Sign in to follow this  
General Duke

Geedi, TFG will not talk with courts....end of Khartum agreement..

Recommended Posts

Ra`isul Wasaaraha Soomaaliya Oo Sheegay In Wax Wada Hadal Ah Aysan La Galeyn Maxkamadaha

 

July 10, 2006 . HornAfrik. Mogadishu , Somalia .

 

Ra`sul wasaaraha dowlada KMG ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ku eedeeyay golaha maxaakimta Soomaaliyeed in ay jibiyeen hishiikaii xabad joojinta ahaa ee ay dowlada kula soo galeen magaaladaQartuum eexarunta dalka Suudaan.

 

Mr Geedi oo u waramayay BBC-da laanta Africa la hadasha ayaa daboolka ka qaaday in aysan dowlada wadahadalka 15-ka bishaan lagu balan san yahay aysan ka gayb gali doonin oo aysan la kulmi doonin golaha maxkamadaha haddii ay dhacdana ay wadahadalka la gali doonaan maxkamadaha Ahlu Sunnah Waljamaca .

 

Ra`isul wasaaree Geedi oo la weydiiyay in dowlada Soomaaliya ay wadahadala la galeyso gudoomiyaha golaha fulinta ee maxkamadaha ayaa tibaaxay in taa ay la mid tahay kulan toos ah oo lala qaato hogaamiyaha ururka Alqaacida Usama Bin Ladin .

 

Hadalka Geedi ayaa soo baxay saacado yar ka dib markii ra`isul wasaare ku xegeenka ahna wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Xuseen Caydiid uu ku eedeyay maxkamadaha in ay jibiyeen hishiiskii Qrtuum isla markaana ay laayeen dad rayid ah taasina ay wax u dhintay wadahadalkii u socday dowlada iyo maxkamadaha .

 

Ilaa iyo iminka ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay Maxkamadaha oo ku aadan hadalada ka soo yeeray xukuumada KMG ah e Soomaaliya .

 

Dhanka kale golaha amaanka ayaa lagu wadaa in maanta ay yeeshaan kulan gaar ah oo looga hadlayo arimaha Soomaaliya xilli magaalada Muqdisho ay mar kale ka bilaawdeen dagaalo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

BAYDHABO: Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo sheegay inaysan Dowladdiisu kulan la qaadanayn Maxkamadaha

Posted to the Web Jul 10, 10:31

 

 

Baydhabo (PP) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo saakay la hadlayay Barnaamijka Network Africa ee ka baxa BBC-da ayaa sheegay in Dowladdiisu aysan wax wadahadallo ah oo dambe la qaadanayn Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho ka jira.

 

 

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu ka dhawaajiyay in Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho ka jira ay ku tunteen heshiiskii ay dowladdu kula soo gaaray Magaalada Khartoum ee dalka Sudan sidaa daraadeedna aysan iyaguna u heelanayn inay kulan la qaataan.

 

 

"Maxkamadaha islaamiga ah ee Muqdisho ka jira waxay ku xadgudbeen qaybo ka mid ah heshiiskii aan kula soo gaarnay dalka Sudan, waana mid aan macquul noqonayn haba yaraateen inaan kulammo kule la yeellanno, balse waxaan kulammo la yeelan karnaa oo keliya Maxkamadaha Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee ka jira iyagana Magaalada Muqdisho" ayuu ku yiri wareysigaas Prof. Geeddi.

 

 

Mar uu ka jawaabaya su’aal ahayd ma la kulmaysaa Sheekh Xasan Daahir Aweys si aad dowladda ugu dartaan ayuu ku jawaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya "Anigu Xasan Daahir oo aan la kulmo waxay iiga dhigan tahay Sheekh Usaame Binu Laden oo aan la kulmo mana dhacyso taas".

 

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalladiisa waxay u muuqdeen kuwo aan suurogal ka dhigayn in dowladdiisu ay dib dambe ula kulanto Maxkamadaha Islaamiga ah ee ka jira Magaalada Muqdisho.

 

 

Maxkamadaha Islaamiga ayuu ku sheegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya inay jabiyeen heshiiska qaar ka mid ah oo ahaa in aan wax dagaallo ah oo dambe aan la hurin, taasoo uu sheegay inay ku xadgudbeen ayna u bareereen xadgudubkaas.

 

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho ayaa kala fogaanshahoodu marayaa meeshii ugu khatarsanayd.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Ghedi is most incompetant Somali PM ever and it takes allot to win that prize.

 

The TFG not negotiating with the ICU is just plain ****** , what does one have to loose by negoiating? Aren't the TFG supposed to be bringing peace and reconciliation?

 

Anyhow I am tired of these stalemates. How about this all out war that they have been promising us since 1993

 

Just do it and get it over with it. We will obey the winner and thats that.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Ghedi's So-called Dowlad wasn't put in place through the will of Somalis anyway.

 

Let him go and claim asylum in Addis, cause the ICU will come to Baidao Insha Allah. Insha Allaah one day, Ghedi and the likes of him will be nothing but history in the Somali politics arena and he will follow the guys like Mohamed Dheere, Qanyare, Muuse.

Share this post


Link to post
Share on other sites

If this news is indeed true, then the TFG will suffer self-inflected wounds. I predict that the Sharif and likeminded MPs will either defect to Mogadishu or make Geedi’s job a complicated one: prolonged in fighting. On the other hand, this will practically give ICU a diplomatic win from the Arab world.

 

Interesting to see how things progress from here.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geddi is really in tune with what can happen once the courts get rid of last warlord andd to make it further geddi will be replaced sooner or later when the majority of the mp's depart for muqdhisho for the real show

Share this post


Link to post
Share on other sites

First of all the majority of MP's will not go any where, there are many reasons for the TFg to change their minds, these clan courts are not interested in talks, they claim wrongly they run the country when they do not run Mogadishu as the case of the latest blood bath.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^^Too bad, as for the latest battle, your analysis and perspective is abosolutely misguided. Have I got news for you, C.Qaybdiid got defeated, injured and admitted to Madina Hospital while his armour is being counted by the ICU as we speak. Check below:

 

MUQDISHO: Ciidammadii Col. Cabdi Qaybdiid oo laga awood badiyay iyo dhaawac gaaray Col. Qaybdiid

Posted to the Web Jul 10, 19:35

 

 

Muqdisho (PP) - Dagaalkii kululaa ee Muqdisho ku dhex maryay labadii maalmood ee la soo dhaafay Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Col. Cabdi Qaybdiid ayaa ku soo afjarmay maqribnimadii maanta in laga awood badiyo Col. Qaydiid oo qaba dhaawac aan sidaas u buurnayn.

 

Col. Cabdi Xasan Cawaale (Qaydiid) ayaa wuxuu haatan ku jiraan Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho halkaasoo looga daweynayo dhaawac yar oo uu qabo, waxaana lagu wadaa sida uu sheegay Afhayeenka Maxkamadaha Islaamiga ah ee Al-furqaan oo ay leedahay Beesha Sacad oo uu ka soo jeedo Cabdi Qaybdiid inuu is-dhiibay Cabdi Qaybdiid hubkana laga tirinayo caawa.

 

Sarkaalkaan oo lagu magacabao Cago-weyne ayaa sheegay in hubka ay la wareegayso Maxkamadda Al-furqaan Col. Qaybdiidna loo ogolaanyo inuu isaga baxo magaalada Muqdisho oo uu qabto meel kale ama uu nabad ku joogo Magaalada Muqdisho.

 

Galabta ayaa waxaa soo gaaray Magaalada Muqdisho Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Cusmaan Xasan Cali (Caato) waxaana la sheegay in sababta uu u yimid ay ka mid ahaayeen inuu dhexdhexaadin ka dhex sameeyo labada dhinac ee dagaallamaya, balse waxay arrintu soo gabagabowday isla galabta.

 

Sababaha ugu waaweyn ee keenay inay is dhiibaan ciidammada Cabdi Qaybdiid ayaa lagu sheegay inay ugu weyn tahay iyagoo hal goob oo yar la isugu ururshay dagaal aad u xoog badnaa oo ay galabta ku qaadeen Maxkaamdaha inkastoo Maxkamadaha mar laga awood badiyay haddana ay dib ugu laabteen goobihii lag asoo bixiyay ayna ciriiri geliyeen.

 

Isbitaalka Madiina ayaa waxaa la sheegay inay caawa ku hareeraysan yihiiin Ciidammo ka tirsan kuwa Maxkamadaha oo la sheegay inay amar ka haystaan Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaasoo lagu sheegy inay gacanta ku soo dhigaan Col. Cabdi Qaybdiid ayna ka ilaaliyaan inuu ka baxsado Isbitaalka.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Paragon, the news from Mogadishu late last night was that A/qaybdeed lost, and was not able to continue. My position on him has been to hand his wepons over to Al-Furqan his clans court from day one.

 

My point was simple the courts claim of controlling the country is laughable.

 

Go back and read the former posts concerning Mr Qaybdeed and my stance on the warlords Vs Courts. Before you embark on another useless argument...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii Muqdisho.

 

Cabdi Qaybdiid oo gebi ahaanba lagala wareegay hubkii iyo goobihii uu ka talin jiray

 

Maalintii labaad ayaa dagaal waxa uu ka dhacay deegaanada ay ka mid yihiin Jaamacaddii Ummadda, Agagaarka Isbitaalka Banaadir, Sildhiga Mareykanka iyo Soona-key, gaar ahaan dhabarka dambe ee Isbitaalka Dikfeer, waxaana dagaalkaan la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud, waxaana la sheegay in Maxaakiimta ay si aad ah ugu siqayaan goobihii uu ka dagaalamayay Cabdi Qaybdiid.

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay dagaalkaasi oo ahaa kii ugu xumaa oo mudooyinkaan ka dhaca Magaalada Muqdisho, qaar waxay sheegayaan in Cabdi Qaybdiid iyo Maleeshiyadiisii ay gebi ahaanba joojiyeen dagaalkii, warar kale ayaa waxay sheegayaan in Odoyaal ka tirsan Beesha uu ka soo jeedo Cabdi Qaybdii ay dhex dhexaadin ka wadaan dagaalka saameynta ku yeeshay dadka rayidka ah ee ku nool Magaalada Muqdisho,.

 

Dagaalkaan ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 50 qof ayna ku dhaawacmeen 80 qof, kuwaas oo intooda badan la dhigay Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

 

Warar hadda na soo gaaray waxay sheegayaan in maleeshiaydii iyo hubkii Cabdi Qaybdiid ay gebi ahaan la sheegay in ay isku dhiibeen golaha Maxaakiimta, waxaana tan iyo xalay socday sidii loo dhameystiri lahaa dagalkaasi oo labo maalmood si xowli ah uga socday magaalada Muqdisho, ilaa iyo hadda lama oga halka uu ku dambeeyay Korneel Cabdi Qaybdiid, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayan in uu baxsaday, warar kalana waxay sheegayaan in uu ku jiro gurigiisa oo ay waan waan socoto, kadib markii Midowga Maxaakiimta intii badneyd goobihii uu ka talin jiray Cabdi Qaybdiid gacanta ku dhigeen. (Cinwaanada warbaahinta caalamku ay ka qoreen muqdisho maanta ayaa ahaa: "Abdi Hassan Awale Qeydiid, qabqablihii 'secular warlord' ee ugu dambeeyey Soomaaliya oo isu dhiibay maleysiyada Maxaakiimta). [Kelmedda Secular qaamuuska Soomaaligu waxa uu ku macnaynayaa sidan: Secular = cilmaani (ee cilmi-adduun ku salaysan, oo diin iyo aakhiro toona aan ku lug lahayn.)]

 

(Waa warkii habeenidii Isniinta July 10, 2006 - xilliga Muqdisho).

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Ciidamadii Cabdi qeybdiid oo maxaakiimta isu dhiibtay caawa

Posted to the Web Jul 10, 23:15

 

ciidamadii u dagaalamayey cabdiqeybdiid ayaa caawa isu dhiibatay midowga maxaakiimta islaamiga kadib markii galabta goobihii ay fadhin jireen xoog looga soo qabsada Dagaal kharaar oo maanta gelinkii danbe maxaakiimtu ku qaadeen goobihii ay fadhiyeen cabdiqeybdiid ciidamadiisa, waxaa maxaakiimta u suurta gashay inay qabsadaay dhamaan dhulkii ay haysteen maleeshiyada ka amar qaadata cabdiqeybdiid

 

 

oo kamid ahaa isbahaysigaii laga awooda roonaaday ee ladagalanka argagixisada Warar aanu ka helayno goobihii uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegaya in dhamaan tiknikadii iyo hubkii maleeshiyada cabdiqeybdiid lagu soo xareeyey garaashkii cusmaan caato, ee ku yaalay agagaarka isbitaalka digfeer Weli wax war ah lagama hayo halkuu ku danbeeyay cabdiqeybdiid, oo asagu mas,uul ka ahaa dagaalkaas.wararka qaar ayaa sheegaya inuu dhaawacan yahay yaalana isbitaalka, halka wararka kalana ay sheegayaan inuu isaga iyo koox yari ay diideen inay is dhiibaan, laguna hareereysan yahay guriga ay ku jiraan

 

 

Soomaalinews.com-Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Qeybdiid oo la dhaawacay iyo maleeshiyaadkisa oo hubka iska dhigaya.

 

10-07-2006 MarkaCadey.Net

Warar dhawaan aan ka helnay jiidda hore ee dagaalka ayaa sheegaya in Col.Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ku dhaawacmay dagaalkii galabta,isla markaana uu haatan ku sugan yahay sarta saay Biyaan,halkaasi oo maleeshiyaadkiisu wali ay ka dagaalamayaan.

 

Warkaan oo aan kasoo xiganay masuul kamid ah Maxaakiimta ayaa sheegaya in C/Qeybdiid uu yahay dhaawiciisyu mid fudud,inkastoo aan la shaacin halkaa uu dhaawaca kasoo gaaray.

 

Col.Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa dagaalkii maanta qeyb libaax leh ka qaatay,iyadoo warar ay sheegayaan in uu gaanbdhari ka ahaa mid kamid ah gawaarida dagaalka ee Zuuga loo yaqaano.

 

Waxaa caawa la isla dhex marayaa in Qeybdid uu sheegay in uu isku dhiibayo Maxaakiimta,hayeeshee loo baahan yahay in taasi ay kalaaajoodaan Maxakamadda al furqaan oo beeshiisu ay maamusho,isla markaana hoos tagta Midowga Maxaakiimta.

 

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijin kara arrimhaasi,hayeeshee guddomiyaha Golaha Fulinta Maxaakiimta o qudbad ugu jeedinayay ciidanka Maxaakiimta xarunta Midowga maxaakiimta ayaa shaaca ka qaaday in qaar katirsan maleeshiyaadka Qeybdid ay isi soo dhiibeen,isagoo xusay in dagaalka ay dhawaan soo afjarayaan.

 

Dagaal aad u qaraar ayaa caawa maqribtii dhacay,iyadoo haatan xaaladdu ay degan tahay,mana jiraan wax rasaas ah oo laga maqlayo goobihii dagaalka.

 

Dhanka kale maleeshiyaadka Qeybdid ayaa la sheegay in haatan ay bilaabeen in ay iska soo wareejiyaan hubkooda,iyagoo ku wareejinaya maxkamadda Al Furqaan.

 

Sarkaal sare oo katirsan Maxaakiimta ayaa noo xaqiijiyay in maxaakiimtu ay guddi u magacwoday in hubka Qebdiid uu kasoo wareejiyo,isla markaana maleeshiyaadka ay si xur ah isaga hayaamaan.

 

Guddigaasi ayaa waxaa kamid ah Sh.Daahi nin lagu magacaabo iyo Sh.Cabdi Nuiur oo ah masuuliyiin katirsan Maxaakiimta.

Wararkaasi inkastoo aan la xaqiijin karin ayaa hadane waxaa kasoo xiganay ilo xog ogaal ah oo ka tirsan Maxaakiimta.

 

 

 

 

Jibriil Nuur Alghamidi

Xafiiska MarkaCadey & Hamarey ee Muqidisho - Somalia

news@markacadey.net

 

gabriyale@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this