Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso: Puntland troops rescue German man:PICS

Recommended Posts

Faahfaahin hawlgalkii Booliiska Puntland ku furtey ninkii Jarmalka (Warbixin)

 

 

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qaabka iyo hawlgalkii lagu soo furtey laba qof oo mid Jarmal yahay midna Soomaali tahay oo ay afduub u geysteen kooxo qafaalato ah oo habeen hore labadaasi qof ka qafaashey gudaha magaalada Boosaaso.

 

Kusimaha Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland ahna Taliye kuxigeenka G/lle Sare Maxamed Siciid Jaqanaf oo saaka waaberigii u waramayey Warbaahinta caalamiga ah ee SBCInternational- ayaa wuxuu xaqiijiyey in ciidamada Booliiska ay ku guuleysteen hawlgal balaaran oo ay wadeen saacadihii la soo dhaafay kaasi oo ka dhan ahaa kooxaha afduubayaasha, kuwaasi dadka ay qafaasheen u kaxaystey buuraha xeebta Mareero ee dhanka Bari ee magaalada Boosaaso.

Abu-Bakar oo la telefoon kula hadlaya Madaxweynaha Puntland

Taliyaha ayaa wuxuu sheegay in hawlgalkaasi oo dhacay saaka hiirtii waaberi ay ciidamadu ku dhaawacmeen mid ka mid ah kooxihii hubaysnaa ee dadka afduubka u haystey, ka dib markii ay tacshiiad dhexmartey ciidamada iyo kooxahaasi, waxaana uu sheegay in lagu guuleystey in la soo qabtey ninkii Jarmalka ahaa iyo gabadhii Soomaalida aheyd ee uu qabay eel ala qafaashey.

 

Sidoo kale arintaasi waxaa sidaasi si la mid ah ugu xaqiijiyey Gudoomiyaha Gobolak Bari Muuse Geelle Yuusuf oo sheegay in ninka dhaawaca ah ee afduubayaasha ka midka ahaa isagoo dhaawac ah la daaweynayo, ciidamada Booliiskuna ay gacanka ku hayaan.

Abu Bakar & Xaaskiisa oo la keenay xarunta madaxtooyada

Abaaraha 9-kii subaxnimo ayaa waxaa la keenay labadasi qof ee la soo badbaadeyey gudaha magaalada Boosaaso gaar ahaan xarunta ciidmada PIS-ta, halkasi oo ay ku sugnaayeen in mudo ah, waxaana ka dib la keenay xarunta madaxtooyada halkaasi oo ay ku sugnaayeen masuuliyiin, culima’udiin, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada dad ka socdey oo halkaasi doonayey inay ku soo dhaweeyeen ninkan Jarmalka ah ee Muslimka ah ee ay qafaasheen kooxaha hubaysan isaga iyo xaaskiisa.

Abu Bakar Ibnu Cabaas & Madaxweyne kuxigeenka Puntland

10:30-kii subaxnimo ayaa waxaa xarunta Madaxtooyada la keeay Abu-Bakar Ibnu Cabaas oo ah ninka Jarmalka ah iyo Aamina Ducaale Faarax oo aheyd marwada Soomaalida ah ee uu qabo ninkaasi, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyey Madaxweyne kuxigeenka Puntland Xasan Daahir Maxamuud iyo xubno fara badan po ka mid ah golaha wasiirada, iyadoo la qabtey shir saxaafadeed ay hadalo ka jeediyeen madaxda Puntland, dadkii la haystey, maamulka gobolka Bari, maamulka degmada Boosaso iyo qaar ka mid ah waxgaradka deegaanka.

 

Kusimaha Madaxweynaha Puntland ahna madaxweyne kuxigeenka Xasan Daahir Maxamuud oo ka hadley shirkaasi jaraa’id ayaa wuxuu sheegay in ay ciidamada Booliiska ku guuleysteen halwgal ay ku doonayeen inay ku soo furtaan dadkan, waxaana uu sheegay in ay haboon tahay in lala dagaalamo kooxahaasi oo uu sheegay inaanay cafineyn cid kasta maadaama ninkan uu ahaa nin Muslim ah oo ku sugnaa magaalada Boosaaso, isla markaana qaba gabar Soomaaliyeed, wuxuuna tusaale ka dhigey in taasi ay muujinayso in kooxaha hubaysan ee burcad badeeda aanay qofka cafineyn isagoo dadka ugu baaqay in laga hortago kooxahaasi oo dagaal lagu qaado.

 

Xasan Daahir wuxuu xusey in uu amaanayo ciidamadii hawlgalkan geystey ee soo badbaadiyey dadkan wuxuuna uga tacsiyeey la haystayaasha falkaasi lagu sameeyey.

 

Ugaas Xasan Ugaas Yaasin oo ka mid ah Issimada deegaanada Puntland oo ka hadley goobtaasi ayaa wuxuu sheegay inay aad uga xumaayeen falkan lagu qafaashey ninkan muslimka ah hadana qaba gabadha Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in ay aheyd arin fool xun, ayna ku faraxsan yihiin in la soo daayo dadkaasi iyagoo bada qaba..

 

Ab-Bakar Ibnu Cabaas oo ah ninka Jarmalka ah ee ay afduubka u geysteen kooxaha hubaysan isaga iyo xaaskiisa Soomaalida ah ayaa wuxuu ugu horeyn u mahadceliyey dhamaan dadkii gacanta ka geystey siideyntiisa, wuxuu sheegay in uu isagu u yimid magaalada Boosaaso sidii u u caawin lahaa dadka dhibaataysan ee gaajaysan, kuwaasi oo ka soo qaxay gobolada kala duwan ee dalka sida Gobolada Koonfured, wuxuuna sheegay in aad ugu xunyahay afduubka loo geystey,.

 

Abu- Bakar wuxuu aad u amaanay xaaskiisa Aamina Ducaale Faarax oo uu ku tilmaamay inay tahay qof u ad adag, isla markaana la’aanteed uu la kulmi lahaa culeys, wuxuu sheegay inay si adag ula hadleysay kooxaha afduubayaasha ah, wuxuuna tibaaxay in uu ku faraxsan yahay in ay Amina ka soo jeedo qoys wanaagsan oo si weyn ugu gurmaday mudadii afduubka loo hastey.

 

Aamina Ducaale oo aheyd xaaskiisa ninka Jarmalka ah ee la qafaashey ayaa waxay sheegtey ugu horeyn inay ku faraxsan tahay in la soo daayo, waxay sheegtey inay ku nool yihiin dalka Jarmalka, waxay xustey in ay dalka timid xiliyo kala duwan ayna aragtey baahida iyo dhibaatada haysatada dadka Soomaalida, sidaasi darted ay ka codsatey ninkeeda in uu gacan ku siiyo taageerada dadka dhibaateysan, iyadoo sheegtey in uu ka aqbalay, waxaana ay farta ku fiiqdey in ninkeedu uu xiligii la afduubayey oo quudinayey dad baahan.

 

Sidoo kale waxaa iyaguna goobtaasi ka hadley Gudoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geele Yuusuf iyo Duqa Magaalada Boosaaso C.risaaq Xareed Ismaaciil, iyagoo muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin siideynta dadkaasi iyadoo si gaar ah ugu hambalayeeyey ciidamadii gacanta ka geystey siideynta labadaasi qof.

 

Gudoomiyaha Gobolka Bari ayaa wuxuu ku tilmaamay hawlgalkan in uu yahay mid muujinaya sida maamul ahaaan ay ula dagaalamayaan cid kasta oo wada falal amaanka lidi ku ah, isla markaana ay sii wadi doonaan hawlgalkasi.

 

Hadaba Daawo Sawirada

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Puntland oo xoog ku soo furtay nin Jarmal ah oo afduub loo haystay

Waxaa la soo daayay nin u dhashay dalka Jarmalka oo habeenkii sabtida ahayd lagu afduubtay magaalada Boosaaso.

 

guddoomiyaha gobolka Bari Muuse Geelle Yuusuf ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof oo ka tirsan afduubayasha uu ku dhaawacmay hawlgalkaasi ay sameeyeen ciidamada ammaanka.

 

Wuxuu sheegay in dhammaan afduubayaasha oo gaaraya lix gacanta lagu soo dhigay isla markaana loo taxaabay xabsiga.

 

Ninkan Jarmalka waxaa lala afduubtay xaaskiisa oo Soomaali ah. Xaaladiisa caafimaad waxaa la sheegay in ay hagaagsan tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ :D xarash nooc minal Japaan uu rabaa inuu naga dhaliyo, yaa u sheego tun dheer aan ka saareenaa ayadoo taraarax ah waliba

Share this post


Link to post
Share on other sites

he said:

 

"all the little boys from no good clan are in prison and the mighty soldiers commandos (from his clan) freed the hostages while the these little boys from no good clan were being fo oled into negotiations by their easilyfooled elders"

 

Sayid: what are you intending to do with these kidnapers?

 

G/lle Sare Maxamed Siciid Jaqanaf: we will the appropriate "law step" and sentence to death by shooting squad

 

Sayid: Good luck!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ninkii Jarmalka & Xaskiisa oo dib u heley xoriyadooda

22 Sep 22, 2008 - 1:43:49 AM

 

Ninka Jarmalka iyo Xaaskiisa

Waxaa dib u xorayadoodii u heley Nin Jarmal ah iyo xaaskiisa kuwaasoo 21 Sept 2008 koox dabley ah afduub ugu gaysatey magaalada Bosaso.

 

Sii deynta Lamaanahaan ayaa waxa gacan weyn oo lixaad leh ka gaystey odey dhaqamedyada iyo waxgaradka kooxaha dableyda ah ay ka soo jeedeen iyada oo sidoo kale door wayn ka qaateen Booliska gobolka Barri.

 

Muse Gele Yusuf oo ah Gudomiyaha gobolka Bari ayaa waxa isagana dhinaciisa sheegey xili uu Radio Garowe siinayey wareysi ku aadan qaabka loo soo furtey labadan qof ee afduubka loo haystay ay ahayd dadaal dheer oo ay sameyeen maamul Gobolka iyo ciidamada amaanka.

 

 

Odayaashii ka qayb qaatey ssii deynta ninka Jarmalka ah

Gudoomiyaha gobolka Barri ayaa sheegay in ay ku jiraan qorshe ah sidii sharciga loo horkeeni lahaa kooxaha caadaystay falal afduubka.

 

Wararka Hoose oo Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in kooxaha dableyda ah ku adkaatey in ay haystaan lamanahaan kadib markii Xaaska ninka Jarmalka ah noqotey mid ka soo jeeda beelaha daga maamul goboledka Puntland.

 

Radio Garowe,Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

German man, Somalia wife freed in Puntland

22 Sep 22, 2008 - 10:20:26 AM

 

BOSSASO, Somalia Sep 22 (Garowe Online) - An unidentified German male and his local wife were released early Monday morning in northern Somalia's Puntland region, Radio Garowe can confirm.

 

The couple were kidnapped Saturday in the port city of Bossaso by a gang, who soon took them to the outskirts of the town. [ Full story]

 

But traditional elders and the Somali wife's family took part in direct negotiations with the kidnappers, informed sources said.

 

Puntland police tightened security in and around town last night, as efforts intensified to free the hostages. Several of the kidnappers are now in police custody.

 

The couple is reported to be safe and will soon hold a press conference in Bossaso.

 

In recent months, foreigners have been kidnapped for ransom in Somalia by local gangs but this is the first time a foreigner with local family ties has been abducted.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxgarad ku guuleystay in la sii daayo muwaadin Jarmal ah oo lagu afduubtay Boosaaso

Waxgarad ka tirsan Puntland ayaa caawa ku guuleystay in xorriyadiisa ay dib ugu soo celiyaan Muwaadin u dhashay dalka Jarmalka iyo Xaaskiisa oo lagu afduubtay xalay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Waxarad uu ka mid yahay Gen. Cali Ismaaciil ayaa ku guuleystay in si shuruud la'aan ah loo sii daayo ninkaasi iyo haweeneydii uu qabay oo ah Soomaali, kuwaasi oo goor dhow la keenay magaalada Boosaaso.

 

Sida ay xaqiijiyeen dad isha ku hayey arrimaha ninkaasi iyo burcaddii geysatay falkaasi ayaa sheegayaan in aan la bixin wax qarash ah oo madax furasho ahaan loo siiyay dadkaasi, iyadoo wada xaajood iyo dadaal ay sameeyeen waxgaradkaasi lagu guuleystay in la soo daayo ninkaasi oo ahaa Muslim iyo Xaaskiisa oo ka soo jeeda Puntland.

 

Kooxaha afduubka geystay ayaa waxay ula dhaqaaqeen dhinaca buuraleyda Bari, waxaana ujeedada ay u afduubteen lagu sheegay iney madax furasho ka qaataan qoyska ninkani oo degan dalka Jarmalka, balse lagu guul dareystay.

 

Ninkani ayaa magaalada Boosaaso u yimid sida la sheegay arrimo qaraabo Salaan, waxaana uu qabaa haweeney Soomaaliyeed.

 

Waxaa mudooyinkii u danbeeyay deegaanada Puntland ka dhacayey falalka lidka ku ah amaanka dadka ajaaniibta ah, dhawaan magaalada Garoowe oo ah xarunta caasimada Puntland lagu dhaawacay nin u dhashay Kuuriyada Koonfureed, sidoo kale magaalada Boosaaso ay horay waxaa uga dhacay falal lagu weeraray Wariyeyaal Ajnabi ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this