Sign in to follow this  
Siciid1986

“Ma Jiro Weerar La Weeraray Guriga Wasiirka Xananada Xoolaha” Sarkaal Ciidanka Bolisk

Recommended Posts

Hargeysa (Somaliland.Org) Waxa caawa fiidniimadii markay saacadu ahayd 7dii fiidnimo qarax laga maqlayay guriga uu magaalada Hargeysa ka degan yahay wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Md Axmed Xaashi Oday. Ciidanka Booliska Somaliland ayaa marki ay tageen goobta qaraxa laga maqlayay waxay sheegeen in qaraxaasi ka dhashay ‘Boiler’ kii ama haanta biyaha kululaysa ee guriga ku xidhnaa oo qarxay.

 

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa wakhtigan safar ugu maqan dalka Kenya, safarkaas oo ay ku weheliyan afar Wasiir oo xukuumada ka tirsan. Hase yeeshe, marwada wasiirka iyo caruurtiisi oo guriga ku sugnaa ayaa waxba ku noqon qaraxaas. Marwo Layla Cismaan oo ah marwada wasiirka ayaa mar wax laga waydiiyay qaraxaas sheegtay in qolka Bathka ee boilerku ku xidhnaa ay inyar ka hor inta qaraxu dhicin ay ka baxday. Waxay inta ku dartay in yada iyo caruurtiba ay ka badbaaden qaraxas oo cidna wax ku noqon.

 

Dhinaca kale saxaafadda qaar taabacda xukuumaddi dhacday ee UDUB sida qarannews iyo waaheen ayaa soo qoray in guriga wasiirka la wareeray iyada oo ay sheegeen in guriga wasiirka la weerary oo u dhow guriga Madaxweynaha, ujeedadu ahayd in la weerarayo Madaxweynaha.

 

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska oo guriga wasiirka ku sugnaa cawa fiidki aya sheegay in saxaafad iyo shakhsiyaad faafinaya warar been abuur ah jiraan, taaso ay rabaan inay ku waxyeeleyan qaranimada Somaliland. Isla markaana sheegay in la hubsado warka inta aanay faafin.

 

Gebegabadii, dhaawaca qaraxaas geystay ayaa la sheegay in ay tahay qolkii Bathka ee uu ku yaalay Boilerku iyo saqafki qolkaas saarna oo gubtay, hase yeeshe guriga intiisi kale waxba soo gaadhin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

waxay sheegeen in qaraxaasi ka dhashay
‘Boiler’
kii ama haanta biyaha kululaysa ee guriga ku xidhnaa oo qarxay

:D aduunyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

xaaji xunduf war gal baa tahay oo anaa taa og, laakiin Che daa ha afkiisa ha ku hadlee, inuu qallooc u dhashayse (aan sii hormariyee) anaa og :D

 

suu wadani belaa u yahay baad arkaysaa asagoo habra la laayey u dabaal degeya :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aw Xiin....I'm very pragmatic and buy into no idealogy religious or secular laakin hadaad meel ku,ogtahey Al-Shabaab wax dhaama I'm all ears.

 

Somaliland iyo Puntland waa kuwaas Soomaalida beeciya (waxlax hadee kaheli fiicnaan laheed). Labataan sano masaakiin la,maaweylanaye hadana wax hormur ma jiro. Dhalaankii Soomaaliyed Hargeysa iyo Garowe gaajo iyo jaahilnimo lafa dhiyaa.Kuwii tahriib ku dhintey iyo jaad baabiye Alla ha,unaxariisto.

 

Shariif, Cumar iyo TFG waa kuwaa oo maxee wax qabtaan iyagaaba Ilaahi istuse.Kuwii ka horeeye saas waqti ku lumin yeen (Ina Boy, Khalif, and Xassan, Yeey, Geedi and Nur-see a trend)

 

Soomaaligalbeedna wa taas madaxa looga taagan yahey oo hada kasii dartey Ileys iyo his Janjiweed (New Police) dadkiisa lagu jabinayaa.

 

Kuwa NFD dagana waxaad umuleysaa hada inoo indhaha usoo furmey.Jabouti iska ilow wataa gabdhaheyna French legionnaires ka baxsan waayeen.

 

Marka walaal hadaad wax ku ogtahey-please come forward.

 

P.S. I don't know your feelings about Solers in politics, but I sincerely believe all of them to see Somalis and Somalia at peace-the question is what path do we take.What many advocate for in this cyber-ku dhirir is leading us nowhere. Qabiil iyo mini-lands are failed institutions.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

hadhnwanews Hargeysa (Jam)-17,10–Ciidammada ammaanka Somaliland, ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Booyadii wax Qarxisay maanta duhurkii oo si qarsoodi magaaladda Hargeysa u soo gashay kana timi xagaa iyo muqdiso. Taliyaha booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad oo aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay si wax looga weydiiyo arrintan haanta argagixisad ah, ayaan xaqiijin isla markaana beenin jiritaanka haantan loo badiyay inay ka tirsantahay AlShabaab, isaga oo ku gaabsaday in aanu hayn warka ku saabsan qabashadda haantan oo imika dhaawaca ah,

 

hasayeeshee sida ay ilo wareedyo xog ogaal ah oo arrintan la socday xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen, waxa ciidammada ammaanku guri ku yaal magaaladda Hargeysa shalay ka qabteen haantan.

 

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Dr Gaboose oo aanu xalay isku daynay in aanu wax ka weydiino wuxuu sheegay in guriga lagu wareegay oo markii dambena ay is dhiibtay.

 

balse wasiirul-dawlaha arrimaha gudaha Md. Farxaan Jaamac Ismaaciil oo Jamhuuriya wax ka weydiiyey, ayaa sheegay in aanu arrintaa wax war ah ka hayn oo uu ku sugan yahay magaalada Caynabo.

 

Badhasaabka gobolka Hargeysa Md. Maxamed Cabdi Daa’uud oo isagana aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay, ayaa tibaaxay inuu shalay arrimo kale ku mashquulsanaa sidaa darteedna aanu wax xog ah ka hayn haantan qabtay iyo waxa ay waxay tahayba lakiin ay muuqato inay Terrorist tahay.

 

Inkasta oo masuuliyiinta dawladda ee qaabilsan dhinaca ammaanku ka gaabsadeen inay tafaasiil ka bixiyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this