Sign in to follow this  
Member-sol-

Isbahaysiga Djibouti, iyo TFGda oo isku raacay in la keeno....

Recommended Posts

Shirka Jibuuti oo Isfahan hordhac ah laga Gaaray

Beerdhiga 03.06.2008 14:54

 

Isbahaysiga Dib u xoraynta Soomaaliya iyo dawladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiya ayaa waxay isku waafaqeen in Soomaaliya la keeno ciidamo ka socda Q.M oo badala ciidamad Itoobiya waxayse labada dhinac isku khilaafeen jadwalka lagu kala wareejinayo labada ciidan, ayada oo dawladdu ay ku adkaysanayso in tilaabada koobaad ay noqoto imaanshaha ciidamo ka socda Q.M ka dibna ay baxaan ciidamad Itoobiya halka Isbahaysigu ay ku dhegan yihiin in marka hore ay baxaan Itoobiyaanku intaan waxkale lagu dhaqaaqin.

 

kulamo ay golaha amaanku la qaateen labada dhinac ayaa waxaa laga sameeyay hor u mar waxayna labada dhinac isla fahmeen in ciidamada Itoobiya lagu badalo kuwo ka socda Q.M wuxuuna C/laahi Yuusuf balan ku qaaday in uu ka shaqaynayo diyaarinta jawi suurtagalin kara in la qabto doorashooyin guud sanadka inagu soo aadan.

 

C/raxmaan C/shakuur oo ah ku xigeenka Gudoomiyaha Isbahaysiga dib u Xoraynta ayaa sheegay in marka hore ay lagama maarmaan tahay in ciidamada Itoobiya laga saaro dalka sida ugu dhaqsaha badan wuxuuna yiri “Joogitaanka Itoobiyaanka ayaa ah caqabada ugu weyn ee hortaagan nabadda”. wuxuuna intaa ku daray “ ugu yaraan waxaan doonaynaa in bixitaanka ciidamad Itoobiya la cayimo”.

 

Gudoomiye ku xigeenka mar la waydiiyay suurtagal nimada in ay si toos ah isu hor fariistaan labada dhinac (dawladda KMG ah & Isbahaysiga Dib u xoraynta) ayuu yiri “ hadii la jaan gooyo waqtiga bixitaanka ciidamad Itoobiya wax dhib ah uma aragno in aan hor fariisano dhinaca kale”.

Dhinaca kale Axmed C/salaam oo hor kacaya wafdiga DKMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiya uga qayb galaya shirka Jibuuti ayaa sheegay in heshiiskan lagu gaaray Jibuuti uu si toos ah wax uga badalayo xaaladda amaanka xataa ayada oo ay heshiiskan ka maqan yihiin Dhaq dhaqaaqa al-Shabaab iyo kooxo kale oo xulufo la ah Isbahaysiga dib u xoraynta.

 

“waxaan aaminsanahay marka ay dawladda iyo Isbahaysiga inta halkaan joogta ku heshiiyaan joojinta dagaalka in aan saamayn ku yeelan karno gudaha” ayuu yiri Axmed C/salaam.

 

C/laahi Yuusuf ayaa wafdigii Golaha amaanka u sheegay in Q.M looga fadhiyo in ay si deg deg ah Soomaaliya ugu soo dirto ciidamo nabadda ilaaliya ka hor inta aysan ciidamada Itoobiya ka bixin Soomaaliya wuxuuna yiri “bixitaanka ciidamada Itoobiya wuxuu ku xiran yahay imaanshaha ciidamo nabad ilaalineed oo hoostaga Q.M iyo in la joojiyo weerarada”.

 

Heshiiskan hor u dhaca ah ayaa u muuqda mid isu soo dhawaynaya labada dhinac waxayna Q.M aad ugu hawlan tahay sidii ay heshiis kama danbays ah u dhex dhigi lahayd labada dhinac kaas oo ugu danbaytii lagu wado in dawlad wadaag ah loo dhiso labada dhinac balse waxaa Shirkan Gaashaanka u daruuray inta badan Xoogagga Mujaahidiinta oo dagaalka ka wada gudaha dalka Soomaaliya kuwaas oo cadeeyay in aysan u hogaansamayn waxa ka soo baxa shirka waxaana shirkan ku kala qaybsamay Isbahaysiga Dib u xoraynta oo Qayb ka mid ah ay gabi ahaanba diideen shirka hadda ka socda Dalka Jibuuti.

 

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

There is no agreement. That was where they stood years back. Except Alshabab, Shekh Sharif and the mainstream ARS members never oppossed the deployment of peacekeepers except from the frontier countries.

 

Uness Ethiopia is out, wax heshiis ah ha filin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War criminals Xabashi lackeys ah iyagana saas yaa lagu dhaafin. Dadka maatida ah tee ku dhigeen, along with their Xabashi masters wax la iloowi karo ma'aha. I hope kuwa Jabuuti joogo la fariisanaayo kuwaan viruska ah inay taas niyadda ku haayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Miskiin,

Were your people Xabashi lackey's when they used Xabashi to get rid of Aideed Jr? I bet you were for it when it happened.

 

Somalis have been fighting for 17 years and will fight another 17 years if the outside world does not intervene. We have proved we are our worest enemies.

 

For what reason one would oppose peace if Ethiopia withdraws replaced by neutral UN/African/Arab forces and the crazy shabaabs stop their meiham and self destruction.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this