Sign in to follow this  
General Duke

AU forces TFG take over cross roads, while clean up is ongoing...

Recommended Posts

MUQDISHO: Ciidammada Uganda oo la wareegay markii ugu horreysay gacan ku haynta Isgoyska KM4 ee Muqdisho

Posted to the Web Mar 23, 14:44

 

Muqdisho (PP) – Ciidammada Uganda ee ka socda Midowga Afrika kuna sugay Muqdisho ayaa markii ugu horreysay maanta la wareegay gacan ku haynta Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

 

Ciidammadaan oo wata gawaarida dagaalka oo ay ku dhagan tahay calaamadda Midowga Afrika ee muujinaysa inay yihiin cidammada Nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa lagu arkay 11:00 barqonimo ee maanta Isgoyska KM4 iyagoo sugaya ammaanka Isgoyskaas.

 

Dhismaha Safaaraddii hore ee Masar oo ku taallay Isgoyska KM4 ayay ciidammadaas fariisin ka dhigteen, iyagoo dadkii ku jiray ee qoysaska ahaa uga saaray si xoog ah, iyagoo albaabadooda bannaanka ugu tuuray.

 

Dadka dhismahaas deggenaa ayaa waxay sheegeen inaysan ka warhayn imaansha askartaas ka socota Midowga Afrika ee halkaas soo dagay ayna dibadda uga saareen dhismihii ay dagganaayeen.

Ciidammadaan ayaa waxaa la socda ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda iyagoo labadooduba ay sugayeen ammaanka Isgoyska KM4 oo xilliyadii ugu dambeeyay ahaa goob ammaankeeda aan la isku halleyn karin.

 

Mar aan booqday isgoyskaas oo aysan tagay wax gawaari ah, balse ay marayeen dad teel-teel ah sababo la xiriira dagaallada ka socda maalintii saddexaad Muqdisho ayaa waxay xaaladda Isgoyskaas KM4 ahayd mid aad u wanaagsan oo dadku ay marayeen, waxaana ciidammadaan ay u yaalleen koontaroolo yaryar dhowrka waddo ee soo gasha Isgoyska.

 

Waa markii ugu horreysay oo ay ciidammada dalka Uganda billaabaan inay sugaa ammaanka caasimadda oo ah sababtii ay u yimaadeen Muqdisho, waxaana tani durba soo dhaweeyay dadweynaha Muqdisho oo ku tilmaamay inay tahay tallaabo wanaagsan oo ay qaadeen ciidammada Uganda oo ka tirsan AMISOM.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@gmail.com

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Midowga Afrika oo bilaabay inay degaan qaar ka mid ah Isgoysyada Muqdisho

 

Qaar ka mid ah Isgoysyada magaalada Muqdisho ayaa saakay laarkayay iyagoo degaya ciidamada Midowga Afrika ee Howlgalka AMISOM ku jooga magaalada Muqdisho, waxaana Isgoysyada qaarkood maanta laga dareemay isbedel weyn oo ku dhacay isu socodka gaadiidka iyo dadka, sida Isgoysyada, Km4, Trebuunka, Banaadir iyo Isgoyska Zoppe.

 

Cutubyo ka mid ah Ciidamada Midowga Afrika ayaa degay Isgoyska Km4, iyagoo xarun ka dhigtay xaruntii hore ee Safaaradda Masar, halkaasoo ciidamada ay la wareegeen guud ahaanba gacan ku heyntii Isgoyskaasi oo ka mid ahaa goobihii lagu dhibaateyn jiray ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Midowga Afrika.

 

Tallaabadan ayaa ku soo beegantay xilli Sarkaal ka tirsan Ciidamada Uganda uu sheegay .ay roondooyin ku sameyn doonaan waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho.

 

Dhinaca kale dadka ku dhaqan Isgoyska KM4 iyo agagaarihiisa ayaa si weyn u soo dhoweeyay la wareegida ciidamada Midowga Afrika ee isgoyskaasi, waxaana qaar ka mid ah dadka ku ganacsada Isgoyska Km4 oo u waramayay Weriye ka tirsan Shabakadda Abaaqaroow.inay arrintani gacan ka geysaneyso xasilooni la isku halleyn karo oo ka dhacda

 

 

 

Mataan Gaaboo Muqdisho

 

Abaaqaroow.com wiil waal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Africa ee Amisom oo Maanta markii koowaad la wareegay isgoyska KML4 ee Magaalada Muqdisho iyagoo goobaha ay dageen dad ka saaray.

 

March 23-2007-HornAfrik, Mogadishu

 

Ciidamada Midowga Africa ee Amisom ayaa Maanta markii ugu horeysay la weeragay isgosyka KLm4 ee Magaalada Muqdisho

 

11:00 barqanimo ee Maanta ayey Ciidamada nabad-ilaalinta ee ka socda wadanaka Uganda waxaa ay si rasmi ah ugu caga fidsadeen isgoyskii ugu hooreeyey ee Magaalada Muqdisho kaasoo ah KML4.

 

dhismo ku yaala is gosykaasi oo ah safaaradii hore ee Masar gudaheeda ayey dageen Ciidamada Aamisom iyagoo kasaaray dadkii ku dhaqnaa gudaha dhismahaasi.

 

Qaar ka mid ah haweenkii daganaa guryahaasi ayaa sheegay in si xoog ah ay Ciidamada Amisom halkaasi uga saareen waxaana ay Ciidamadaasi wataan Gaadiid tigniko ah oo ay ku qorantahay Calaamada midowga africa.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa isgosyka KLM4 waxa ay ahayd meesha ugu shaqaaqada badan islamarkaana aysan kajirin goobaha ganacsiga iyo guud ahaanba isku socodka dadka reer Muqdisho iyadoo sidoo kale Gaadiidka Blk ah uusan isticmaali karin isgosykaasi.

 

Ciidamada Amisom maanta marka ay soo dageen isgosykaasi waxa ay halkaasi ku daadiyeen waraaqo ay ku qoranyihiin qaxootinimo waa ka soo daalney iyo sawiro ardey ah iyo Ciidamo markaasi gacmaha is haysta.

Ujeedadaasi ayaa qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka KLM4 waxa ay ku sheegeen in Ciidamadaasi aysan dooneynin dagaal lagu soo qaado ama iyagu dagaal gala.

 

Isgosykaasi ayaa ah mid haatan xaaladiisu degan tahay islamarkaana waxaa wali xiran goobihii ganacsiga dadkuna waxa ay u marayaan si teel teel ah gaadiidna majiraan wax halkaasi isticmaalaya.

 

Ciidamada Amisom ayaa waxaa kale oo halkaasi la jooga qaar ka mid ah Ciidamada dowladdad fadaraalka Soomaaliya.

 

Waa isgosykii ugu horeyey oo ay dagaan Ciidamada nabad-ilaalinta ee midowga Africa dhinaca kalena waxa uu yahay isgosykii ugu horeeyey ee ciidamada Uganda ay kala kulmaan shaqaaqo tan iyo intii ay soo gaareen Magaalada Muqdisho kaasoo qarax ku dhacay aga gaarka Baar Fatxi oo ay dad badani u geeriyoodeen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen iyadoona sadax ka mid ah Ciidamada dalka Uganda ku dhaawacmeen.

 

Lama oga waxyaabaha kasoo kordhi doona dagista Ciidamada Uganda ay dageen isgoyska KLM4 ee Magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Azmaya   

There is no time for talks, no ceasefire. The government and our international allies must push ahead. Somalia’s future is at stake. Civilization can not negotiate with barbarians, this virus must be eliminated at once. All must evacuate the urban areas or face the consequences. Madaafiic ha lagu garaacao, helicopters ha lagu sheelyo, this is for the good of the entire country, only once this virus is eliminated can somalia have peace.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think the government is pushing forward regardless of the wishfull thinkers, who have alraedy started to lie to themselves as they had done so only a few months back..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Azmaya   

Somalia and its allies must understand their enemy. Savages who have no respect for civilized restraint.Torture and rape they consider a sport, mutilations and burning of corpses a time for photo ops, not only will they commit these atrocities, they will enjoy doing so and brag. The government and its allies must pursue aggressive militarism at all costs. A small part of Somalia is a virus which keeps this country from peace, the only remedy is to cut off this virus once and for all.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Azmaya:

the only remedy is to cut off this virus once and for all.

Somalida aya horey waxay ugu maahmaahdey ' habar fadhida legden la fududa'.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Originally posted by Azmaya:

Civilization can not negotiate with barbarians, this virus must be eliminated at once. All must evacuate the urban areas or face the consequences. Madaafiic ha lagu garaacao, helicopters ha lagu sheelyo, this is for the good of the entire country, only once this virus is eliminated can somalia have peace.

What sort of medication is the TFG dispensing to its faithful patients? Civilization? What civilization? The world's end is neigh when the inhabitants of Planet of Apes speak of preserving civilization. It is like humanized barbarity advocating for the preservation of civilization 'cos it serves them best.

 

Open your eyes, patients! You wish neighbourhoods to be shelled? What sort of twisted logic permits one to urge 'shelling' for the good of the shelled! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Midowga Afrika oo caawa billaabay in ay howlgallo roondooyin ah ku maraaan isgosya Kilomitir 4 iyo nawaaxigiisa.

 

Ciidamada AU-UPDF ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa caawa billaabay howlgallo roon dooyin ah oo ay ku marayaan isgoyska Kilomitir 4 iyo deegaaanda ku dhow dhow,kadib markii ay maanta halkaasi soo dageen.

 

Ciidamada AU-UPDF ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa caawa billaabay howlgallo roon dooyin ah oo ay ku marayaan isgoyska Kilomitir 4 iyo deegaaanda ku dhow dhow,kadib markii ay maanta halkaasi soo dageen.

 

Dadka deegaanka ayaa sheegay in caawa fioidkii la arkayay ciidamada UPDF oo kuguda jira shqo roondo ah si ay isugu dayaan in ay adkeeyaan amaanka deegaanada kudhow dhow Kilomitir 4 ilaa iyo 3 piano,waxaana ay baaritaanno ku samaynayeen dhamaanba wixii gaadiid ah ee aaggaa maraya.

 

Isgoyska klilomitir 4 ayaa noqday kii ugu horreeyay ee ciidamada Afrikaanku ay fariisin rasmi ah ka samaystaan,waxaana ay tani tahay astaan bilwo u ah in uu si buuxda dalka Soomaaliya uga bilowday howlgalka nabad ilaalineed ee ciidanka Afrikaanka,waxaana afhayenka ciidankan Captain Paddy uu saxaafada usheegay in ay sidoo kale dagi doonaan goobo dhowr ah oo magaalad aMuqdisho ka tirsan si ay u gutaan waajibaadkii ayhalkan u yimaadeen.

 

Isgoyska Kilmotir 4 iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa ka mid ahaa goobaha ay inta badan kooxaha qaran diidku weerarrada ka fulin jireen,inakstoo markii dambe ay xaaladda degaanadaasi dagtay kaddib markii la xakameyay howlihii ay qaran diidku deegaanadaa ka wadeen.

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho

 

contact:info@carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
ElPunto   

Originally posted by Paragon:

The world's end is neigh when the inhabitants of Planet of Apes speak of preserving civilization. It is like humanized barbarity advocating for the preservation of civilization 'cos it serves them best.

 

I don't see posts like this adding to the 'quality' of the Politics section yaa Paragon. I thought you initimated that you had thoughts you wished to share rather than this delightful paragon of debate. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Governemnt enemies. The scrapmerchants, charcoal traders, land looters, fake religious courts, clan millitia who for 16 years have uprooted people from parts of Mogadishu, lower Shabbele and who will lose the most in a Somalia not governed by the AK47.

 

They are led by Abdiqasin, Glaal, Xasan Dahir..

 

The TFG does know its openent..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this