Sign in to follow this  
General Duke

Breaking News: Barava : Foreign planes bomb a convoy

Recommended Posts

Sophist   

Munsa, Garaadow gardaro iyo gardaro la'aanba mas'aladani waa ey cadahay. Gaalo iyo Muslim wada socda hadey ladagaalamaan Muslimiin Ahlu tawxiid ah cida shacabweyntu iney raacdo way cadahay; waa iney taageeraan kuwa Ahlu Tawxiidka ah.

 

Xiin, do you disagree with this Ijmaac?

 

S.

 

PS: Mas'aladaan waa Siyaasa Sharciya, kitaabada mawduucan kahadash oo idil waa aad kaheli kartaa!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

I wonder what will these actions have on the Somali peace process, Yes, they eliminated one of their targets, but will alienate Alshabaab and the cycle of violence will continue

 

Is Sharif and his supporters happy on this ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Sophist:

 

Xiin, do you disagree with this Ijmaac?

 

walaale yeysan kugu qalloocan mas aladu. in the realm of caqiidah, gaal iyo muslim ilaah ma simin, muslimiintuna xuquuq bay isku leeyihin ay ugu horreyso isku hiilin. markay qumanyihiin ooy hoggaanka allaah ku jiraan waa isku rag isku hilbi dirira ama sidii rasuulul mustafa yiriba waa hal jir oo keliyyah. laakiin waxaan ka hadlayna waa alshabaab oo ah firqah wareersan ooy u fududahay daadinta dhiigga muslim. bil xaqiiqah masaladu al walaa iyo baraa oo si khalad ah loo fahmaa ama fiqhigeeda waaqica ah laga tagaa waa waxaa geyeysiiyey alshabaab iyo xizbul islaam in bil ramadaan muslimiinta aadka u nugul ee koonfurta degani dagaal ku afuran kuna suxuurtaan, qaxaan oo balaanbalaan. oo maxay saa u yeelayyaan? waxay rabaan inay xoog ku cayriyyaan dhowr kun oo ciidan shisheeyye ah oo milions muslim ah dhex jooga, heshiis iyo xeerna ku yimid ayna fududahay in ku baxaan nabad. intay. hortaan raggaan ka hadlaynaa waa raggaa. waa ragga death threats u dirayyaa culumadda khilaafsan haba ahaadeen aabayaashi dacwada islaamka soomaliyya.

 

wa ragga sh maxamuud qixiyey, oo sh bashir quusiyey, oo sh gacmey iyo sh dahir kii ceel hindi duray oo ceebeeyey. walaal ragga noocaas ah iyo dagaal siyaasadeed oo inxiraafka caqadiga ah salka ku hayya ma masali karaan ahdaafta islaamka e macaan ee soomaali ku taamayso. dagaalada ay ku jiraan maaha dagaal muslima iyo gaalo ah, ee dagaal waalli ah oo aan natiijo lahayn somalida muslimka ahna u daran oon dan u ahayn. cadowga dilayya xikmad xumida iyo ghuruurkaa u geeyey. laa shakka hadday dhintaan in allaah niyadooda ku soo bixinayyoo laakiin anagu niyad muraad kama lihin ee daahirak acmaashooda baan aragnaa, cawaamishii guusha lagu heli jireynna kama muuqdaan.

 

marka su aashaada in laga jawaaba wax ka horreeyya in la istifsaalo oo diirka laga qaado fahamka aan saxda ahayn ee aad hordhaca uga dhigtay, sababtuna waa inaan ninka muftiga ahi u afduubnaan kan fatwada raadinayya waaqicuu tilmaamayyo, marka:

 

1- somaliyya gaalo iyo muslim ku diriri maayaan, dagaalka xamar ka socdana saa maaha

 

2- waxaa dirirayyaa waa soomaali muslimiin ah, oo qolo macquul tahay kana run sheegtay tilmaantii ahayd dagaalka iyo khilaafka nabad iyo wado hadal halagu bedelo, qolodii diidanna ha la isugu tago. qolona waa alshabaab oo ah walaalo wareersan oo wixii dhismay ama wanaagay galeen cunfi iyo xikmad xumo ku duminayya

 

3- taageeradda dawliga ah sida ciidanka african ka ah kama dhigayso tfg unug gaalo cawaankeed'a ee wa arrin banaan oo culumaddu ka hadleen, sideedanna waxa cilaaqadda qeexa ahdaafta laga leeyahay. dhul islaam leeyahay in gaalo la dhaxalsiiyyo marna maaha ujeedadu, in diinta la jilciyyo ama musliminta la gumaystona meesha kuma jirto. haddaad falgalka lala falgalayyo hay'aadka caalamiga iyo nidaamka dawliga ah u aragto arrin dagaal wajibinaysana hadde waa masalo kale.

 

4- diyaaradaha wax duqaynayyaa waa kuwa ka baxsan awoodda tfg da iyo somaliyya, waxa u sahlayya inay siday rabaan yeelaan waa dawlad la'aanta soomaali haysatta. sidii looga bixi lahaa maaha in ak47 lagu taago, ee waa in la heshiiyyo oo la ogalaado dawlad jajaban oon col kula ahayn oo layska jafjafta inay marka hore hirgasho ka dibna dib laga quruxsado...caqli bay u baahantahay awoowe

 

marka ijmaaca culumaddu mid layska dhalqay maaha ee faham bu leeyahay. waxaan khilaafsanahay waa applicationka aad rabto inaad ku jaribto fahamka culumadda ee masaladan.

 

ugu danbayn waa ramadan qof muslim ah oo ku faraxsan waxa ka socda somaliyya haddu jiro waa dhif runtii, wax laga naxo oo indho xumo ah baa dalkii ka socda. dilka wadaadka la dilay baan doonayey inaan in context dhigo mooyee, walaale dhimashadiisu farxad ma leh. niyadii uu ku soo hijrooday baa allaah u aqbalayyaa sida diintu tilmaantay.

 

haddii cid loo damqanayyo waxa damqasho mudan hooyooyinka, caruurta, iyo guud ahaan shacab maskiinka ah ee dagaal aan lo baahnayn rag diin sheeganayyaa galiyyeen.

 

allow naxariistaa...

Share this post


Link to post
Share on other sites

3- taageeradda dawliga ah sida ciidanka african ka ah kama dhigayso tfg unug gaalo cawaankeed'a ee wa arrin banaan oo culumaddu ka hadleen, sideedanna waxa cilaaqadda qeexa ahdaafta laga leeyahay. dhul islaam leeyahay in gaalo la dhaxalsiiyyo marna maaha ujeedadu, in diinta la jilciyyo ama musliminta la gumaystona meesha kuma jirto. haddaad falgalka lala falgalayyo hay'aadka caalamiga iyo nidaamka dawliga ah u aragto arrin dagaal wajibinaysana hadde waa masalo kale.

Waa wareeey ,,, tanna waa ii dhinayd ,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

^hay'addo gaalo baan muddo ka doon doonayey inay school ka dhisaan meel ka mid ah somalia, maalin dhaweydna baabuur igu soo noqnoqday oo geed aan harsado oo gurigayga ku yaal hoostiisa lasoo dhigay inaan police ugu yeeraan damcay, waxaa ka sii horeysay wadaad masaajidka parkings si quman gaariga u dhigo laga waayey in police loo dalbay

 

alwalaa wal baraa? taa ku darsado yaa ghaa'ibi siniin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh soofoow iisoo noqo waa intaa oon isla saan helnaayye

 

Jacayl ciid mubaarak awoowe, malaha ramadaankaa ku hayyee wax qasan ma qorin. waxaan laadka ku kiciyey waa halku dhegyada runta ka fog ee sida sibiqda ah aad moodid inay dad caqli usaaxiba u galeen. somalia jaziirad maaha, ururada caalamka ka jiraana sida UN ta iyo kuwa la midka ahi la shaqayntooda lagu gaaloobi maayyo inta hadafku yahay xaqiijinta masaalixda umaddan burburtay.

 

haddaad illowday waxaan ka hadlayney waa AMISOM iyo ciidanka ka jooga xamar, iinay yihiin gumayste layska xoraynayyo oo lala jihaadayyo iyo inay yihiin arrin ku meelgaar ah kuna xiran hadba sida soomali u xallisho arrimahooda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this