Sign in to follow this  
A_Khadar

Maamulka Labaxay Somaliland Oo Ka Hadlay Heestii Lipdhi Maysid Laascaanood ee Saado

Recommended Posts

A_Khadar   

Fanaanada qaranka Soomaaliyeed ee Saado Cali Warsame oo ku caan baxday wadanimo, ayaa heesteedii "Lipdhi maysid Laascaanood" ee ay dhowaan ay kasoo saartay dalka Maraykanka..

 

 

waxay saamayn weyn ku yeelatay guud ahaan gudaha wadanka soomaaliya iyo weliba caalamka oo dhan, taasoo ay taageereen malaayiin soomaali ah, halka ay ka cadhaysiisay Soomaali diidka tirada yar .

 

Heestan oo ah Hees ay ku dheehan tahay qiiro wadaninimo ayey ku cabiraysaa sida ayan u suurta geleyn kala go'a dalka Soomaaliya, taasoo muuqaal ahaan ka turjumaysa miisaanka uu leeyahay deegaanka SSC iyo dhibaatada ka iman karta kala go'a dalka Soomaaliya.

 

 

Saado Cali Warsame ayaa heesteeda la magac baxday "Libdhi Maysid Laascaanood" waxay bedeshay shucurta reer Hargaysa, taasoo hadal haynta goobaha lagu badan yahay laga hadal hayo. islamarkaana muujinaya dareenka bulshadaas ay heestaasi qaarkood ku reebtay, adigoo maqlaya nacayb xoogan oo marka aad damacdo inaad kala hadasho qaylo dhaan cadho ku dheehan tahay ka muujinaya.

 

C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo ah wasiirka Arimaha Gudaha Maamulkaas oo qaar kamid ah warbaahinta xafiiskiisa ugu waramay, ayaa waxaa ka muuqday inuu aad uga cadhaysnaa "Heesta Libdhi Maysid Laascaanood" ee ay Saado soo saartay dhowaan.

 

Mar Cabdillahi Cirro la weydiiyey maxay kuula muuqataa heestani, ayuu waxuu ku jawaabey "saado waa fanaanad qabiil, waxayna ka hor imaanysaa Gooni isu taaga Soomaaliland"

 

Waxaan kaloo la weydiiyey maxaa sababay inay Heestani Idinku reebto Shucuur cadho ku dheehan tahay heeshaha fanaaniintu waa wada qaadaaye , weliba waxaa loosoo qaaday heesaha fanaaniinta reer waqooyi qaadaan oo dhan ay ruxayaan calanka Somaliland, heesta Nimco Yaasiin ay ku aamanyso Somaliland iyo heeso kale oo badan maxay kaga duwan tahay heesahahaas?

 

Cirro ayaa ku jawaabey "beesha *********** ayay Saado kicinaysaa, hadiise ay kacaana loo joojin mayo, Somalilandna waa qaran, waxba ma samayn karaan oo anagaaba laascaanood haysana iyo weliba deegaanada beeshaasi degto oo dhan".

 

Heestii

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Reer Hargeysa? so in their minds Reer Hargeysa = somaliland , somaliland is more then that sxb you have reer erigavo, reer burco, reer hargeysa, reer borama,reer hawd, maybe it's tactic used by the khuususi to try and divide the proud people of somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Midhaha Heesta - Laba maaha wadankeenu - Lipdhi mayside lascaanood.

 

1.Liibaantooy,Weynaatooy,Ladnaatooy, Lacag qaatiyo,Layli kugu leged,Meel layaabloo,Kumaylulanine,Waaka liitee, Liicimeyside,Lixdankii joog, Libaax wuu iman libtaqaadee.

 

[Libdhimeyside Laascaanood,Laba maahaa Wadankeenu.]

 

 

2.Liibaantooy,Weynaatooy,Ladnaatooy, Leegadii baad ku lamaanayd,Looxa diintiyo,Loolankii hore,waa laguu qiray,Laabta kaa ogi,Lurka kii wada,Lax lagaa yidhi,Waa Luqluqashee.

 

[Libdhimeyside Laascaanood,Laba maahaa Wadankeenu.]

 

3.Laasa surradood,Laanta lebidaa,Bogga laandheer,Lugta mari mudug,Lasqoraad tahay,Laamiyada qaad,Laagta bari eeg,Luuq ganaaniyo,Libooyana gaadh.

 

[Libdhimeyside Laascaanood.laba maahaa waddankeenu.]

 

4.Liibaantooy,Weynaatooy,Ladnaatooy,Lafta dhabarkaad dalka tahayoo,Kuma loodshaan,Laabatada diid,Wawlugooyee,Waad laxaadsanoo,Ninkii lumayaa,Beenta laasima,Runtalaalee.

 

[Libdhimeyside Laascaanood,Laba maahaa Wadankeenu.].

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Saado Cali Warsame Waa Fanaanad Wadaniyad Ah Oo Ku Dayasho Mudan

 

Fanaanada qaranka soomaaliyed ee Saado Cali Warsame oo ah fanaanad ku caan baxday cadaalad iyo wadaninimo ayaa heesteedii ay dhowaan ay kasoo saartay dalka maraykanka,

 

 

waxay saamayn weyn ku yeelatay guud ahaan dadka Somaaliyeed meel ay jooganba.

 

Dadkas waxay u kala qaybsameen qayb aad ugu riyaaqday quluubtodan taabatay oo tageertay heesta iyo nuxurkeedba, qayb kalena oo tiro yarna aad bay uga cadhaysiisay, qaybtaas oo ah dadka uu beercadaaday gososho qabiil ku salyasan iyo wandankeena oo cadow loo loogo.

 

Annago ah ururka NSUM ee u taagan midnima wadankeena Somalia, waxaanu mar walba tageersanahay cid kasta oo u taagan midnimada Somaliyeed. Saado Cali Warsame iyo Somaali kasta oo jecel midnimada Somaliya kuna siifoba cadalaad jecayl iyo dulmidiid waa astamaha iyo sawraca ururka NSUM.

 

Waxanu halkan hambalyo ugu soo gudbinayna Sado Cali Warsame heestedan cusub ay qaaday iyo abwaanka Cabdirasak Dalmar oo alifay heestan qiimaha weyn xambaarsan. Waxanu sida si leg u cabirayna taageeradayada iyo boogaadintayada aanu u hayno Sado Cali Warsame oo ah hobolad heer qaran ah iyo kuna caan baxday la dagalanka cadalaad darada taas oo ay dhowaan ku muujisay ugana gilgilatay ashktada xaqdarada ah ee dad Somaalidiid ahi ku soo oogeen geesiga Somaaliyeed S/G Maxamad Cali Samatar.

 

Waxanu Sado Cali Warsame leenahay nolow waxa tahay geesiyad ku dayasho mudan, noqo tii ifkana caafimaad iyo nabadqab ku waarta, aakhirana hoyigeedu noqdo guriga mujaahidiinta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

3.Laasa surradood,Laanta lebidaa,Bogga laandheer,Lugta mari mudug,Lasqoraad tahay,Laamiyada qaad,Laagta bari eeg,Luuq ganaaniyo,Libooyana gaadh.

Saado's lyrics are bringing a reaction out of the secessionist camp. There is only one Somalia, no single clan as we have seen these past 20 years can break & create their own country. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

loooooool.

 

duke i did saxib, i destroyed you left you in your own waste and created a seperate state, you think some lady behind a mike, who lost sleep over Somaliland conquest of las canod can stop us.

 

ha ha ha ha ha ha ha looooooool !

 

funny people.

 

I wonder what she will sing when Somaliland take garowe and bosaso....tooolaaahiyay...alllaaaay naga gabtaay !

 

loooooool !

 

funny people.

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

you guys remind me of a mad man i once bumped into on my travels through Somaliland. this mad man in his mid 40's. looked normal he sat next to me in a cafe in borama. after sitting down and ordering a tea, 10 min later he started screeming.

 

ALLLAAAAY IGA GAABTAAY !

 

pooor guy, miskeen inshalah he finds peace, but you guys remind me of this man, you seem normal, until you think about somaliland then you start sweating and screeming.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Dee wa runteed labba maha wadankeenu Somaliland wa hall weye

War xaaji stop kidding to yourself you know waxa laga hadlayee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by GAAROODI:

loooooool.

 

duke i did saxib, i destroyed you left you in your own waste and created a seperate state, you think some lady behind a mike, who lost sleep over Somaliland conquest of las canod can stop us.

 

ha ha ha ha ha ha ha looooooool !

 

funny people.

 

I wonder what she will sing when Somaliland take garowe and bosaso....tooolaaahiyay...alllaaaay naga gabtaay !

 

loooooool !

 

funny people.

At last you admitted your project is clan project nothing more and nothing less.. Cajiib, let us see if one clan can be a nation by itself.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this