Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president meets With Ethiopian President Pics

Recommended Posts

Madaxweynha Somaliland oo maanta kulan la yeeshay madaxweynaha dalka Itoobiya, Daawo

Written by Axmed Maxamed Ciise

Apr 26, 2010 at 03:04 PM

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

 

Warsaxaafadeed, Weftiga Madaxweynaha Addis Ababa, Ethiopia.

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey ee booqashada ku joogay Dalka Ethiopia caasimaddiisa Addis Ababa, ayaa waxay maanta xafiiskiisa kula kulmeen Madaxweynaha Dawaladda Federaalka ee Ethiopia, Mr. Girma Wolde-Giorgis, halkaasi oo ay labada Madaxweyne isaga waraysteen xaaladda Guud ahaan Gobolkan iyo ta labada dal ee jaarka ah Ethiopia iyo Somaliland, kullankaasi oo ahaa mid aad u heersarreeya, jaw wanaagsan oo farxadeedna la isku qaabilay, wuxuu ku soo gaba gaboobay is afgarad iyo jawi aad u wanaagsan

 

RayAdis2.JPG

 

 

RayAdis1.JPG

 

 

Madaxweynaha JSL,waxa ku weheliyey kullankaasi, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Waasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Mudane Cali Maxamuud Axmed ( Sandulle), Maareeyaha Dekedda Berbera, Eng. Cali Cumar Maxamuud, Mudane, Axmed Maxamed Ciise, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL iyo ku Xiggeenka Wakiilka Somaliland ee Ethiopia, Mudane, Ayaanle Salaad.

 

Allaa Mahad Leh

 

 

Axmed Maxamed Ciise

 

Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL

 

Last Updated ( Apr 26, 2010 at 03:28 PM )

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

lol@ the Ethiopian presedinet. Wallaahi, I dont even know the name of the Ethiopian presedint. I thought, Melis was in charge of every affair of the Ethiopian goverment. Waxaan u malaynayaa, Xaajigii Siilaanyo ahaa booskiisu waa diyaar. Waayo, Mar hadii Rayaale odaygaas ay ka dhamaatay loo diray, meeshii waxba ma jiraan smile.gif .

 

Viva Ahmad Bureeq Siilaanyo :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Silanyo inu madaxweyne noqonayo muran kama jiro, Laakin madaxaweynaha Ethiopia Wa madaxda sarsare eh dalkas.Melez isaga laftigisa ayaa boskisu cidhidhi ku jira wa hadaad siyasada Ethiopia la socitid.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

The Ethiopian presidency is largely a symbolic office with little power. Most of the power is vested in the hands of the Prime Minister Similar to the Queen Role in London but No Power!!!

 

If you go to addis either sit with foreign minister who influence policy direction towards Somalia or sit down with meles zenawi himself. Those two guys are the most important!!!

 

Further reading about this guy can be found here. Plus his an Oromo to make matters worse meaning totally not even listened to!!!

IPS News

 

Xaaji, I've told you on number of occasions sell that cheap material to the illerates of somalilandpress and those sorts of media not on SOL!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Waar Xaaji Xundhufoow, Bishaaro. Niyow, waxaan u malaynayaa Odaygaas Xabashiga ahee caloosha iyo cammanka buurbuuran. Waxaan u malaynayaa, odaygaasaa aqqoonsigii aad waydeen idiin dhalaya. Haduuba fool la socon l'ayahay, waxaadna mooddaa inuu aqqoonsigii doconayo :D

 

Ku wada salaanta, iyo salaaxa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Hunguri:

Waar Xaaji Xundhufoow, Bishaaro. Niyow, waxaan u malaynayaa Odaygaas Xabashiga ahee caloosha iyo cammanka buurbuuran. Waxaan u malaynayaa, odaygaasaa aqqoonsigii aad waydeen idiin dhalaya. Haduuba fool la socon l'ayahay, waxaadna mooddaa inuu aqqoonsigii doconayo
:D

 

Ku wada salaanta, iyo salaaxa
:D

^

Ok, this made me laugh :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this