Sign in to follow this  
Cowke

The Battle For SSC. Opinion Piece By A Local

Recommended Posts

Cowke   

las.jpg

 

Laascaanood waxaa heysta dadkii u dhashey waxaa xasuuqa ka geystana waa isla iyaga!

Warqad furan oo ku socota dhamaan Reer SSC

 

Anigu waxaan ka mid ahey shacabkaas, waxaana dhowaan ka imid wadankii oo hada qurbaah ku noolahay.

 

Waayadaan dambe waxaan maqlayney Laascaanood waa laheystaa,meel heblaa lagusoo duuley, walaalaheen Puntland dhabarkey noo duween,.Walaalyaal ma isweydiiseen yaa heysta Laascaanood yaase kusoo duuley Buuhoodle, yaase xasuuqa geystey.

 

 

Runta hadaan laga leexan Laascaanood waxaa heysta dadkii u dhashey, waxaa xasuuqa geystana waa isla iyaga, waxaana masuul ka ah waxaasoo dhan waa Nimanka hada sheegta Siyaasiyiinta SSC. Waxaa kaloo soo baxey baryahaan dambe dhalinyaro isku tilmaama iney yihiin saxaafada SSC (3 ama 4 website) oo qayb weyn ka qaata kicinta iyo marin habaabinta shacabkooda,waxey had iyo jeerna daabaca warar hargeysa lagasoo maloogey oo email loogusoo direy,waxaana fikradaas ka dambeeyey oo markii hore u dhiibey niman reer Hargeysa ah.Waxaan maqlaa Somaliland baa meel hebla kusoo duushey iyo meeyey waajibkii saraa reer Puntland,waryaadha hee maxaan beenta isugu sheegeynaa, oo dadka u eedeynaynaa, Somaliland magaceeda inagaa wadana dhulkeenii na qaseyna shacabkeeniina xasuuqana, ma waxaad rabtaan in Walaaleheen Puntland ay ka qayb qaataan xasuuqa ***********.

 

 

Shacabka SSC 90 markaad wadanka la joogtid waa dad reer Puntland ah, jecel una heysta ineysan meel kale aadeyn lakiiiin siyaasiyiinta goboladaas oo ayaa maskaxda doonaya iney dadka ka badalaan oo ay cadow ka iibsadaan.Waxaan maqli jire *Umushaa dhakhso hilmaanta diihashadeedee.

 

 

Waxaanan marna ilaawi karin inaan carabaabo shacabka Reer SSC ee Qurbaha oo iayaguna qayb weyn ka qaata kicinta shacabkooda,walaalyaal joojiya waxaad wadaan,waxaa haboon inaad dalkii booqataan walaahi waxaan fadhi kudirirka ku heyno ee aan isu sheegeyno ma jiraan ,SSC shacabkoodu waxey hiil iyo hoo la wadaagaan Mudug,Nugaal iyo Bari shacab weynahaasna dhamaantood waa waxaa ka dhexeeyo wada dhalasho, magacaan Puntland waan wadaagnaa.

 

 

Waa jiraan waxaan ka tabaneyno maamulka Dowlada Puntland ee Faroole hormuudka u yahey,lakiin ma waxaa haboon inaad cadkaaga ka dhacsato walaalkaa mise waxaa haboon inaad u baryo tagto cadowgaaga.shacabkaagana gadato,dhiigoodana daadiso,miyaadeyn arag waxa ka dhacey Buuhoodle,wiilashii dhintey labada dhinacba waa Reer SSC 4 wiil mahaane.

 

 

Nimanka sheegta siyaasiyiinta SSC waxaan u sheegayaa iney iyagu masuul ka yihiin 100% waxyaalbaha ka dhacaya gobolada SSC, Waar yaan shacabka been loo sheegin oo lamarin habaabin.yaan shacabka la xasuuqin.

 

 

Waxaan ka codsanayaa shacabka SSC iney ka tashadaan mustaqbalka caruurtooda iyo dhulkooda,siyaasiyiinta maanta inoo soo hana qaadey waan aragnaa meeshey nagu wadaan,fadlan aan ka fiirsano meeshaan usocona.

 

 

Fiiro gaara:iga raali ahaada hadii qoraalka wax qaldan ay kasoo baxaan,Anigu waxaan ahey nin dhalinyaro ah oo asal ahana reer Buudoole ah lakiin kusoo barbaarey Koonfurta iyo Qurbaha.

 

 

Ahmed M. Hassan

buuhoodle2011@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

"Laascaanood waxaa heysta dadkii u dhashey waxaa xasuuqa ka geystana waa isla iyaga"

 

 

Indeed that is the truth.......

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Originally posted by Sacad *Ducaale:

"Laascaanood waxaa heysta dadkii u dhashey waxaa xasuuqa ka geystana waa isla iyaga"

 

 

Indeed that is the truth.......

So why did they chase the president out last time he visited?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Thankful:

quote:Originally posted by Sacad *Ducaale:

"Laascaanood waxaa heysta dadkii u dhashey waxaa xasuuqa ka geystana waa isla iyaga"

 

 

Indeed that is the truth.......

So why did they chase the president out last time he visited?
Ahhh ,,, good you called him "The President" finally. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Jacaylbaro, sometimes you display a worrying level of hypocracy. When Jalle Siyaad was bombing Hargeisa, many of his commanders were from the Somaliland clan. It is always the case that there will be traitors from within.

 

So, don't try to deny the fact that Cali Sandule and Xaabsade are not in the good books of the majority of the Darwaawish people.

 

Wuxu siduu yahay ayaa loo sheegaa. Haddii kale, Somaliland is fully part and parcel of Somalia's TFG because Mohamed Abdullahi Omar is there!

 

Inaad ka xagiina ka taga ee Xamar tagana tidhaahdaan waa kha'inu wadan, ka tolkii ka soo baxsada ee Hargeisa cuntada lagu siiyana tidhaahdaan waa SSC kala daaya!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Thankful, last time sool was very anti sland including the sool powerhouse Xaabsade until he switched sides and decided sool is better off with somaliland rather then puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by Jacaylbaro:

quote: miyaadeyn arag waxa ka dhacey Buuhoodle,wiilashii dhintey labada dhinacba waa Reer SSC 4 wiil mahaane

Labadee dhinac in buhodle, now xabashiidana ma SSC bay noqotay.. I think the dude is clueless what he is talking about and he is very much a imposter not Laascaanoodi..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this