Sign in to follow this  
Abwaan

»Ciidamada Macatab Ku Dirirka iyo Daba Dhoonka oo haweenka Xijaabka ka dhigaya Muqdis

Recommended Posts

Abwaan   

»Ciidamada Macatab Ku Dirirka iyo Daba Dhoonka oo haweenka Xijaabka ka dhigaya Muqdisho

 

Muqdisho (30 Apr 07), Dumarka Xijaaban ee ka adeeganay suuqa Bakaaraha ayaa shalay iyo maanta loo diiday inay galaan iyaga oo xijaaban waxaana lagu amray inay iska bixiyaan jilbaabka.

 

Maanta oo ah maalintii 3aad ee aan magaalada Muqdisho lagula dagaalamaynin caasimada Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya cadaadis ay ku hayaan haweenka Soomaaliyeed ee ka adeeganaya suuqyada magaalada gaar ahaan midka Bakaaraha oo ah suuqa ugu wayn Soomaaliya.

 

Haweenka ayaa laga fiiqayay xijaabka iyo indha shareerka si xoog ah haddii ay iyagu iska furi waayaan. Gabadh dagan xaafada Black Sea oo u dhaw Suuqa Bakaaraha ayaa u sheegtay KismaayoNews (Magaceeda waxay codsatay inaanaan daabacin) inay aaday suuqa si ay lacag uga soo qaadato xawaalad kadibna waxaa dariiqa kula kulmay ciidanka Macatab ku Dirirka oo amray inay iska siibto. "Waan qaadan waayay amarka ah inaan xijaabkayga iska dhigo, markii ay hadalka igu cel-celiyeen ee aan diidayna waxaa isu kay qabatay 4 Xabasho oo iga fiiqday dharkii aan qabay".

 

"Nasiib wanaag waan ka badbaaday inay i kufsadaan laakiin waxaaban kufsi iiga duwanayn inaan anoo diric kaliya qaba dib u soo qaaday wadadkii aan mari jiray waligay oo dadka i yaqaanaa ay dareerayaan, dadka qaar ayaa u qaatay inaan waashay". ayay hadalkeedii ku dartay gabadhu.

 

Ciidamada Macatab ku Dirirka ee Ethiopia ayaa sidan oo kale yeelay oo haweenka xijaabka ka furay gobolka Gedo markii ay qabsadeen sanadkii 1996dii. Waxaa kale oo xijaabka iyo indha shareerku mamnuuc yahay dhulka Soomaali Galbeed ee ay Xabashidu haysato.

 

KismaayoNews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this