Sign in to follow this  
General Duke

Deadline nears + wepon handed over: PICS

Recommended Posts

Hubkii ugu horeeyay oo maanta lagu wareejiyay dowladda KMG ah.

daawo sawirada

 

Mogadishu 03, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Hubkii ugu horeeyay ayaa maanta lagu wareejiyay dowladda KMG ah ee Somalia, iyadoo hubkaasina lagu xareeyay xauntii hore ee gaadiidka booliska.

 

Hubkaan oo isugu jira Ak47, Baasuukayaal, iyo gaari uu saaran yahay qori dhashiike ah ayaa maanta lagu wareejiyay wasiir K/xigeenka wasaaradda G/dhigga ee dowladda Somalia, Salaad Cali jeelle.

 

Waxaa kale oo goobtaasi la geeyay ilaa 20 maleeshiyaad ah oo wata hubkoodii gacmaha, iyadoo hubkaan iyo maleeshiyadaba ay keeneen xaruntii gaadiidka beel ka mid ah beelaha dagan gobolka Banadir.

 

 

 

 

hubka3.jpg

 

hubka2.jpg

 

hubka1.jpg

 

hubka.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Hubkii ugu horeeyay Oo Lagu Wareejiyay Dowladda KMG ah

 

Arbaco, January 03, 2007

 

Muqdisho(Allpuntland)-Waxaa maanta wasaaradda gaashaandhiga dowladda KMG ah lagu wareejiyay hubkii ugu horeeyay oo ka kooban qoryaha waaweyn ee loo yaqaan tiknikada, qoryaha Fududu iyo Baasuukeyaal iyo tiro maliishiyo ah ooo ku biiray dowladda.

 

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeelle oo lagu wareejiyay hubkan ayaa soo dhoweeyay isagoo sheegay in maalinta berito ay ku eg tahay mudada ay dowladda u qabatay dadka in hubkooda ay ku soo wareejiyaan.

 

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in maalinta beri wixii ka danbeeyay ay ciidamada dowladdu ay adeegsan doonaan awood isla markaana xoog looga qaadi doono iyadoo aysan jirin baryo.

 

Cali Sandheere

Allpuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in maalinta beri wixii ka danbeeyay ay ciidamada dowladdu ay adeegsan doonaan awood isla markaana xoog looga qaadi doono iyadoo aysan jirin baryo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hub iyo maleeshiyo lagu wareejiyey Dowlada Federaalka kmg ee Jamhuuriyada Somalia

 

Xaruntii hore ee Gaadiid ayaa lagu soo xareeyey hubka noocyadiisa kala gadisan iyo waliba Maleeshiyaadkii watay oo gaarayey ilaa 24 dhalinyaro ah waxaana gacanta loo galiyey Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Md. Salaad Cali Jeelle wuxuuna sheegay Wasiirku inay tahay mid ku dayasho mudan isla markaana ay ku dayan doonaan kuwa dowlad doonka ah.

Sarkaal magaciisa ku sheegay Maxamed Maxamuud Xuseen oo ka tirsanaan jiray Saraakiishii Ciidanka Xooga dalka Somaliyeed ayaa sheegay in hubkaani ay gacanta u galiyeen dowlada Federaalka kmg ah ayna diyaar u yihiin inay u hogaansamaan awaamiirta dowlada maleeshiyaadkana la dhaqan celin doono.

 

Sarkaalkan ayaa sheegay inaysan jirin cid soo qasabtay balse ay jecleysteen inay hubkooda dhigaan kuna wareejiyaan Dowlada maadaama buu yiri ay muqadas tahay hadii dowladi dalka ka dhalatay in hubka iyadu masuul ka noqoto.

 

Mudane Jeelle ayaa xusuusiyey amarka la siiyey dhamaan Siyaasiyiinta, Dagaal oogayaasha, Ganacsatada iyo maleeshiyaadka aan cidna ka amar qaadan in maalinta beri ah ay ku eg tahay mudadii loo qabtay in hubka la geeyo baro loo cayimay cidii fulin weydana xoog looga qaadi doono iyadoo ay muuqato in hubka aan sidii loogu talo galay loo keenin isla markaana ay dhici karto in ama maalmo lagu daro ama xoog loo isticmaalo qaadista hubka sida sharci darada ah loogu haysto magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolo ka mid ah Somalia.

 

Afar qarax ayaa la maqlayey magaalada Muqdisho iyadoo dadku ay teloofoono isu dirayeen meesha iyo halka ay qaraxyadaasi ka dhacayeen iyadoo aanan la ogayn meesha ay ka dhaceen qaraxaasi iyadoo hugun la maqlayey ay aad u fogeyd ayna dhici karta in ay ka dhacaysay meel ka baxsan magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Huburuurin_dfkmg3.jpg

Qoriga lidka diyaaradaha kuwa dhulka yaala waa 50, P.10

 

Huburuurin_dfkmg4.jpg

Gaari toyota Cabdi Bile uu saaran yahay qoriga Dhashiikaha

 

Huburuurin_dfkmg5.jpg

qori gacmeed (Ak 47, G3 iyo M16, iyo rasaasta dhashiikaha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Huburuurin_dfkmg3.jpg

Qoriga lidka diyaaradaha kuwa dhulka yaala waa 50, P.10

 

Huburuurin_dfkmg4.jpg

Gaari toyota Cabdi Bile uu saaran yahay qoriga Dhashiikaha

 

Huburuurin_dfkmg5.jpg

qori gacmeed (Ak 47, G3 iyo M16, iyo rasaasta dhashiikaha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Those are trash, do they even work anymore.

 

Somalia needs a reformed army and navy and some institutions which could rule the common people.

 

One of the most influential institutions to ever be installed in Somalia will be mine Insha’allah.

 

The few shall provide for the many. Not rule but provide.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^A valid point, however sister those wepons could kill and thus are not trash. Some of the most powerful technicals and wepons have already been destroyed, abandoned and taken over by the TFG in the fighting. The rest will take a while.

Training a new army is the main plan of the TFG, but it takes time, money and effort.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Dowladda Federaalka oo ku hungowday Qorshihii Uruurinta Hubka iyadoo Maanta ay tahay maalintii labaad ayaanan weli waxba lakeenin Xarumihii Hub uruurinta.

 

Muqdisho, 03-January-07 ( Qaadisiya.com) Dowladda Federaalka oo isku dayaysa in Shacabka Soomaaliyeed ay cadowgeeda uga dhigto kuwo gacma maran ayaa horey ugu baaqay in Hubka yaalla Magaalada Muqdisho la iskugu geeyo Xarumaha kala ah Villa Baydhabo iyo Dekeddii hore, waxaana ay bilaabaneysay Shalay oo taariikhdu ay aheyd 02/01/2007, waxaana halkaasi diyaar ku ahaa Ciidamo Xabashi ah.

 

Hadaba Ciidamada Xabashida iyo calooshood u shaqeysteyaasha Soomaaliyeed ayaa sidii ay u sugayeen in Hubka loo keeno ay qoraxdii ku dhacday. Waxaana sidoo kale Maanta oo ah maalintii labaad lagu arkayay halkaasi sida Wariyeyaasha Muqdisho kusugan ay kusoo waramayaan in la geeyay qoryo yar yar ah oo aanan ka badneyn illaa 5-qori oo nuuca AK47-ka loo yaqaano inkastoo ay jirto warar sheegaya in Dowladda Federaalka khudheeda ay soo dhigtay si Warbaahinta loogu qaldo.

 

Dowladda Federaalka ayaa ah qorshaha ay wado ee Hub kadhigista ay kusheegtay mid aanan soconeynin maadaama Shacabku aysan heysanin isku kalsooni sida tii ay sababta u ahaayeen Golaha Maxaakimta oo dalka isaga baxay si aanan shacabkooda loo xasuuqin.

Dhawr iyo sideetan sano ka hor Mujaahidkii Sayid Maxamed oo ka hadlaya dhacdo tan oo kale ah kaddib markii la jebiyay daraawiishtii loona adeegsaday diyaaradihii dagaalka ee Ingiriiska ayaa waxaa ka mid aha gabaygiisa:-

 

Marka hore dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye

Marka xiga daabaqaadda ayuu idin dareensiine

Marka xiga dushuu idinka raran sida dameerha’e

 

Waqtigaa uu Sayidku ka hadlayay arrinkaa qaar ka mida dadka soomaaliyeed oo aan dareensanayn dhibaatada uu ka digayo ayaa dib ka ogaaday dhibaatada gumaysigu leeyahay gaar ahaan marka uu hubka kaa dhigo.

 

Hadaba Shacabka ayaa waxaa la gudboon in aysan is qaawinin si hadhow ay uga badbaadaan khayaanada ay u maleegayaan Tikreegu shacabka Soomaaliyeed, si hadhowna ay sabab ugu noqdaan in ay badbaadiyaan Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee iminka la marin habaabiyay marka la isku dayo in loo galo sida Saddaam Xuseen Iminka loo galay.

 

http://qaadisiya.com/news_page.php?articleid=9

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Hoggaamiye kooxeedyada kala ah Qanyare iyo Cabdiwaal oo shuruud ku xiray wareejinta Hubkooda.

 

Muqdisho, 03-January-07 ( Qaadisiya.com) Shir Jaraa’id oo kala gooni gooni ah oo Maanta ay ku kala qabteen Xarumaha ay Muqdisho ka degan yihiin labada Hoggaamiye kooxeed ee kala ah Maxamed Qanyare Afrax iyo Cabdi Nuurre Siyaad (C/waal) ayaa waxa ay shuruudo ku xireen Dowladda Federaalka haddiiba ay dhacdo in hubkooda ay wareejiyaan.

 

Maxamed qanyare ayaa sheegay in hub wareejinta uu u baahan yahay qorsheyaal fara badan isla markaana aysan suurta gal aheyn in Hubka hadal lagu kala wareejiyo.

 

Waxa uu sheegay qanyare in haddii hubka la wareejinayo loo baahan yahay in lasiiyo ragga hubka heysta Damaanad buuxda oo ay kamid tahay in hub dambe aanan dalka lagu arki doonin iyo sidoo kale in hubkooda loo qiimeeyo maadaama dowlad ay la wareegeyso.

 

Dhinaca kale C/waal oo kamid ahaa Hoggaamiye kooxeedyadii kusoo caanbaxay Isbaheysigii Sheydaaniga ee Muqdisho horey looga sifeeyay ayaa isna Maanta Muqdisho ka sheegay in hadalka Cali Maxamed Geeddi uu yahay hadal uu afkiisa ka yiri isla markaana aysan jirin wax warqad qoraal ah oo lasoo gaarsiiyay ragga hubka waaweyn leh.

 

Waxa uu ku tilmaamay Cabdi waal Hadalka Geeddi in uu yahay mid u muuqda nin ka hadlay Fikraddiisa isagoo intaasi raaciyay in aysan soconeynin, waxaana durba soo baxeysa in xujooyin ay keeneen hoggaamiye kooxeedyadii hubka waaweyn heystay kahor inta aanan shacabka lasoo gaarin.

 

Si kastaba ha ahaatee Qorshaha Dowladda ee ay ku dooneyso hub ka dhigista ayaa ah in hadhow ay awood u lahaato in ay xilka ka qaado cidda ay doonto oo ay ku kala soocdaan aqoon maadaama hoggaamiye kooxeedyadu intooda badan aanan aqoon sare laheyn oo ay wax wanaagsan tahay haddii ay Far Soomaali qori karaan.

 

Hoggaamiye kooxeedyada ayaa hadeerba looga baahan yahay kahor inta aysan hubkooda wareejin in ay ku wareejiyaan Shacabka Soomaaliyeed si uu u noqdo hubkaasi kii Dalka Soomaaliya looga xureyn lahaa Gumeysiga Cusub oo Dhowaan Bustiisa la xiimin Doono Inshaa Allaah.

 

http://qaadisiya.com/news_page.php?articleid=11

Share this post


Link to post
Share on other sites

Those are just a garbage that didn't work anymore ,,,, where are da millions of weapons coming from Eriteria, Ethiopia, and else where ??? ,,,,

 

Why the weapons market is still operating ???

 

 

I was listening to the radio this morning and they said the TFG received only 10pcs of weapons ,,, i thought it was a joke or something ,,,,,,

 

And who is gonna do the disarming ??? Ethiopia ??? ,,, who da hell you think will handover their weapons to the Habash ???

 

We should think twice ,,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Saxib, millions of wepons is a bit too much, the wepon collection will e in stages, the time for talk is over.

 

Those armed clans must give their wepons, also most of the clan courts wepons of any use have where either destroyed in the battles, fled with or captured.

 

The TFG using any means will do the disarming, Ethiopia, IGAD, AU troops. All options are on the table as long as the result is stability.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this