Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: Granade Attack in Hargeisa

Recommended Posts

Nin aan wali la xaqiijin cid uu yahay ayaa goor dhaweyd Gaadhi ku Qarxiyay xaafadda Gurya-samo ee Hargeysa dhaawacna soo gaadhsiiyay toddoba Qof

 

Toddoba qof oo ku dhaawacmay Qarax goordhaweyd ka dhacay xaafadda Guro-samo ee magaaladda Hargeysa kadib markii nin la socday gaadhi Garande ahi uu is qarxiyay.

 

Qaraxa ayaa gabi ahaanba baabi’iyay gaadhigii Garandada ahaa ee uu ninku sida la sheegay saarnaa, waxaanay faliidhadii Qaraxaasi dhaawacyo halis ah soo gaadhsiiyeen toddoba Qof oo ka ag-dhawaa meesha uu gaadhigu ku Qarxay, kuwaasoo isugu jira Lix nin iyo gabadh yar

 

Ilaa hada wax war ah oo faahfaahsan lagama hayo sida uu gaadhigaasi u Qarxay iyo Ujeedada laga lahaa hase yeeshee dad goob-jooga ahaa oo aanu kula kulanay Cisbitaalka Hargeysa oo dhaawacaas la keenay ayaa iyagoo anfariirsan siyaabo kala duwan uga waramay, waxaanay qaarkood sheegeen in ninku doonayay inuu isku Qarxiyo Dugsi la yidhaahdo Future School oo ku dhaw Dugsiga Guryo-samo oo wakhtigaas ay Arday badani wax ku dhiganaysay dabadeed markii la arkay ninka iskuulka ku socda uu isqarxiyay oo gaadhiga agtiisa uu isku qarxiyay.

 

Hase yeeshee qaar kale ayaa sheegay inuu ninku gaadhiga Qarxay saarnaa ciidamo Booliis ahina ay eryanayeen kadibna inta uu ka booday bamboo ku tuuray gaadhigii halkaasna uu ku Qarxay, isla markaana faliidhadii Qaraxu ay dhaawacday dadkii ka ag-dhawaa meesha uu ku Qarxiyay.

 

Si kastaba ha ahaatee waxa gacanta lagu dhigay ninkii Qaraxaas fuliyay, waxaanay ciidamadda Booliisku u dhaadhiciyeen xarunta CID da si loo baadho.

 

Dadka dhaawacyadu soo gaadheen ayaa imika gar-gaar deg-deg loo samaynayaa waxaana ugu Il-daran gabadh yar oo da’deedu ilaa 13 jir tahay taasoo dhaawac weyni ka soo gaadhay Madaxa una baahan Qaliin weyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah: Nin Bambo F1 ah ku tuuray Gaadhi marayay Xaafada Xidigta ee Magaalada Hargeysa

 

Xaafada Xidigta ee Gurya Samo gaar ahaan Iskuulka Baxrayn iyo Future agtiisa ayaa gaadhi marayay lagu tuuray Bam gacmeed nooca loo yaqaan F1 .

 

Gaadhiga bamka lagu tuuray ayaa noociisu ahaa Garande lahaana wadayna nin magaciisa lanoogu sheegay Cali Jawaan ilaa iyo hadda lama garanyo sababta keentay Arinkan waxaana aaga ku gedaaman ciidamada amaanka.

 

Qarax bambadan ayaa waxa ku dhaawacmay ilaa sideed ruux oo kala ah dadkii saarnaa gaadhiga iyo qaar marayay wadada.

 

Dadweynaha xaafada Xidigta ayaa qabtay ninka Bambada tuuray wararka qaar ayaa iyana sheegaya in ninka Bambada tuuray yahay nin xanuusanya oo dhawaan laga soo musaafiriyey Wadanka Qatar.

 

Mar aanu isku daynay in aan helno Magaca Ninka wax tuuray ayaa la noogu sheegay Wali Daauud Haybe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Did anyone die JB?

 

It is a grenade or a bomb? I don't understand when they say "bam gacmeed"

 

and why that xafad? Ya marayaeh?

Share this post


Link to post
Share on other sites

The news is just coming and nothing is confirmed bu this is what we are receiving so far.

 

bam gacmeed = Hand grenade

 

No one died so far ... some say sever are injured , others say three have been injured.

 

I'm in a meeting now so i can't confirm anything.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Originally posted by NGONGE:

^^ He's in a meeting and he's still getting updates!
:D

 

Inshallah khayr.

JB anigu gacan baan u taagey, mar dhawna lug baan ugu dari.

 

 

Kheyr Inshaa Allaah, faataxada soo akhriya, aamiin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

JB phone is always on regardless. Weliga iintu ka qabtey miyan wispered garaney "I'm in a meeting", I advise you scream loudly "THEN WHY DID YOU BLOODY ANSWER"

 

Okay JB, keep us posted.

 

A grenade is not the same as a bomb, a farah probably got pissed off with another and flang a grenade (of idea why you would have one in the first placE)

 

Kheyr Inshaa Allaah,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa (HWN) 9 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen qarax goor dhaweyd ka dhacay degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa gaar ahaan xaafada Xiddigta, ka dib markii sida ay ilo xog-ogaal ahi hadhwanaagnews u sheegeen in uu nin Bomb ku tuuray gaadhi marayay wadada.

 

Gaadhigan qaraxa lala beegsaday oo uu noociisu ahaa garande ayuu khasaare ba’ani soo gaadhay, waxaanu hadda yaalaa goobtii uu qaraxu ka dhacay.

 

dirawalkii gaadhiga waday ayaa warfidiyeenada u sheegay in ninka Bomka gaadhiga ku qarixiyay uu gaadhiga la socday isla markaana uu khilaaf dhex yaalay.

 

"Waxa uu ahaa mid igu taamayay isla markaana waxa uu maalmihii ugu dambeeyay igulahaa waan ku dilayaa" ayuu yidhi dirawalkii gaadhiga qaraxa lala beegsaday waday.

 

waxa kale oo uu xusay in gaadhigii uu burburay isla markaana uu yaalo goobtii "Gaadhigii wuu burburay wuuna baaba´ay, waxaanu yaalaa goobtii" ayuu yidhi.

 

9-kan qof ee uu dhaawacu ka soo gaadhay qaraxaas oo hadda yaala cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa dhakhaatiirtu cadeeyeen in uu saddex ka mid ahi ay halis ku sugan yihiin.

 

ma jirto cid ku dhimatay qaraxan oo ahaa mid laga wada maqlayay Qaybo badan oo Hargeysa ah, waxaanu Maxamed Cismaan oo ka ag dhawaa halka uu qaraxu ka dhacay uu Hadhwanaagnews u sheegay in uu maqlayay qarax aad u xoog badan.

 

Xukuumadda ayaan wax hadal ka soo saarin qaraxan ka dhacay hargeysa, balse waxa lagu wadaa in ay saacadaha soo socdo faah-faahin ka dheeri ah ka bixiso sababta qaraxan ka danbaysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

This is not terrorist act it was a criminal one, the man who threw the bomb at the car had dispute with the car owner, and hence the attack.

the car owner who was the driver at the time confirmed the identity of the man who threw the bomb.

 

 

www.hadhwanaagnews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

dirawalkii gaadhiga waday ayaa warfidiyeenada u sheegay in ninka Bomka gaadhiga ku qarixiyay uu gaadhiga la socday isla markaana uu khilaaf dhex yaalay.

 

"Waxa uu ahaa mid igu taamayay isla markaana waxa uu maalmihii ugu dambeeyay igulahaa waan ku dilayaa" ayuu yidhi dirawalkii gaadhiga qaraxa lala beegsaday waday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this