Sign in to follow this  
Gediid

Radio Ma Qalocshe.....A political parody

Recommended Posts

Gediid   

To those who can read Somali, Enjoy inta kale Soo barta..... smile.gifsmile.gif

 

Radiyow Ma Qaloocshe: Warkii Todobaadkan ee Radiyow ma Qaloocshe !!?

Waxa soo qoray Weriyaha Caanka ah ma Qaloocshe A. A. Garas !!?

 

 

Hargeysa..Somaliland. June 8th '03...SNN

 

Halkani waa raadyow Ma Qaloocshe oo aydin ka dhegaysataan Mawjadaha loo yaqaan kaftaniishanka iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq istergshanka. Dhegaysayaashayada dalbaha lehow, waxaynu soo gaadhnay xilligii aan idinku gadhqaban jiray wararkii adduunyada, waxaana manta la macaansan doona Weriye Mr. Dhuungal dhoodi galaal.

 

Isagii oo afka ka xunbaynaya Shirkii Kiiniya ee lagu ruquusayay arrinta Soomaaliya, Baaq dhawaan laga soo saaray ayaa lagu dalbaday doob-guuno Caalami ah oo camcaminta la sii wada. Doob-guunadaas oo ay ka dalbadeen wadanka cabiidka xooga weyn ee Maraykanka iyo kuwa yurubta degdegga u maaxday. Waxa kaloo shirkaasi u gacan haadiyay nimanka maasida lagu sheego. Wadankaas oo lagu xanto in ay yihiin furuukh ka hadhay faraacidii hore, kaas oo siyaasad ahaan Afrikana ka tegay, Yurubna ka yaraaday, carabna ka caalwaayay, kaas oo ka mid ah Haadda Soomaalida cunta.

 

Ergiga reer Sawaaxili, Ambasaar Kildhigaan oo dawladda Kiiniya u xilsaartay shirkaas Soomaalida budusha ka dhigo oo kooxahaas ururay kurkooda dawlad ka sameeyo.

 

Mr. Kildhigaal, ayaa sheegay in haatan qorshayaashii shirkaas badankoodii uu gorofta ka dhigay oo ay sameeyeen kabihii iyo dharkii ay xidhan lahayd dawladda Soomaaliya dib loogu samayn lahaa. Lebiska uu sheegay in loo sii tolay bahashaas, waxa ka mid ah: Distoor la sheegay in laga soo xigtay diinta reer galbeedka ee dimuqrada la yidhaa oo leh Gambada madaxkuus barjin rayiisal waaro iyo laba jaajuur oo rayiisle ku xigeeno ah, laba gole, sida shankaroonta laga eegtay, midna Baarlamaan noqon doono, midna Guurti istayl loo rabo. Waxa kale oo uu sheegay in shirku sameeyay kayshaligii dawladaasi xidhan lahayd iyo muraaqibkii Taliyaha qaybtaba.

 

Inkasta oo aan la ogayn inuu leekaan doono iyo in kale. Shirkaasi oo in dhaweydba ay is xariifin kaga maqnaayeen qaar ka mid ah. Bahasha ku meelgaadhka ah ayaa lagu soo waramay ogolaadaan shirkaas, kuwaas oo qaar xamar cadho la joogaan, qaar shirka u calaf doonteen.

 

Hogaamiyaha bahasha ku meelgaadhka ah Jaalle Cabdi Qasab oo shalayto ka tawtaw lahaa BBC-da ayaa yidhi; “Hadee bahashanagii waa ogolnahay shirka kiiniya, Baarlamaankanagiina hadee waa ansixiyay, aniguna hadaan gaadhi isii qaada helo waan tegi doonaa.” Isagoo ka jawaabaya inuu iska sharaxayo, wuxuu yidhi; “Hadee naftayda uma war hayo.”

 

Mar la waydiiyay waxyaabihii ay qabteen, wuxuu yidhi; “Wayaalo badan baanu qabanay, waxaanu u yeedhyeedhnay Soomaaliya, waxaanu ku guulaysanay inaanu hudheel seexano, waxa kaloonu ku guulaysanay in BBC-du na waraysato, Xasan Bariislana dhanka kale naga eego, in aanu u baala-xooftayno dawladaha Soomaaliya kala goynaya iyo inaanu ********ta ka baqano oo aanu Somaliland gobol ku sheegno.”

 

Si kasta ha ahaatee, shirka camcamintiisa lagu raagay inuu ka soo raynayo halkii bishii hore, balse habar boqol iyo saddex jir ah ayaa sheegtay in aan weli la gaadhin halkii kala siiban jirtay, taas oo tidhi; “Tallada Soomaaliyeed weligeedba waxay kala dhacdaa marka la gaadho dekedda doorashada, wedka dilaana waxa weeye bahalka Madaxweynaha la yidhaa, kaas baa Soomaali qayrkeed ka reebay ee kabaalkii jabkaas waxaan odhan lahaa yaan laba samayn.”

 

Waxa kale oo ay intaa ku dartay, kursigaas Madaxweynaha in ay u sharaxan yihiin dhammaan intii shirka ka qaybgashay oo gaadhaysa sagaal boqol oo qof oo laba boqol habro yihiin, boqolna riyo yihiin oo mid waliba keligii qabiil yahay. Haddii mid la doorto bay tidhi, inta kale waxay noqonayaan hogaamiye kooxoodyo ka hor jeeda, markaa balaayaba Soomaaliya waxay ka maqan tahay intaan Madaxweyne la dooran ee shirka lagu jiro.

 

Dawladda Kiiniya oo markii u horeysay ee ay qaadato mashruucan Soomaali ka ganacsiga ah, ilaa haddana lama oga in ay ka soo baxayso dawladda laabta uun laga jeclaaday ee meel ay ka jirtana aanay garanayn iyo inuu soo kordhin doono koox cusub oo ku hadasha Habaariyaako.

 

Sawt Afrika Wasiiro reer shankaroonlaan ah oo u midho doonay xagaas iyo Afrika oogo, ayaa lagu soo waramay in ay dalka Sawt Afrikaan mayrax ku mareen, halkaas oo aqoonsi ka fadhid cusub ay ka wadeen. Ishaas oo la sheegayo in ka biyo gaadheen oo ay weftigu isha la helay wax aqoonsi u yara eg oo sheeda ka muuqda, waxa iyana warku igu soo gaadhay in wadan Muuse-biig la yidhaadho ay soo marayeen, halkaas oo ay kula kulmeen oday mudakar ah, kaas oo waftiga si raganimo leh u martigeliyay oo digaagad u loogay.

 

Hargeysa: Madaxyuubka shankaroonlaand, oo war sheeko laga helay, ayaa tibaaxay in uu weli ruquus-seeshan ku samaynayo dawladiisii cusbayd, waxaana la sheegayaa inuu dhawr marduuf oo wasiiro ah ka naqaysanayo kolayga UDUB iyo wuxuu cago ku qaato.

 

Kursi doonada qaranka ayaa la sheegay in wasdada kuyuu ugu jiraan oo dhegtii dheeraatay.

 

 

Hees Arrintaas dawladda cusub ku saabsan:

 

Habar adyad miidhana,

Ibtiliyo waxyeelo ah,

Aabaheed dab lagu dhufay

Asli ay lahaayeen,

Ayuunbaa ayaamahan,

Odaygan caynkana,

Adiyad iigu timidoo,

Heeso igu asqaysoo,

Waxaan yaabay igu tidhi.

 

Afxumadu ma fiicnee,

Indhaale habartaaay,

Hooy hooy afyuubooy,

Intikhaabyadii iyo

Arrimihii dhacaayiyo,

Malaa elegshankii baa,

Islaan yahay wax kuu dhimay

Oo kuugu wacan asaasaqa.

 

Waa maxay jaweyntiyo

Jaawida iyo fooxiyo,

Isa soo jejebintiyo,

Jiniyad iska baadhkiyo,

Hadba jar isku qaadkani.

 

Sawdigii kibraayee,

Kaambaynka kiciyee,

Kaa seexan waayee,

Kulmiyaa helaayiyo

Kaalayaayda guri jiray.

 

Imisaan lahaa hooy,

Yaad mirqaan la suuxine,

Sidi qabax iswaaline,

Salka dhigo islaanyahay,

Waaban kaa walaacee,

Ma jawaanadiibaa

Kugu yidhi tiraa dhiman.

 

Kuma caayi karaayee,

Dawlad fooli haysoo,

Wasiiradii umulaysoo,

Niic miidhan baad tahay.

 

Udub laba gadhyeeshoo,

Afka taagayaa tahay.

 

Wasiir sii dhacaayoo

Seexan waayay baad tahay.

 

Beesha faaanka badaniyo

Faataa-dhuglaad tahay.

 

Xisbi ciil is-dabayoo,

Dudmo miidhanaad tahay.

 

Hambalyadii la waayiyo,

Habar waalan baad tahay.

 

Tuu hadraawi sheegoo

Sii kibirtay baad tahay.

 

Carbalaayadaas daya,

Bilistaa bidaarta leh.

 

 

A.A.Garas

Weriyaha U Warama Radiyow ma Qaloocshe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

:D:D:D:D hilarious!

A. A. Garas gacan aan u taagey! Folks, give it up...that's what I call 'Kaftan-dhable'.

 

Heesta yaaba wax-kale ah

Habar adyad miidhana,

Ibtiliyo waxyeelo ah,

Aabaheed dab lagu dhufay

Asli ay lahaayeen,

Ayuunbaa ayaamahan,

Odaygan caynkana,

Adiyad iigu timidoo,

Heeso igu asqaysoo,

Waxaan yaabay igu tidhi.

 

Afxumadu ma fiicnee,

Indhaale habartaaay,

Hooy hooy afyuubooy,

Intikhaabyadii iyo

Arrimihii dhacaayiyo,

Malaa elegshankii baa,

Islaan yahay wax kuu dhimay

Oo kuugu wacan asaasaqa.

Habarta waxuu ula jeedaa...??? Dowlada ina-Kaahin miyaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
India   

Guys,

 

Translation please....I have feeling am missing out here.lOL/

 

I understood some like "niic bad tahay". My fave line.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this