Sign in to follow this  
Maaddeey

Shabaab oo ka soo horjeestay Shirkii Dubai

Recommended Posts

Maaddeey   

Shabelle: MUQDISHO.

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa si kulul u Cambaareeyay Shir looga hadlayay arimaha Soomaaliya oo dhawaan ka dhacay magaalada Dubai ee dalka isutaga Imaaraadka Carabta.

 

 

 

Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) oo ah Hogaamiye sare oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo Salaadii Jimco ee maanta kadib la hadlayay boqolaal dadweyne ah oo ku tukaday Masaajidka Nasrudiin ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu cambareeyay kulan dhawaan Culumada Islaamka ay ku yeesheen magaalada Dubai ee Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta kaasi oo cinwaan looga dhigay Soomaaliya iyo Xigmada Shareecada Islaamka loogana hadlayay xaalada Soomaliya iyo dagaalada ka jira.

 

 

 

Kulankaasi oo ay ka qeyb galeen Culuma’ddiin Caan ah oo ay ku jiraan kuwa Soomali ah ayaa waxaa gabagabadiisa la sheegay in dagaalada ka socda Soomaaliya aanan lagu tilmaami karin Jihaad, waxa uuna Sheekh Muqtaar Rooboow sheegay in Culumadii ka qeybgashay kulankaasi qarkood ay horay ugu dhawaqeen dagaalada Jihaadka ee ka socda Soomaaliya xili dalka aynan ku sugneyn Ciidamo shisheeye.

 

 

 

Sheekh Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur waxa uu shacabka ugu baaqay in aynan ka tagin hirgelinta Shareecada Islaamka hadii ay qalad ka dhacaan Mujaahidiinta sida uu hadallka u dhigay.

 

 

 

Sheekha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dad uu sheegay in ay ku suganyihiin goobaha ay gacanta ku hayaan kuwaasi oo iyagu tageersan dowlado shisheeye oo aan muslim ahayn, waxa uuna shacabka ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dagaalada ka socda Soomaaliya oo aan lagu fiirsan Xarakada Al Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam.

 

 

 

Dhanka kale Madaxweyne Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka qeyb galay kulanka uu Sheekh Muqtaar Rooboow cambaareeyey ayaa dhawaan Shir jaraa’iid oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu faah faahin kaga bixiyay waxyaabaha looga hadlayay kulankaasi iyo cida qaadeysa mas’uuliyda dadka wax ku noqda dagaalada ka jira magaalada Muqdisho.

 

 

 

Waxa uu sheegay Madaxweynuhu in kulankaasi si aad ah looga hadlay Soomaaliya dagaalada ka socda in ay Jihaad yihiin iyo inkale isagoo sheegay in Culumadii ka qeybgashay kulankaasi ay isku raaceen in aysan Jihaad aheyn.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Why not?, ma Hamza Yusuf-ka yiri: gaaladii 9/11 ku dhimatay waa Shuhado baa Culimo ah, yaase Jihaad ma jiraa mase ma jiro ka dhegeysanaya Nin Waddan Gaalo ku hoos nool, Adduun rogmaday Alleylehe kaas baa ah!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

^ Saxiib the land belongs to Allah. You can live anywhere on it and still worship your lord and be a scholar.

 

As for Hamza Yusuf, STAY AWAY FROM HIM. Bidca x10.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Maaddey, aayadaha aad soo taxday waxey ka hadlayaan mujaahidiinta saxda ah, al-shabaaab in loo daliishado ilama qumana. It is one thing when muslims fight each other but it is another when they call other muslims Kuffaar. Al-shabaab inteysan dad wacdin ayaga ha isa soo saxaan. Qofkii khaladkooda sheegaba waa "GAAL", taas xagey kaga taalaa Qur'aanka sxb?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^in dad been laga sheegona sidaas oo kale waaye, lakin aayadaha uma daliishan saase waxaan ugu tala galay Haatu-ga ka dhigay in dhulku isku mid yahay, Hijrada ayay ka hadlayaan aayadaha, waxa kaloo waaqic kii inkiraana doqon, wax u dhiman yihiin yahay: in waddamada reer Galbeedka diintaada aad ku heysan karto, waxna laguu dhimeynin, waxay raban inaad Darwiish iska ahaato keliya, cibaadada adiga kugu kooban uun, lakin Amr bil macruuf, nahy canil munkar, walaa wal baraa' Jihaad hadaad ka hadasho Yaa waylak!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

What is this obsession with Al shabab if you love them so much instead of sitting in the comforts of your house go back to xamar and blow yourself.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Qofkii khaladkooda sheegaba waa "GAAL"

Abu Mansuur, ayaa ku soo celceliya in Shabaabku qaladaad leeyhiin, audio-ha Shaakirullaah soo saaray dhegeyso, isagey gaaleysiin lahaayeen haddii warkaagu run yahay, teeda kale haddii dadka kale Gaalo u heystaan Masaajidda Muslimiinta kuma dukan lahayn, anaa indhaheyga ku arkay Masjid laga xadreynaayo -iyagoo PKM & siliskiis garwaaxeedsan-ku tukanihaaya :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^No worries mate-they are not the first or the last to qoor jar people and interpret the diinta in order to fit their goals-I was thinking of starting my own movement-ex warlords will be the first on the chopping board :D

 

We can agree on thing whether one is Khawariji or Murtad ( I'm not saying anyone is but that's how people in Somalia term others in order to justify killing their "enemies")the Almighty is the final interpreter!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this