Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: security crackdown: Bandits caught PICS

Recommended Posts

Muqdisho:Ciidamada Booliska Banaadir Iyo Ciidamada dawlada Itoobiya oo hawlgalo ka wada Degmada heliwaa.

 

5. juni 2007

Muqdisho(AllPuntland)-Ciidamada dawlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa waxa ay saaka xireen wadooyinka soo gala Degmada heliwaa ee Magaalada Muqdisho.

 

Ciidamadan ayaa waxa ay dadka udiideen in ay maraan dhamaan wadooyinkaasi waxaana lasheegay in halkaasi laga bilaabay hawlgalo amaanka wax looga qabanayo sida ay sheegayaan wararka laga helayo ilo ku dhow dhow ciidamada dawlada Soomaaliya.

 

Dadweynaha dagen degmadaasi ayaa waxa ay saaka ku waabariisteen ciidamo kala duwan oo ku sugan dhamaan goobaha dadku iskugu yimaadaan waxaana lasheegay in ay dadka amar ku siinayaan in aysan furin goobaha ganacsiga.

 

Ciidamada dawlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska iyo ciidamada dawlada Itoobiya ayaa waxa ay saaka dageen isgoysyo kala duwan oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada Milateriga.

 

Wadooyinka qaar ayaa waxaa loo diiday dadweynaha ay maraan gabi ahaanba lama sheegin ujeedka amarkaasi.

 

Hawlgaladan ay wadaan ciidamada dawlada gaar ahaan booliska iyo Milateriga Itoobiya ayaa waxa ay ku soo aadeen ayadoo magaalada Muqdisho amaankeeda qeybo ka mid ah ay ka dhaceen weeraro qaraxyo ah oo loo adeegsanayo miinooyin iyo baabuur laga soo buuxiyey waxyaalaha qarxa.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Booliska Dowladda KMG Iyo Kuwa Ethiopia Oo Saaka Lagu Fatahay Guud ahaan Caasimadda (Ciidamada Oo Baaritaano Xoogan Sameynaya).

Posted to the Web Jun 05, 05:12

 

 

MOGADISHU: Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda KMG ayaa saaka lagu waabariistay iyaga oo daadsan wadooyinka Magaalada, islamarkaana baaritaano xooggan ku sameynaya gawaarida BL-ka ah iyo dadka rayidka ah.

 

 

Wadada dheer ee warshadaha gaar ahaan inta u dhaxaysa xaafadda Caymiska ilaa deegaanka Suuqa xoolaha ayaa waxaa si daran u gaafwareegaya Ciidamao Ethiopian-ah iyo kuwa Dowladda KMG oo is kaashanaya, iyadoona aanu jirin wax gaadiid ah oo wadadaasi isticmaalaya saaka.

 

 

Sidoo kale inta u dhaxaysa garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ilaa Isgoyska km4 ayaa lagu arkayaa ciidamo boqolaal gaaraya oo Ethiopian-ah kuwaasi oo baaritaano xooggan ka sameynaya goobahaasi.

 

 

Hawlgaladani baaritaanka ah ee caasimadda ka socda saaka ayaa waxa uu ka dambeeyey ka dib markii wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga ee Dowladda KMG Salaad Cali jeelle uu shaaciyey in Ciidamadii Militariga laga saaray magaalada, islamarkaana ay Ciidamada Booliska oo weheshanaya kuwa Ethiopia ay baaritaano ka sameyn doonaan guud ahaan Caasimadda.

 

 

Magaalada Muqdisho ayaa xaaladeeda amaan ay faraha kasii baxaysaa maalinba maalinta ka dambeysa, xilli uu soo dhow yahay shirkii dib u heshiisiinta, iyadoona shalay oo kaliya Magaalada lagu dilay in ka badan ilaa 10-ruux oo laba ka mid ah ay ahaayeen Booliska Dowladda KMG.

 

 

C/risaaq C/laahi Maxamed

 

 

Puntlandonline.com

 

 

Muqdisho

 

 

Indhojaceel2003@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in la soo qabtay Rag ku labistaa Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka oo dhac geysanayay

 

Talaado, June 05, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay howlgallada ay Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiyaanka ay ka wadaan Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku baarayaan guryaha iyo gaadiidka isaga kala goosha Waddooyinka Gobolka Banaadir.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in ay howshaasi qeyb ka tahay sugidda ammaanka Caasimadda Muqdisho, wuxuuna carrabka ku dhuftay in waddooyinka gala degmooyinka ay howlgallada ka socdaan ee la xiray la furi doono marka ay soo dhamaadaan howlgallada ay wadaan Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.

 

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in askar ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka oo dadka dhacayay gacanta lagu soo dhigay, isagoo caddeeyay in ay dadkaasi ka qaateen lacag dhan 700,000 Sh. So ah, taasi oo uu ballanqaaday in la siin doono dadkii laga qaatay.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Dheere ayaa intaas ku daray in ragga ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka ee falalka burcadnimada ah lagu soo qabtay ay tiradoodu gaareyso 7 nin, kuwaasi oo xabsiga loo taxaabay, isla markaaba sharciga la hor-keeni doono.

 

Howlgallada ay sameynayaan Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya ayaa ku soo beegmaya xilli ay maalmihii tegay ka dhacayeen Magaalada Muqdisho qaraxyo kala duwan oo mid ka mid ah lala beegsaday Guriga Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ee Magaalada Muqdisho iyo weliba dilal loo geystay Guddoomiyayaashii Degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa, Howl-Wadaag iyo Ceel-Buur.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowlada KMG Iyo Kuwa Itoobiya Oo Baaritano Xoogan Ka Sameeyay Qeybo Ka Mid Ah Muqdisho

Posted to the MOL June 5, 2007, 5:15 am

 

Ciidamada Itoobiya ayaa howl gallo baaritaano ah ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho taasi oo saameyn ku yeelatay isu socodka dadka iyo gaadiidka.

 

Baaritankaani ayay ciidamada Itoobiya si weyn waxa ay uga wadeen qaar ka m di ah wadooyinka magaalada Muqdisho , iyadoo ay ku qasbeen gaadiidka in ay istaagaan

Goobaha ay baartitaanka xoogan ka wadeen ayaa ah inta u dhexeysa Caymiska ilaa Suuqa xoolaha waxaana la arkayay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya oo baaritaano ku sameeynaya guryaha ku dhaw laamiga iyo gawaarida halkaasi yaal .

Iyadoo sidoo kale ay baarayeen dadka socotada ah ee sita bacaha madoow .

Gawaarida BL-ka ayaa saaka laga rarayay agagaarka Warshada Baastada , iyadoo dadka ay ka soo lugeeynayeen deegaanka Suuqa xoolaha iyaga oo soo marayay wadooyin qarda jeex ah .

Waxaa guud ahaan xernaa goobaha ganacsi ee ay baaritaanka ka wadeen ciidamada Itoobiya , waxaana baaritaanadaani ay soo baxeen iyadoo shalay qaraxyo ka dhceen deegaanadaas .

 

Howlahanai baaritaan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay iskuulada goobahaasi ku yaal iyadoo ardayda ay gaari waayeen goobaha wax barashada .

 

Howl galada baaritaan ee maanta ayaa si weyn uga xooganaa kuwii hore , iyadoo lagu warmay in arimo amaan ay la xariiraan .

 

 

Cismaan Xasan Cali(Fanatstic)

 

 

Xafiiska Mudugonline Ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

Duke don't you think that we have already avenged for our dead fathers and uncles and aunts in Mogadishu some 16 years ago.....WE, with our Tigraynan boys, WE have done more than necessary...Hawlgal this or clean up that...to what end?

 

My goodness, cleansing whole towns and cities , and putting Somali under Tigraynan occupation would be the only legacy and history WE are going to leave for our kids...

 

How many more operations and clean up jobs, and lives do we need to take and destroy until WE say that the REVENGE mission, we embarked on, with those Tigraynan boys, who could care less of where you from and who you are, is officially over..

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer spare me the jest we have heard this song of your before.

 

The game is up, those who want to keep Somalia s it was for 16 years have failed.

 

Also my aunts, uncles, and grandparents live in Mogadishu today and insha Allah will continue to do so.

 

The only occupation taking place is in your minds since the golden age of 1991-2006 is over.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

I have heard and listened to the same old Music bro: AdeerKEEN meelbuu uga soo horay nimankii...

 

Remember the conference calls and the sad and deadly stuff we tell one another on every occassion that WE get together to congratulate ourselves and the Vampires in Somalia who are doing the dirty job for us....

 

I am disheartened, please don't beleive that nonsense and hateful speeches and worse then come here try to propagate it as thou its the final word, the holy and only word...WE have been wrong on this one...this is the wrong legacy

 

And trust me its an occopation and the worst of it all bro is that the occupier cares abosulately ZERO care of who OUR Great great great grand father was...it is all in our heads

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tahliil, is pretedning to be something he is not. Thats a given since the clan courts also pretended to be what they were not.

 

 

Burcad Laga Soo Qabtay Degmada Huruwaa

Muqdisho(Calanka.com) 05-Jun-2007

 

Madaxa maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxammed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo shir jaraa`id ku qabtay Ex-KONTROL Balcad ayaa ka war bixiyay howlgal balaaran oo ey maanta si wadajir ah u fuliyeen ciidamada boliska g/Banaadir iyo ciidamada Itobia.

 

Howlgalkan oo ahaa kii ugu baaxada weynaa ayaa waxaa uu ka dhacay xoogiisa degmada Huruwaa halkaasoo laga soo qabtay kooxo isugu jira burcar xiran dareska cidamada geystana dhac iyo dilal iyo sidoo kale kooxo argagixiso ah oo qorsheynayay in ey fuliyaan falal amni darro oo ey ka mid yihiin gawaari ey bomb kusoo xiraan.

 

Mudane Maxamed Dheere ayaa sheegay in mar ey baaritaan ku sameeyeen meel masaajid ah oo loogu soo sheegay in ey ku jiraan kooxo argagixiso ah ayaa waxa ey ka dhex heleen gudaha masaajidka ilaa dhow qori oo noocyo kala duwan iyo rag markaasi qorsheynayay falal argagixisnimo.

 

Waxaa uu sidoo kale sheegay masuulkan in ey sidoo kale soo qabteen ilaa sadex gaari oo loo adeegsan lahaa falal argaxisnimo iyo ku dhawaad 1000 caruur ah oo sida uu sheegay loo tababarayay sidii ey isku qarxin lahaayeen.

 

Maxamed dheere ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah ilaaladiisa ey geysteen falal boob ah oo uu ku sheegay in ey eheyd lacag gaareysa 700.000 shilin somali, lacagtaasoo uu sheegay in ey dowladu gudi doonta xabsigana loo taxaabay ilaaladaas geysatay falkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxamed Dheere:- “Waxaan soo qabanay Shaqsiyaad iyo gaadiid la doonayey in la gu fuliyo falal is-qarxin ah”

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 05/06/07

 

Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Gobalka Banaadir, ahna Duqa Magaalladda Muqdishu, Md. Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere”, waxa uu faahfaahin ka bixiyey Hawlgal ballaaran oo ay Ciiddamadda Ammaanka ee DFKMGS iyo kuwa Ethiopianka ka fuliyeen qeybo ka tirsan Magaalladda Muqdishu.

 

Md. Maxamed Dheerem oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalladda Muqdishu, ayaa ku nuuxnuuxsaday inay Hawlgalkii maanta ku soo qabteen 14-qof oo ku labisnaa dharka Milliteriga DFKMGS, kuwaasi oo uu xusay in loo gudbiyey Xabsiga Dhexe ee Magaalladda Muqdishu, waa sida uu hadalka u yiri.

 

Guddooimiyaha, waxa kaloo uu sheegay inay Hawlgalka ku soo qabteen dhowr gaari oo uu sheegay inay diyaar u ahaayeen in lagu fuliyo falka is-qarxinta ee maalmahan ka dhaca gudaha Magaalladda Muqdishu iyo Milkiilihii lahaa gaari loo adeegsaday mid ka mid ah qaraxyaddii ka dhacay Magaalladda Muqdishu.

 

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa Magaalladda Muqdishu, waxa uu qiray inay maanta hawlgal ka fuliyeen Masjidka Al-Hidaaya oo ku yaalla Degmadda Huri-waa, halkaasi oo uu sheegay inay ku soo qabteen Tobaneeyo qof oo ka mid ah Koox-diimeedka Tabliiqa, wuxuuna xusay inay hub fara badan ka soo heleen gudaha Masjidkaasi, waa sida uu hadalka u yiri.

 

Hawlgalka ay Ciiddamadda Boliska ee DFKMGS iyo Milliteriga DFKMGS sida wadajirka ay maanta uga fuliyeen Magaalladda Muqdishu, waxa uu ku soo beegmay hal maalin kadib, markii uu Wasiir-ku-xigeenka Difaaca ee DFKMGS, Md. Salaad Cali Jeelle sheegay in Ciiddamadda DFKMGS laga wada saaray Magaalladda Muqdishu, si Ciiddanka boliska iyo Maamulka Gobalka Banaadir loogu gacan banneeyo Sugidda Ammaanka ee Magaalladda Muqdishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this