Sign in to follow this  
ilax

Ururka ONLF iyo Masaerka Ummada Somali Galeed

Recommended Posts

ilax   
Originally posted by The Zack:

[QB]

Originally posted by Abtigiis &Tolka:

[qb] Nin hooyadii iyo aabihii hortiisa lagu dilayo ayaad lee dahay kaalay aan mustaqbal

kawada hadalo adigoon xanuunkii kala qayb-qaadan.

 

Saaxib,nin uusan xanuunkan haynin majiro marka waxaa loo baahan yahay in laga saaro cadiifada iyo degdega, kuwan hada wadana haysta dhibaatadan oo kale ayaa lasoomariyay wxay kag baxeen dadaal iyo hogaamin leh adkaysi halgameed. Marka, waxaa loo baahan yahay in la helo xal siyaasaded oo hagayaan dad aqoon io karti uleh una ah daacad maha meesha maha in camal ay noqotee waxaaloo baahan yahay inuu qofka xiskiisa siiyo.

Sixid: A& T, Saaxib ma dhehin Halgankii MaKHTAL Daahir ala ha u nacaroistee wuu guul daraysaty, laakin waxaan idhi wali guulihii la hiigsanaya lagama gaadhi taasina mid sabab la'aan aha maha. Tan, Halyey MAKHTAL waxaa uu halganka u wajahay wakhtigas sidii loo halgami jiray, hada waxaa loo baahan ahay in la isku daro mid xeeladed ama siyaasaded iyo cududeed.Maha oo kaliyo cudud aadan wax ku muuqinin karin inaad tiigsato.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Saaxiib Bantured;

 

Let us not exhaust ourselves on cyclical exchanges which I had had for the last couple of years. I saw your other reply to the supposed victories of the ONLF. That confirmed my suspicions. Dad ONLF ka sheekeeynteeda shaqo ka dhitagy baa jiraa. The real issue is should we continue fighting or should we stop it? Should we relinquish the aspirations for secesstion from Ethiopia? If we must stop the war, on what terms and after getting what?

 

Any other discussion at this point on how the leadership could have been improved or the organisation could be more inclusive is secondary. And to be frank purely hypothetical. It is parochial in assuming that the other non-ONLF elements in the Somaligalbeed politics [kuwa leh wax hala saxo] have the best of intentions and are genuine.

 

In any case, you and me - as cyber warriors can debate here. But what you think about ONLF is inconsequential, because evil or good, whatever they are, those men are walking the walk and are busy with more important matters.

 

Meela ma gaadhayaan hadayna sidaan rabo yeelin haday tahayna, It shouldbe their headache. And I am not mincing my words when I tell you you are deadly wrong about 'xanuunka' waa la wada qabaa. It may be politically correct to assume to that the man in Shinile and the other one in Shaygoosh are equally victims; but it is not fair.

 

I hope this poem will sum up my feelings about the value of having such a debate.

 

Have you heard of the man who said

 

'Samri maayo anigoo arka sararta reer Qaasim

'Simaa balaw' da maqal saakaan seexan karayaaye'

 

This was a somali man who rejoiced the entry to one town of Axmaaro army chanting 'Simaa balaw' (Listen to my chants of victory). Are you sure there are none among us who are not prepared to shoulder the burden of Ethiopian occupation instead of seeing fellow reer-hebel achieving something?

Share this post


Link to post
Share on other sites
ilax   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

It is all the time ,, not just sometimes ,,,
;)

Hadaan la is canaanin miyadabu wax hagaagi saaxiib. Faraska waxaa janbayga loo gu dhuftaa inuu kasii badiyo; marka saaxiib in wax la iswayddiye gadaal bay u fiican tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Ururka ONLF iyo Masiirka Ummadda Gobolka ********iya - A Response

 

Waxaan isku dayi doonaa anigoo ka fogaanaya gaboodfal iyo in aan garab maro cadaaladda in aan xoogaa dabagal ah ku sameeyo maqaal aad u dheer oon filaayo inuu qaybtiisii hore yahay midkan oo mudane Ambasador Ali Cabdi Gurxan uu ku qoray web-ka ceegaag online, cinwaankiisuna uu yahay sidan Ururka ONLF iyo Masiirka Ummadda Gobolka ********iya (Qeybtii koowaad) ..

 

Ma aha arin ku haboon aqoonyahanka umadda ee loo hanweynyahay g.a. kuwa uu ka midka yahay walaalkeen Amb. Cali Gurxan ee isku darsaday aqoon iyo waaya-aragnimo siyaasdeed inay u muuqdaan qaar ku foofay wada garab socota himilada umadda ee ah inay mar un ka xoroobaan gumaysiga ina soo daashaday ee asaageen inaga reebay. Khlad in la galo waxaan u nahay ban-iiaadam, inuu jiro wada-tashi si loo helo sixitaan joogta ahna waxay ka mid tahay waajibaadka saaran qofkii leh aqoonteeda iyo hawl-wadeenka jabhadda. Waxaanse marnaba meesha ku jirin oon u qalmin shaqsi la meeqaan ah qoraha maqaalkan inuu si caam ah u soo bandhigo fikrado lid ku ah danaha umadda oo hoos u dhigaya heerka uu halgankeena marayo maanta. Farqiga u dhexeeya hadal afeedka (oral narration) iyo maqaal qoran waa midka dambe oo noqon kara taariikh la xusto .. sidaa darteed qofka wax qoraya waxaa waajib ku ah inuu miisaan daqiiq ah saaro qoraalkiisa inta aanay farihiisa ka bixin. Isagoo iska taagaya xagalo badan oy ugu hooseyso inuu qiimeeyo maqaalkiisa ciduu dan u yahay – cadawga iyo ehelkiisa -?? Si haduu u arko inuusan dan u ahayn ehelkiisa uu si kale ugu maareeyo, xataa haddii ay noqoto inuu si gaar ah ula wadaagayo xubnaha ay quseyso. Maahmaah aanan jeclayn ayay reer Yurub ku cayn jireen waagii uu Turkiga ahaa xoog ay ka cabsadaan oo waxay odhan jireen – Ninka turkiga ah suu u dilo boodada (bug) ayuu dabka u saara bustihiisa (The Turk will burn his blanket to kill a bug) – xaaladda aqoonyahanka Soomalida maanta middaa umbay la mid tahay. Suu u muujiyo fikradiisa ayaa waxaa laga yaabaa inuu dabka saaro himiladii umadiisa iyo xiriir wanaagii ka dhexeyn lahaa isaga iyo dhigiisa.

 

Hadaan intaa uga boxo arar ahaan iyo inaan muujiyo mabda'a aynu wadaagi karno, waxaan xoogaa is-dul taagayaa meelo uu si cad (aragtidayda) xaqiiqada uga garab marsan yahay Amb. Gurxan .. Wuxuu safiirka ku bilaabay maqaalkiisa odhaahdan quruxda badan (Anigoo kaashanaya xog-ogaalnimadayda iyo la socodka aan la socdo arrimaha mandaqadaas muddo aad u dheer, gaar ahaan wixii ka dambeeyay 1991. Anigoo ka xanuunsan baaba'a, rajo la’aanta iyo jaha-wareerka dadka gobolka soo food saaray. Waxaa aad iigu adkaatatay in aan ka sii amusnaado xaaladdan sidaas u murugada badan) . Hordhacan wuxuu ku muujinayaa Safiirka xog-ogaalnimo iyo dareen ehelnimo. Labadabase waxaa muuqata inuu garab maray. Midda 1aad wuxuu aad ugu tacadiyay taariikhda. Isagoo muujiyay (waana dhab) inay xog-ogaalnimadiisa ka bilaabato g.a. wixii ka dambeeyay 1991kii oo ah burburkii xukuumaddii Siyaad Bare ayuu sidan qoray hadana; (Ayadoo qaddiyaddii gobolka ****** sidii u calliqan tahay wax isbeddel ahna uusan dhicin ayuu Xukunkii Maxamed Siyaad Barre burburay billowgii 1991, muddo yar ka dibna waxaa asagana meesha ka baxay kii Mengistu. Ayadoo lagu jiro walaahowgii iyo kala cararkii ka curtay Geeska Afrika, ayaa markii ugu horreysay la maqlay jiritaanka Urur cusub oo la magac baxay ONLF). Anigoo asluub wanaag muujinaya waxaan ka codsanayaa Safiirka inuu saxaafadda caalamka dib ugu noqdo (haddii la heli karona uu dib u baadho malafyadii sirdoonkii M. Siyaad Barre), waxaa hubaal ah inuu ka dhex helayo taariikhda halgan iyo bilowgii jabhadda ONLF. Qoraaga iyo gabayaaga farqiga u dhexeeya waxaa ka mid ah; gabayaagu suu u maransiiyo ujeedadiisa wuxuu isku dayaa inuu ****olo raadkii midkuu u gabayayo, qoraagase waxaa laga doonayaa inuu iska ilaaliyo taariikhda uu xiganayo, gaara ahaan marka ay qoran tahay taariikhdaasi. Hadduu diyaar u yahay Safiirka waxaan u dirayaa nuquladii (documents) dhaqdhaqaaqii siyaasiga ahaa ee jabhadda 80tanadii. Wuxuu ku qoray Safiirka cutubka ku xiga sidan; (Ururkan wuxuu saaxada siyasadeed soo galay saagaashamaadkii iyo wixii ka dambeeyay burburkii Dawladdii Somalia. Inkastoo ay curashadiisu Jabhaddu ku beekto xilli waqtigaas ka horreeya. Waa Urur Aabayaal badan leh oo asaaskiisu muran badan abuuray. Shahksiyaad dhawr ah ayaa mid-walba sheegta in uu fikradda iyo dhismaha ururka asagu ka dambeeyay. Ilaa iyo maantana si sugan looma hayo qofka ama kooxda fikradda dhabta ah lahayd , meesha iyo waqtiga Ururka Onlf lagu asaasaay Way habboonaan lahayd qofkii xogtaas haya in uu arrintan diirka ka qaado,dadweynahana ka jaahil bixiyo).

 

Waxaa laga doonayaa Safiirka isagoo ilaalinaya runta odhaahdiisa iyo caqliga akhristaha inuu soo gudbiyo magacyada (Shahksiyaad dhawr ah ayaa mid-walba sheegta in uu fikradda iyo dhismaha ururka asagu ka dambeeyay), waa haddii uusan ula jeedin taabagalinta ururka oo ilaa hadadan u furan qof kasta inuu ka qaybqaato sidii ururka iyo halganka loo horumarin lahaa. Ardayda Suuriya ee Safiirka uu sida gaar ah u xusayna waxaan u malayn inay yihiin kuwii ay 91kii ka dib ku kulmeen Addis-Ababa waxyna ka mid ahaayeen un unugyadii jabhadda ee ka jiray dalal ka mid ah caalamka. Waxaase la yaab leh in isla cutubyadan isku xiga ay ka marag noqdeen sida uu safiirka isaga qasmeen dhaliil soo jeedin iyo taariikhda oon la dhuujin. Markuu yidhi sidan; (Wuxuu ahaa urur loo hanweynaa oo car-car geliyay qaddiyaddii, dadweynuhuna aad u soo dhaweeyay.Wuxuu ku soo beegmay dhicitaankii taliskii Mingistu), sow ma muujinayso inuu qirayo inuu ahaa ururkan ONLF mid la yaqaan oo dadweynaha sugayeen 1991kii ka hor??

 

Hadaan intaa uga gudbo sixitaanka taariikhda oon ka codsanayo safiirka inuu dib ugu noqdo, anigan iyo Safiirka waxaan ku kulanay waqtigaa uu sheegay Addis-Ababa. Waxaa aad looga shaqaynayay waqtigaa sidii 2da urur ee WSLF iyo ONLF loo midayn lahaa. Waxaana u ololaynayay rag uu ku jiro Safiirka, wada ahna madaxdii xukuumaddii Siyaad Barre sida ku xusan qoraalkiisaba. Waqtigaas dhibaaato farabadan ayaa taagnayd oy ugu weynayd burburkii ka dhacay Somaliya iyo barakicii dadweynaheena laga soo qixiyay Somaliya. Waxaa kulmay dhibaatadii qaxa iyo xukunkii Mingisto oo si lama filaan inugu noqotay u dhacay. Waxaa isugu yimid Addis-Ababa iyo ******yaba rag farabadan oo aqoonyahan ah oo dalka u dhashay hasa ahaatee ahaa tiknoogaradkii (Technocrat) dawladdii M. Siyaad iyo xubno ka tirsan ururka ONLF oo si dagdag ah gudaha u soo galay say u buuxiyaan faraaqa (political vacuum) siyaasiga ah ee ka dhacay Itoobiya iyo siyaasiyiin rug cadaa ah oo ka tirsanaa ururkii WSLF oo muuqaal ahaan qaatay qaybtii qawmiyadeena laga siiyay qaybsashadii maamulka cusub ee Itobiya. Aqoonyahankii (Technocrat) si dhaqsa ah ayay isku fahmeen rug cadaagii WSLF maadaama ay Muqdishu ku wada ahaayeen shaqaale iyo asaxaab. Waxayse is fahmi waayeen dhalintii ONLF oo iyagu urur ahaan u abaabulan, aan lahaynse aragti fog oo siyaasi ah, hasa ahaatee wata dhamaan dadweynaha oo ka gadoodsanaa khaladaadkii ay horey u galeen madaxda WSLF. Arimahaas sidii loo maareyn lahaa run ahaantii garabyadaa aan soo tilmaamay midna kuma guulaysan. Garab walbana wuxuu midka kale ugu muuqday mid doonaya inuu la kaliyoobo awoodda iyo xukunka. Waxaana hubaal ah inay nimankii TPLF-ta ay si hoos ahaan ah uga shaqaynayeen in aan la'is afgaran. Waxaana kuugu daliil ah markii ay fasaxeen +20 xisbi oo mid walba uu qabiil ka taagan yahay.

 

Waxaa hubaal ah inuu jiro khaladaad siyaasi ah oy galeen dhamaan xubnihii 3exda qayboodee aan tilmaamay ka koobnaa ee ku hawlanaa waqtigaa siyaasadda. Qofkiise si cilmiyaysan oo cadaaladi ku jirto u baadha arimihii waagaa jiray wuxuu arkayaa fursada dahab ah oo laga faa'iidi karay inay jireen hasa ahaatee yimid waqti aan la filayn loona diyaar ahayn. Shirkii looga tashnayay mustaqbalka Itoobiya, natiijada aan ka dhaxalnay waxaanan ku raacsanahay Safiirka siduu yidhi ee ah; (Qowmiyadda somalida, guud ahaan, guuli kama raacin madashaas,si xun ayaa loogu bahdalay, dad ka so cararay dagaalkii sokeeye ee Somalia oon waxba u diyaarsanayn ayay ahaayeen xubnihii somaliyeed ee shirka ka qayb galay. Aragti mideysan iyo barnaamij siyaasi ah midna lama aysan imaanin goobta, sidaa darteed xagga kuraasta iyo awood qaybsigii waxaa loo tuuray in yar oo san-dareerta ah oo quudhsi iyo xaqiiraadi ku jirto.). Waxaanse aad ugu diidanahay oon u arkaa inay ka fogtahay cadaaladda markuu yidhi Safiirka (Waxaa durba soo ifbaxday in kooxdani (ONLF) aanay waxba dhawranin, itjaah iyo mabdà suganna lahayn. Isburiska, kala hadalka iyo fudaydka waxay noqdeen astaamaha ay durbaba ku caan baxeen). Odhaahdan waxaad dhab ah inay cadho la socoto aan la jaanqaadi karin waqtigaa isaga ah ee taariikhiga ah. Waxaanan filayaa Safiirka oo takhsuskiisu yahay arimaha diblomaasiyadda inuu iloobay odhaahda ah siyaasadi waa maareynta wixii suurtagali kara – Politics is the art of the possible –. Ugu horeyn hadaan ka soo qaadno inay xubnihii ONLF-ta qaadacaan shirkaa maxaa u suurtagli lahaa qawmiyadda Somaliyeed? Midda kale, joogitaankooda urur ahaan maxaa uga suurtgalay? Jawaabaha su'aalahan ayaa saldhig u noqon kara in loo qiimeeyo go'aankii ONLF ee waaga sida uu safiirka u qiimeeyey..

 

Qoraalka uu ii socon doonaa, waxaan ka codsanayaa Safiir Cali C. Gurxan isagoo u taraya marxaladda ay umadiisa mareyso inuu aad u miisaamo qoraalka waxtar u ah cadawga (gaar ahaan haduu bilaash yahay) iyo midka uu ku doonayo inuu ku soxo dhaliilaha u muuqda uu doonayo in wax laga qabto. Ereyguna wuxuu leeyahay xisaab dambe ifka iyo aakhiraba.

 

Abuu Sharmaarke

Sharmaarke_2@yaahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Ururka ONLF iyo Masiirka Ummadda Gobolka ********iya - A Response ( Part II )

 

Qaybta 2aad ee risaaladayda waxaan hordhac uga dhigayaa codsigii aan ku xidhay Q1aad ee ahayd in Safiir Cali C. Gurxan isagoo u taraya marxaladda ay umadiisa mareyso uu aad u miisaamo qoraaladiisa. Eego bal inay waxtar u yihiin qoraaladiisa cadawga (gaar ahaan haduu bilaash ku qorayo) iyo inay yihiin qoraalo uu ku doonayo inuu ku soxo dhaliilaha u muuqda taasoo uu doonayo in wax laga qabto. Waxaanan ku baraarujiyay in – Ereyga uu leeyahay xisaab dambe ifka iyo aakhiraba - .

 

Nasiibdarada haysata umadda Somaliyeed meelay joogtaba ee faraha badan waxaa ugu mudan aqoonyahankii la rabay inuu kaga jiro safka hore halganka xoreynta dalka oo si aan ka fiirsasho lahayn ugu adeegaya cadawga (inkasoo laga yaabo inay is-leeyihiin wax ku saxa). Umadda Somaliyeed dhan walba waxaa kaga furan maanta dagaal cidhibtir ah waxayna kaga gudbi kartaa oo kali ah iyadoo caqligii iyo dadkii lahaa aqoonta ay fahmaan doorka u banaan ee wali la la'yahay cid buuxisa. Waxaad is-odhan markaad aragto siyaabaha ay badankood u dhaqmayaan show waxaaba caqli dhaantay islaantii markay aragtay wiilasheeda oo loo tashanayo ku tidhi ordoo geedkaa intaad fadhiisataan afka isa-saara si cadawgiina ugu maleeyo inaad idinna tashanaysaan.

 

Hadaan ku soo noqdo qoraalkii ii socday; Taariikhaha murugada leh ee Safiirka uu ka warwreegay inuu xuso (anoo filaya inuusan jeclayn in la faadh-faadho), waxaa ka mid ah saraakiishii timid dalka ******ya markii la soo jabiyay xukuumadii Siyad Barre inay noqdeen kuwii tababarada u furay dhalinyaradii TPLF-ta ee Itobiya qabsaday ee urursaday hubkii ay ka tageen ciidankii Dargiga iyagoon aqoon u lahayn isticmaalka hubka culculus iyo taangiyada?? Waxaa ka mid ah taariikhdaa murugada leh inay saraakiishaa ku mashquuleen siyaasad aan waxba ka jirin iyo inay hoos ordaan Wayaanaha (iyagoo ka eryanaya jabhadda) say uga helaan jagooyin dhalanteed ah. Waxay noqdeen fadhi-ku-dirir huteelada iyo maqaayadaha jaadka dul yaxooba oo ka gaabiyay inay abaabulaan bulshada oo intay tababaraan dhalinyarada oy urursadaan hubkii ay ka carareen labadii ciidan (kuwii Dargiga iyo kuwii Siyaad Barre) ay dagaal rogaal celin ah ku qaadaan cadawga si dalka looga xoreeyo. Sow dhab ma'aha inay luminyeen fursad taariikhi ah dhamaan facaaddii garaadka lahayd waagaa anigoo waliba eedda ugu balaadhan dusha ka saaraya siyaasiyiintii iyo saraakiishii joogtay waagaa?.

 

Safiirka isagoo iska fogaynaya eedahaa taariikhiga ah ayuu ku dheeraaday inuu ONLF u aaneeyo khaladaadkii dhacay. Markuu yidhi sidan; (Waxaa shirkii Garbo lagu doortay guddi dhexe oo Sheekh Ibrahim Cabdalla Madax u yahay.Wiilal yar-yar oo khibradooda iyo aqoontooduba aad u hooseyso ayay u badnaayeen xubnihii loo dortay Golaha dhexe). Su'aasha lagu kala gar-qaadan karo waxay tahay; shirkii garbo ee la qabtay 1992 ee lagu dhisay xubnaha golaha dhexe ee jabhadda (Safiirku uu ku sheegay qaar da'yaraan iyo aqoondarro isku darsaday - taasoon aanay dood ka taagnayn hadda), ma wuxuu ahaa shir jabhadda ONLF lagu dhisayay ama wuxuu ahaa shir ay jabhad soo jirtay shirweyne ku qabsatay? Jawaabtu waa jabhadda ONLF ayaa shirweynaheedii ku qabsatay halkaa. Su'aasha ku xigta ee qofkii caqli leh ay tahay inuu is-weydiiyo waxay tahay; Aqoonyahankii iyo siyaasiyiintii dalka xagay jireen laga bilaabo 1984kii oo ah waqtiga la asaasay jabhadda ilaa laga gaaro 1991kii oo ah markuu burburay qarankii Somaliyeed iyo xukuumaddii Siyaad Barree ay dugsanayeen? Jawaabta aan dambiga la'inooga qoreynin; waxay ahaayeen badankood qaar la dagaalamayay jiritaanka iyo koboca jabhadihii ONLF iyo SPM, waxayna ahaayeen kuwii ugu dambeeyey ee ka soo carara Muqdisho iyo Hargaysa.

 

Haddii taariikhda dib loo faadh-faadho waxaa soo baxaysa qaar ka mid ah aqoonyahanadaa iyo siyaasiyiintaa uu Safiirka u hanweynaa 1994kii inay umadda waxtari lahaayeen ee la joogay Addis-Ababa iyo Dirdhaba inay ahaayeen kuwii dagaalka dhabta ah ku hayay xubnihii ONLF iyo SPM ee jiray waagaa iyagoo u hiilanaya xukuumaddii Siyaad Barre ee la calowday. Waxaan xusuusanahay (oo Ilaahay aan la hortagi doonaa) qaar aan 1987kii halkan uga dirnay waraaqo aan ku leenahay hadaydaan ka bixin falalka nacab-nimada ahee aad ku haysaan umadda waxaa la'idinka qaadi doonaa talaabo. Hadaan hoos u sii daadagno, ma kuwa iyagoon aqoon lahayn da'dooduna yartahay (siduu ku tilmaamay Safiirka) dareemay inaysan xukuumadda Siyaad Barre dan u ahayn halganka gobanimadoon ee sii odorosay inay xukuumaddaasi dhici doonto kana tashaday ayaa mudan ceebayn iyo in la daleeceeyo, mise saraakiishii iyo siyaasiyiintii umadda ee iyagoo xafiisyada fadhiya loogu yimid oo hubkii ay umadda ku difaaci lahaayeen ay ka furteen kuwo qaar qaawan oon waligood alif ba' la odhan? Jawaabta su'aashan waxaan u daynayaa Safiirka.

 

Waxaa murugo iyo tiiraanyo leh markaad aragto walaalkaa oo si badheedh ah u duudsinaya xaqqii aad lahayd. Waa nasiibdarro ah inuu Safiirka qoro; (Markii ay dhammaysteen shirkoodii, waxay si lama filaan ah oo qar iska tuur ah dagaal ku qaadeen kolonyo ciidamo ah oo jid caddaha Qabridahare- Dhagaxbuur iska marayay oon cidina wax u geysanin, colaad iyo dhibaato ka dhexysay dawladdii cusbayd ee Ethiopia, iyo dadka gobolka ****** waqtigaas habayaraate ma jirin, Dhimasho iyo dhaawac badan ayaa labada dhinacba dagaalkaas ka soo gaadhay).. Ujeedada qoraaladanoo kale waa in dusha laga saaro jabhadda dambiga dagaalka dhacay iyo xasuuqa lagu hayo dadweynaheena aan waxba galabsan. Maxaan ku tilmaami karnaa marka aqoonyahan-keenii uu sidaa u hadlo oo dambiyada uu KT Zinawi ka galayo shacabka u garbixinayo !! Mudane Safiir taariikhda dagaalada siday u dhaceen iyo cidda soo qorshaysay iyo ujeedadii ay ka lahaayeen muran kama taagna hadda oo waa taariikh dhow oo diiwaan gashan. Hadaadse is-ilowsiisay, waxaa la wada ogsoonyahay in jabhadda TPLF-tu markay qabsatay caasimaddii Itobiya, dalka ******ya uu ahaa gobolka kali ahee ay filayeen inay kala kulmaan dhibaato dagaal. Iyagoo ka cabsi qaba jabahadihii ka daagalami jiray ******ya iyo ciidankii faraha badanaa ee ku soo jabay dalka. Waxay bilaabeen siyaasad qunyar socod ah oo ka duwan midda ay gobolada kale kula dhaqmeen gaar ahaan Amxaarada iyo Oromada. Waxay garab wadeen inay sirdoonkooda dhex galiyaan bulshada Somaaliyeed oy ku kala qaybiyaan hab xisbiyo siyaasi ah oo ku qotoma qabiil iyo gobolaysi.

 

Waxay kaloo ku dhex wadeen tababaro ay maleesiyadii TPLF-ta ay ugu rogayaan ciidan dawladeed. Markay dhamaystereen 2daa muhimadoodna waxay soo saareen amar ah ciidanka dawladda oo ah ururka TPLF/EPRDF waxaan ahayn oo hubaysnaan kara ma jiro. Waqtigaa isaga ah ciidan tiro iyo tayaba leh uma habaysnayn jabhadda ONLF. Waxaa jiray oo ciidan xoogan lahaa ururkii Itixaadka Somaligalbeed. Waa iyagii dagaal kadis ah oo habeenimo ku qaadey 11-08-92 xeradii tababarka ciidankooda ee Halooye (nawaaxiga Godey), iyadoo ay ka furanyihiin xafiisyadii ururka uu ku lahaa Magaalooyinka. Dagaalkaa ay bilaabeen ma'aanay joojin ilaa ay ka saareen wadanka oy uga daba tageen gudaha Somaliya. Iyagoo isla Taatikadaa ah weerarda kadiska; ayay qorshaysteen inay jabhadda ONLF-na uga saaraan dalka. Waxaa la wada ogsoonyahay in laga bilaabo waqtigaa uu xusay Safiirka inay ONLF - si lama filaan ah oo qar iska tuur ah ay dagaal ku qaadeen kolonyo ciidamo ah oo jid caddaha Qabridahare- Dhagaxbuur iska marayay – ilaa laga soo gaaro dhamaadkii qarnigii tagay uu ciidanka jabhadda ahaa qaar dhuumaalaysi ku jira oo dagaalkoodu uu yahay ku dhofoo ka carar. Waxaa iyadana taariikhda ku xusan, in dagaalka uu ururka TPLF- ku soo qaaday jabhadda uu sabab u ahaa markii ay Jabhadda (ONLF) iyadoo ka duuleysa aftidii uu baarlamaanka gobolka ku ansixiyay in dadaweynaha afti laga qaado ay dowladdii dhexe ee Itoobiya u gudbisay aragtideeda ku aaddan aayaha shacabkeeda, oy codsatay in laga qaado afti si ay u muujiyaan rabitaankooda maadaama ay tahay fursad maanta la gudboon. Waa tii ay dhammaadkii shirkii baarlamaanka qowmiyadda soomaalida ee jigjiga lagu qabtay iyadoon lagu kala ambabixin ay TPLF-tu 22nd February sannadkii 1994kii weerarka ku qaadday guddoomiyihii jabhadda ONLF Sh.Ibraahim Cabdalla Muxamed (Alaha u naxariistee) oo socdaal ku joogay magaalada Wardheer. Dagaalkaas oo ay ku naf waayeen tiro ka badan 50 qof oo reer Wardheer ah wuxuu ahaa mid ayna u kala hadhin yar iyo weyn dadka magaaladu, taasina waxay argagax iyo filanwaa ku noqotay ciidankii gumeysiga ee halkaas joogay oo dagaalkaas ku waayey in ka badan boqol askari, waxaana halkaas ku fashilmay isku daygii ciidanka TPLF ee ahaa qabashada gudoomiyaha iyadoo ay badbaadday sharaftii ******ya. Weerarkan oo dhacay kaddib markii uu soo baxay go’aankii baarlamaanka waxa uu la midyahay weerarkii Birqod ee dhacay 21st January sannadkii 1992kii maalmo uun kaddib shirkii garbo ee lagu dhisay hoggaanka jabhadda.

 

Guuldarradii wardheer intii kadanbeysay EPRDF-tu waxay billowday in ay kulamo kala duwan kula yeelato magaalooyinka Addis Ababa, Harar, Qabridahar iyo Godey qaar ka mid ah qaybaha bulshada, kulamadaas oo ay uga gol lahayd in ay ku ogaato aragtida dadweynaha ee ku aaddan go’aannada jabhadda iyo baarlamaanka. Meles Zinawi markay u soo baxday inaan loo xiiso qabin aragtidiisa ayuu weerar ku qaaday xarumaha jabhadda waddaniga xoreynta ********iya (ONLF) ee ku yaalay gudaha dalka, waxayna si badheedh ah ugu dileen qaar ka mid ah madaxdii xafiisyada jabhadda.

Qoraalka uu sii socon doona; waxaan ka codsanayaa goobjooga-yaashii taariikhdan inay furaan waxay ka ogyihiin arimahan, gaar ahaan waxa uu ka aaminsan ururkan TPLF iyo KT Zinawi arimaha wadahadalka iyo in nabad lagu dhameeyo xaaladda dalkeena.

 

Qaybtii Hore ee Qoraalkan

 

Abuu Sharmaarke

Sharmaarke_2@yaahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saqajaan   

The ONLF is an unorganized clan rebel movement, they've been fighting ethipions for so long and have achieved virtually nothing. They need a new strategy, and get the other clans in that region involved if they want to do real damage to the xabesh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^Your negativity will get you no where sxb. You have responded with this negative way on every thread you responded to.

 

Bal dib isugu noqo!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saqajaan   

ma been baa sheegay in every thread? I don't think so. What's there to be positive about? Do you want me to join the chorus of delusional ****** here?

 

The ONLF's goals are noble, which can't be said for many other groups. I'm just criticizing their methods.

 

[ August 17, 2008, 02:45 PM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
ilax   
Originally posted by The Zack:

[QB] Ururka ONLF iyo Masiirka Ummadda Gobolka ********iya - A Response ( Part II )

 

Qaybta 2aad ee risaaladayda waxaan hordhac uga dhigayaa codsigii aan ku xidhay Q1aad ee ahayd in Safiir Cali C. Gurxan isagoo u taraya marxaladda ay umadiisa mareyso uu aad u miisaamo qoraaladiisa. Eego bal inay waxtar u yihiin qoraaladiisa cadawga (gaar ahaan haduu bilaash ku qorayo) iyo inay yihiin qoraalo uu ku doonayo inuu ku soxo dhaliilaha u muuqda taasoo uu doonayo in wax laga qabto. Waxaanan ku baraarujiyay in – Ereyga uu leeyahay xisaab dambe ifka iyo aakhiraba - .

 

Yes, I hope , he ment to light on the weakness of ONLF. I don't know him, personally, but He seem inuu u dhunuun duleelo xaaladas siyaasded ee deegaanka, Ha inas siiyo hadba waxii uu xog kahayo, then history will teach us the right lesson.

 

To Saqajan

Saaxiib, ONLF ma aha qabiil , for me they are 'political organisatin',although, some times they act like , 'un politician'. Waa sidan qabo. Marka saaxiib ha qabiilaynin doode nimanka ku eede waxii dhalil ah eed i hayso. In any case, we should not undermine, their braveness to wage war against the occupation and injustice prevelant in the Region.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this