Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Codemns The Gaza Genocide

Recommended Posts

Xukuumadda Somaliland oo Cambaaraysay Weerarada Xasuuq ah ee Yuhuuddu ku Hayso Falastiin

 

 

3218sheekh.bmp

 

Hargeysa (Jam)- Xukuumadda Somaliland ayaa cambaaraysay xasuuqa arxan-darrada ah ee dawladda Israa’iil ku hayso shacabka degan Gacanka Qaza.

 

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Sheekh Maxamed Axmed Cali oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradaas, waxay si kulul u cambaareeyeen weerarka xasuuqa ah ee Israa’iil ku hayso shacabka Falastiiniyiinta ah ee aanay jirin wax dambi ah oo ay galabsadeen, iyaga oo weerarkaas ku tilmaamay mid ka baxsan bini’aadaminada

 

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Muxumed Suufi Muxumed oo ugu horreyn shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay aad uga xunyihiin waxa ka socda Qaza, isla markaana aanay weligood tiiraanyada muslimiinta la laynayo iloobi doonin.

 

“Dhibaatada iyo xasuuqa lagu hayo dadka masaakiinta muslimiinta ah ee Qaza jooga aad baanu uga xunahay, ugana xanuusanaynaa sida caalamka kaleba uga xunyahay, sidoo kalena waanu xambaaraynaynaa dhibtaa lagu hayo dadka ee weliba la iska dhego-tirayo wax allaale wixii caalamaka qaylo ka yeedhaysa. Xasuuqa Qaza ka socdana tiiraanyadiisa weligii ilaabi mayno. Dadka muslimiinta ahi waa isku mid oo jidh keliya ayey wadaagaan. Waxa meeshaa ka socdaa waa ficil fool xun,” ayuu yidhi Sheekh Maxamuud Suufi.

 

Wasiirku waxa uu tilmaamay in cadowtinimada Yuhuudu aanay ahayn mid cusub, balse ay weligeed soo jirtay oo Ilaahay hore ummaddiisa muslimiinta ah uga digay, isla markaana loo baahan yahay in dhibtooda laga magangalo Alle, waxaanu yidhi; “Yuhuuda dhibaatadooda Ilaahay baa inoo sheegay oo yidhi 24-kii saacadoodba kuwaa dariiqooda in aan idinka badbaadiyo 17 jeer iga magangala, waana akhriska Suuratul Faatixa shanta salaadood ee faralka ah oo ah 17 rakcadood ah.”

 

Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed waxa geesta uu sheegay in islaamka uu daciifay oo arrintani ay tahay karbaash lagu hayo kadib markii ay khaladaad badan sameeyeen

 

“Waxa kale oo jira in islaamku aannu sidiisii hore ahayn oo Ilaahay cuquubaynayo oo meel aan meeshiisii ahayn buu hadh ka raadinayaa, markaa waxaannu Ilaahay ka baryeynaa cadowga sidaa u galaya iyaga uu dhibtooda ku celiyo,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sh. Maxamed Axmed Cali oo isna shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay inay ku amrayaan iimaamyada dhammaan masaajidada dalka oo dhan inay salaadaha ugu duceeyaan dadka reer Qaza ee xasuuqa lagu hayo.

 

“Waxaannu imaamyada masaajidada ku wargelinaynaa oo ku amraynaa inay salaadaha dabadooda uga duceeyaan dadkaa Qaza ku nool ee bomb-ka lala dhacayo, si uu Ilaahay waxaa uga dulqaado, Yuhuuduna cadowga islaamka ayey weligeedba ahayde uu Ilaahay hoojiyo oo halkeeda ku celiyo,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud Sheekh Maxamed Axmed Cali.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

19 days too late, but better late then never, miyaad islaa yaab teen after such long silence. I'm glad innaad waax isku faashen finally :D

 

 

P.s. I will assum there was news delay in SL and you guys just found out, no sense of time :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Ibti, tell JB we want to see people demonstrating and pictures, not one guy's picture condemning the Gaza attacks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is official sxb. The government speaks on behalf of the people and openly condemns the attacks something most of the Muslim leaders can't do.

 

Cawaandiyiin.com :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

^^^Idinka maaxa Afkaa iidin heesta. :rolleyes:

 

Nuune, they are sleeping, the demos will come in another 19days :D I gave up, I was not even expecting this much from them. :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

That is not enough sxb, there should be civil groups, or civil rights and activists, they should organize big demos, mise the government won't allow such demos!!!

 

 

Ibti, it is simple, the government doesn't approve demos, the peolpe if they want demos, they shouldnt need approval at all,

 

 

No government approved the London demos last week

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

^^^Not so fast Nuune, it is not true, we had to get approval from the police, and City Hall (the mayor) and I've been told no previously, we have to get approval for the dates, the route, the capacity and the content.

 

I don't know about SL, But I know Burco has had few baana baaxs and rallys (in true burco chaotic style)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa (Jam)- Xaflad baroor-diiq ah oo lagu muujinayey taageerada shacabka Somaliland u hayaan walaalahooda reer Falastiin ee Yuhuuddu sida arxan-darrada ah u xasuuqayso ayaa xalay lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

 

Munaasibaddan oo ahayd tii u horreysay ee nooceeda ah ee lagu qabto Somaliland tan iyo wixii ka dambeeyey duqeynta ay Yuhuuddu ku qaaday dhulka Falastiin, ayaa waxa soo abaabulay Hay'adda MASNO oo ah hay'ad ka shaqaysa arrimaha samafalka, iyada oo isla markaana ay ka soo qaybgaleen culimo waaweyn oo ay ka mid yihiin Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Sheekh Ismaaciil Dheeg), Sheekh Almis Xaaji Ibraahim Yaxye, Guddoomiyaha Hay'adda MASNO Maxamed Xasan Xaashi, ururrada bulshada ee ay ka mid yihiin SONYO, NAGAAD, ururka suxufiyiinta SOLJA, masuuliyiinta Jaamacadda IHU iyo dadweyne farabadan oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada.

 

Munaasibaddan oo dadka ka soo qaybgalay shucuurtooda ay ka muuqatay sida ay uga xun yihiin xasuuqa bahalnimada ah ee Yuhuuddu ka wada magaalada Gaza, ayaa waxa lagu soo bandhigay filimo iyo muuqaalo muujinaya gumaadka baahsan ee maatida Falastiin ka soo gaadhay duqeynta cirka iyo dhulkaba ee lagu hayo.

 

Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Sheekh Ismaaciil Dheeg), ayaa si qoto dheer uga sheekeeyey taariikhda iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay magaalada Gaza, waxaannu xusay in 70-kii taariikhda miilaadiga ay Roomainiyiintii hore Yuhuudda ka saaray dhulka Falastiiniyiinta, balse markii dambe 1949-kii Yuhuudda lagu degaameeyey dhulka Falastiin, iyaga oo ilaa muddadaas xasuuq kala duwan ku yahay ummadda muslimiinta ah ee jiidaas ku nool.

 

Waxaannu Sheekh Ismaaciil Dheeg sheegay beesha caalamku ku taageersan tahay xasuuqa ba'an ee Yuhuuddu ku hayso ummadda Falastiiniyiinta, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in muslimiintu dhinac uga soo wada jeedsadaan sidii ay hiil hagar la'aan ah ugu fidin lahaayeen walaalahooda reer Falastiin, isaga oo Sheekhu xoog ugu dheeraaday muhiimada dhulka barakaysan ee ku yaal Masjidul Aqsaa uu ugu fadhiyo ummadda muslimiinta.

 

Guddoomiyaha Jaamacadda IHU Sheekh Almis Xaaji Ibraahim Yaxye, oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in aan sinaba loogu dulqaadan karin xasuuqa Yuhuudda ee ka socda dalka Falastiiniyiinta, isaga oo xoog ugu dheeraaday ujeeddooyinka weerarrada gardarrada ah ee Israel ku soo qaaday marinka Gaza, waxaannu tilmaamay in aakhirka muslimiintu guuleysan doonaan, isla markaana uu baraaruga islaamku hagi doono dunida.

 

"Marka la eego dhiigga reer Falastiin ee daadanaya waa la naxayaa, marka haddana la eego xooggii Israel oo dibedda loo soo saarayna waxay muujinaysaa inay jabeen, waxaanna tartamaya sharka iyo khayrka, markastana khayrka ayaa guuleysan doona, baraaruga islaamka ayaa dunida hagi doona," ayuu yidhi Sheekh Almis Xaaji Ibraahim Yaxye.

 

Guddoomiyaha Hay'adda MASNO Maxamed Xasan Xaashi oo isna halkaa ka hadlay ayaa dawladda Somaliland ka codsaday inay furto marin dadka reer Somaliland taakulada u mariyaan walaalahooda reer Falastiin, isaga oo xoog uga hadlay dareenkiisa ku waajahan sida uu uga xun yahay weerarka gardarrada ah iyo xasuuq ay Yuhuuddu ku hayso maatida reer Falastiin.

 

Waxa isna munaasibaddaa baroor-diiqda ah ka hadlay Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta ah ee SOLJA Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo isaguna sheegay islaam ahaan innagu ceeb tahay, haddii aynu ka dhiidhiweyno gumaadka iyo xasuuqa Yuhuuddu ku hayso Falastiin, kaasi oo uu ku tilmaamay mid si arxan-darro ah loo abaabulay, isaga oo xusay in MASNO ay Somaliland ka maydhay ceebta ah, inay u damqan waayaan walaalahooda reer Falastiin, taas oo ay dadweynaha ku nool waddamada galbeedka ay ka dhigeen mudaharaadyo waaweyn.

 

Waxa iyaguna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha dallada SONYO Maxamed Yuusuf Aw Cali (Culimo), Aamina Cabdillaahi Cali iyo Guddoon oo ka mid ah ardayda Jaamacadaha wax ka barata, kuwaasi oo dhammaantood si weyn u dhalliilay duulaanka Yuhuudda ku hayso dhulka Falastiin ku hayso, iyaga oo u duceeyey walaalahooga reer Gaza ee dhibaatadu ka soo gaadhay weerarrada gardarrada ah ee lagu hayo.

 

 

3201shir12.bmp

mal2.jpg

mal3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

That is not DEMOS sxb, it is a party, xaflad as you referred to it!!!

 

 

Ibti, got ye, we didn't need approval here last week when we did one fo the biggest demos

Share this post


Link to post
Share on other sites

It was a public even not a party ... no one is coming to eat or dance dee.....

 

 

About the Demos, it is not allowed here unless you get the approval of the government. It is just similar to that Ibti said about London.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gacal nimaad ahaydeen; Hadii laga Gol roonaado

Oo Gacantu inay hiiliso; kuu Gar noqonweydo

ileen waa Galgalataa; sidii Gaajo nimayso!!

 

We all feel the pain.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this