Sign in to follow this  
Qudhac

Who is Hassan Turki.. a mahdi that was born 2006?

Recommended Posts

Qudhac   

Sh. Xassan Al-tukri wuxuu ahaa qaxoondigii uu Siyad Bare soodajiyey Magaalooyinka Somaliland si ay u badelaan dadka ku nool Somaliland. Qaxoontiga markii uu soo dajinayey Siyad Bare Somaliland wax uu rabay in ay noqdaan khaasatan ragu askar uu kula dagaalamo dadka degin Somaliland.

 

Sida lawada ogyahay qaxoontigii waxay noqdaan askar sida Sh. Xassan Al-turki waxayna bilaabeen in ay laayaan dadkii deegaan ahaa oo ay xasuuq xun ay u geeysteen. Qaxoontiga markii laga keenayey dhulkooda waxa lagu yidhi dhul baan idiin haynaa aan ka tirtirayno dadkii deganaa. Qaxoontiga waxay u soo ogalaadeen in ay yimaadaan Somaliland waxa lagu yidhi Somaliland ayaanu idin siineeynaa ee laaya dadka iminka ku dhaqan. Waxa lagu yidhi nin walba guri ayaa la siinayaa marka dadkaa waxna la laayo waxna qaxaan.

 

 

Shiikh Hassan Al-turki oo ku laayey dadbadan Harta-shiikh sanadku markuu ahaa 1989.Dadkanu waxay ahayeen dadkii ka qaxay dagaalkii dhexmaray Ururkii SNM iyo Ciidamadii keligii taliyihii Siyad Bare. Dadkan oo u badnaa Caruur, Dumar iyo dad aad u waaweyn.

 

Nasiibdaro markii kutadii uu watay ninka hada isgu sheegay Shiikha ee layidhaahdo Hassan Al-turki ay soo galeen Harashiikh waxay bilaabeen in ayna ukala aaba yeelin dadkii ee markiiba dadkii magaalada joogay in teey qabqabteen ayey laayaan.

 

 

Shiikh Xassan Al-turki oo xidhxidhay culamadii Cadaadlay 1984

 

1984 Shiikh xassan Al-turki wuxuu xidhxidhay wadaadadii reer Cadaadlay markii ay is yidhaahdeen dhiga mawlatanibigii sidii ay caadiga u ahayn jirtay ee sanadwalba u dhigijireen. Waxa hadaba nasiibdaro ah waxa laga naxana ah ninka waxaas oo dhan sameeyey ee maanta iska dhigaya nin wadaad ah oo u naxaya umada. Sidee buu ninkii mushaakilka dhigay uu u odhankaraa waxaan ahay xalkii mushkaladaan dhigay. Tan macnaheedu waxa weeye riwaayad baan jilayaa uu madana wuxuu u haystaa dad aan waxba fahmayn oo kolba sidii laga doono loola dhaqmo.

 

Hadaba waxa jirta oo soo ifbaxday in askartii ka hadhay Siyaad Bare ay soo gashadaan shaadh kale si ay u indhasarcaan umada.

 

Shaadhka ay gashanayaan oo ah iyaga oo iska dhigaya wadaado uu ku soogabanaya diinta Islaamka. Tan macnaheedu waxa weeye riwaayad ayey jilayaan waxay ******* wax kakiyah ee xukunkii kula soo noqonkaraan waa iyaga oo wadaado iska dhiga oo umada khalda.

 

 

Laakiin sh. Xassan waxa uu ilaawayaa kuwii markii hore kuu cararsiiyey sidii Cabdi Bele ayaa jooga Somaliland oo waliba siinaaxay. Waxaan filayaa in aad u baahantahay in aad soo noqotid si laguugu xidho Jeelka Hargeysa. Al-tukri, tan macneedu waxa weeye hadaad soo fara geliso Somaliland in aan kumarin waajibkaaga oo kugu soo hidhi doono jeelka Hargeysa si maxakabad sharci ah laguula beeksado. Adiga iyo Moorganba iyo kuwa kale ee farabadan ee laayey dadkii shicibka ahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

hadhwanaag 2006-10-13 (Hadhwanaagnews) NINkan la Magac baxay Shiikh Xasan al Turki wuxuu ka mid ahaa Dadkii ka qeyb qaatay Xasuuqii ka dhacay Gobolada Waqooyika Gaar- ahaan Nawaaxika Magaalada Hargeysa . Ninkaas Anigu aqoon weyn baan uu leeyahay In kasto aan la kulamay sedex jeer ( Face to Face ) 1985 -1987 . Mudo badan ayaan raadinayey Ninkaas Xasan Turki meel uu Jaan iyo Cidhib Dhigay . Laakiin isma qariyo Dhagar Qabe Dhulka ayaa uu dhaqdhaqaaqa meel kasta uu Tago . Nasiib Daro (Last week) ayaan Maqalay in uu Nool-yahay uu Joogo Degmada Afmadow ee Gobolka Kismaayo uu ku biiray MMaxkamadaha islaamka ee beeluhu dhisteen Koonfur Somali .Xasan Turki haddii uu ka fakaday Baaruudii SNM Nasiib buu leeyahay //Xasan Wuxuu ku Jiraa Liiska Dadkii si badheedh ah uga qeyb qaatay Xasuuqii loo qeystay gaan ahaan Qabiilka Reer Shiikh ***** waana Gacan ku dhiigle XASAN TURKI . wuxuu ka mid ahaa Madaxdii ******TA ee Guryaha kala soo baxay dadkii deganaa Xaafada uu dhow Dugsiga Sare ee faarax Oomaan ee Magaalada HArgeysa 1988 Bishii July …Markii ay Ciidamada SNM Dagaalka kula Jirtay Taliskii Hororka ahaa ee Siyaad bare ..Dadkaas Xafadaas lagu Xusuuqay waxay ahayeen Shicib ,Tijaar , Culimo , Ardey ,iyo Dumar iyo Caruur aan ka Xasuusto Shiikh Ali Ciid iyo SEDEXLE , iyo Axmed JANAN ,Scaciid Ahmed ,Cabdi AXmed iyo Odayaal kale Ilaahay JNDHW dhamaantood > Maalintaas ciidankaas dadka xasuuqay waxay ka soo Gurmadeen Xarunta Dabar Goonta Qabiilada Reer SH ***** Bino Ahmed oo loga uruuriyey (Gurika Martida ) AMA (Rest House) iyo Xerada Hangashta ee Dhakhtaga ka horjeeday Beelaha ****** Bari iyo Faaqa Hodheelka Maaweel dabdadiisa oo Oromada la siiyey +Tigreey , iyo dhafoor Qiiq Hadhaakii Jabhada SSDF oo Xerada Duubcasta ee Malko Durduro loo qoondeeyey , iyo Xerada Barjueex ee Beelaha Sikhaal iyo Geri ka duulayeen iyo Saldhiga policeka ee ay Fadhiyeen Beelaha Muse Dheriyo ee Magaalada Hargeysa uu Xasan turki ka tirsanaa Ciidankii ka Soo Gurmaday Gurika Martida ee Xarun uu ahaa Beelaha ******** iyo AbsGuul Si aad uu Fahantaan Dagaal gelinta Xarumihii Hargeysa Sabababii Jebiyey Taliskii Siyaad ee Qabiilka laga dhigay

 

 

NINKAN hadda Shiikh sheegtay Xasan Turki wuuxuu ahaan jiray abaanduulayaashii loo magcaabay Ciidamadii beelaha ee laga soo Uruuriyey Ciidamada iyo xeryaha qaxootiyada ee hawl geli jiray Arrimahaas Dabar Goonta GObolada Waqooyika // waxaan Cadeynayaa oo MAkhraati ka ahay maalintaas xaafada uu dhow Dugsika sare ee faarax Omaan ee lagu xasuuqay Dadkaas in uu ka mid ahaa Aabaan -duulahaasi XASAN TURKI .Maalintaas Anigu waxaan Joogay Gurikii Shiikhii Falalowka ahaa ee sh (Bilise ) oo aheyd Xafadii ugu horeeysay ay Xoreeyeen Geesiyadii SNM , Gurikaasi Shiikh BILISE waxaanu ka baadheyney Waraaqo iyo Sir Culus ee Beelaha Oromada ee la Hubeeyey . aniga iyo 4 Nin oo isu xilsaaray Arrintaas yaan Taariikhu ila taraarine // 2-3 PM Waxan Maqalaney Baroor iyo Sawaxan 500 ilaa -600 oo qof ee ka soo barakacay Xaafadaas uu Dhow DUGSIGA Sare ee FAARAX OOMAAN Waxay noo sheegeen in ay Odayaashii Xaafadaas Deganaa la Xasuuqay Dabadeed Waxay noo sheegeen Dadkii in uu ku Jiray Magacan Xasan Turki iyo 5 kale oo abaadulayaasha aan magacyadooda aanay halkan ku cadeyneyn..

Anigu waxan ku noolaa Magaalada Hargeysa 1979-1989 waxana ku dhashay Magaalada Ceerigaabo (Erigavo ) si aad uu fahantaan Makhraatigan //Maalintaas uu xasuuqay dadkaas Xasan Turki iyo Nimankii la socoday ee hogaaminayey Ciidankaas ee ka qeyb qaatay Xasuuqaas waxay dhamaayeen dadka ku dhintay 23 qof ee Guryaha la kala baxay .. Aanay ku Jirin Inta Madaafiicda Haleeshay oo lagu qiyaasay 370 qof xaafadaasi waa 2 km Sqaure Bal qiyaas Baacaxada Magaalada Hageysa inta ku Dhimatay iyo Gobolada … Xaafadaas uu dhow Dugsika Faarax Oomaan oo la dhigay Meedkoodii dadkii la xasuuqay Doga Biriijka Liiqliqato ee uu dhow Hudheelka Hargeysa club waan Xasuusta oo qabilbikeyka ayey ku qoran tahay Xaafad kasta ee Magaalada Hargeysa Dadkii lagu Xasuuqay 1985 -1989 iyo Taliyayaashii ka qeyb qaatayba waan Aqaan Meesha ay kala aargoosanayo

 

2//// QACAN KU DHIIGLE XASAN TURKI waxaan uu soo joogay OO makhraati ka ahay

Waxaan shaqo uu doontay 1986 Xerada Ganad oo ahayd Taliska guud ee Qaxootiyada , waxa loo baahday

Laba Nin oo Farsamo Yaqaan ah Xagga Korontada ( Shuuruudaha lagu Xiday shaqadaas waxa ka mid ahaa ilaa Dugsika Sare ,Khabriina uu leh Mashiinada Dabka Dhaliya , waa SOMALI , afka Ingriikana waxa ka yaqaan and etc . oo ay ka sheegeen Idaacada Hageysa ..Naflaxcaarikii ay shoqo uu nonay Waxa isna ii Raacay oo shaqadaas ila doontay Nin laga soo Masaafuriyey Dulka Carabta . Xeradaas GANAD oo ahyd FadhisimadII ay ka qaxeen Jabhada ONLf la magac baxday . Maalintaas ayaa iigu horeesay aan galo 1986 bishii FEB oo Askar aan Direes Sidan baa ilaalineysay Albaabka weyn ee laga galo Xerada Ganad . waxaan uu sheegney Ciidankii in aanu uu socono Gaalka Ingriiska ah ee shaqaalaha Doonaya . Nasiib wanaag waa na siidaayeen . Markii aaanu galnay Xafiiska Gaalkii Fadhiyeyn Af Ingriisi baanu kula hadalnay oo markaas cidi lama Joogin //Waraaqihii iyo Resumkii aanu sidanay Buunu Hordhignay . 10 min Later Warqad uu ku saxeexan buu noo Qoray (Hiring ) . Wuxuu Nagu Yidhi Gaalkii ula taga Xafiiska iga soo horjeeda RRC // RRC waa Xafiiska uga wakiilka ahaa Somalida UNSR iyo Hayadaha Samafalada Aduunka Africa uu gargaara Xafiisyaoodii oo dhan baa meesha jooga Xerada Ganad ay beelo iska lahaayeen gaar ah uu Gudoomiye ka ahaa Masalax ee beesha ******** .Markii aanu galnay baa waxa fadhiya Shan nin oo somaliya oo aad uu dhergay oo iska Dhigaya Khubaro wax ka yaqaan Qaxootiyada Markiiba waxan gartay Taliyaha Xasan Turki oo shaah falaash ku jira ka shibanaya ,Nin ka mid ahaa Nimankaas ayaa nagu yidhi - Ma Magaalada Hargeysa baad degan tihiin mise Xamar baad ka timaadeen ? Waa maya / waxay yidhaahdeen Shir baan leenahay wax yar Debeda Islaaga . Waxa xagkii xafiiska Gaalka Fadhiyey waqad noo la dhaaftay Gabadh OROMA AH oo Sidata Fil waraaqo ka buuxaan Wax yar ka bacdi baa hadana waxa lalooga yeedhay Xafiiskii Gaalka .Gaalkii oo indhaha hoos uu rogaya baa nagu yidhi .. Iam Sorry waa laydin diiday . anigu waan idin siiyey Shaqadii . laakiin haddad dood ka qabtaan soo dacwooda wuxuuna na siiyey Koobikii ay soo Qoreen Nimankii Xafiiska Fadhiyey Marka la soo koobo waqadaasi waxay qoreyd Sidan

MArkii AANU BAADHNAY .MA ISTAAHILAAN SHAQADAN SABAABTOO AH

WAA QABIILKA REER SHIIKH ***** .WAXAN KA BAQEYNAA IN AY AFDUUBAAN BAABUURTA

QAXOOTIYADA ISLA MARKAANA ULA BAXSADAAN CIIDAMADA JABHADA SNM

 

 

Aaniga iyo Saxiibkay Amagaagaas nagu dhacay ,waxaa noogu sii dareyd meel aanu ka baxo ma jirto abaabkii aanu ka soo galney waa la xidhay oo ciidan tuute sita ay hor fadhiistay . Naag meel shaah ku karineysa baanu uu tagnay waxanu weydiinay xagee laga baxaa ? intay nin meel maraya Xerada Garad gudaheeda uu yeedhay bay ku tidhi . nimankan xerada dhexdeedii bay ku lumen ee tus geedhka . Xeradaas Ganad waxa ku jiray 2000 oo Ciidan Beelad ah isla markaasna Qaxootiga ah ..maalmahaas waxa la afduubay gaadhi ay leeyihiin UNCR .ninkiina askar ayuu noogu yeedhay guri ku jiratay oo jeelka station police magaalada hargeysa ayaa nala geeyey Taxaabay nimankayakii shaqada doontay ISHAA ALLA SHEEGADAN mar Danbe ayaan idiin soo Tibinayaa .

 

MAARKII UGU DHAANBEEYSAY WAJIKII XASAN Turti

1987 ayaa iigu Danbeesay WAJIKIISA Gacan ku dhiigle Xasan ee Sheeganaya SHIIKHA Xasan Turi Iska oo Fadhiya Hodheelka Hargeysa Club waxa la fadhiyey Maamulihii Hudheelka Hargeysa Club Shiikh Xuseen ee Beesha ******** .Waqtikaas Xasan turki Wuu Saqraansanaa wuxuuna Labisnaa Direeyska Tuutaha ee Ciidamada Shiikh Xuseen Quraar Dheer oo Qamriya ayaa hor tiil

Waxaan uga digayaa Culimada Somaliland in aanay Gacan Siiniin Munaafiqiinta Jeelka Hargeysa iyo Gobolada ku xidhan Ee Diinta ku soo gabanaya Sida ninkan Cajelada laga been abuuray oo Istaahila Dil wuxuuna ka mid ahaa Xulafadaas diidan Nabada iyo Wanaaga Somaliland …wuxuna ka mid ahaa waa la qaranaya

 

SOMALILAND HA NOOLAATYO KII KA SOO HORJEEDANA ISga ayaa Cirka roob ku Og

 

La Socoda Sheegada intii aan Ogaa Gacan ku dhiig laha Xasan Turki oo magaca inoo soo bedelay

 

Qore CAWAD DOOYO TORONTO CANADA ONT

gucure@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this