Recommended Posts

Is Xasan Socdaal really this serious by bringing unwanted horjoogayaal and ciidamo to Garbahaareey by force? Inuu Gedo Axmed Madoobe xoog maamulkiisa ugu wareejiyo, all this because of mutual Farmaajo naceyb isla qabaan? Farmaajo was not even Reer Gedo.

Xasan Socdaal also thinks hadduu Madoobe qanciyo, Deni isbiirsi kaagama aadaayo. Yaab.

Soomaali heshiis ah maxee dhashay? Sool colaad ah; Garoowe isbaaro la damcay la dhigto; Baraawe dagaal ciidamo; Reer Gedo oo is-hubeynaayo. Beledweyne iskeeda isku maamuleyso, diidan maamulka Hirshabeelle.

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Diyaarad sidday maamulka cusub ee gobolka Gedo oo laga soo celiyay Garbahaarey

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta diyaarado ka baxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliyaa, kuna sii jeeday gobolkaas laga soo celiyay magaalada Garbahaarey oo xarun u ah Gedo.

Diyaaradaha oo labo ahaa ayaa mid kamid ah waxa ay waday mas’uuliyiinta maamulka cusub ee uu dhowaan madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe u magacaabay gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Wararka ayaa sheegaya in labada diyaaradood ay is hortaag ku sameeyeen mas’uuliyiintii horay ugu sugnaa gobolka oo kaasnahaya dadka deegaanka ee weli diidan Jubbaland.

Labada diyaaradood ayaa lagu soo warramayaa inay haatan ku soo laabteen gudaha magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka baxeen, maadaama dib loo soo celiyay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qorshaha mas’uuliyiintan lagu geynayay Gedo ay qayb ka aheyd dowladda federaalka, balse haatan lagu guul darreystay.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxaya labada dhinac oo ku aadan is hortaagga lagu sameeyay mas’uuliyiinta cusub ee maamulka gobolka Gedo.

Dhowaan ayaa Axmed Madoobe maamul cusub u magacaabay Gedo, taas oo uga sii dartay xiisaddi horay uga taagneyd gobolkaasi.

Guddoomiyaha gobolka ayaa waxaa loo magacaabay Cabdullaahi Cadbi Jaamac. Sidoo kale xubnaha uu magacaabay Axmed Madoobe ayaa waxaa ku jira Cusmaan Nuur Xaaji Macallimuu oo mar kale loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda.

Si kastaba, arrinta gobolka Gedo ayaa u muuqato mid kasii dareysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan, maadaama ay haatan xiisadda sii xoogeysatay.

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Waxaa la yiri, juxa ninkii la oran jiray yaa dameer soo kiraystay si uu hawlihiisa ugu qabsado.

Dameerkii markuu kooraystay ana fuulay, yuu marna koonfur ula cararaa marna bari marna galbeed...way ku adkaatay xataa inuu istaajiyo, dhidid iyo juhdi wuu ka dhamaaday.

Dadkii yaqaanay, qofkii ka horyimaadaba wuxuu waydiiyaa...war juxa xagee u socotaa?

Wuxuu ugu jawaabaa meesha dameerku u socdo.

Soomaaliya waxay ku socotaa meesha dameerku u socdo.

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madoobe has over lasted four presidents, a survivor thanks for the unconditional support from Puntland. Instead of paying back that support by becoming Oday and mediate HSM and Deni he saw his own interest not to do that, infect put petrol on fire. He betrayed that trust and was used by HSM to attack the hand that was feeding him so long. Now he will soon test his own medicine. Puntland will give its full support to the Gedo community no more support for Madoobe. Madoobe also lost the support for the OOG community in Kenya and is shifting his alliance to Ethiopia but that hole is also going to be closed by Deni. He will soon loose HSM, because one of Denis' list of condition to HSM will be to throw Madoobe and Hamsa under the bus and HSM will do that, he will see Puntland more important than Madoobe. The end of Madoobe Will be soon

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.