Sign in to follow this  
General Duke

President Cade meets with Egyptian delegation..PICS

Recommended Posts

Madaxweynaha Puntland oo madaxtooyada ku qaabilay safiirka Masar

 

 

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) ayaa maanta ku qaabilay madaxtooyada magaalada Garoowe, wafdi uu hoggaaminayey safiirka dalka Masar ee Soomaaliya.

 

Safiirka dalka Masar, Siciid Mursi, ayaa uga mahad celiyey mas'uuliyiinta Puntland soo dhoweyntii diirranayd ee lagu soo dhoweeyey magaalooyinka Boosaaso, Qardho iyo Garoowe, waxana uu mahadcelin gaar ah u jeediyey madaxweyne Cadde Muuse.

 

Labada dhinac ayaa isla soo qaaday sidii loo fidin lahaa isla markaasna mac-hadka Al-Azhar al-Shariif loo fidin lahaa loogana hir gelin lahaa gobollada kale ee Puntland, kaas oo haatan ku kooban magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, ayna wax ka dhigaan macallimiin Masaari ah oo gaareysa 27.

 

Siciid Mursi, ayaa dawlad goboleedka Puntlnad u soo jeediyey in ay dawladda Masar u soo gudbiyaan codsi rasmi ah oo ku aaddan fidinta deeqaha waxbarasho ee ay dawladda Masar siiso Puntland, iyo ballaarinta machadka Al-Azhar, waxana uu sheegay in uu ku rajo weyn yahay in arrintaas si degdeg ah ay dawladda Masar uga jawaabi doonto.

 

Wefdiga Ambasaddor Siciid Maxamed Mursi ayaa ku saabsan sidii loo adkeyn lahaa xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar gaar ahaa goboladan Puntland.

 

(sawirka: puntlandgov.net)

 

Maxamed Axmed Maxamed (Ilkacase)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka dalka Masar u fadhiya Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Madaxtooyada Puntland.

 

Wednesday, 14-Mar 2007

 

Madaxweynaha Puntland mudane Maxamuud Muuse Xirsi ayaa manta kulan gaar ah la qaatey Safiirka Dalka Masar Ambasador Siciid Maxamed Mursi, shirkan ayaa waxa ka soo qayb galay qaar ka mid ah golaha wasiirada ee Puntland

 

 

Hadaba ugu horayntiiba waxaa warbixin kooban siiyey weftiga Maaxweynaha Puntland Mudane Maxmuud Muuse Xirsi, wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay imaanshaha safiirka masaarida,waayo anaga iyo Masaarida waxaa naga dhexeeyey xiriir soo jireen ah, anagu waxaan taageersanahay Dowladda Federaalka ah kana mid nahay, markaa waxaan jecelnahay in uu xiriirkeennii wanaagsanaa ee hore uu dib u soo laabto,waxaana jecelahay in aad naga caawisaan waxyaabo badan siiba dhinaca Cafimaadka, waxbarashada IWM.

 

 

Intaasi ka dib ayaa waxa hadlay Denjiraha Masaarida ee u fadhiya Soomaliya Siciid Maxmed Mursi wuxuuna yidhi waxaan aad ugu faraxsanahay soo dhoweynta aan kala kulmay Puntland waxaana mahad gaar ah iska leh Madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka D/H/R/M oo aan kula kulmay xarunta Madaxtooyada ee Boosaaso, waxaan kaloo aad ugu faraxsanahay Nabadgelyada taala Puntland,waxaana jecelahay in aan Dowladda Masar u gudbiyo haddii alla idmo codsiyadiina.

 

Hadaba wasaaradaha kulankan fadhiyey oo ay ka mid ahaayeen Wasaaradda Caafimaadka,Waxbarashada iyo Arimaha Gudaha iyo Amniga, Wasaaradda Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah, Wasaaradda Cadaaladda ayaa waxa ay weftiga u gudbiyeen qoraalo ay ku qoran yihiin waxyaabaha ay doonayaan in laga kaalmeeyo.

 

Kulankani ayaa ku soo gabagaboobey is afgarad iyo jawi fiican.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by General Duke:

Is he a Shiekh?

A man with such style is supposed to be a high ranking scholar, mufti, sheikh, or a learned caalim.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Originally posted by Taliban:

quote:Originally posted by General Duke:

weftigii-safiirka.jpg

What kind of sheikh is one without beards? :confused:
lool

 

Does a sheikh need a beard?

 

Al Azhar graduates wear those hats ya Duke.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

A man with such style is supposed to be a high ranking scholar, mufti, sheikh, or a learned caalim

Taliban you wrong, he doesn't have to be a scholar, Mufti or even Sheikh. He can be just a normal Maths teacher, I know these Al-Azhar teachers and attended these sort of schools, that's their normal Azhar Uniform and nothing to do with their religious status, and as I said they teach all kind of principles. You will be suprised if you find that some of them don't even pray Salah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by Northerner:

Does a sheikh need a beard?

Only a moderate sheikh doesn't. Show me a respected sheikh of the stature of (example) sheikh Qaradawi who doesn't have beards.

 

Originally posted by General Duke:

Ok so are all Azhar graduates Shiekhs?

The man we are discussing about isn't a politician or civilian; he's a ranking official of religious law. Azhar graduates graduate with sufficient Islamic knowledge that enables them to act as an official of religious law.

Share this post


Link to post
Share on other sites

weftigii-safiirka.jpg

 

I am looking at the President's Desk and office. It looks very very unpresidential man...

 

I mean,is that a stain on the carpet?..Also,he is not the president of Somalia,Muxuu flag-ta miiska usaartay? Dont even take me to the chairs,a warehouse office has better chairs than that....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this