Sign in to follow this  
Laba-X

SOL Cafe...

Recommended Posts

Sophist   

Hanaanka hadalkiyo

Hiihaafka sheekada,

Hagardaamada hiilka leh,

Heerka sare lagu horray

Lagu hiirsan maayoo

Haaweey katalis weeye hoygii.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Hanaanka hadalkiyo

Hiihaafka sheekada,

Hagardaamada hiilka leh,

Heerka sare lagu horray

Lagu hiirsan maayoo

Haaweey katalis weeye hoygii.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Originally posted by Laba_Xiniinyood:

Emperor

 

Ma dhufays baad iigu jirtaa sxb waadiga Raage ugaas ii mariyeye waanba kaa shakiyey!
:D:D

Haha, maya Saxib, gabayganna waxaa iska leh Ugaas Nuur Ugaas Rooble ee ma ahan Raage Ugaas. He's was a diplomatic tactician, I would say a genius strategist. Inkastoo anigu qorigayga aan dhinac kawatay ee Qaybta dipomasiyada iyo adoo wax diidan inaad hadana aqbashid ayaan usoo qaatay, since Xiin uu maalmahan nabad nagula wareegaayo :D .

 

Gabaygiisa waa kan inta danbe eeg lol

 

Allahayow nin ii daran maxaan daafta hore seexshay

Nin i daaqsanaaya na maxaan daafiduu kariyay

Naftu nimaanay doonayn maxaan hadalka deeqsiiyay

Ma degdego ee xaajada maxaan ugu dulqaadyeeshay

 

Weji dabacsan daymo aan dareen gelin dubaaqiisa

Debno furan dabuub uuna ka didin deexashiyo muuso

Qosol debadda yaalloon ka iman dhuunta dacalkeeda

 

Waxaan dood kaftana sheeko aan ugu daleeyaaba

Dabinkaan u dhigay maalintuu degelka soo saaro

Intiiyoon dawaarkii ugu rogrogay xeelad na u daadshay

Isagoon digniin qabin maxaan kaga dayaan siiyay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Originally posted by Laba_Xiniinyood:

Emperor

 

Ma dhufays baad iigu jirtaa sxb waadiga Raage ugaas ii mariyeye waanba kaa shakiyey!
:D:D

Haha, maya Saxib, gabayganna waxaa iska leh Ugaas Nuur Ugaas Rooble ee ma ahan Raage Ugaas. He's was a diplomatic tactician, I would say a genius strategist. Inkastoo anigu qorigayga aan dhinac kawatay ee Qaybta dipomasiyada iyo adoo wax diidan inaad hadana aqbashid ayaan usoo qaatay, since Xiin uu maalmahan nabad nagula wareegaayo :D .

 

Gabaygiisa waa kan inta danbe eeg lol

 

Allahayow nin ii daran maxaan daafta hore seexshay

Nin i daaqsanaaya na maxaan daafiduu kariyay

Naftu nimaanay doonayn maxaan hadalka deeqsiiyay

Ma degdego ee xaajada maxaan ugu dulqaadyeeshay

 

Weji dabacsan daymo aan dareen gelin dubaaqiisa

Debno furan dabuub uuna ka didin deexashiyo muuso

Qosol debadda yaalloon ka iman dhuunta dacalkeeda

 

Waxaan dood kaftana sheeko aan ugu daleeyaaba

Dabinkaan u dhigay maalintuu degelka soo saaro

Intiiyoon dawaarkii ugu rogrogay xeelad na u daadshay

Isagoon digniin qabin maxaan kaga dayaan siiyay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Awrka dooba dhabayee

Dareenkuna dulleeystoow

Kolkaad ciinka daaqduu

Uurka dacar ku gaadhiye

Hadba dibbiro daciye

Deedna dabarka goosane

Oo uu orod ku daashane

Mawkuna ku daariye

Nafta qunyar deeyniye

Dugaagtuna u loogiye

Diiqqa ciyey ma tihide

hoy wixi daantaa garo!

 

Waxa iga dardaarane

Wanaag laguma diimee

Nimanyahow dadkeenii

Dacdaraysan weeyee

Nimanyahow dalkeenii

Dukumdaakum weeye

Nimanyahow dirkeenii

Waa wada dallaganee

Dumarkii dhamaantood

Deebaaqi saaqdaye

Nimanyahow duqeydii

Darxumaysan weeyee

War hoy danabadeenii

Daacuumaysan weeye

Ma wax loo dulqaataa?

 

Dalku waa lama huraanee!

Dib u socodku waa maxay?

Samaan diidku waa maxay?

Qaran dumisku waa maxay?

Diin nacaybku waa maxay?

Dugga gubada waa maxay?

Dab u shidida waa maxay?

Waran daabku waa maxay?

Maata dooxu waa maxay?

Damaq li'idu waa maxay?

Gaala doonku waa maxay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Awrka dooba dhabayee

Dareenkuna dulleeystoow

Kolkaad ciinka daaqduu

Uurka dacar ku gaadhiye

Hadba dibbiro daciye

Deedna dabarka goosane

Oo uu orod ku daashane

Mawkuna ku daariye

Nafta qunyar deeyniye

Dugaagtuna u loogiye

Diiqqa ciyey ma tihide

hoy wixi daantaa garo!

 

Waxa iga dardaarane

Wanaag laguma diimee

Nimanyahow dadkeenii

Dacdaraysan weeyee

Nimanyahow dalkeenii

Dukumdaakum weeye

Nimanyahow dirkeenii

Waa wada dallaganee

Dumarkii dhamaantood

Deebaaqi saaqdaye

Nimanyahow duqeydii

Darxumaysan weeyee

War hoy danabadeenii

Daacuumaysan weeye

Ma wax loo dulqaataa?

 

Dalku waa lama huraanee!

Dib u socodku waa maxay?

Samaan diidku waa maxay?

Qaran dumisku waa maxay?

Diin nacaybku waa maxay?

Dugga gubada waa maxay?

Dab u shidida waa maxay?

Waran daabku waa maxay?

Maata dooxu waa maxay?

Damaq li'idu waa maxay?

Gaala doonku waa maxay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Laba-X   

War hoy Emperorow joog!

 

Sophist wey dambeysaa sheekao weli ee ha sugi waayin.

 

Isseh Maadaa qoray kaa ina adeer - brilliant!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Laba-X   

War hoy Emperorow joog!

 

Sophist wey dambeysaa sheekao weli ee ha sugi waayin.

 

Isseh Maadaa qoray kaa ina adeer - brilliant!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Laba-X   

Enter AT & T:

 

AT & T:

Salaan diirran oo wacan

Dahrigiyo korkaygiyo

Ku duubnayd wadnaha oo

Qalbiga aan ka soo diray

Docdiinaan u fidiyee

Daruurtiyo hawada kore

Ka qabsada dabaylaha

 

Dhamaan: waa lagaa qaaday!

 

AT & T:

Salaantaasi dabadeed

Waxaan idin dareensiin

Darajada inoo timi

Dalkan iyo addunkaba

Waa loo dabbaaldegey

Xuub baa iga dillaacoo

Anna waan ku diirsaday

Dadka waan ka quustaye

Dunida sow rag baa nool

Maxaa diricyo soobaxay

Ku darmaday kuwii hore

Allow Shabaabka noo daa

 

Kashafa:

Anna waxaan kusii daray

Hadaan laysku duubnaan

Danta aan mid loo noqon

Dar ilaahay loo socon

Degi mayso mowjaddu

 

Baashi: [to AT & T]

Xaajadu da’ weynaa

Dagdaglow hasoo gelin

War yaan digada lagu guban

 

AT & T: [to Baashi]

Xaajadu ma daahnoo

Nagamay dahsoonee

War yaan laysu duurxulin

 

Enter Sophist:

 

Sophist:

Duqsi caano meel yaal

Ku dabaal bartaa jirey

Maalin buu dalxiis tegey

Digsi fuud ku jirobuu

Dalaq yidhiye yaa dilay?

 

Isseh:

Da’yartiyo ragaas kacay

Diintooda u halgamay

Kan ku doodayoo yidhi

Qabiil bay dugsoodaan

Dannigayga saan qabo

Doqonniimo kama foga

 

Laba-X:

Axmad Guray dabkuu shiday

Dufulleeyda Xabashida

Dalka nooga baxa yiri

Gumeystaha ku dabar jaray

Ceeriinkana daldala yiri

Dar baa jirey dharaartaas

Diillaal iyo mallaalloo

Amxaarada la duubnaa

 

AT & T:

Sayyidkii markuu diray

Annagaa dalka leh oo

Idin dooni meynee

Degdeg nooga baxa yiri

Dareensiiyey gaalada

Markii ay ka diideen

Weerar daaha kaga rogey

Dar baa jirey dharaartaas

Gumeystaha la duubtoo

Diidey madax-bannaanida

 

Kashafa:

Geesi daacadnimo iyo

Bartuu dalaq yiraahdiyo

Gaashaan daruurliyio

Hub isdiraya loo daa

 

Isseh: [to Baashi]

Fuleyna dacay qalloocdiyo

Baqe lagu darsado iyo

Dib inuu u carariyo

Dumarkuu u faaniyo

Carrab dalab leh loo daa

 

Laba-X: [to General]

Doc-faruurna qayliyo

Hadallo is derdera iyo

Shaki lagu darsado iyo

Warkiisuu dafiro iyo

Debmigiisaa loo daa

 

Kashafa:

Duufaan lama qabqaban karo

Dabayl lama xukumi karo

Dagaal (Jihad) lama horjoogsado

Alloo doona mooyee

Dibna looma celin karo

 

Xiin:

Soomaalidu duliyo dacal

Dad wanaagsan weeyaan

Dun xariira weeyaan

Dabcigoodu wayku kal

Dhaqankooda doorka ah

Lamadoorin karayoo

Dulligana ma yeelaan

Xumaanna uma dulqaataan

Nin derderase iga daa

Damaciisu waalane

 

Emperor:

Dad is wada yaqaanoo

Duddo gaar ah weeyaan

 

Xiin:

Waxa iga dardaaran ah

Dalka kan u sarreeyiyo

Derbikii fadhia iyo

dadweynoow dhamaantiin

qofna dun ahaantii

madabbaalan karayee

dantu wada jir weeyee

war yaan dib loo noqon!

 

Sophist:

Ruuxaad magac u diidoo

Diir aad wadaagtaan

Waa wax adiga kuu daran

Dayaxaa filkeen tegey

Dadaal bey ku gaadheen

Waxaan uga dan leeyahay

Waa iga dardaarane

Dib u gurasho waa ceeb

 

Ducaysane:

Doodahaasi waa dahab

Duruus weeye ee qorta

 

Baashi:

Sideedaba dadweynow

Duullaan cid kuma ihi

Mana daafacayo ruux

Dano gaar ahaaneed

Dooni mayo mana rabo

Ways kala da’ weynahay

 

After a brief silence:

 

Baashi:

Taydu waa dareen guud

Wax aan diidayaa jira

Oon layga karin daa

 

Enter Oodweyne:

 

Oodweyne:

You see, dear lads, Somalia should taken examples from a country, soon to be recognised to give it the esteemed reverence it ought to have, like Somaliland. In the most honest truth (that is if you can take it) the TFG is a politically convenient vehicle, if one can call it that (which I am pertinently convinced that everyone would) used by collaborationist sub-clans.

 

Laba-X:

Afkeenii la daabacay

Shalay daahii laga rogey

Ee duruusta lagu dhigo

Dugsiyadana lagu qoro

Asaagaaba dahabee

Maxaa dawlad kale iyo

Af shisheeye kuu diray?

 

Ducaysane:

Ninkii dunida joogow

Maxaa dhakhar ku soomari?

 

Isseh:

Dhegtu waxaaney dooneyn

Dirqi maxey ku maqashaa?

 

Xiin:

Indho daafay arag ma leh

 

AT & T:[/b]

Dheg dab.oolan maqal ma leh

 

Laba-X:

Maskax daashey garad ma leh

Share this post


Link to post
Share on other sites
Laba-X   

Enter AT & T:

 

AT & T:

Salaan diirran oo wacan

Dahrigiyo korkaygiyo

Ku duubnayd wadnaha oo

Qalbiga aan ka soo diray

Docdiinaan u fidiyee

Daruurtiyo hawada kore

Ka qabsada dabaylaha

 

Dhamaan: waa lagaa qaaday!

 

AT & T:

Salaantaasi dabadeed

Waxaan idin dareensiin

Darajada inoo timi

Dalkan iyo addunkaba

Waa loo dabbaaldegey

Xuub baa iga dillaacoo

Anna waan ku diirsaday

Dadka waan ka quustaye

Dunida sow rag baa nool

Maxaa diricyo soobaxay

Ku darmaday kuwii hore

Allow Shabaabka noo daa

 

Kashafa:

Anna waxaan kusii daray

Hadaan laysku duubnaan

Danta aan mid loo noqon

Dar ilaahay loo socon

Degi mayso mowjaddu

 

Baashi: [to AT & T]

Xaajadu da’ weynaa

Dagdaglow hasoo gelin

War yaan digada lagu guban

 

AT & T: [to Baashi]

Xaajadu ma daahnoo

Nagamay dahsoonee

War yaan laysu duurxulin

 

Enter Sophist:

 

Sophist:

Duqsi caano meel yaal

Ku dabaal bartaa jirey

Maalin buu dalxiis tegey

Digsi fuud ku jirobuu

Dalaq yidhiye yaa dilay?

 

Isseh:

Da’yartiyo ragaas kacay

Diintooda u halgamay

Kan ku doodayoo yidhi

Qabiil bay dugsoodaan

Dannigayga saan qabo

Doqonniimo kama foga

 

Laba-X:

Axmad Guray dabkuu shiday

Dufulleeyda Xabashida

Dalka nooga baxa yiri

Gumeystaha ku dabar jaray

Ceeriinkana daldala yiri

Dar baa jirey dharaartaas

Diillaal iyo mallaalloo

Amxaarada la duubnaa

 

AT & T:

Sayyidkii markuu diray

Annagaa dalka leh oo

Idin dooni meynee

Degdeg nooga baxa yiri

Dareensiiyey gaalada

Markii ay ka diideen

Weerar daaha kaga rogey

Dar baa jirey dharaartaas

Gumeystaha la duubtoo

Diidey madax-bannaanida

 

Kashafa:

Geesi daacadnimo iyo

Bartuu dalaq yiraahdiyo

Gaashaan daruurliyio

Hub isdiraya loo daa

 

Isseh: [to Baashi]

Fuleyna dacay qalloocdiyo

Baqe lagu darsado iyo

Dib inuu u carariyo

Dumarkuu u faaniyo

Carrab dalab leh loo daa

 

Laba-X: [to General]

Doc-faruurna qayliyo

Hadallo is derdera iyo

Shaki lagu darsado iyo

Warkiisuu dafiro iyo

Debmigiisaa loo daa

 

Kashafa:

Duufaan lama qabqaban karo

Dabayl lama xukumi karo

Dagaal (Jihad) lama horjoogsado

Alloo doona mooyee

Dibna looma celin karo

 

Xiin:

Soomaalidu duliyo dacal

Dad wanaagsan weeyaan

Dun xariira weeyaan

Dabcigoodu wayku kal

Dhaqankooda doorka ah

Lamadoorin karayoo

Dulligana ma yeelaan

Xumaanna uma dulqaataan

Nin derderase iga daa

Damaciisu waalane

 

Emperor:

Dad is wada yaqaanoo

Duddo gaar ah weeyaan

 

Xiin:

Waxa iga dardaaran ah

Dalka kan u sarreeyiyo

Derbikii fadhia iyo

dadweynoow dhamaantiin

qofna dun ahaantii

madabbaalan karayee

dantu wada jir weeyee

war yaan dib loo noqon!

 

Sophist:

Ruuxaad magac u diidoo

Diir aad wadaagtaan

Waa wax adiga kuu daran

Dayaxaa filkeen tegey

Dadaal bey ku gaadheen

Waxaan uga dan leeyahay

Waa iga dardaarane

Dib u gurasho waa ceeb

 

Ducaysane:

Doodahaasi waa dahab

Duruus weeye ee qorta

 

Baashi:

Sideedaba dadweynow

Duullaan cid kuma ihi

Mana daafacayo ruux

Dano gaar ahaaneed

Dooni mayo mana rabo

Ways kala da’ weynahay

 

After a brief silence:

 

Baashi:

Taydu waa dareen guud

Wax aan diidayaa jira

Oon layga karin daa

 

Enter Oodweyne:

 

Oodweyne:

You see, dear lads, Somalia should taken examples from a country, soon to be recognised to give it the esteemed reverence it ought to have, like Somaliland. In the most honest truth (that is if you can take it) the TFG is a politically convenient vehicle, if one can call it that (which I am pertinently convinced that everyone would) used by collaborationist sub-clans.

 

Laba-X:

Afkeenii la daabacay

Shalay daahii laga rogey

Ee duruusta lagu dhigo

Dugsiyadana lagu qoro

Asaagaaba dahabee

Maxaa dawlad kale iyo

Af shisheeye kuu diray?

 

Ducaysane:

Ninkii dunida joogow

Maxaa dhakhar ku soomari?

 

Isseh:

Dhegtu waxaaney dooneyn

Dirqi maxey ku maqashaa?

 

Xiin:

Indho daafay arag ma leh

 

AT & T:[/b]

Dheg dab.oolan maqal ma leh

 

Laba-X:

Maskax daashey garad ma leh

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this