Sign in to follow this  
Dhubad.

C/Yusuf Maxaa u Qabsoomay?

Recommended Posts

Dhubad.   

Laga soo bilaabo dagaalkii 1978dii isku daygii afganbigii dhicisoobey ee uu Cabdullaahi Yusuf qaybta ka ahaa waxuu ina Yeey jeexdey ahdaaf iyo qorshooyin isaga dantiisa ah. Waxaan maanta qormadan ku eegeynaa waxa Cabdullaahi Yusuf u qabsoomey iyo waxa wali ka kala yaalla inta nolosha uga dhiman ee uu rabo inuu qabto.

 

1-Aan ku billoowno burburkii Somaliya iyo dawladdii Militariga aheyd. Cabdullaahi Yusuf waxuu maxfallo badan iyo shirar badan isku faaney iskuna amaaney inuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee mucaaraday dawladdii Somaliya ama ninkii ugu horeeyey ee ugu horeeyey ee Qori ku rida qarankiisii. Si kale marka loo dhigana cabdullaahi Yusuf waxuu yahey Haabiil-kii Somaliya maaddaama oo jidkii uu jeexey ay Somali ku halaagsantey. Kolka waxaa la odhan karaa Cabdullaahi Yusuf waxaa u qabsoomey riyadiisii aheyd in Somali burburto.

 

2-Qorshaha labaad ee cabdulaahi Yusuf uu geed dheer iyo mid gaaban ugu istaagey waxey aheyd inuu helo awood ciidan oo aan naxaynin taasoo uu isticmaalo mararka hawluhu sakal ka galaan. Markaad dib u milicsato Odayga taariilkhdiisii muddooyinkii danbe ee Somali burbursaneyd waxaa soo marey hawlo badan waxuuna midwalba uga baxey adeegsiga cadaw aan illaaheyna ka baqin dadkana u naxariisan oo ahaa Ethiopianka. Cabdullahi waxuu sigtey markii ay wadaaddadii 90aadkii ay qabteen balse ay iska sii daayeen. Waxii intaas ka danbeeyey waxuu ahaa nin isu soo jeedaw waxuu arkana dabka saara. Inagoo kawada baxsan dagaaladii iyo sidii uu ku heystey Boosaaso waxaan odhan karnaa waa ay u qabsoomeen hadafkiisii iyo dantii uu kalahaa Boosaaso iyo Puntland.

 

3-Oday Cabdullaahi waxaa intaasoo dhan u dheeraa inuu ahaa nin jeclaa in maalin uun loo aqoonsado ama loogu yeedho Madaxweyne taasna waxaa ku taageerey saaxiibadiis Tigree. Cabdulaaahi Yuusuf waxuu isagu balanku qaadey inuu fulinayo waxwalba oo looga baahdo isaga mar haddii kursiga lagu fadhiisiyo. Waxaa Cabdullaahi Yusuf laga hayaa inuu yidhi Somali haddii aniga la iidhiibo cidii la kari waayo baddaan ku dari waxaana usoo kaxeysan ciidamo Shisheeye. Kolka waxaan odhan karnaa inuu Cabdullaahi hirgaliyey inuu ciidamo keensadey, dadkii Somaliyedna badda ku daray iyo waliba dhulka isagoo waliba burburiyey hantidoodii guryaha aheyd ee ka badbaadey dagaaladii Sokeeye ee 17ka sano.

 

4-Ina Yeey waxaa kale oo uu balan ku qaadey inuu ganacsiga Koonfureed gaar ahaan Muqdisho dhulka dhigi doono si dadku uga amarqaataan loona caydhteeyo. Waxaa maalmahan Muqdisho ka socdana waxaa weeye dhicidda hantida Somaliyed ee suuqa Bakaaraha iyo meelihii kaleba. Dhicitaanka hantidan waxay keeni doontaa in ree Muqdisho dhanka ganacsiga ku xidhmaan Boosaaso isla markaana ay Muqdisho barakacdo. Arintaasina si wanaagsan ayay ugu socotaa odayga.

 

5-Waxaa kale oo Ina Yeey u qarsanaa inuu khilaaf kadhex alooso beelaha Somaliyed si uusan dhulku udagin. Markaad eegto Waxa ka aloosan Kismaayo iyo Muqdisho waxaa dareemeysaa iney dhamaan yihiin farsamo Tigree iyo Ina Yeey si aan loo helin dad fikirina waa in dadka la mashquuliyaa. Cabdullaahi Yuusuf way u shaqeysey taasi!.

 

6-Arin kale ayaa iyana ah in Muqaawamada iyo shacabka ree Muqdisho la iska horkeeno waxeyna ciidamadiisa iyo Tigreegu bilaabeen iney banbaanooyin ku qariyaan meelaha qashinka ah iyo waliba meheradaha si loo abuuro naceyb ay dadku u qabaan Muqaawamada.

 

7-Ugu danbeyn Cabdullaahi Yusuf waxuu sheegey inuu shaqeyn doono habeen iyo maalinba haddii loo dhiibo hawsha Somaliya. Waxaa muuqata in habeenkii iyo maalinkiiba ay ciidamada Tigreega iyo kuwiisuba ay dadka dhacaan, dilaan ama gumaadaan. Hawshanina si toos ah ayay u shaqeyneysaa.

 

Isku soo duuboo, Cabdullaahi Yusuf waxuu ku riyoodey ee ahaa dhibka iyo gumaadka shacabka Somaliyed intooda badan waa ay u qabsoomeen waxuuna aad ugu faraxsanyahey in Somali kala lunto. Kolka waxaan odhan karnaa Cabdullaahi Yuusuf Waa Qumey, aakhirana waxuu eebbe u qorey baa u yaalla umaddiise dhamee waxuu dhacey, waxuu diley iyo waxuu badda ku gureyba! Waxaase udhiman odayga waa Xisaabta Eebbe oo uusan Tigree heli doonin uga jawaaba su aalaha laweydiin doono.!

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/Lahi Yusuf waxa u qabsoomay:

 

1- Wuxuu isku dayay inuu afgembi sameeyo wuuna ka dhicisoobay.

 

2- Wuxuu aasaasay ururkii SSDF

 

3- Wuxuu sameeyay puntland

 

4- Wuxuu ka adkaaday Itixaadkii uu Aweys hogaaminayay

 

5- Wuxuu ka adkaaday Jaamac cali jaamac

 

6- Wuxuu ka qaybgalay shirkii Mbegatti

 

7- Wuxuu noqday madaxweynaha tfg

 

8- Wuxuu degey Jawhar

 

9- Wuxuu u guuray Baydhabo

 

10- Wuxuu u soo wareegay Muqdisho

 

11- Wuxuu degey Villa Somalia

 

12- Wuxuu keenay xabashi

 

13- Wuxuu keenay Ugandan

 

14- Wuxuu keenay Jinni kele :D

 

15- Wuxuu laayay dadkii ka soo horjeeday ee Muqdisho

 

16- Wuxuu dowladiisa ku soo daray A/Qasim, Ali Mahdi iyo kuwii ay ugu colsanaayeen.

 

17- Wuxuu soo raray reer puntland oo iyagoo kumanaan ah u soo guuraya muqdisho.

 

18- Wuxuu ka adkaaday ICU

 

19- Wuxuu salaamay dhowr madaxweyne

 

20- Wuxuu ku wareeray arinka Kismaayo

 

21- Wuxuu sugayaa inuu weligii madaxweyne ahaado

 

 

:D:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Dabshid:

^^Maxaad usoo qortay 21 qodob? any reason?

C/llaahi soo Maxamed Siyaad (AUN) ma jecla inuu bareejeeyo..lol...

 

Jacaylbaro ishaad ka tuurtay ninka waxqabadkiisii marka laga reebo inaad illowdey:

 

22. Wuxuu taageeray duqayntii Maraykanka ee reer miyiga Raas Kambooni deggan isagoo yiri awalba raadiyahaan ka maqlay.

 

23. Wuxuu khudbooyin ku aflagaadeeyey Qabaa'illo Soomaaliyeed, shakhsiyaad iyo rag xaasaaskood.

 

iyo weliba 24. Mar kasta wuu iska faanaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Dabshid:

^^Maxaad usoo qortay 21 qodob? any reason?

Coz wax qabadkiisu wuu ka badan yahay inta maqaalka lagu soo koobay oo ah 7 qodob oo keliya ,,,,,, aniga laftaydu qaar baan ka tegey weliba :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this