Sign in to follow this  
Jamster

The common good vs group interest-- the search of nationhood

Recommended Posts

Jamster   

DANTA DADWEYNAHA IYO DOONISTA DANAYSTAYAASHA(Qaran Doon iyo Qaran Diid) By.Xildhibaan Ibraahim Maxmed Deeq

Warkii: Apr 27, 2005

 

Haddii ay Soomaalidu dhawr iyo toban sanadood colaado sokeeye, bur-bur iyo barakac aan dhib mooyee wax dheef ah lagu ogayn dhex jibaaxaysey oo halaagyada is-fashilinta iyo middi-middi ku taagga laga dhaxlo si siman loo wada dhadhamiyey. Sidoo kalana halakooyinka iyo hoogga nidaam-darrada iyo khasaaraha nabad gelyo la’aanta ay dadkeenu si la taaban karo u dareemeen oo ay magac xumada iyo nolosha liidataa noqdeen wehelka joogtada ah ee qofka Soomaaliga ah. Soow in wixii dhacay laga waantoobo oo ay ummaddu dib isugu noqoto looma baahna. Caruurihii iyo ubadkii soo korayey haddii ay dawlad la’aantu jahli, iyo wax barasho la’aan badday, oo ay da’yartii soomaliyeed maanta barashada akhlaaqiyaad aan wanaagsanayn iyo tarbiyad xumo ku bar-baarayaan. Soow in la is-daba qabto oo haadaanta lagu socdo hoos loo qooraansado ma aha.

 

Dhibaatada inagu habsatay haddii guud ahaan iyo gaar ahaanba loo aqoonsaday inay dawlad la’aantu xudun u tahay oo dhibaatada ay dawlad la’aantu keentay la wada garwaaqsaday. Soow in ay dadweynuhu dawladda u dhalatay ku mintidaan oo ay garab galaan si ay deganaansho nololeed u gaadhaan dantoodu kuma jirto. Markii dawlad dhisan la fashiliyaba haddii la wada ogaadey inay aafo hor lihi Soomaali u bilanayso oo weliba laga wada dheregsan yahay dadka yar ee dawlad la’aanta ka faa’iidaystaa inay had iyo goor danta inta badan cagta marinayaan. Dadweynaha dantooda iyo horumarkooda la bur-burinayaa soow inay kacaan oo kuwa nabadgelyadooda iyo noloshooda hor taagan iska qabtaan xaq ku waajibey ma aha?

 

Bulsho weynta Soomaaliyeed soow inay masiirkooda wax iska weeydiiyaan oo ay xisaabtamaan, isla markaana si qoto dheer loo fekero looma baahna. Qofka maanta dawlad dirqi lagu soo dhisay duminteeda dubaha u sita ee afkaartiisa sirgacan dadka ku hanuuninayaa in waxa ka maqan la weydiiyo oo ujeedadiisa si sax ah loo ogaadaa soow arrin meesha ku jira ma aha. Maxaa ku jaban inay dadweynuhu iska hubsadaan toobiyaha aan dantoodu ku jirin ee uu danaystuhu ku hayaaminayo. Shaqsiga Soomaaliga ah ee uu weli qab-qable maskaxdiisa wax ku shubayaa horta ma is weeydiiyey inay isku dan yihiin iyo in kale. Kuwa ilaa iyo hadda qab-qablaynta iyo murjinta danta guud hamuunta baas u qaba ee wakhtigan xaadirka ah u sii hanqal taagaya inay dawlad dhisan oo ay xubno ka yihiin baabi’iyaan soow inay dadweynuhu ugu yaraan doonistooda gurracan gartaan oo ku gacan sayraan maaha. Soow in midabada badan ee ay dagaal oogayaashu 15ka sano dadka u kala bedelanayeen, loo daliishado oo runta wejiga laga saaro danta dadku kuma jirtio. Maxaa runta loo shareerayaa miyeeysan iyagoo u falaagoobey ilaalinta danohooda gaar ahaaneed aysan adeegsanayn tabihii iyo xeeladihii belo ee ay hore ummadda ugu marin habaabin jireen. Maxaa shacbiga Soomaliyeed ka hor taagan la xisaabtanka iyo ku baraarugga kuwa beer laxawsiga aan sii ridnayn iyo is-bihin-bihinta sarbeeban ee danahooda gaar ahaaneed ku hilan ugu gacan haatinaya.

 

Soomaaliga dhabta ah ee dhacdooyinka dhulkiisa ka dhacaya iyo baahida dawlad shaqaysa loo qabo garanayaa, ficilada ay calaamadaha qaran-diidnimadu ka soo ifayaan waa inuu ka gil-gishaa si uu dadkiisa iyo dalkiisaba u bad-baadiyo. Haddii aan geedka laanta ugu saraysa salka la heli waayey xididdaan u siibayaa fili maayo inay noqon karto figrad maanta Soomaalida u cuntami karta oo ay xitaa maqli karaan, maxaa yeelay waa humaag aan dani ugu jirin oo ay horey u eedeen. Ummaddani sida uu nafle oomani biyo ugu baahan yahay ayeey dawlad dhexe ugu harraaddan yihiin. Sidaa daraadeed u malayn maayo in maanta la marin habaabin karo oo figrado khaldan oo aysan dani ugu jirin laga raaridi karo. Waayo wax waliba wakhti bay leeyihiin, Illahayna Soomaliya weligeed inay dawlad la’aato uma qorin, dadkuna kuma gawracna inay qab-qable saxariiriya oo talada toosan iyo tigaadda ka hor taagan weligood ka daba jaameeyaan. Sababtoo ah haddii caqligu shaqaynayo dhibaato iyo khiyaamo intii hore shacbiga soomaaliyeed ugu filan. Siyaasadda waa lagu tartamaa, la isku weeraraa oo siyaasiinta kala aragtida ahi colna ma aha, nabadna ma aha, waxayse had iyo goor ficiladooda waafajiyaan danta dadkooda oo ah cidda in loo adeego lagu beretamayo ee sumcadda laga kasbanayo. Inta badan siyasiyiinta xagga fikirka ku kala taggani waxay mar kasta ka midaysan yihiin ilaalinta danta dadweynaha oo u baahan nabad iyo xasilooni joogtaysan.

 

Inkastoo dhaaxa fulinta awaamiirta qarriban ee qarandiidnimada loo dhega nuglaa iminka bisaylka dadka Soomaaliyeed waa mid maalinba, maalinta ka dambaysa isa soo taraya oo horumar xawli dheeraynaya saaran ku socda. Tusaale ahaan qab-qable dhaqaale waalan fawdada geyigeena ka taagan ku haystaa haddii uu ogyahay inay dadweynuhu fikirkiisa qaloocan ku raacayaan, marnaba ma ogolaadeen inuu shir mashaakilka Soomaalida lagu furdaaminayo muddo laba sano ah ka qayb qaato. Laakiin cidda inuu joogo ku cadaadinaysey waxay ahaayeen bulshada oo ay dawlad la’aanta iyo ammaan darradu soo kareen. Damiirkii guushaas dhaliyey weli ma suulin oo dadweynaha Soomaaliyeed maanta, maalin ay dawlad uga baahi badan yihiin sooma marin, haddii ay u dhalatayna ilama aha inay cid dano dadban ilaashanaysa duminta qaranimadooda garab ku siinayaan. Waxaase loo baahan yahay inay dadkeenu dar-dar geliyaan dareenka ay dawlad danohooda guud ilaalisa ku doonayaan. Sidoo kalena ay xoojiyaan damiirkooda qaranimo-doonimada ku dhisan ilaa ay qaran-diidka ka ogolaysiinayaan ka-qayb-qaadshada dadaalka nidaam iyo kala dambayn lagu kalsoonaan karo lagu raadinayo. Taasoo ay fure u tahay inay si daacad ah ula shaqeeyaan dawladda ay xubnaha waaweyn ka yihiin ee ay sharcigeeda iyo nidaamkeeda wax ka sameeyeen, isla markaana ay tar-tankeeda madaxnimo ka soo qayb qaateen.

 

Sida xaqiiqdu tahay dareenka leexsan ee qaran-diidnimada ku suntani kuma doodi karo in dadkiisa caddaalad xumo lagu falay uu ka gil-gilanayo oo dawladda Mbagathi ka dhalatay sida ay Soomaali oo dhani ogtahay tahay 4.5 ayaa lagu saleeyey. Shakiga uu la jibaysan yihiin kuma fasiri karaan musuqmaasuq xagga doorashada ah waayo gegi cad oo aan cidna daah ka saarayn buu barlamaanka Soomaaliyeed musharaxna ku diidey, midna ku doortay. Wixii doorashadaas ka soo hadhay ee la isu magacaabayey baa la iga qadiyey murankiisa uma cuskan karo oo qof kastoo Soomaali ahi waa og yahay inuu midka ugu yari hadduusan laba xil hayn uu xubin muhiima dawladda ka yahay. Sidaa daraadeed markii dhufeysyo dhawr ah oo lagu marmarsoon lahaa awdmeen ayaa duufsiga iyo dareen gelinta dadka farsamooyin kale loo maray, si dadweynaha iyo dawladda Soomaliyeed dab looga dhex shido. Caasimaddii Soomaaliya ayaa la bedelayaa iyo ciidamo shisheeye ayaa la idinku qabsanayaa ayaa dhextaal u ah waxyaabaha dadka Soomaaliyeed lagu kicinayo. Maxaa ka run ah?.

 

Hal diidaysaa geed ay ku xoqato ma weydo. Muqdisho inay caasimadda Soomaliya tahay qof kasta oo Soomaali ahi waa ogyahay, ummadda ay magaalo madaxda u tahayna waxay ku qabaan kalsooni ah inay u qalanto inay xarunta Soomaaliya ku sii boqranaato. Dadkuna si gaar ah ayeeyba Xamar u jecel yihiin. Haddii bur-bur dhacay oo dhawr iyo toban sano la kala maqnaa, Mbagthina ay Soomaliyi nidaam ku samaysatay Muqdisho xurmadii iyo magacii ay dalka ku lahayd in laga qaado iska daaye xitaa wax dood ah lagama soo celin. Axdiga qarankana iyadoo aysan cidi su’aal ka keenin ayaa lagu duugey. Haddaba, Haddii ay jirto cid caasimadnimada Muqdisho duullaan ku ahi aan is weeydiinee, maxay uga hadli weydey markii Axdiga qaranka la dejinayey. Kuwa dareenka dadweynaha ee nabadda iyo dawladnimada u ooman tashuushka ku furayaa ma waxay diiddan yihiin in barnaamij tifaftiran oo dawladeed ammaanka caasimadda wax lagaga qabto. Iyaguse nabadgelyada caasimadda wax la taaban karo ma ka qaban karaan? Waa su’aal rahman. Dhanka kale haddii ay dawlad ina qabsanaysaa jirto, 15 sano dawlad dhexe oo dalka ilaalisaa aanay jirin, ma dagaal ooge inay dawladi inoo dhisanto hor taaganaa ayaa inaan Soomaaliya la qabsan dhufeys ugu jirey. U malayn maayo inay dadka qaarkii ka waaban lahaayeen ogolaanshaha qabsashada dalka haddii danohooda gaar ahaaneed wuxuun looga fuliyo. Sababtoo ah qof inay Soomaaliya dawlad noqoto diiddani, in la qabsadana dan kama laha. “Ninkii hooyadii ka guurey, aayadii uma negaadoâ€. Waxna ma qaban karo oo waa la I yaqaan, talada waxtarka lehana ganafkaan ku dhufanayaa, waa amuuro aan is geyin oo hagar-daamo qaran xambaarsan.

 

Si kastaba Qaran-doon iyo Qaran-diid ha u doodeene, kooxaha dawlad la’aanta iyo fawdada danaha shaqsiyadeed ku haysta iyo danta iyo nolosha dadweynaha oo dawladnimo hir gasha ku xidhan ayaad mooddaa in la isu marayo oo si aan macquul ahayn la isugu xoqayo. Ciddii hanaanka siyaasadda dawladda ee u guurista dalka gudihiisa ka biya diiddani haddii ay hayaan aragti ay ummaddu ku qanaci karto ha u sheegeen. Haddii kale, ha la ogaado in marka lagu xisaabtamo sida ay dhibaatada dawlad la’aantu dadka soomaliyeed u soo kartay, iyo waayo aragnimada iyo aqoonta ay bulshadani xeeladaha maldahan ee qaran-duminta looga goleeyahay u yaqaaniin, waxaa iska cad inaysan afkaarta qaran dumisku fursado dambe Soomaalida ka heli doonin. Dad weynaha Soomaaliyeed ayeeyna u taallaa inay danohooda caamka ah u hoojiyaan danta danaystayaasha bur-burka iyo dawlad la’aanta ku mamay iyo inay dan Soomaaliyeed oo loo wada dhan yahay daafacaan si ay nabad gelyo waarta oo dalkooda ku baahda u xaqiijiyaan.

__ __ __

La soco maqaalka xiga ee MAXAY QABATA DAWLADDU?

 

W.Q. Ibrahim Mohamed Deeq MP Gobollada SSC

imdeeq@hotmail.com

Nairobi, Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho inay caasimadda Soomaliya tahay qof kasta oo Soomaali ahi waa ogyahay, ummadda ay magaalo madaxda u tahayna waxay ku qabaan kalsooni ah inay u qalanto inay xarunta Soomaaliya ku sii boqranaato. Dadkuna si gaar ah ayeeyba Xamar u jecel yihiin.

Very true statement.

 

Haddaba, Haddii ay jirto cid caasimadnimada Muqdisho duullaan ku ahi aan is weeydiinee, maxay uga hadli weydey markii Axdiga qaranka la dejinayey. Kuwa dareenka dadweynaha ee nabadda iyo dawladnimada u ooman tashuushka ku furayaa ma waxay diiddan yihiin in barnaamij tifaftiran oo dawladeed ammaanka caasimadda wax lagaga qabto. Iyaguse nabadgelyada caasimadda wax la taaban karo ma ka qaban karaan?

Dhillo, intaadan dhillo oran bay dhillo ku tiraahdaa Kuwa Muqdisho iyo nawaaxigeeda xoog iyo kaligii-talisnimo ku haystay shan iyo tobankii (15) ee la soo dhaafay ma fikrad caasimada lagu xaliyo bay soo bandhigeen? Waa maya ileen aduunkoo dhan baa la socda xaalada murugsan ee Xamar ka taagan. Maanta oo ay arkeen in magalaada ay haystaan loo soo socdo bay waxay damceen inay ku maaweeliyaan dadweynaha ku dhaqan Xamar in xal nabadeed oo dhexdooda ka timid loo dhowyahay. Laakin wali magaalada waxay u kala qeybsantahay xaafad-xaafad oo nin walba maleeshiyadiisa wuu wataa. Waxay ila tahay 15 sano oo khasaaro ah ragii ka dambeeye inaysan maanta u qalmin u helitaanka xal nabadeed ee magalaada Xamar. Meeshay nac-nac iyo caga-juglaysi la wareegayaan oo ku maaweelinayaan dadweynaha Xamar ayagoo wali hal (1) isbaaro ka qaadin gudaha magaalada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Dooda ku aadan qarandiidnimada iyo qaran-diidka waa dood si wacan loo qaada dhigay oo loo qotomiyey. Laakiin waxaad moodaa in uu xildhibaanku ka weecday dhabaha dooda! markii uu eedda ku lamaaniyey dadweynaha ee uu yiri waxaa laga doonayey in ay kacaan oo danahooda aqoonsadaan halkaa waa uu la habaabay baan qabaa. Waa runtii oo waxaa fiican in dadweynuhu isku duubnaadaan oo sida quman markasta yeelaan. Waxaase uu ka booday sidee dadweynuhu u kacayaan iyo waliba baahida qabanqaabo iyo isku dabarid ee hawsha kacdoonka daba taal. Waxa kale oo uu ka booday arrin waaqici ah. Suurogal ma aha marnaba in dadweyne malaayiin kor u dhaafay in ay iska yaacaan iyagaan lahayn horjooge iyo haykal siyaasi ah oo ay ku badalaan kan ay diidan yihiin oo ay doonayaan in la badalo.

 

Waxaad kaloo moodaa in uu xildhibaanku yara khatifay. Waa halka uu yiri dadweynaha yaa lahaa oo suuro galiyay nimanka “qabqablayaasha†amd “dagaal oogayaasha†in ay miiska nabada fariistaan oo ay wada hadlaan. Halkaa waxaad mooda sida wax u dhaceen iyo xaqaa’iqa jira in aysan waafaqsaneyn. Sida aanu ognahay shirkii Nairobi ka dhacay ee Soomaali lagu wada hadalsiiyey waxaa lahaa shisheeya. Cida gogasha dhigtay, nimankan tagay meesha cida dhambaalka u dirtay, martgalintii dhabarka u ridatay, fariinta u kala qaadeysay, mar hanjabaad ku dayday, marna maslaxada ku dayday waxay ahaayeen dad ajnabi ah. Shacabku dhegaha uun bey kala socdeen.

 

Midka uu yiri siyaasiyiintu iyaga siday doonaan ha u tartameen ama ha isu gacan bidixeeyeen laakiin mar kasta waxay ka siman yihiin u heelanaanta danaha guud iyo u hiilinta wadankooda waxaan oran lahaa hadalkaa mid sugan ma’aha. Sida xaal yahay iyo sida rageer u dhaqmeen waxaa la oran karaa waa kuwa u heelaan dano gaar ah oo aan muraad ka lahayn wadanka iyo aayaha faca ka danbeeya ee ka dhaxli doona ayaan darrada ay maanta yagleeleen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good analysis of the situation on the ground. Mogadishu is the capital, the programm of the government is to gain control of the capital for the utilisation of the people. I have always been reasured by the reaction of the strong men, their decesio to join the peace process, take up posts and now their commitment to bringing peace to Mogadishu has all been posative news. For there is pressure, real and imagined which has put them on this course which they have found difficult to turn back.

 

The clan card had become redundent of late, the strong men have used up this one precesious commodity which brought them to the fore in the first place. The clans making up the Somali tribe all have one thing in common, the longing for the restoration of the nation which they carelessly lost.

 

I agree with the MP, though brother Bashi highlights the greay areas in his argument. Howver I would add that the national interest has catched up with the personal/selfish interest of the few strong men and their supporters.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this