Sign in to follow this  
Cowke

Ethiopia Battle Trucks Enter Buhoodle Cayn

Recommended Posts

Cowke   

Ciidamo Ethiopian ah oo galay degmada Buuhoodle

May 15, 2010 | NEWS

 

Ciidan Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa lasoo sheegaaya in ay galeen degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Ceyn.

 

Gudoomiyaha degmada Buuhoodle Xuseen Dacwi Ducaale oo ay la xirrirtay Horseed Media ayaa xaqiijiyey in Ciidan ka socda Itoobiya isla markaana wata gaadiidka dagaalka ay degmadaas soo galeen halkaasi.

 

Wuxuuna sheegay in si kedis ah oo aan la ogeyn in ay halkaas kusoo galeen ayadoo ay fariisin ka samaysteen Bariga magaalada oo ay hada ku suganyihin isagoo sheegay in ay xayireen dhaq dhaqaaqa gawaarida ee ka baxaayay iyo kuwa soo galaayay magaalada.

 

Gudoomiyaha ayaa xusay in aysan aqoon sababaha keenay in Ciidamada Itoobiyaanku ay xilligaan soo galaan Buuhoodle,wuxuuna ku daray in aysan jirin ilaa iyo hadda cid ay qab qabteen oo ay xireen.

 

Buuhoodle ayaa ka tisan Maamul Goboleedka Puntland, waxaana dhawaan kusugnaa wefdi heer wasiir ah, maamulka Puntland kama hadal arintan iyo in ay wax ka og yihiin. Gobolka Ceyn ayaa iyadu xad la leh dalka Itoobiya,waxaana dhowr jeer oo hore qaybo ka mid ah gobolkaasi ay soo galeen Ciidamo Itoobiyaan ah.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Buuhoodle:"Annaga & Malayshiyaadka Hargaysa waanu isnaqaanaa car magaalada Buuhoodle hasoo galeen"Gudoomiyaha Degmada Buuhoodle.

 

15. maj 2010

 

APL

 

Buuhoodle:(Allpuntland)-Maamulka Degmada Buuhoodle ee magaalo madaxda Gobolka Cayn ee Dawlada Puntland ayaa ka hadlay Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay sameeyeen qaarkatirsan Ciidanka Soomaaliland oo kusoo dhawaaday qeybo badan oo kamid ah gobolada ay Dawlada Puntland si toos ah umaamusho,waxayna maamulku sheegeen in ay tahay Daandaansi lagu wado shacabka reer Buuhoodle.

 

Gudoomiyaha Degmada Buuhoodle ee Dawlada Puntland Xuseen Dacwi Ducaale oo APL galabta laxiriirtay ayaa sheegey in uu jiro dhaqdhaqaaqyo ay samaynayaan maamulka Soomaaliland,wuxuuna sheegey in ay Shacabka & Maamulka Buuhoodle & guud ahaanba gobolka ceyn u istaageen sidii ay isaga difaaci lahaayeen Ciidanka soomaaliland hadii ay isku dayaan in ay soo galaan deegaanada Puntland.

 

"Annaga & Malayshiyaadka Maamulka hargaysa sifican ayaanu isku naqaana,oo inbadan ayaanu isasoo aragnay,Car hasoo gaaraan deegaanadeena way ogyihiin inaysan wax fiican nagala kulmi mayaan oo Difaac ayaanu ugu jirnaa,hadii ay soodhawaadaana waxaanu u diyaar garownay in aanu isdifaacno marka hada dib inay u laabteen ayaanu maqalnay waana mida dantu ugu jirto"Ayuu yiri Xuseen Dacwi oo digniin u dirayey Maamulka Soomaaliland.

 

Dhanka kale wuxuu canbaareeyey Gudoomiyuhu ciidamo Ethiopian ah oo soogalay qeybo kamid ah gobolka Cayn ee Puntland wuxuuna sheegey in ay taageerayaan kuwa Maamulka Soomaaliland isla markaasna ay xir-xireen qaarkamid ah Baabuurta shacabka Buuhoodle,waxaana uu xiritaanka baabuurtan ku tilmaamay khalad ay ethiopia Puntland ka gashay.

 

"Ciidamado Ethiopian ah ayaa dhanka Hawdka oo aanu xuduudka ka leenahay soo galay,waxayna xanibeen baabuurtii Buuhoodle soo geli jirtay,taas waanu canbaareynaynaa waa in ay si dhakhso ah usoo daayaan Baabuurteena waayo waxaanu nahay Labad Dawladood oo saaxiibo ah isla markaasna wada shaqeeya waa in aysan wada shaqeynteena ku xadgudbin"Ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Buuhoodle.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

"

Dhanka kale wuxuu canbaareeyey Gudoomiyuhu ciidamo Ethiopian ah oo soogalay qeybo kamid ah gobolka Cayn ee Puntland wuxuuna sheegey in ay taageerayaan kuwa Maamulka Soomaaliland isla markaasna ay xir-xireen qaarkamid ah Baabuurta shacabka Buuhoodle,waxaana uu xiritaanka baabuurtan ku tilmaamay khalad ay ethiopia Puntland ka gashay.

"

 

 

pirateland admin cid kale ku caayaysa ethopian waaba qosol.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xunjuf why don't go there and do it yourself.

 

This new development shows that Somaliland is using Ethiopian muscle to subdue Cayn but will not work. How come Somaliland boys here in SOL are not protesting this incident?

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Annaga & Malayshiyaadka Hargaysa waanu isnaqaanaa car magaalada Buuhoodle hasoo galeen"

AND ....

 

Dhanka kale wuxuu canbaareeyey Gudoomiyuhu ciidamo Ethiopian ah oo soogalay qeybo kamid ah gobolka Cayn

:D:D:D ....... Ethiopian baa laga hadlayay and "Somaliland car ha soo galeen" kuye ,,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Horta Buhoodlada wa in mar si fiican loo siifeyaa.

Horaa loo yidhi habar fadhidaa lagdine la fududaa!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this