Sign in to follow this  
Saalax

Wa'ayo Kooxdan Sidata Magaca SSC Maxay Doonayan?

Recommended Posts

Saalax   

Taleexi. Abti bal ka waran waxan maqlay qooladi la baxday "SSC" Xamar bii tuugsii uu tageen siida lacag iyo hub uga heelan Sheikh dalxis maxa ka jiira? waxana maqlay wa lo so diidaay since the TFG itself needs those weapons to defend itself from Godane's boys.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Libaaxe: Rest assured Abti, wax ka badan intaad mudane Senawi weydiisateen si aad ugu bootaysaan qowmiyadaha kale ee waqooyiga SSC Sheikh Sharif ma waydiisan... Markaas Abti don't mind SSC political endeavors.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadka SNM saraakiishii iyo askartii ka tirsanaa 'mujaahidiin' ugu wacaayo ayaa dad kale ku eedeynaayo jabhad qabiileed.

 

Isma fahmaan miyaa maankiisa waxa kasoo baxaayo iyo farahiisa waxa ee qoraayaan? Mise garasho la iskugu noqdo maba leh miyaa.

 

What exactly is difference between SNM iyo SSC? Noo sharxa, tee jabhad qabiileed ku dhisan, mideena ku dhisneyn.

 

And, pray tell, SNM too maxee dooni jirtay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ MMA, as someone flying the somali flag,u have got to admit one has a noble goals(SSC)of keeping the country's unity intact and the other was/is part of somalia's fragmentation(SNM)

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^Correction, SNM were NOT fighting to secede from Somalia. Trying to create a country by the name of Somaliland was not the goal of the Mujahideen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol@ the "Mujahideen",Zackow,i realize SNM,and its chairman Silaanyo, had a national ambitions bk in the siad barre era.meel ee wax ka qaloocdeen garan maayo lakinse,I think its safe to say SL has been a beacon of Somali fragmentation for the last 2 decades.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Dhageyso Somaalidiidkii oo calaacal iyo oohin isku darsay

 

 

CADOWGII SSC OO SHUBAN KU DHACAY

 

MAQAAL:- Kadib markuu dhowaan gaadhay Muqdishu wafdigii SSC ee uu horkacayay mundane Sulaymaan Xaglotoosiye uuna ka mid ahaa haybadle Garaad Jaamac Garaad Cali..

 

ayuu Jaahwareer iyo dhakofaar ku dhacay cadowgii shacabka SSC.

 

Waxaa shir jaraaid Muqdishu ku qabtay niman wasiiro ka ahaa dawladihii ku meelgaadhka ahaa ee tan hadda la dhisay ka horeeyey oo asal ahaan ka soojeeda maamulka jabhadda SNM iyo maamulka waqooyi bari ee Faroole, Nimankaasii iyagoo aad u cadhaysan bay afka furteen oo soo mantageen ama soo hunqaaceen wixii calooshooda ka buuxay oo ahaa sun iyo xiqdi iyo xasad iyo cadaawad iyo nacayb daran oo ay u hayeen shacabka SSC.

 

Waxay soo daayeen been abuurasho qaawan oo ay uga jeedeen inay dhibaato ugu abuuraan kuna wasakheeyaan magaca SSC ee nadiifta ah. Waxay dhaheen SSC waxay ka tirsantahay SHABAAB. Shacabka SSC kama tirsana wadaadadaas hubaysan ee dadkii nafta u keenay, mana dhici karto inay ka mid noqdaan ama wax la qabsadaan hadda iyo goor danbe midna. Islamaarkaa ma iman karaan dhulka SSC leedahay kana taliso. Caalamkuna xaqiiqada waa ogyahay lamana khaldi karo.

 

SSC dib bay u soo noolaatay, wayna hanaqaaday waxayna cagta saartay jidkii midnimada iyo xornimada, dibna u noqon mayso. Cid is-hortaagi kartakana ma jirto, wayna guulaysanaysaa dhowaan in shaa Allaah cadowgu ha rabo ama yuusan rabin, ha fado ama yuusan fadin. Cadowga SSC yuusan isdaalin oo karamo seegin. Hirkan ama mawjaddan wayn ama daadkan laxaadka wayn ee soo rogmaday yuusan idin qaadan ee ka carara intay goori goor tahay.

 

Reer SSC haddaad tihiin qurbajoog ama dalkii joog waad aragtaan in ladiin tashay oo ay isugu kiintageen labada maamul ee hareeraha idinka xigaa iyo kuwaa taageera. Markaa waxaa waajib ah in heerka halganka kor loo qaado, taakulo aan kala go’ lahayn iyo gacan la siiyo SSC da gudaha joogta. SSC ha noolaato oo ha jirto oo ha is-raacdo.

 

Maxamed Cali Daad

 

 

----

 

Faroole iyo Soomaalidiidka Xaalkoodii Wuxuu ku Dhammaaday Cali Geelii Ba’ay

 

 

Waynu ka dheregsanahay catawgii Faroole iyo wuxuu ku sheegay war-saxaafadeed iyo isagoo gebagabadii ku qoomamooday: “ Ilaahay hortii waxaan ahay Cali Geelii Ba’ay…” Waa lagu digtaa ruux hadduu kuu darraan jiraye, bal dayaay wadaadkii sii wakaa dabayshadaye… Cali-Dhuux Adan

 

 

 

 

Cali-ga kale ee isna geelii ba’ay waa Soomaalidiidka. Imaatinkii Hoggaanka SSC Xamar waxay daaha ka rogtay labo wajiilayntii qaar ka mid ah wakiillo shaadhka beenta ah huwan oo ka soo jeeda gobollada woqooyi galbeed. Halkan hoose waxaynu si kooban ugu iftiiminaynaa wixii shakhsiyaadkaas shaatiga beenta ah sitaa ay kaga hadleen shir jaraa’id oo ay shalay Xamar ku qabteen.

 

 

Qaran dumiskii u hormaray hadalka iyo qaran dumiskii kadaba hadlay wuxuu nuxurka hadalkoodu ahaa in:

 

 

 

* madaxda SSC aanay la xaajoon Karin madaxda dawladda Soomaaliyeed

* in aanu jirin maamulka SSC

* In SSC tahay Al-Shabaab

* In aan dawladdu xidhiidh la samayn Karin

* in aan hub, rasaas, iyo lacag la siin Karin

* In daba-******yada la socda soomaaliddidku ka taliyaan Sool, Sanaag, iyo Cayn

* Iyo in SSC u hoggaansato maamulka Soomaalidiidka ah ee dalka kala goyn raba.

 

 

Labadan qaran dumiye waxay digniin cad u soo jeediyeen madaxweynaha iyo ra;iisul-wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya inay faraha kala baxaan gudashada xilkooda qarameed oo ah ilaalinta midnimada Soomaaliya, oggolaadaanna in dalka la kala jaro.

 

 

 

Qaran dumiskan hadalladooda ayaa si cad isu burinaya. Waxay leeyihiin waxaanu taageersanahay midnimada iyo federaalka, waxayna ka soo horjeedaan SSC oo mabda’aas ku shaqaynaysa isla markaana daafacaysa. Waxay u doodayaan una dagaallamayaan yaan la is hortaagin maamulka soomaalidiidka ah ee dalka kala jaraya, in la aqoonsadona geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay. Maamulka Somaliland la baxay ee ay qabiil ahaanta ku difaacayaan waa kan burburinaya dawladda federaalka ay sheeganayaan inay ka mid yihiin, waxayna madaxda sare ee qaranka ugu goodiyayaan in aan la soo faro gelin gardarrada, dhaca, boobka, iyo cadaadiska gooni-u-goosatada Hargeysa ka waddo dhulyawga SSC.

 

Hadalladii maadda lahaa ee ya ka siidaayeen warbaahinta waxaa kale oo ka mid ahaa:

 

“Qabiil aragnay waxba tari-waa qabiil, Soomaali uunbaa u dhimanayee… nin aan waxba noqon Karin uunbaa qabiilka dabada saara qofka Soomaliyeed maanta waa ka ugu ihaanaysan adduunyada guudkeeda, sharafna ma leh qofka somaliga ahi, had iyo jeer Dadka fidnada wadaa baal bay cararaan ma ogtahay, Dadku dad walaalo ah weeye soomaalidu waa family, laakiin in yar baa fidnada bilawda oo shidda, ma aha in qori dab leh la qaado meel nabad ahna lagu gubo....!!”

 

 

 

 

 

Haddaba su'aashu waxay: yaa qabiil ahaan gooni ugu baxay, yaa qabiil dabada saaray, yaa ka masuul ah sharaf darrada shacabka Soomaaliyeed, yaa fidnada bilaabay oo wada, yaa baal cararaya kana baqaya inuusan waxba noqon Karin oo Soomaali inuu wax la qaybsado ka baqaya, qori dablena la wareegaya? Intaas oo dhan jawaabteedu Waa SNM iyo maamulka gooni goosadka ah.

 

 

 

Waxaa laba jeer afku ka xaday waxa uurkooda ku jira dadkuna wada ogyahay. Qaran dumiyaha hor hadlay ayaa mar isagoo hadalka wata yidh: “dadka nala deggan waqooyiga…,” taasoo uu ula jeedo in waqooyiga iyagu iska leeyihiin, dadka kalena la deggan yahay. Qaran burburiyaha ka daba hadlay ayaa isna mar ku cataabay: “Laba maamul baa waqooyiga ka jira, labada midna ma nihin bay yidhaahdeen, xaggay ku socdaan. Annagu waxaanu leenahay waar kii aad walaalnimada iyo wax wada haysateen arrinkaa waa ka cudur daaranayaa(???)”

 

 

 

Mar kalena waxay leeyihiin iyagoo riyo maalmeed ku jira: “Somaliland waa hal ‘State’ oo lama taabtaan ah, ee qoladani (SSC) waa inay Hargeysa ka degaan..." Macnaheeduna yahay haddii xataa Soomaali is-raacayso, xadkii Ingiriis ka tegey ee lixdankii la baabi’iyey ayaa la soo noolaynayaa, waxaana lagala xisaabtamayaa SNM. Tanii waxay kuu caddaynaysaa inaan labadan nin fahamsanayn dhibaatada iyo waxa ka dhexeeya Soomaalida iyo xalka ku habboon.

 

 

 

Waxaa xusid mudan in la sheego cidda ku digata dhibaatada Xamar ka jirta ee muddo dheer rabta inay ka faa’iiddo. Soomaalidiidka waxaa ka go’an inaan Xamar degin si gooni-goosadku u helaan dal madax bannaan oo la aqoonsan yahay. Ma qarsoona in Soomaalida reer koonfurta ah ee u qaxday waqooyiga lagu hayo ihaano iyo dullayn joogto ah, iyadoo beesha caalamka uu maamulkaasi ku cadaadinayo in loo aqoonsado qaxooti. Arrintaas oo laba ujeeddo ay ka leeyihiin. Tan hore, waa inay lacag ku helaan; tan labaadna inay ku helaan aqoonsi caalami ah. Waxay isku maaweelinayaan haddii qaxooti dadkaas koonfurta ka yimid loo aqoonsado, waa waqooyiga oo loo aqoonsaday dal gaara ah.

 

 

SSC kama rabto dawladda federaalka hub, rasaas, iyo dhaqaale. Balse dawladda federaalka ah ayay waajib qaran ku tahay inay difaacdo meel kasta oo ka tirsan ciidda Jamhuuriyadda Soomaaliya isna hortaagto ujeedada gurracan ee wax-magaratada in ka badan 20 sannadood qoriga dabka leh la wareegaysa, doonaysana in dalka qurub-qurub loo jarjaro. Waxay sheegteen in yihiin mudanayaal ka tirsan nidaamka federaaliga ah ee Soomaaliya. Haddii ay sidaasi dhab ka tahay waxaa nimankan warbaahinta ka hadlay laga doonayaa inay diidaan oo ka qayliyaan hubka, rasaasta, iyo lacagta ku qulqulaya Hargeysa ee lagu abuurayo fidnada, colaadda beelaha walaalaha ah, iyo kala go’a dalka. In ay ka hadlaan oo cambaareeyaan gooni-isu-taagga ay rabaan maamulayaasha Hargeysa. In ay runta u sheegaan dadweynaha ku nool woqooyi-galbeed in wadajir iyo Soomaalinimo wax lagu raadiyo.

 

 

Madaxda siyaasadda iyo tan dhaqanka SSC ee hadda ku sugan Muqdishu iyo guud ahaanba shacabka Sool, Sanaag, iyo Cayn waxay ku baaqayaan in xabbadda iyo dagaallada Muqdisho iyo koonfurta la joojiyo, xasilloonidii iyo nabaddii la soo celiyo, maamulka dawladnimo ee Soomaaliyeedna ka shaqeeyo nabadda, caddaaladda, iyo horumarka. Sidoo kale SSC waxay mar kale ku baaqaysaa in beelaha waqooyi galbeed kala baxaan malayshiyadooda deegaanada SSC, ayna ilaaliyaan nabadda iyo deris wanaagga. Intaas marka la helo ayay fududaan kartaa wax wada qabsiga iyo wada noolaanshaha ummadda Soomaaliyeed.

 

 

 

Waxaannu leenahay Cali Geelii ba’ay caqligu ha u kordho…

 

 

 

 

 

Buhodle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this