Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ahmed I Samatar Sees the Light -------- Finally

Recommended Posts

(LondonHNW) Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland balse ka soo horjeeda goni isutaaga Somaliland ayaa markii u horreysay sheegay inay sii adkaanayso midow ay Somaliland la midowdo Somaaliya inteeda kale, wuxuuna sidaa ku sheegay waraysi maqal iyo muqaal ah ka soo uu qaaday Madaxda Laanta Afka Somaaliga ee Ilaacadda B.B.C-da Yusuuf Garaad.

 

Yuusuf Garaad oo sannad kasta dhamaadkiisa ku casuuma Professor Axmed Ismaaciil Samatar Ilaacadda B.B.C-da wuxuu ka hadlaayay arrimo badan oo adduunka la soo gudbonaadey sannadkii dhammaadey iyo rajada uu ka qabo sannadka cusub ee 2010, arrimha uu Professor Axmed Ismaaciil Samatar ka hadlay waxaa kamid ahaa dhibaatooyinkii xagga ammaanka iyo rajada uu ka muujinaayo Somaaliya oo Konfurteeda maanta colaado ka taaganyihiin, wuxuuna yidhi. “Ma garanaayo halka maanta Somaaliya tagantahay meel ka sii liidata oo ay istaagto runtii waxay ku dhawdahay baaba iyo in meesha laga waayo, waxaa kale oo markasta calool xumo igu haya aniga in wixii laysku oranjiray Somaaliweyn ay dib u soo noqoto oo mardanbe la arko tasoo hadda aan muuqan. Waayo tusaale ahaan Gobolka aan anigu ka soo jeedo ee Waqooyi Galbeed (Somaliland) wuu sii socda wayna sii adkanayaan waanay sii lumaysa inay la midobaan Somaaliya inteeda kale.”

 

Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo hadalkiisa sii wata ku saabsan Somaliland wuxuu yidhi. “Waayo Somaliland maanta waxaa soo koraaya dhalinyaradii oo yagu aan garanaynba Somaaliweyn, marka lagu yihadhdo Somaali waa dad qudha odhanaaya waxaasi way dhamaatay oo mar hore ayay ahayd. Markaa way sii adkanaysa rajadaas inay Somaaliya dib ugu soo noqdaan”. Waa markii u horreysay ee Professor Axmed Ismaaciil Samatar qiro inay adagtahay midow danbe oo Somaaliya iyo Somaliland midobaan isagoo saadaasha ku sheegay jiilka soo ka caaya oo aan yagu garanaynba Somaaliweyn. Axmed Ismaciil Samatar iyo walalkii Professor Cabdi Ismaciil Samatar waxay u dhasheen Somaliland waxayna ka soo horjedaan qadiyadda gooni isutaaga, tasoo dhalisay inay xittaa ka soo xaadiriwayaan geeridii kutimi Hoyadood alle hawnaxariiste iyo Abtigood oo ahaa Tijaar Caana alle hawnaxariiste Xoogsade, labada midna may iman labadan Professor.

Share this post


Link to post
Share on other sites

waxaa kale oo markasta calool xumo igu haya aniga in wixii laysku oranjiray Somaaliweyn ay dib u soo noqoto oo mardanbe la arko tasoo hadda aan muuqan.

Disappointed eh ??? ,,,, :D

 

We've been telling him ,,, not it is good he understands.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol...JB iska sug dhawr bilood Insha Allaah isagoo is burinaya oo hadal kan ka duwan oranaya adigaa arki doona!

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^ He has not changed his views, he's admitting some sort of defeat. Anyways, I do respect his (and the likes of Gen. Jamac Yare) Somaliweyn views. In my opinion, they are at least sincere and not political opportunists who only pay lip service.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ I respectfully disagree. Jama Yare and the Samater brothers anti-Somaliland positions are based on personal issues they've had with the elites of Somaliland political leadership, not on any deep philosophical attachment to the Somaliweyn concept.

 

To further add, the Samater brothers are further opposed to the Somaliland project due to their financial ties to certain projects in the Somaliweyn arena.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

I like to give people the benefit of the doubt. smile.gif At least they don't jump on the first gravy train available like the Buubas and Galaydhs of this world, only to change tunes when pushed off.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by AYOUB:

I like to give people the benefit of the doubt.
smile.gif
At least they don't jump on the first gravy train available like the Buubas and Galaydhs of this world, only to change tunes when pushed off.

Good point. In regards, to the latter individuals, one of the weaknesses within the Somaliland society, like all other Somali societies everywhere is the ability for seditious individuals to hide behind their respective clans. For example, both Galaydh and Buuba hold significant stakes in Somaliland-based businesses yet work tirelessly to undermine Somaliland as a state.

 

While, under current circumstances, the government worries that the shuttering of those businesses might lead to clan-resentment and even outbreaks of neighborhood riots, an effective public information campaign preparing the public for economic sanctions against 'enemies of the state' would lessen the chances of this occurring.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Way dhaqaaday iyo caadifada reer Hargaisa marka lagatago, every one including col. Riyaale knows the current so called Somaliland project will never work and it's a failture !, laakin what samatar and every one else including myself recognizes waa nabada iyo deganaanshaha laga hidhgaliyey degaanada somali waqooyi!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

haa i was reading it yesterday

wa runti Way adkanaysa inay somaliland iyo somalia mar labaaad midoobaan

Maamul ka ahaan mise shacab ka ahaan? Ma dhaqaalo ahaan mise military ahaan? Juquraafi ka ahaan?

 

Anu saan u arko dadku waa mid.

 

Afarta yuub yuuban hadday meeja ka tagaan dadku danbay u midoobi.

 

 

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

wana wax aan waligeed dib u dhacayn.

War ka noqo ,,, tuf adeer ,,, midnimo aday dan kuugu jiri kartaa mustaqbalka dhaw/fog.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dajiye aniga ha i sheegin waxan ii fiican anigu wa ogahay waxa i fiican tiisa daryeela aya tu kala ku dara tada meel ku sheeg. umadada mide oo shacabka mide oo dawlad u same oo nabad u same oo wax u dhig oo dalkaga dhiso.

Shacabka somaliland dalkoodii way la so noqdeen gobonimadoodii ay iskaga ciyaaren 1960 isu tagaas ba qalad ah

Dhaqaalo ahaan wanu isku filanahay dal ahaan wanu isku filanahay dad ahaan wanu isku filanahay ma fahantay sxb

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Gooni istaag haddii isku filnaansho lagu gaari Jabuuti ayaa Jaamacado dhisan lahayd intay ardaydooda Meqelle u dirayaan. Isla shalay waxaa barlamaanka shan ka orod u qudbadeenayey kii wakhtigii la ogaa loo tuuray madawga.

 

 

Marka mirqaan dhurwaaga marka laga yimaado, waxaad midnimo ku heli waydo gooni goosad ku heli maysid.

 

Taariikhda ayaa markhaati ka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Djibouti dhaqaalo is better then ever ninkan ismacil cumar gele dalkisa wa dhisay

 

Djibouti Gdp is 1.880 billion usd ciyaaar mood sxb ma waxad rabta inad Djibouti ardaydoooda inad xammar ku qarxisid sided caruurtii xammar aad uu qarxiisay war meesha sheeko kuma haysiid sxb,

 

Somaliland wa dall macdan leh Dad wax ku ool ah leh oo wax soo saarii kara habka loo mamuulo na yaqaana , Adigu tada meel ku sheeg sxb.

Somaliland jiritaankeedu wa muqadis Gooni isutaagedu na mid gorgortan gali karta maha sxb marka wax kale ku mashquul.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Dadkan aad ii faniinin , ama aad isleedahay cirka gee waxaan soo wada dhiganay dugsigii Jigjiga ilamaa Jamacdaha Atoobiya. Kuwo badan oo hadda madax xafiisyo ka ah Hargaysa oo Meqelle ka soo qaatay Diplom cirtificate ayaan shaqsi shaqsi kuugu sheegi karaa. Maamulkan aad ii sheegi waxaa maalin walba simminar loogu qabtaa hudheelo ku yaala JJ( ama DD).

 

Runta hadii loo dhabo galo xamar oo nabadda iyo Meqelle, shacabku waxay dooran xamar.

 

Adu intaad muqadas leedahay yuuna waagu kugu baryin uun.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this