Sign in to follow this  
Suldaanka

Lasanod: 2 months after

Recommended Posts

indhobuur.jpg

 

Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Sool Indhobuur oo ka Warbixiyey Waxqabadka Maamulkiisa qabtay

Warkii 13-Dec-2007 iyo Qormadii: Ahmed Abdulahi Binow

 

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Sool ahna kusimaha Gudoomiyaha Max’ed Max’ud Faarax oo aannu waraysi la yeelanay ayaa wuxuu ka waramay horumarka SL ka qabatay gobolka mudadii yarayd ee ay maamulka gobolka gacanta ku hayeen.

 

G/ku xigeenku wuxuu sheegay in gobolkiisa laga bilaabay wax qabadkii ugu horreeyey ee ugu balaadhnaa ee laga hirgeliyo gobolka Sool wixii ka dambeeyey xiligii burburkii Somaliya, isagoo ka tibaaxay wax qabadkaas:

 

* Dib u habayn guriga gobolka

* Dib u habayn Saldhiga booliska

* Dib u habayn guriga dawladda hoose

* Dhisid wadada cusbitaalka

* Dayactirka laamiga isku xidha Lascanod iyo Burco

 

Wuxuu kaloo G/ku xigeenku sheegay in ay qorshaysan tahay in dhakhso wax looga qabto xaga biyaha, dhismayaasha waxbarashada iyo wadada labaad ee magaalada ee xaga hawdka u baxda.

 

G/ku xigeenku wuxuu sheegay in gobolku u baahanyahay horumar dadka degaanka u dhashayna ay tahay in ay ka fekeraan sidii degaankooda loo horumarin lahaa kana wada shaqeeyaan wixii gobolka horumar u siyaadinaya wuxuuna booriyey in la adkeeyo nabadgelyada, deris wanaagga, wada noolaanshaha, maamul wanaagga, wadatashiga iwm, isla markaana meel uga soo wada jeestaan wixii dib u dhac u keenaya sida: dagaalka, isku dirka, been abuurka, anshax xumada iwm.

 

G/ku xigeenku wuxuu ugu baaqay dadka reer Sool in wixii khilaaf iyo ismaandhaaf ah lagu dhameeyo wada hadal iyo nabadgelyo, wuxuuna ka digey wixii qalalaase iyo dhib bulshada u keenaya, wuxuuna soo dhoweeyey cid kasta oo wax qabad iyo horumar ku soo kordhinaysa gobolka.

 

 

Afnugaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

ashir2.JPG

 

Wafdi ka socda hay’ada WFP oo maanta soo gaadhay magalaada Laascaanood (Daawo Sawiro).

 

Waxaa maanta soo gaadhay xarunta Gobolka Sool wafdi ka socda hay’ada WFP oo ah hay’ada cunada aduunka masuuliyiintan ka socday hay’adan ayaa waxa ay shir la qaateen masuuliyiinta Gobolka ee maamulka Somaliland iyagoo ka wada hadlay xalaada Gobolka.

 

Wafdidan ayaa waxa ay kasoo kicitimeen xarunta maamulka Somaliland ee Hargeisa waxaana ay socdaalkoodan ku wajahnaa si ay u eegaan xaalada ka jirta Gobolka xag nabad galyo iyo waliba dhamaanba arimaha Bulshada oo ay dadku si wayn utabayaan.

 

Hay’adan ayaan horay u imaan Gobolka tan iyo intii uu la wareegay maamulka Somaliland wallow uu horay uyimi masuul ka socda UN security kaas oo eegay xaalada nabad galyo ee Gobolka ugu danbayntiina si wayn ula dhacay nabada taal Gobolka oo aan oolin inta badan Gobolada dalka.

 

Masuuliyiintan ka socda Hay’adan ayaa waxa ay shirar la galaeen maamulka Gobolka oo ay ka wada hadleen xaalada nabad galyo ee Gobolka iyo sida ugu sahlan ee ay hay’adan uga dhaqaajin karto Gobolka mashaariicda uu xaqa ulee yahay si nabad galyo ah.

 

Masuuliyyinta Gobolka iyo kuwa Degmada oo ay kala hogaaminayeen Gudoomiye kixigeem Gobolka Maxamed Axmed Faarax (IndhoBuur) iyo Duqa Degamada Laascaanood Canbaashe aw Daahir iyo masuuliyiin kale oo kamid ah gudida nabadgalayada ee Gobolka ayaa waxa ay hay’ada kala hadleen sidii ay usii dayn lahayd mashaariicda Gobolka uuna Gobolku yahay mid amaan ah.

 

Hadaba masuuliyyinta hay’adan ayaa waxa ay socdaal ku mareen kadib markii uu dhamaaday shirkaasi qaybo kamid ah magaalada sida Isbitaalka,Iskoolaadka magaalada,qaybta qashinka oo ubaahan in wax laga qabto,iyo waliba airport ka magaalada.

 

Ugu danbayntii masuuliyiintan ka socday hay’adan ayaa waxa ay balan qaadeen inay usii dayn doonaan dhamaanba qaybaha ay mareen mashaariicdooda iyo waliba adeega WFP ay ku bixiso Iskoolaadka iyo Isbitaalada kuwaas oo ah cuno iyadoo ay sidoo kalena ay balan qaadeen in ay airport ka magaalada wax ka qabanayaan.

 

ashir5.JPG

 

ashir1.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Everything is coming back to normal. The town has been secured and local policemen keep an eye on the streets for troublemakers around the clock.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A Delegation from the World Food Programme visits Las Anod

 

 

Las Anod(QARAN)-A delegation from the World Food Programme today paid a visit to the Sool region of Somaliland.

The delegation from the WFP held talks with senior officials from the region, including the acting Governor of Sool, Mohamed Farah Ahmed and the Mayor of Las Anod, Canaabshe aw Dahir, along with community leaders, activist and the members of the general public.

 

 

After holding meetings with the members of the regional officials and the general public, the delegation made of a tour of local facilities including the the General hospitals, schools, the airport and the local waste disposal facility. The delegation's tour follows a visit by the United Nations security assessment team to Las Anod and Sool which have paved the way for the implementation of local projects by such as the World Food Programme.

 

Since early October there has been a steady improvement in both the security and social projects in the region which had been facilitate by the Somaliland government, local residents and the international community.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this