Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Updates from Las Anod: Warning-Some Graphic Images

Recommended Posts

On 1/2/2023 at 8:23 PM, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Internet xoog lagu damiyo does not imply kacdoonka inuunan socon. Internet la dansado haddee wax tareyso Xusni Mubaarak iyo Tuniisiya wax u tari lahayd. 

When secessionists on here faan iyo isku camir ku haayeen, I warned you. And it happened. Dad xoog lagu heysan karo ayaa iska yar in this era of baraha bulshada. 

  • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
On 1/5/2023 at 6:59 PM, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

When secessionists on here faan iyo isku camir ku haayeen, I warned you. And it happened. Dad xoog lagu heysan karo ayaa iska yar in this era of baraha bulshada. 

Kolay iminka khasab ayee ku noqonisaa ina Khatuma rabitaankeeda la tix galiyo. Kolay Xoog, khiyaamo, been iyo isku dir siyasad maha oo jab uun ayee keentaa.  

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maanta ayaa wada hadal la raadiniya, iyo cidii lala hadli lahaa. Yaa aamini hee kuwii wada hadalkii hore dafiray, heshiiskii ka baxay oo ergada diiday ciilna ku dilay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
On 1/5/2023 at 4:59 PM, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

When secessionists on here faan iyo isku camir ku haayeen, I warned you. And it happened. Dad xoog lagu heysan karo ayaa iska yar in this era of baraha bulshada. 

Somaliland is still in control of the land all exist north south east west the somaliland troops are stationed the police are stationed inside the town.

 

minister of interior Mohammed kahin Ahmed was just there if not still there. So was wasiir ina Koore.  And former speaker of parliament Baashe maxammad cadde and also   Mr faratoon. If somaliland wasn’t in control. Non of these officials would visit the town . Now eat that laascanood said no  to  your folks form bay and bakool and deported them back to their home land . Ama ooy ama barooro nothing will change that 

Share this post


Link to post
Share on other sites
14 hours ago, Xaaji Xunjuf said:

Somaliland is still in control of the land all exist north south east west the somaliland troops are stationed the police are stationed inside the town.

 

minister of interior Mohammed kahin Ahmed was just there if not still there. So was wasiir ina Koore.  And former speaker of parliament Baashe maxammad cadde and also   Mr faratoon. If somaliland wasn’t in control. Non of these officials would visit the town . Now eat that laascanood said no  to  your folks form bay and bakool and deported them back to their home land . Ama ooy ama barooro nothing will change that 

 

SOMALILANDSTANDARD.COM

  The President of the republic of Somaliland H.E Musa Bihi Abdi has talked about the expulsion of thousands of...

Tariikhda been lagama sheego oo waxbaa laga bartaa. Dowlada SL ayaa ka raaftay suuqyada Las Anod iyo Erigabo dad kasoo jeeda gobolada Baay iyo Bakool Sool, bisha markey eheed 1dii Oktoober 2021. Maalintaa madoow markey Lix bilood laga taagnaa, ee eheed 1dii April 2022 wakii suuqii waheen gubtay. Subxanallah. 

Hadaa kusii wado, wexe eheed 7dii bisha january 2018 markii Somaliland weerar gardaro ah habeen mugdi ku qaaday ciidankii Puntland ee Tukaraq fadhiyay, oo bil kamee soo wareegin markii madaxweynaha muuse la wareegay xukumada. 5 sanonkadib,  isla yada oo bil kasoo wareegin markey mudadii muuse dhamaatay 13 decemb 2022, oo isla 5 sano kadin isla isbuucii ugu horeeyay january 2023, laga saaray ciidankii SL Magalada Las Canood. Cida casharadaas wax ka baran weyda, jab kasii weyn usii socdaa. 

Subxanallah, ilaahay ma ogola xaqdarada. umad muslim baanu nahay,  ilaahay Ummad ma Dulmiyo, wuu naxariis badan yahay, wuuna dulqaad badan yahay, laakiin Ilaahay wuxuu ina leeyahay maalin dambe ayaan ula hadhay oo aan la sugayaa, dhibaatooyinkuna waa wax Ilaahay inagu imtixaamayo, waxaanna la doonayaa ina Alle u soo laabano, tawbad keeno oo dambi-dhaaf weydiisano, xaqana ku socona markasta. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Protests in breakaway Somaliland call for reunification with Somalia

Screenshot-213-1024x577.png

Even as the US and UK are increasingly legitimizing secessionist rule in Somaliland, whose sovereignty has no international recognition, a unionist movement seeking a united Somalia threatens to unravel the self-declared republic

Protests against secessionist rule are spreading across the Sool region of Somaliland, the breakaway region of northern Somalia. Unionist protesters are calling for reunification with Somalia and Somali activists and observers opine that the protests might soon spread across Somaliland, questioning the legitimacy of its unrecognized claim to sovereignty, which the US and UK have been seeking to strengthen with recent overtures.

On Sunday, January 15, protests were reported from the Taleex city, where Somaliland’s tricolor flags were removed and replaced with the blue flags of Somalia. Taleex is about 160 kilometers northeast of the epicenter of the protests, Las Anod, Sool region’s capital city. Las Anod was captured by Somaliland from Somalia’s autonomous region of Puntland in 2007.

The protests began in the city on December 28. In an attempt to put them down, security forces killed at least 20 civilians over the following five days, before reportedly retreating to the city’s outskirts on January 5.

Somaliland’s commander of Armed Forces, Brigadier General Mahad Ambashe, has, however, indicated his intention to take back the city, saying that his troops “shall continue staying in Las Anod and Sool region to ensure law and order has been followed by residents.”

Defiant, the clan leaders of the region held a meeting in Las Anod on January 12, calling on Somaliland’s forces to withdraw from Sool, Sanaag, and Cayn (SSC), where a majority of the people have been historically opposed to secession from Somalia.

Pro-unionist troops under the command of the head of the Dhulbanate clan have taken over the city and sworn to defend it from Somaliland. “Everybody is waiting for the tribesmen in Las Anod to fully announce a war against Somaliland. And you will hear this very soon as they have formed a committee of 33 heads to come up with a roadmap to remove Somaliland from SSC,” Elham Garaad, a UK-based Somali activist whose unionist parents migrated out of Somaliland, told Peoples Dispatch.

The protests had spread to the city of Kalabaydh, 70 kilometers to the southwest of Las Anod, by January 12. Two days later, unionist demonstrations broke out in Xudun, 100 kilometers to the north of Las Anod, and in Boocame, 80 kilometers to its east. Protesters also took to the streets of Boocame’s neighboring Tukarak on January 15, and blocked a minister from visiting the city.

Badhaan, a city in Sanaag region, and Buuhoodle city in Cayn region, have also witnessed protests. The three regions together had formed the Sool, Sanaag, and Cayn (SSC) state of Somalia, before being forced into Somaliland by the secessionist Somali National Movement (SNM).

Waving the blue flag of Somalia, the protesters have been demanding the “right to self-determination” on the question of reuniting with Somalia, which was fractured after the civil war that ended with the collapse of its federal government in 1991.

“Most regions in Somaliland oppose secession”

“Until 1991, there was no such thing as Somaliland, except when the area was a British Protectorate,” Mohamed Olad, a Somali activist studying law in the US, told Peoples Dispatch. “The idea of forming a country on the basis of this border of the British protectorate,” separating itself from the part of Somalia under Italian occupation, was opposed by two of the three original states of Somalia that came to be part of the self-declared Republic of Somaliland after 1991, he said.

Support for secession was largely limited to the North West state, a stronghold of the SNM, which fought in the war against Somalia’s federal government led by Mohamed Siad Barre. SSC and Awdal “have historically opposed” the notion of Somaliland, Olad explained, adding that Awdal was captured by the SNM with the help of Ethiopia during the civil war.

Read more

Share this post


Link to post
Share on other sites

what a bunch of lies  that Somalilanders dont support independence but want to be with the bunker if that was the case . Wouldnt it that be obivous.

 

Somaliland has shown that it is mature in its politics

 

As for the constitution he is right but we are not stalling the walanweyns are they know once they adopt the constitutions they can do two . Things put it to a vote and hold a referendum. And once they do that they wont hold it in any where of Somalilands territory. There for the constitution will become null and void  in their claim to Somaliland. The other option is for Somalia for ever not thave a costitution or else they have to keep this just drafted issue or , they need to show some balls and adress the Somaliland issue either way its bad. if they go forward which i think and i hope they will then its gone , the cancerous union is then deead. from a legal point of view. if they do not then they can just stall an be with out a constitution or they will adress it  but they will then lose the argument over Somaliland.

 

As for the oil thing what matters for these companies is that who can enforce their stay in any part they are operating and that is Somaliland and not the bunker..

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

Somaliland iyo Khaatumo oo heshiis kala saxeexday, Madaxweynaha Somaliland Oo Goob-joog U Ahaa Heshiis Taariikhi Ah Oo Dhex Maray Somaliland Iyo Khaatumo, Waxaanu Madaxweynuhu Khudbad Ka Jeediyey Madashii Kulanku Ka Dhacay Oo ahayd Caynaba Iyo Nuxurka Heshkii Ka Soo Baxay Shirka

Madaxweynaha JSL iyo Hogaamiyaha Khaatumo Oo Maanta Si Rasmi Ah U Kala Saxeexaday Heshiis Nuxurkiisu Ahaa Kamid Noqoshada Khaatumo ee Somaliland 

Caynaba()Magaalada Caynaba ee xarunta gobolka saraar waxa maanta lagu soo gabo-gabeeyay wadahadaladii u socday dawladda somaliland iyo khaatumo, wadahadalaadaasi oo socday labadii sanno ee u danbeeyay taasi oo ka dhalatay gogoshii nabadeed ee madaxweynaha Jamhuuriyadda somaliland u fidiyay dadka deegaanada Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle.

Wadahadaladani oo si weyn labadii sano ee u danbeeyay uga socday dalalka imaaradka, jabuuti, itoobiya iyo Somaliland gudaheeda ayaa maanta kusoo gaba-gaboobay Caynaba. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo hogaamiyaha khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh oo si wada jira u saxeexay heshiiska ay gaadheen labada dhinac ayaa waxa hadalka qaatay Prof: galaydh oo si weyn u sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiska maanta lagu kala saxeexday caynaba, waxa uu sheegay Galaydh in dastuurka Somaliland oo la furaa yahay dawladda kaliya ee reer Sool, iyo Sanaag bari isagoo ballan qaaday inuu heshiiskaasi sida uu yahay uu u fulin doono.

Shirkaasi muhiimka ah ee ay Somaliland iyo Khaatumo ku kala saxeexdeen magaalada Caynaba galabta 20/20/2017, ayuu madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ka jeediyey khudbadan:

"Madaxda-dhaqanka, Madaxda Khaatumo, Madaxda Dawladda, Madaxda Xisbiyada Qaranka iyo Marti-sharafta kale, ee madashan fadhida, dhammaantiin, waxaan idiin soo gudbinayaa salaan Xambaarsan Nabadgelyo iyo Naxariis Eebe “Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu”

Mudanayaal iyo Marwooyin, 

Milgo iyo Maamuus weyn bay ii tahay, in aan maanta ka soo qayb-galo munaasibaddan taariikhiga ah, ee lagu soo af-jarayo, khilaafkii dheeraa ee u dhexeeyey Somaliland iyo Khaatumo. Sharaf weyn bay ii tahay, Madaxweyne ahaan, in aan maanta ku guulaysanno, xal u helidda khilaafkaa, dhaawaca ku ahaa midnimada iyo wada-jirka Umada Somaliland. Dhinaca kale, waa Eebe Mahaddii, in aanu, aniga iyo saaxiibkay Prof. Cali Khaliif Galaydh, oo aanu wadaagno, sooyaal taariikheed oo dheer, aanu bogsiinnay boogihii iyo nabaradii labada dhinac, isla markaana aanu maanta isku mabda iyo mawqif siyaasadeed nahay.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Xal-u-helidda khilaafka ina soo dhex-galay, wuxuu ahaa mas’uuliyad umad ahaan ina saaran, si gaar ahna, wuxuu ahaa xil noo saaran labadayada Oday, ee jaalka ah. Tan iyo intii, Qarankan Jamhuuriyaddan Somaliland, dib loo yag-leelay, waxa jiray tabashooyin iyo saluug, ay tirsanayeen beelaha deegaanada Gobolka Sool, Xaysimo, Buuhoodle iyo Sanaag Bari. Nasiib darro, ma dhicin in si rasmi ah, marnaba khilaafaadkaa, loogu xalliyo hab-dhaqan ama mid siyaasadeed toona.

Hogaamiye ahaan, markii aan haaneeday hogaanka dalka, bilowgiiba, waxaan ku baaqay wada-hadal iyo gogol nabadeed. Xukuumaddaydu, waxay xoog saartay, dardar-gelinta siyaasad ku dhisan nabadayn, wada-hadallo iyo dib-u-heshiisiin. Mudadii labada sanno, ee u dambaysay, waxaanu agaasinay shir doceedyo gaar-gaar ah, oo aanu ku marti-qaadnay Madaxda Dhaqanka iyo Kuwa Siyaasadda, ee deegaanadaa Gobolka Sool. Shirarkaas goos-gooska ah, ee kala du-duwanaa, ugamaanu jeedin in aanu ku qaybino, ama ku kala qo-qobno wax-garadka bulshada ku dhaqan deegaanada kor ku xusan.

Hase-yeeshee, waxay ujeedadu ahayd, in ay u noqdaan gogol xaadh, shir-weyne balaadhan oo ay ku wada xaajoodaan Somaliland iyo Wax-garadka deegaanada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle. Waxa mudan, in aan si gaara u xuso Shirweynihii Magaalada Adhi-cadeeye, iyo Kii Awr-boogays, ku dhex-maray Xukuumadda Somaliland, iyo Beelaha Maxamuud Bari, Hijiinle iyo Cabdiraxmaan Harti. Waxaan jecelahay, in aan halkan ka bogaadiyo, Garaadadii, Cuqaashii, Wax-garadkii iyo hal-doorkii, ka-qayb-qaatay qabsoomida shirkaa, iyo meel marinta go’aamadii ka soo baxay. Sidaa darteed, waxaanu dhawri doonaa, dhammaan heshiisyadii is-kaashiga, iyo wax-wada qabsiga ahaa, ee dhex-maray labadayada dhinac. Waxa waajib ku ah, hogaamiyaha i bedeli doona dhawaan, inuu dhaqan-geliyo go’aamada Shirkii Awr-boogays.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan soo dhaweynayaa, midnimada iyo heshiiska maanta aanu kala saxeexanayno, maamulka iyo madaxda khaatumo, kaasoo Shacbiga Somaliland u hor-seedaya; Horumar, iskaashi iyo isku-duubni. Waxaannu fulin doonaa heshiiskan, ka kooban Saddex iyo Tobanka Qodob, isla markaana, waxa waajib ku ah, hogaamiyaha i bedeli doona, dhaqan-gelinta go’aamada heshiiskani uu xambaarsan yahay.

Waxaan kula dardaarmayaa, kuna adkaynayaa Madaxweynaha aan xilka ku wareejin doono, 13-ka bisha December, 2017-ka, in uu mudnaan siiyo, dib-u-dhiska iyo horumarka deegaanada Gobollada Sool, Buhoodle, Xaysimo iyo Sanaag Bari. Sidoo kale, waxaaan kula talinayaa in uu qaban-qaabiyo shir-weynihii guud ee baaqday. Midnimada iyo Wada-jirka Umada Somaliland, waa mid leh muhiimad weyn, oo aan marnaba, mad-madow la gelin Karin. 

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Laba ILAAH Baa u Daawo Qaaday, Labana Iyagaa Daawo Qaatay”. Haddaba, waxaan leeyahay, umadda Somaliland, ILAAHAY ayaa u daawo qaaday, oo waa kuwo wadaaga dal, dad, daaq, deegaan, debci, diin iyo dhaqan guun ah.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Si loo xaqiijiyo, isla markaana loo xoojiyo Midnimada Shacbi-weynaha Somaliland: Waxaan aamin-sanahay, in la qayb-sado, hawsha, halabadda iyo hantida Qarankan, Curdinka ah. Waxaan aamin-sanahay, in Beelaha iyo Bulshada Somaliland yihiin, kuwo siman oo leh xaq, xuquuq iyo xurmo isku mid ah. Waxaan aamin-sanahay, in cadaaladdu tahay, waxa keliya ee ay umadi ku walaaloobi karto, ama jiritaankeedu uu ku waari karo.

Walaalayaal, 

Waxaan gar u arkaa, in ay jid iyo daw tahay, in dhib iyo dheef la wadaago. Waxaan gar u arkaa, in wixii qal-damay la saxo. Waxaan gar u arkaa, in la dheeli tiro awood qaybsiga talada dalka. Waxaan gar u arkaa, in la idinka tiro, tabashada iyo turxaan kasta oo aad tirsanaysaan. Waxaan xal u arkaa, in loo baahan-yahay in dib u eegis lagu sameeyo, Saami-qaybsiga Kuraasta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, uu yeelan doono, mustaqbalka. Walaalayaal, mar labaad ayaan ku celinayaa, oo waxaan leeyahay, ma nihin, dad kala tagi kara, mana nihin dad kala tashan kara, ee waxaynu nahay dad isku dan, iyo isku dal ah. Waxaynu nahay, dad ka dhigan Sakaaradii la yidhi “Laba Tun, oo la kala qalo ma leh”.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan kula dardaarmayaa, Bulshada Somaliland in ay wada-tashadaan, oo isku-tashadaan, isla markaana ay adkeeyaan nabada, midnimada, kalsoonida iyo is-aaminka dhexdooda. Ugu dambayn, waxaan hambalyeynayaa, Xubnaha Guddidii Wada-hadalka, laba geesoodka ahayd, ee ka kala socotay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Khaatumo, kuwaas oo bud-dhig u ah guushan. Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa, Dr. Cali Khaliif Galaydh, oo muujiyey geesinimo iyo go’aan adayg, si uu u mideeyo dadka iyo dalka Somaliland".

Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu dhammaanteen inoo dembi dhaafo,
Waxaan ILAAHAY ka baryayaa, inuu tacabka, talada iyo tawfiiqda inoo Hagaajiyo,
Waxaan ILAAHAY ka baryayaa, inuu Boggeena iyo Beerkeena, Burcad isu-mariyo,
Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu tubta toosan, inagu hanuuniyo,
ALLAHAYOW, Aamiin, Aamiin, Aamiin


Gunaanadkii shirkana Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa akhriyey nuxurka heshiiska Jamhuuriyadda Somaliland iyo Khaatumo, waxaanu yidhi“ Waxa weeyi nuxurku :-

1. In la helo cadaalad iyo sinaan iyo nabad ku wadada noolaansho.
2. in  la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland.
3. in khilaaf kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal iyo jid nabadeed.
4. in la adkeeyo midnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha.i
5. In dastuurka dib loo furo si loo sugo awood qaybsi ku dhisan cadaalada iyo Sinaan guddi joogto ahna arrinkaas loo saaro.
6. In dawladda Somaliland, ururada samafalka iyo hay’adaha jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ka hawl galaan sidii mashaariic horumarineed looga samayn lahaa gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

7. In ciidikoAamada hubaysan ee Khaatumo la qarameeyo oo wadanku yeesho ciidan qaran oo suga .xuduudihiisa, jirintaankiisa iyo danahiisa. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dardaaran madaxweyne diiday, heshiis dowladeed diiday, Talo odayaal qaran diiday, Rabitaan shacab diiday. Nabadiina diiday. Ilaahayoow naga qabo new-Faq*sh. 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.