Lix wada hadal waan ku kala kacnay midna xabad joojin 6billood ayaan kala saxiixanay waxayna ahayd 1996kii. Ka dibna dagaalkii ayaa horay kasii bilawday markii la siku fahmi waayay rabitaannadii labada dhinac, Kan maanta ahna wuxuu la xiriiraa kuwaas hore. Anagu dhinacannaga waxaan isku dayaynaa sidii caadadaba noo ahaan jirtay inaan ilaalinno wixii aan isku waafaqno, Xaga Ethiopiana sidaas ayaan ka rajaynaynaa.

 

 

 

Somalimirror: ma isleedihiin hashiiskani haddii uu taabbo galo wuu xaqiijin doonaa himiladii dadweynaha reer soomaali galbeed?

 

Sh. Ibraahim : Hishiiskani haduu taaba galo waxaan isleenahay wax badan ayuu usoo kordhin doona shacabka ree soomaali galbeed. Marfka loo gudbo marxaladda 2aad ee wada hadalkana waxaan miiska soo dhigi donnaa rabitaanka shacabkayaga iyo himilooyikiisii, wada hadalkuna waa dagaal aan hubeysneyn wixii aan u aragno inuu shacabkayaga anfacayana waan qaadaneynaa wixii aan u aragno in uusan bulshadayada wax tar u aheynna ma aqbali doonno.

 

Marka aan sidaas leeyahay uma jeedo wax walba oo dadkayagu rabay way heli doonaan waxaanse u jeedaa wixii wax ku ool ah ee ka fiican sidan maanta ay ku jiraan, wixii naga dhimmanaadana waan u sii habeen dhaxeynaa wax kasta oo aad rabtana hal mar lama wada helo, wixii aan la wada heleyninna lagama wada tago, xikmadduna waxay keeneysaa in wixii ku anfaca ee aad heli karto aad qadato waxa dhimanna aad raadiso sidii aad ku heli laheyd.

 

Somalimirror: ururka ONLF ee isaguna itoobiya la dagaallama arrintan ma ka wada socotaan?

 

Sh ibraahim : haddii aan nahay ururka UWSLF waxaan ku qanacsannahay in aanaan kala maarmin annaga iyo ururka ONLF qaddiyaddayaduna ay mid tahay waxaase caqabad nagu noqotay in hoggaana ururka ONLF aanaan ka helin dareenka noocaas ah sababtu waxa ay dooniba ha noqotee, dhinacayaga intii aan is laheyn waajibku wuu idinkaga dhacayaana waan ka dadaalnay inaan wanaajinno xidhiidhka walaalahayo, waxaanse ka xunnahay in xidhiidhka maanta naga dhexeeya uusan aheyn kii la rabay inuu ka dhexeeyo dad wadaaga diin, dal, iyo dadba, dhinacayagana gari labo nin kama wada qoslisee waxaan eedda saareynaa hoggaanka ururka ONLF waliba dhinaca uu hoggaamiyo admiraal maxamad cumar cismaan.

 

Su,aasha ku saabsan in aan arrintan ku wargalinnay madaxda ururka ONLF jawaabteedu waa maya maxaa yeelay sida aan horay u soo sheegay nagama dhexeynin xidhiidh heerkaas gaadhsiisan, waxaanse haddadan muujinayaa inaan dhinacayaga diyaar u nahay in aan ajandahayaga mideyno col iyo nabad kaan qaadaneynoba, hadda waxa aan galnayna waa xabbad joojin uun waana la hubaa haddaan taladayada mideynno ama isu soo dhoweynno in qiimaha iyo waxa aan heli karnaba ka badnaanayaan inta midkayaba gaar ahaan u heli karo, culimada,aqoonyahanka,iyo waxgaradka reersoomaali galbeedna waxaan ka codsanayaa inay arrintaas dadaal ku bixiyaan annaguna kama weynin wax dadkayagu ku taliyo.

 

Marka aan sidaas leeyahayna waxaan ogahay in ururka ONLF laftiisu kulammo gaar ah oo ugu yaraan saddex kulan gaadhaya la qaatay itoobiya.

 

somalimiror: sheekh ibraahim aad baad ugu mahadsantahay sida aad uga jawaabtay su’aalahayagii

 

sh.: idinkaa mudan aad baana idiin soo dhoweynayaa mar walba iyo meel walba

 

 

 

 

 

 

www.somalimirror.com

 

Daabaco

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this