Sign in to follow this  
Mr. Somalia

Is there a conspiracy against the Sool community?

Recommended Posts

AYOUB   

Originally posted by Mintid Farayar:

We're awaiting 'Your coming-in from the cold'!

It's you, it's you, it's you i'm talking to

Well you, it's you, it's you

It's you i'm talking to now

Why do you look so sad and forsaken

When one door is closed

Don't you know another is open

 

Would you let the system

Make you kill your brotherman

No dread no

Would you make the system

Make you kill your brotherman

No dread no

Would you make the system

Get on top of your head again

No dread no

Well the biggest man you ever

Did see was just a baby

 

In this life, in this life

In this oh sweet life

We're coming in from the cold

We're coming in, coming in, coming in

We're coming in from the cold

~ Boocame and The Wailers

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its high-time to come in from the cold cheerleaders, replace your mini-skirts with a nice macawiis, run with the somaliweeyn flag and fight the enemy!! lool

 

deal?? sounds good to me.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Ciyaalka somaalidiidka ee wareersan,

 

waa habeebkii xalay ahaa u tagay inaanu aqbalno somaalidiid iyo snm wixii lamid ah

 

 

Cid kasta oo kasoo horjeeda midnimada iyo qaranka soomaaliyeed ogaada waa cadowga soomaali oodhan

 

 

shacabka SSC waligood ma aqbalayaan wax aan jirin oo aduunka oo dhan diideen oo ladhaho somali-diidland, ku dhisan xin iyo qabyaalad

 

 

Shacabka SSC waa u sabrayaan dhibaatada somalia ka jirta, waligood waa taageerayaan midnimada iyo horumarka dalkooda kama quusanayaan Somalia, long live Somalia

 

sidoo kalana shacabka SSC waa u sabrayaan dhibaatada ka jirta gobolkooda Puntland, waligood na waa taageerayaan midnimada iyo horumarka Puntland kamana quusanayaan Puntland, Long live Puntland State of Somalia

 

Markaa qoladan soomaalidiidka ah, joojiya mucaaradnimada oo dadkiina wax la qabsada, oo aamina dalkiin a Somalia iyo dadkiina walaala ah

Share this post


Link to post
Share on other sites

shacab ssc wax la yidha ma jirto waxa kaliya oo jira shacabweynaha somaliland , oo ah shacab somaliland ah dalkooda jecel oo hormarinta dalkooda jecel ,rabana inay Somali oo dhani inay ku daydaan Somaliland, Adigu naftada meel xun ha dhigin oo haku walaan puntland iyo sh dalxiis iyo xisbal xasuuq iyo shabaab iyo ahlu suna wal jamaca iyo al itaxaad. Marka intanad badda ku dhex dhicin dalkaga amin dadkaga amin madaxweynahaga rayaale amin dawladada amin. Calankaaga Amin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Istaqfuru Allah, war Allah ka bari wax fiicaan

 

Waxna maqal, Shacab somaliland la dhaho majiro, waxaa jira shacabweynaha Somalia ama Somaliweyn,

 

Shacabka somalia midnimo, horumar, walaaltinimo, wax wada qabsi baa ka dhaxeesa,

 

 

QOLOBAA CALANKEEDU WAA CAAYNOO, INAGAA KEENU WAA CIRKOO KALE, markaa clankeegu waa calanka blue ga ah

 

and currently the president of Somalia is Sh. Sharif, and riyaale is the leader of snm clan faction

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirka Holhol iyo Mawaaqifta Somaliland iyo Puntland.

 

Waxaa Waxaanu si joogta ah u soo gudbinaynay warbixino, warar iyo xog-waraysiyo aanu la yeelanaynay masuuliyiinta Somaliland iyo Puntland oo ku wada socday, taakaynta, caqabadaynta iyo fashilinta shirka Holhol ee u socday Beesha ***********, shirkaas oo ay ku dhamaayeen dhamaan duubabkii iyo madax-dhaqameedadii beesha ***********.

 

Waxaa aanu soo gudbinay shirqoolo ay u sameeyeen masuuliyiinta Putland Garaadada qaarkood sida Wasiir ku-xigeenka maaliyada ee Punland Cabdi Halas. Waxaanu kaloo soo gdubinay weftiga uu hoggaaminayo Axmed Cabdi Maxamuud ( Ina Xaabsade) ee ka soo kicitimay Hargeysa iyo hagar-daamooyinka uu shirka u gaystay intii uu yimi. Waxaa weheliyey Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka ee maamulka Somaliland Casoowe, waxaa kaloo marayey Wasiir ku-xigeenka Maxamuud Garaad Maxamed iyo rag kaloo oo badan oo beesha ah, si gaar ahna loogu soo dhiibay go’aamo iyo mu’aamarado ah sidii uu shirku u fashilmi lahaa.

 

Garaadada ayaa si shirku u badbaado waxa ay go’aansadeen in shirka laga saaro dhamaan xubnaha maamulada ka socda, waxaana loo diiday shirka xubnihii uu soo ka igmaday Somaliland ee Xaabsade iyo Maxamed Garaad Maxamuud ( QAWDHAGAYSTE) u ahaayeen hormuudka.

 

Waxaa sii socday shirkii isaga oo si habsami ah u socday, inkastoo ay ciidamada Somaliland ku hayeen culays badan iyo hadidaado aan la soo koobi Karin. Dhanka kale waxaa iyaguna cagabadayn waday maamulka Puntland. Iyada oo caqabadayntii ugu waynayd ahayd, mu’aamarad iyo shirqool uu ka cawday Garaadka Guud in Wasiir Ku-xigeenka Maaliyada ee Puntland kula kacay. Illaa hadda wax jawaab ahna kamuu bixin shirqoolka wasiir ku xigeenku, waxaase dad badani u fahmeen shirqool ku jihaysnaa guud ahaan fashilinta shirka iyo aayo ka tashiga beesha ***********.

 

-----------------Mawqifka Puntland iyo Shirkii Holhol.----------------------

 

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

 

"Shirka Holhol waan taageersanahay, Dhulka somaaliland gacanta u galay waxaanu ku soo celinaynaa hab siyaasadeed, loomana baahna dagaal."

 

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Puntland.

 

“ Annagu xukuumad ahaan iyo maamul ahaanba waanu taageersanahay shirk Holhol, waxaanuna u aragnaa in lagaga arrinsanyo danaha Puntland” Wasiir ku-xigeen Arrimaha Gudaha Puntland, Mudane Yuusuf Axmed Khayr, wasiirkaas oo asal ahaan ka soo jeeda beesha Cismaan Maxamuud, halka ka shirqoolka waday ka soo jeedo beesha ***********.

 

Xildhibaano dhawr ah.

 

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ee ka soo jeeda SSC ayaa aad uga biyo diiday mawqifka Puntland ee ah afka baarkiisa, waxay kaloo ka biyo diideen shirka Tuko-raq ee Puntland iyo Somaliland ka dhex dhacay, sidoo kale waxaa ay diideen qaabka ay Puntland u waajahday shirqoolka Garaad Jaamac Garaad Cali sheegay in Puntland ku samaysay.

 

Waxay sheegeen in arrinkaas ay talo ka yeeshaan shacbiga reer SSC, halkana aaanay waxba u ool.

 

--------------------Mawqifka Somaliland iyo Shirka Hohol.------------------------

 

Baashe oo ah guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gollaha Wakiilada Somaliland, ayaa u sheegay VOA in shirkaas uu yahay mid shirqool loogu samaynayo Somaliland, sidaas awgeed ay doonayeen niman ka qaybgalay shir Kenaya ah oo ka soo horjeeday Somaliland.

 

Baashe wuxuu cadeeyey in aanu dan ka lahayn beesha *********** iyo gobolka Sool, sidaas awgeed uu Garaadada in uu waxyeeleeyo u yimi goobta.

 

Axmed Cabdi Maxamuud (Ina Xaabsade)

 

Axmed wuxuu cadaystay in shirka la burburiyo, waxaana la sheegayaa in dhaqaale badan uu kaga soo qaatay Madaxweyne Rayaale, wuxuuna u socday isaga iyo Casoowe oo labaduba ah isku jilib, sidii ay u caqabadayn lahaayeen ama u arbushi lahaayeen shirka, si gaar ahna Garaadka Guud ee beesha ***********. Arrimahaas markii aanu Axmed wax ka waydiinay, wuu diiday in uu jawaab bixiyo.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdillaahi Ciro.

 

Waxaanu xidhiidh la samaynay Cabdillaahi Coro oo ah wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, wuuna diiday in uu ka hadlo arrinta Shirka Holhol. Cabdillaahi Ciro wuxuu ka soo jeeda Beelaha *****, Sacad Muuse. Waxaana jiray shirkii Sacad muuse qabsaday in aanu ku kicin wax caqabada.

 

Gudoomiyaha Guurtida.

 

Waxaa noo suurtobi wayday, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, “Saleebaan Gaal” in aanu xidhiidh la samayno, waxaana aanu jeclayn in aanu wax ka waydiino, dareenkiisa ku wajahan arrimaha Shrika Holhol, maadama oo lagu magacaabo gollihiisa gollaha dhaqanka iyo nabadaynta, bal sida uu u arko, maadaama uu ka qaybgalay shirkii Gar-adag ee beeshiisa, kaas oo weliba Boqorka Buurmadow ee Habarjeclo ku eedeeyey in shirqool Somaliland looga soo maleegayo, haddana aan lagu qaadin wax weerar ah. Bal wax ay ula muuqato shir beeleed si nabadgelyo ah loo qabsaday.

 

-Nasiib-daro waa noo suurtogeli wayday in uu naga qabto telefoonka.-

 

Cabdillaahi Dareewal. ( Wasiirkii hore Qorshaynta Somaliland)

 

Cabdillaahi oo aanu telefoonka kula xidhiidhnay, ayaanu waydiinay, bal sida uu u arko shirka Holhol ee ciidamada la dul dhigay, shirkaas oo dhamaan garaadadii iyo Isimadii *********** ku shirsan yihiin. Annaga oo waydiinay, waxa uu kaga duwan yahay shirkii Bali-gubadle ee Beeshiisu ku shirtay.

 

“ Waar ninyahow shirkaas iyo Xaalladiisa lama socdo, waxa ka dhacaya Laascaanoodna lama socdo, bal aan wardoon tago ee igi soo celi”.

 

Waxaanu waydiinay oo Cabdillaahi ma sidaas ayaad awal madaxweyne ku doonaysay. Intuu qoslay ayuu yidhi “ Igu soo celiya caawa 10PM”. Dabadeed waa xidhay foonkii.

 

Gunaanad.

 

Waxaa cad in ragga horkacaya Somaliland iyo Puntland ay labaduba noqdeen awr kiraale. Waxaa cad in aanay dan ka lahayn dadkooda, weliba ay doonayaan sidii ay haybada saldanadaha beesha *********** u jiidjiidi lahaayeen shaaricyada Hargeysa iyo Garoowe.

 

Haddii ay sidaas tahay waxaa hore loo yidhi “Nin la tolay ayay talo jirtaa”. Dadka reer SSC ayay talo u taalaa, waana in lays ****-taago, go,aanka garaadadu soo wadaan. Waa in nafta iyo maalkaba lala wadaadaa go’aankaas. Wixii aan go,aankaas oo la raaco aan ahayni waa jabkeenii.

 

Maxamed Siyaad Faarax-(Kabaweyne) Hargaysa (Wariye Madaxbanaan) RadioWidhwidh Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^

 

If any of the accusations penned in the preceding article are true-- especially of those concerning SSC officals serving in the Puntland administration-- then a special commission must be created to look into the merits of these allegations. If found guilty, these government officials should ALL be fired and if need be, sentenced to prison for their willful betrayal of the fidelity, confidence, and trust of the Puntland citizenry.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Go to afnugaal.com pro xaabsade, pro somaliland website

 

Than taleex.net pro Abdisamed Ali Shire, pro puntland. And you will find same story.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this