Sign in to follow this  
Cowke

Riyale Imports New Money To Somaliland

Recommended Posts

Cowke   

Shixnado Lacag Cusub ah oo Dhawaan Ku Soo Fool Leh Somaliland (Warbixin)

 

Hargeysa (RBC Radio) Warar laga heley ilo wareedyo xasaasi ah ayaa sheegaya in shixnad lacag cusub ah oo dibada lagu soo daabacay ay ku soo fool leedahay degaanada Somaliland toddobaadyada soo socda.

 

Ilo wareedkan oo ka gaabsaday in la xigto ayaa u sheegay Shabakada RBC in shixnadaasi lacagta oo shilinka Somaliland ah ay ku soo fool leedahay magaalada Berbera ee maamulka Somaliland halkaasi oo laga soo dejin doono garoonka diyaaradaha ee Berbera. Waxaana haatan socpota qabanqaabada sidii lacagtaasi loogu warejin lahaa maamulka.

 

Sababta loogu doortay in lacagta laga soo dejiyo garoonka Berbera ayaa ah si aan loo ogaan marka ay lacagta soo degeyso, sidaasi darteedna saraakiisha madaxtooyada Somaliland ayaa go’aamiyey in lacagtan ay ka soo degto Berbera ka dibna gawaari lagu galiyo Hargeysa.

 

Sida ay tilmaameyso xogtan ay na siiyeen dad wargal ah oo lagu kalsoonaan karo waxaa lacagtani ay gaareysaa illaa 50 Bilyan oo shilinka Somaliland ah, taasi oo ay leedahay dowlada Somaliland, sida lagu cadeeyey dalabkii lacagta lagu daabacay.

 

Sarkaal sare oo ka ag dhow xukuumada Somaliland oo naga codsaday inaan magaciisa shaacin ayaa noo xaqiijiyey in diyaarad sida lacagtaasi lagu wado inay soo gaarto garoonka Berbera 28ka bishan May 2010. waxaana la filayaa in lacagtaasi la galiyo magaalada Hargeysa.

 

Lacagtan cusub waxaa lagu soo daabacay dalka Indonesia waxayna qeyb ka tahay heshiis ay wada galeen shirkad laga leeyahay Indonesia iyo dowlada Somaliland, sida xogta ay tilmaameyso.

 

Ma cadda sababta lacagtan loo soo daabacay hase yeeshee waxaa warar xog ogaal ahi sheegayaan in dowlada Somaliland ay qorsheyneyso inay lacagtan u adeegsato doorashada soo foolka leh ee lagu wado inay dhacdo 26-ka Jube sida lagu madaleeyey.

 

Xukuumada Somaliland ayaa ka gaabsatay inay gabi ahaanba wax tafaasiil ah ka bixiso lacagtan cusub.

 

Masuuliyiinta bangiga dhexe ee Somaliland ayaa markii wax laga weydiiyey waxa ay ka og yihiin lacagtan ayaa sheegay inaysan la socon oo ayan wax war ah ka heyn lacagtan cusub ee ku soo fool leh Somaliland.

 

Qaar ka mid ah xisbiyada mucaarada masuuliyiintooda ayaa cambaareeyey keenista lacagtan cusub iyagoo ku tilmaamay mid xisbiga UDUB ee xukuumada ay ku doonayaan inay ku xadaan codadka doorashada soo socota.

 

Gudoomiyaha UCID Feysal Cali Waraabe oo isaguna maanta ka hadlay ayaa dadweynaha ugu baaqay inaysan codadkooda iibsanin oo ay taasi khiyaano tahay.

 

Dhinaca kale dadweynaha ayaa ka walaacsan in lacagtan cusub ay dhaqaalaha wax u dhimi doonto iyadoo laga cabsi qabo in miciishada caadiga ah ay kor u kacdo haddii ay lacagtan soo gasho magaalooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Amistad   

Last time I was in Somaliland, I had to rent a car to carry all my Schillings around. Cant they knock off a few of those (0`s) zeros off the end of the exchange rate? Street money changers wouldn't any longer need donkeys or wheel-barrows to pack their money around.

 

By comparison the Iraqis non-traded Dinars will need to do the same. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Allamagan:

loool recession kii miyaa halkaa la tagay SL mise lacagta cusub deficit-ka ayaa la doonayaa in SL looga saaro
:D

we have the luxury of worrying of deficit :D

 

Unlike poor TFG and puntland that are in tug-of-war with the New currency :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this