Sign in to follow this  
Koora-Tuunshe

A grand meeting for the Promotion of Peace held in Badhan, Sanaag (pics)

Recommended Posts

KULAN BALAADHAN OO LAGU JEEX JEEXAYAY MUSTAQBALKA GOBOLKA SANAAG AYAA KA DHACAY BADHAN[DAAWO SAWIRO]

 

 

Badhan:
Kulan balaadhan oo lagu lafa gurayay arimaha Gobolka Sanaag ayaa maanta ka dhacay gudaha magaalada Badhan ee xarunta Gobolka, waxana joogay kulankaasi joogay wasiiro xildhibaano iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Booliska Ururada Haweenka, iyada oo dhamaan halkaasi hadalo laga soo jeediyay.

 

h2_4.JPG

 

Kulankaasi aya waxa furay Duqa Degmada Badhan ah gudoomiyaha Golaha Deegaanka Axmed Muuse Suldaan isaga oo ka warbixiyay ajandayaasha kulanka waxa uu sheegay Gudoomiyuhu in kulankaasi looga hadlayo arimaha gaar ah oo khuseeya Gobolka Sanaag oo ka mid yihiin Amaanka iyo sidii Gobolka looga dhigi lahaa mid ku talaabsada hormar buuxa.

 

Gudoomiye Axmed Muuse Suldaan ayaa dhanka kale sheegay inay aad ugu mahad celinayaan dhamaan Ururadii waday wacyigalinta ee looga hadlay Amaanka Gobolka waxa uu ku tilmaamay kuwa ah in lagu daydo.

 

Markuu ka hadlay xaaladaha Amaan ee Gobolka ayuu farta ku fiiqay in Gobolka Sanaag uu yahay haatan mid Nabadoon isla markaana ay ka Maamul ahaan gacanta qabanayaan cidii maleegaysa Nabadxumo.

 

Sidoo kale Duqa ayaa la dardaarmay wariyaasha goobtaasi kulanka joogay isaga oo ugu baaqay inay sheegeen wax run ah isla markaana ka shaqeeyaan xasilinta Gobolka.

 

 

h20.JPG

 

h8_1.JPG

Yuusuf Axmed Xaaji Siciid

Diblomaasi Yuusuf Xaaji Siciid ayaa isna halkaasi hadlay waxana uu sheegay in loo baahanyahay wada shaqayn dhex marta siyaasiyiinta Gobolka u dhalatay iyo Bulshadada rayidka ah ee reer Sanaag si looga baxo is bar baryaaca, isaga oo intaasi ku daray in haatan Gobolku mar lugta la galay qul qulatooyin ciidan balse ay hataan xaaladu tahay mid Degan.

 

Diblomaasi Yuusuf Xaaji Siciid [Madaxay] oo mar soo noqday Gudoomiye Baarlamaan ee wakhtigii uu Madaxwaynaha ka ahaa Puntland C/laahi Yuusuf Axmed, isaga oo ka mid ah Siyaasiyiinta Gobolka Sanaag, waxana uu kulankaasi ka sheegay in dhawaan ay Siyaasiyiinta Gobolku keenayaan is bedel ku aadan wax qabashada Gobolka Sanaag oo ay saraakiisha Ciidamada iyo dhamaan siyaasiyiinta Gobolka ka soo jeeda.

 

Taliye Caydiid Axmed Nuur

 

Taliye Caydiid Axmed Nuur ayaa kulankaasi isna ka soo jeediyay hadalo aad u qiimada badan waxana uu sheegay inay maanta ka Saraakiil ahaan u soo jeensadeen sidii looga shaqayn lahaa Amaana Gobolka, waxa uu aad uga hadlay inay jiraan kulamo ay haatan leeyihiin Saraakiisha ciidamada ee ka soo jeeda Gobolka kuwaasi oo ka tashanaya sidii loo Abuurilahaa ciidamo gaar ah oo loo qoondeeyay difaaca Gobolka.

 

Caydiid Axmed Nuur ayaa wakhti hore soo qabtay Taliyaha qabta Booliska ee Gobolka Bari isaga oo markii danbe is casilay ka dib markii Madaxwayne Cade Muuse ku amray inuu hogaamiyo ciidamo weerar Buurada Majiyahan oo markii ay ka taaganady dhaq dhaqaaq ciidan oo ay Puntland ku doonayso inay khayraad kaga soo saarto.

 

 

h14.JPG

 

W/ Dawlada Madaxtooyada Puntland Jaamac Xirsi

 

Wasiiru Dawlaha Mataxtooyada Puntland Jamac Xirsi Faarax ayaa isna halkaasi waxa uu sheegay ay halkan u yimaadeen inay la socdaan xaaladaha ka oognaa Gobolka Sanaag oo ya ka mid yihiin Budhcad badeeda iyo ciidamada Somaliland ee la sheegay inay gudaha u soo galeen Gobolka Sanaag.

 

Wasiirka ayaa sheegay inaanay marnaba u dul qaadan doonin kuwa doonaya inay marin habaabiyaan hanaanka nabadeed ee Gobolka Sanaag, isaga oo sheegay inay xidhiidho badan la sameeyeen siyaasiyiinta Gobolka ka soo jeeda ee ku jirta Maamulka Somaliland kuwaasi oo tilmaamay inay ka wada haleen sidii Gobolka Nabadiisa meel looga soo wada jeensan lahaa.

 

Dhanka kale waxa uu ka dhawaajiyay inay jiraan abaabul ciidan oo lagu doonayo in la dhiso ciidama midaysan oo ahk kuwa Mandaqada ka soo jeeda si ay ula shaqeeyaan Hay"addaha dadaalka ugu jira hormarinta Gobolka Sanaag.

 

 

Isku soo duboo kulankaasi ayaa ahaa mid inta badan diirada lagu saarayay sidii Gobolka loo hormarin lahaa Nabadiisa, iyada oo ay kulankaasi joogeen Masuuliyiin ka soo jeeda Gobolka Sanaag oo qaarkood haatan xilal sare ka haya xukuumada PL.

 

Jaamac Ayaanle Feyte

 

 

LaasqorayNet/Dhahar.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

It's moving in the right direction but such tension can retard future developments. I am glad that the people have demonstrated against the secessionists' aggression and destabalization of the region.

 

 

As you can read from the news, the Puntland state Minister, Jama Hersi Farah is aiming to reinforce the Puntland troops in Sanaag and to set aside enough resources. They will work with developmental agencies in the region.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think the people must take greater responsability for their security, Neighbourhood watches and community groups should help the local police and security forces.

 

As for the admin its just waking up from a long sleep.

 

Good on the people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Koora-Tuunshe:

It's moving in the right direction but such tension can retard future developments. I am glad that the people have demonstrated against the secessionists' aggression and destabalization of the region.

 

 

As you can read from the news, the Puntland state Minister, Jama Hersi Farah is aiming to reinforce the Puntland troops in Sanaag and to set aside enough resources. They will work with developmental agencies in the region.

Isn't Badhan in Maakhir to you?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kuwan shaqo kele oo aan propoganda ahayn ma leh ,,,,, If 2 oday meel fadhiistaan they just say Bugland baa shirtay oo qabanqaabisay ,,, :D

 

This is not more than a local meeting among the maakhirs ..... and i appreciate that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this